Islaamka siyaasiga ah iyo dhagarta taariikhda!

Oraahda “dhagarta taariikhda / the cunning of history” waxaa loo tiiriyaa feylasuufkii Jarmalka ahaa ee G. W. Hegel (1770-1831), waxaana la rumaysan yahay in oraahdaani ay qayb weyn ka tahay falsafadda Hegel, oo ah midda beddeshay fahanka dad badani ay ka haystaan taariikhda. Sida muuqatana oraahdu waa sarbeeb taariikhda u sawiraysa sidii in ay tahay ruux fekeraya oo wax kala dabbaraya, ciddii ay doontana dhagraysa. Waxaana habboon in sarbeebtaan -sida hadallada sarbeebta ah oo dhan- aan si xarfi ama toos ah aan loo qaadan, balse loo fahmo in ay tahay duurxul tilmaamaya in dadku aysan awoodin in ay si buuxda u fahmaan dhammaan waxyaabaha dhaqaajiya isu-imaadka bulshada, ayna la mid yihiin qof ku mashquulay mowjadaha badda guudkeeda ka dhacaya isaga oo aan waxba iska weydiin waxa badda gunteeda ka socda.
Sida caqliga aadanuhu uusan shaqada uga fariisan oo kale ayaan taariikhduna socodka u joojin. Laakiin caqliga aadanaha iyo maaddada kee baa taariikhda sameeya???

Labo dugsi oo ka mid ah dugsiyada waaweyn ee falsafadda waxaa kala hoggaamiya Georg Hegel iyo Karl Marx oo isu ahaa macallin iyo ardaygiis. Labadaan nin midba taariikhda il u gaar ah ayuu ku eegay. Hegel wuxuu qabay in caqligu yahay kan saameeya maaddada iyo taariikhda, laakiin si taa ka duwan Karl Marx wuxuu rumaysnaa in maaddadu tahay midda xukunta fekerka iyo taariikhda.

Karl Marx oo mararka qaarkood lagu tilmaamo in uu yahay kan u firfircoon ardaydii Hegel, wuxuu sheegtay in uu falsafaddii Hegel lugaha ku istaajiyey, wuxuuna ku dooday in maaddadu asal u tahay taariikhda, taariikhduna ay ka curato loollanka dhaqan-dhaqaale ee u dhexeeya dabaqadaha kala duwan ee bulshada. Sidaa awgeedna, falsafadda Marx waxaa loo bixiyey “falsafadda maaddiga ah/ dialectical materialism”.

In doodda Hegel ay ka dhaadhici weydo ardaygiisii Karl Marx, waxaa ugu wacnaa khibraddii Marx uu carruurnimadiisii kala kulmay nolosha dhabta ah. Karl Marx wuxuu ku dhashay dalka Jarmalka, waxaana dhalay qoys Yahuud ahaa oo aabbuhu ganacsade ahaa, laakiin isaga oo weli carruur ah ayaa reerkoodii waxay u guureen magaalo kale, magaalada cusub ee ay u guureenna bulshada ku nooli waxay u badnaayeen dad ka tirsan mad-habta masiixiga ah ee lagu magacaabo Luteriga (= Lutheran Church). Karl Marx aabbihina wuxuu ku biiray mad-habtaan, sababta ku bixisay in uu sidaa yeelana waxaa lagu macneeyey in ay ahayd dano dhaqaale iyo isaga oo damac ka qabay in arrinkaasi uu gacan ka geysan karo in ganacsigu u bullaalo. Hayeeshee, falkaasi saamayn culus buu Karl Marx ku reebay, wuxuuna si weyn isaga dhaadhiciyey in dhaqaaluhu yahay kan xukuma fekerka iyo tasarufaadka dadka. Sidaa darteedna, wuxuu hoosta ka xarriiqay in maaddadu tahay midda samaysa fikirka iyo taariikhda.

Dhanka kale, Hegel wuxuu rumaysnaa in nuxurka iyo qiimaha dhabta ah ee dadku ay ku jirto fikirkooda, taariikhduna ay ka dhalato isburinta afkaarta kala geddisan. Sidaa awgeedna falsafadda Hegel waxaa loogu yeeraa magaca “Dialectical Idealism”. Hegel wuxuu ku dooday in dadku aysan taariikha samayn balse taariikhdu ay iskeed isu samayso. Wuxuuna rumaysnaa in taariikhdu ay ka madax-bannaan tahay shakhsiyaadka, aysanna ka abuurmin dhacdooyin goosgoos ah, laakiin ay ka dhalato maan-wadareedka guud ee bulshada, oo caadi ahaan ah mid qarsoon oo aan si sahlan lagu garan karin. Sidaa awgeedna, taariikhdu waa dhagartaa kuwa inta socodkeeda sida xun u akhriya isku daya in ay hor-istaagaan.

Taa macnaheedu ma aha in Hegel leeyahay in taariikhdu aysan macne lahayn, oo aysan jirin yool ay higsanayso. Hegel wuxuu qabaa fikrad oranaysa: dhib kasta oo jira, dagaallo kasta oo dhaca iyo si kasta oo loo burburo, taariikhdu horay bay u soconaysaa. Dhakhtarku si uu u daaweeyo boogta malaxaysatay, waa in uu marka hore malaxda dillaaciyaa, oo qurunka ka daadiyaa, markaa ka dibna nadiifiyaa si ay u bogsooto. Si taa la mid ah bulshadu si ay u caafimaaddo, noloshana si saxa ugu fahanto, waa in ay marka hore afkaarta quruntay ee haraadiga ah iska sifaysaa. Waayo? Iyada oo aan is-qarasfaalin, oo iska xoorin fikradaha haraadiga ah caafimaad iyo horumar ma higsan karto. Tusaale ahaan, dagaallada sokeeye ee Soomaaliya ka taagnaa muddada soddonka sano ka badan, dhib iyo xanuun kasta oo ay leeyihiin, haddana waxay ka qayb-qaadanayaan in bulshadu ku baraarugto xumaha qabyaaladda iyo firqooyinka diiniga ahi ay wadajirka bulshada iyo dowladnimada ku leeyihiin. Si taa la mid ah, Carabta iyo Muslimiintu kuma aysan baraarugeen liidashada manaahijtooda waxbarashada iyo nacaybka ka buuxa wacdiga laga jeediyo masaajidda haddii aysan dhici lahayn qaraxyadii 11kii Sibteembar 2001, aysanna soo bixi lahayn dhaqdhaqaaqyada ay ka midka yihiin; Qaacido, Daalibaan, Shabaab, Daacish, Boko-Haram iyo qaar kale oo badan.

Taariikhdu waxay leedahay hadaf ay tiigsanayso oo ah in aadamiga oo idil ay adduunka ku helaan xorriyad iyo liibaan. Halkaasina waxay ka mid tahay meelaha aragtida falsafadda casriga ahi ay kaga duwan tahay fikirka diimaha Samaawiga ama Saamiga ah.
Fikirka diiniga ah ee horay uga jirey Masiixiyadda, welina ka jira Islaamku wuxuu qabaa in horumarku uusan ku jirin in horay loo socdo, balse uu ku jiro in gadaal loo noqdo. Waxay la tahay in horumarku ku jiro in loo noqdo xilligii nebiga iyo facyaashii suubbanaa (السلف الصالح), oo ah seben barakaysan oo xilliyada intooda kale ka sarreeya. Bilmatal, wadaaddadu dharaar kasta muslimiinta waxay ku wacdiyaan xadiis ay nebiga u tiiriyaan oo oranaya: “Quruunta waxaa u kheyr badan qarnigayga, dabadeedna kuwa ku xiga, dabadeedna kuwa ku sii xiga/خير القرون قرني ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم”. Hadalkaas oo farriinta uu gudbinayaa ay tahay in horumarku uusan macne lahayn, waayo? Wuxuu naga fogaynayaa sebenkii facyaashii suubbanaa ee iyagu ahaa kuwa ugu wanaagsan, loona baahan yahay in aan wax walba uga dayanno.
Falaasifada reer Galbeedka iyo wadaaddadii dib-u-sixidda ku sameeyey fikirka diiniga ah ee Masiixigu waxay ku guuleysteen in fikirka diiniga ah samada laga soo dejiyo oo dhulka la keeno, lagana dhigo mid horay eegaya halkii uu ka ahaa mid gadaal eegaya. Sidaa darteedna noloshii adduunyada ee horay loogu sawiray in aysan qiimo lahayn, waxay ka noqotay mid ahmiyad weyn ku fadhida. Jannadii cirka laga sugi jireyna waxay noqotay mid dhulka laga samayn karo. Khasabna ma aha in ay is-diidaan jannada hore ee dhulka iyo midda danbe ee aakhiro. Magaalada wanaagsani (=The virtuous city/المدينة الفاضلة) had iyo goor waxay ahayd riyo ay wadaagaan falaasifadu laga bilaabo Aflaadoon (Plato), tan iyo maantana taagan. Si la isu waafajiyo jannada adduunka iyo midda aakhirana waxaa lamahuraan ah in la kala garto diinta iyo sida dadku diinta u fasiraan, maxaa yeelay dadku diin waa u baahan yihiin, laakiin kuma ay khasbana in ay qaataan fasiraadda haraadiga ah ee marar badan diinta la siiyo. Waxaana habboon in la ogsoonaado in diinta iyo fasiraadda dadku diinta siiyaan ay yihiin labo shey oo kala duwan oo aan shaqo isku lahayn.
Hegel waxay isku xilli noolaayeen hoggaamiyihii Napoleon Bonaparte (1769-1821), eraybixinta “dhagarta taariikhdana” wuxuu bixiyey ka dib markii Napoleon uu ku duuley Yurub si uu u qabsado, ugana dhabeeyo riyadiisii ahayd in uu dhiso Imbiraadooriyad weyn oo Faransiis ah. Hayeeshee, ma dhaboobin riyadii ahayd in la dhiso imbiraadooriyad Faransiis ahi, laakiin taa baddelkeedka waxaa la helay Yurub baraarugtey oo horumar samaynaysa. Taana waxaa ugu wacnaa saamayntii fikirkii siyaasiga iyo qaanuunkii madaniga -(=qaanuunkii Napoleon ee 1804)- ee Faransiisku ay Yurub ku yeesheen. Waxaana caddaatay in marka taariikhda korka laga eego uu Napoleon ku guuldarraystay in uu Yurub ciidan ku mideeyo, uuna u muuqday gumeyste dhulballaarsi doonaya, laakiin si taa ka duwan kolka la eego gunta hoose ee taariikhda waxaa soo baxaysa in Yurub si weyn uga dheregtay afkaartii kacaankii Faransiiska ee ku baaqayey xorriyad, sinnaan iyo walaalnimo. Napoleon-na waxaa ku rumoobaysa tilmaantii uu ka bixiyey Octave Aubrey (1881-1946) ee ahayd in uu ahaa: “Baahi timid xilli taariikhi ah oo loo baahnaa … waana isaga kan dhoobada ka tirtiray wajiga Faransiiska iyo Yurub. Dadweynahana u furay albaabada casriga cusub.”

Dhacdadaas Hegel wuxuu kala baxay in sixirku saaxirka ku noqdo, taariikhduna dadka dhagarto. Waayo? Waa kaas Napolen-kii damacsanaa in uu Yurub qabsado, sababta u noqday in Yurub baraarugto oo horumar iyo ilbaxnimo samayso.

Dhacdooyinka faraha badan ee dhagarta taariikhda tusaalaha u noqon kara waxaa ka mid ah in xisbiga Shuuciga ee dalka Shiinuhu uu yahay kan maanta dalkaas ku faafiya nidaamka hantigoosiga, kaddib muddo dheer oo xisbigaasi hormuud ka ahaa faafinta nidaamka hantiwadaagga. Si taa la mid ah, waxaa la rumaysan yahay in dalka Iiraan muddadii wadaaddadu xukumeen ee afkaarta diiniga ah iyo xijaabka la isku khasbayay ay sare u kacday heerka waxbarashada gabdhuhu, isla markaana dhanka kale uu kordhay heerka ilxaadka iyo diin nacaybka dalkaas ka jira.

sheekooyinka quraanka lagu xusay ee dhagarta taariikhda tusinayana waxaa ka mid ah sheekada nebi Yuusuf  (CS) iyo walaalihiis dhexmartay, oo ka warramaysa sidii ay ceelka ugu dalaqsiiyeen iyo sidii waayuhu iyaga oo baahan isaga oo boqor ah u soo hor istaajiyeen. Waxaa kaloo ka mid ah sheekada ka warramaysa sidii nebi Muuse (CS) hooyadiis ay badda ugu tuurtay iyo sida Alle ugu koriyey qasrigii madaxtooyada ee Fircoon.

Yeelkadeede, dhagarta taariikhda ee waayadaan danbe la saadaalinayaa waa midda taariikhdu la maaggan tahay ururrada islaamka siyaasiga ah. Dhammaan ururrada Islaamka siyaasiga ahi- Salafi, Ikhwaani iyo ubadkooda Qaacido, Daacish iyo Alshabaab- waxay ka siman yihiin in mas’alada xukunka loo sawiro sidii in ay caqiido tahay, waxayna ku andacoodaan in aysan jirin cid aan Alle ka ahayn oo xaq u leh in ay wax xukunto.  Ururradaani waxay adeegsadaan halkudhegyo ay ka mid yihiin kuwa oranaya “Xukunka Alle oo keliya baa iska leh/لا حكم إلا لله” iyo “Beecada Allaa iska leh/البيعة لله”.

Halkudhegyadaan markii ugu horraysey waxaa adeegsaday raggii ka biyo diidey isku-daygii lagu dhexdhexaadinayey ciidamadii kala taageersanaa Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiye Bin Abii Sufyaan. Waana isla halkudhegyada uu ku caanbaxay dhaqdhaqaaqii Khawaarijtu, oo caadi ahaan dadka taariikhda Muslimiinta wax ka yaqaan marka ay maqlaan halkudhegyadaan durba waxay xusuustaan dhaqdhaqaaqaan. Khatarta ay halkudhegyadaani xanbaarsan yihiin waxaa ugu weyn in Khawaarijtii markii ugu horraysay adeegsaday iyo kuwa maanta adeegsadaaba ay isu haystaan in keligood ay diinta xaqa ah fahansan yihiin, iyaga keligoodna ay xaq u leeyihiin in ay diinta fasiraan, muslimiinta oo idilna ay ku khasban yihiin in ay iyaga diinta ka qaataan. Taa awgeedna, dowladda ay iyagu raalliga ka yihiin oo qur ahi ay noqonayso dowlad islaam ah, middii aysan u boginna ay tahay dowlad riddo iyo gaalnimo ku jirta xataa haddii dadweynuhu doorasho xor iyo xalaal ah ay ku doorteen.

Ururrada islaamka siyaasiga ahi meel kasta oo ay joogaan waxay iska dhaadhiciyeen in haddii ururrada diiniga ah qarkood ay ku guulaystaan in ay gacanta ku dhigaan talada waddamada muslimka ah qaarkood, ay taasi tusaale fiican u noqonayso wanaagga ku dhaqanka shareecada islaamka, bulshooyinka Islaamka ah oo idilna ay si fudud ugu qancayaan halkudhegga ku baaqaya in xalku shareecada ku jiro (الاسلام هو الحل) ee ururradaasi ay muddada qarniga ah ku baaqayeen. Sidaa darteedna, markii ururrada islaamka siyaasiga qaarkood ay ku fariisteen kuraasta laga xukumo waddamada islaamka qaarkood sida Masar iyo Tuunis, dad badan ayaa waxay u qaateen in arrinkaasi uu ifafaale wanaagsan u yahay xoogaysiga iyo isballaarinta ururradaas, dhawaanna ururadaasi ay talada waddamada islaamka oo dhan isku fidin doonaan.

Hase ahaatee, si taa liddi ku ah, dadka taariikhda u kuurgalaa waxay ku talinayaan in aan dhagarta taariikhda lagu kadsoomin, oo aan “bararka baruur loo qaadan”. Dadkaasi guulaha islaamiyiintu gaareen waxay u arkaan in ay astaan u yihiin bilowga burburka ururradaas iyo in guulaha islaamiyiintu ay xoojinayaan in dadweynuhu ku baraarugaan faa’iidada ku jirta kala fogeynta diinta iyo siyaasadda.
Ururradaani marxaladda ay mucaaradka yihiin waxay dadweynaha ku xodxotaan ama ku beer jileecsadaan in ay hayaan xalka dhammaan dhibaatooyinka kala duwan ee muslimiinta haysta, waxayna si fudud ugu dheeraystaan halkudheggooda caanka ah ee “Xalku islaamka ayuu ku jiraa”. Sida caadiga ahna, marxaladda mucaaradnimada dadweynuhu wadaaddada ma weydiiyaan wax dhaafsan halkudhegyada iyo khudbadaha wacdiga ah ee af-maalnimadu ku dheehan tahay, kamana codsadaan in ay soo hordhigaan qorshayaal cad oo ka tarjumaya waxa ay doonayaan in ay qabtaan iyo sida ay doonayaan in ay u qabtaan. Laakiin, kolka ururrada Islaamka siyaasiga ahi  ay xukunka qabtaan, xaqiiqada dhulka ka jirtana ay si dhab ah u wajahaan, labo xaaladood midkood un bay ku danbaynayaan;

Kow: In ay ku adkaystaan dhaqan-gelinta wacdigii ay dadweynaha ku kicin jireen marxaladdii ay mucaaradka ahaayeen. Arrinkaasina wuxuu keenayaa in ay caddaato in aysan suurogal ahayn in laga dhabeeyo hirgelinta wacdiga masaajidda laga akhriyo. Taasoo horseedaysa in ururradaasi ay fashilmaan, ayna dhumiyaan kalsoonida dadweynaha.

Labo: In ururradaani u dhaqmaan si la mid ah sida ay u dhaqmaan xisbiyada masiixiga ah ee ka jira waddamada reer Galbeedka qaarkood. Ururradaani inkasta oo ay sitaan magaca “masiixi”, haddana xaqiiqadii waa xisbiyo calmaani ah oo aan diin shaqo ku lahayn. Ifafaalayayaasha hordhaca ah ee muujinaya in arrinku sidaa yahayna waxaa ka mid ah ururrada islaamiga ah ee ka qayb-galay siyaasadda waddamada Turkiga, Tuunis, Marooko iyo waddamo kale.

Tusaale ahaan, waxaa si weyn la isugu raacsan yahay in ururrada islaamka siyaasiga ah  ee dunida Islaamka ka jira uu ugu naajixsan yahay xisbiga caddaaladda iyo horumarka ee uu hoggaamiyo Mudane Rajab Dayib Erdogan. Sida la ogyahayna Erdogan iyo xisbigiisu asal ahaan waxay ahaayeen laan ka tirsan ururuka Ikhwaanu Muslimiinka, waxayna ku baaqi jireen in ay doonayaan in la helo dowlad Islaam ah oo diin wax ku xukunta, hayeeshee markii dambe waxay ku qanceen in sida qura ee ay waddanka ku maamuli karaani ay tahay iyaga oo qaata nidaamka calmaaniga ah. Erdogan wuxuu sheegtaa in uu yahay qof muslim ah oo xukuma dal calmaani ah, ururrada Islaamka siyaasiga ahna wuxuu kula taliyaa in ay iska illoobaan doodda ah in loo baahan yahay dowlad diin wax ku maamusha. Soomaalina waa tii horay u tiri: “Wax la waayey Geellow ruuxii waalan baw duda e”.
Muddada fog waa adagtahay in muslimiinta ay ka gadanto sheeko-xariirta islaamiyiintu allifeen ee sheegaysa in ay hayaan Islaam aan horay muslimiintu  ugu dhaqmi jirin, oo hirgelintiisa ay muslimiintu ku liibaanayaan, dib-u-dhaca dhaqan-dhaqaale ee haystana ay uga baxayaan.
Si ka duwan sida wadaaddadu jecel yihiin in ay ku doodaan oo ah in calmaaniyadu diinta ka takhalusto, in badan oo ka mid ah aqoonyahannada cilmiga bulshadu waxay qabaan in calmaaniyadu aysan diinta ka takhalusin balse ay diinta ku celiso meesheeda ku habboon, oo ay ulajeedaan in diintu aysan noqon nolosha oo dhan, laakiin ay noqoto laan ka mid ah laamaha nolosha. Nolosha oo dhan oo diin laga dhigaa, waxa ay horseedda in dad badan diinta ku daalaan, sida maanta ka taagan dalalka ay ugu horreeyaan Iiraan iyo Sacuudigu (Faallo yar oo qodobkaan ku saabsan lingaxaan ka eeg: http://www.middle-east-online.com/?id=244321 ). Nebiguna (SCW) waa isaga xadiiska caanka ah ku yiri: “Diintu waa fudayd, ruuxii isku shiddeeyana way ka qaalib noqotaa/ إن الدين يسر ولن يشاد الدين أحد إلا غلبه”.

Cabdisaciid Cabdi ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code