Jahliga barakaysan .. sebenka kala guurka diinta iyo dhaqanka! (Bandhig buug)

Andre Malraux (1901-1976) oo ahaa siyaasi iyo qoraa u dhashay dalka Faransiiska ayaa waxaa laga weriyaa oraah uu saadaal uga bixiyey xaaladda qarniga 21-aad ee aan hadda ku jirno, oraahdaasi waxay leedahay: “ Qarniga 21-aad wuxuu noqonayaa qarnigii diimaha ama maba ahaanayo/ The 21st century will be religious or it will not be at all.”

In oraahdaan oo kale xilligaas la yiraahaa waxay ahayd wax la la yaabo, maxaa yeelay muddo qarni ka badan ayaa falaasifada iyo aqoonyahannada aqoonta-bulshadu waxay saadaalinayeen in dhammaan diimuhu ay xijaaban doonaan ka hor inta qarniga 20-aad uusan galban. Waxaana loo haystey in xoogaysiga aqoonta iyo casriyeyntu ay diimaha daaqadda ka tuuri doonaan. Tusaale ahaan, aqoonyahannadii sidaas rumaysnaa waxaa ka mid ah; Karl Marx, Emile Durkheim iyo Max Weber.

Hayeeshee, tan iyo hadda ifafaalayaasha muuqdaa waa kuwo taageeraya saadaashii Andre Malraux. Laga bilaabo bartamihii toddobaatanaadkii qarnigii tagay iyo wixii ka danbeeyey dunida waxaa ka socda wax loogu yeeray “aargoosiga Alle/ the revenge of God”, waxaana dib u soo laba kacleeyey saamaynta diimuhu ku leeyihiin nolosha aadamiga. Meelaha sida weyn looga dareemayo dib u soo noolaanshaha diimahana waxaa ugu horreeya waddamada reer Galbeedka iyo dunida Islaamka. Tusaale ahaan, waxaa la xaqiijiyey in sanooyinkaan danbe ay waddamada reer Galbeedka ku soo badanayaan dadka raadinaya arrimaha la xiriira ruuxaaniyaatka, taa awgeedna qaadanaya diimaha Buudiga, Konfooshiga iyo afkaarta suufiyada Islaamka sida gabayadii Jalaalu-diin Ruumi iyo kuwa la midka ah. Dhanka kale, dunida Islaamka oo idil waxaa saaqday mowjad loogu yeeray “baraarugga Islaamka”, oo ugu danbayntii uga sii gudubtay dunida kale iyada oo dhiig iyo baaruud wadata.

Aafooyinka la yaqaan ee aadamiga halakeeya waxaa ugu mudan saddexda cudur ee soo jireenka ah ee kala ah; jahliga, faqriga iyo cuddurrada. Saddexdaas cudurna jahliga ayaa ugu sii daran, jahlina waxaa ugu daran kan shaarka diimeed loo xiro, ee sidaas muqaddaska ku noqda. Maxaa yeelay jahliga caqiidada iyo diinta ka yimaadaa wuxuu degaa caqliga iyo nafsadda qofka iyo bulshada, wuxuuna ku xanbaara in ay isu qaataan in keligood ay yihiin kuwa Eebbe la hadlo, oo haysta xaqa dhabta ah ee aan loo baahnayn in cidi shaki iyo dood ka keento. Arrinkaas oo isaguna markiisa ku xanbaara caro, dulqaad la’aan iyo in la colaadiyo cid kasta oo kaa caqiido duwan, koley waalid iyo walaal ku tahay.

Siday ahaataba, oraahda “jahliga barakaysan ama muqaddaska ah” waxaa iska leh qoraaga Faransiiska ah ee Olivier Roy, oo qoray buug uu u bixiyey “Jahliga barakaysan ..sebenka kala guurka diinta iyo dhaqanka/ Holy Ignorance: When Religion And Culture Part Ways/الجهل المقدس: زمن دين بلا ثقافة”. Olivier Roy oo ku takhasusay dhaqdhaqaaqyada asal-raaca ah ee diimaha Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka, isla markaana fikirka iyo dhaqdhaqaaqyada Islaamka ka qoray buug badan oo uu ka mid yahay buugga caanka ah ee cinwaankiisu yahay “Fashilka Islaamka Siyaasiga ah/ Failure of Political Islam”.

Run ahaantii, eraybixinta “jahliga barakaysan” waa mid sawir dhab ah ka bixinaysa xaaladda dunida islaamka iyo meelo kaleba ka taagan. Buuggu wuxuu ka kooban yahay hordhac, gogoldhig iyo toddobo cutub oo iyaguna labo qaybood u sii qaybsamaya. Qaybta 1-aad, wuxuu diiradda ku saarayaa diinta iyo dhaqanka oo uu ku doodayo in xiriirkoodu sii daciifayo, sababtuna ay tahay kacaanka xogta iyo isgaarsiinta. Kala xarig-furashada diinta iyo dhaqanka waxaa halkaan tusaale loogu soo qaadan karaa, dhallinyarada asal ahaan ka soo jeeda dunida Islaamka laakiin ku koraya waddamada reer Galbeedka oo daneeya in ay helaan islaam ka madax-bannaan dhaqammada bulshooyinka muslimka ah. Qaybta 2-aad ee buugga wuxuu xoogga ku saarayaa diinta iyo dhaqaalaha caalamiga ah, wuxuuna ku lafogurayaa sida nidaamka hantigoosigu uu ugu guulaysanayo badeecaynta diimaha.

Qoraagu wuxuu wax ka taabanayaa dhammaan diimaha samaawiga ah (Yahuudiyadda, Masiixiyadda iyo Islaamka) iyo qaar ka mid ah diimaha kale ee aadami sameega loogu yeero sida Buudiyadda iyo Hindoosiyadda. Guud ahaanna, buuggu wuxuu ka hadlayaa saddexda mawduuc ee diinta, dhaqanka iyo xero-edagaynta ama caalamiyeynta (=globalization/العولمة). Wuxuuna wax ka bidhaaminayaa xiriirka ka dhexeeya xero-edagaynta iyo asal-raacnimada diimaha (fundamentalism). Bilmatal Masiixiyiinta midigta ee Maraykanka iyo Salafiyiinta dunida Islaamka.  Olivier Roy wuxuu qabaa in asal-raacnimadu aysan ka dhalan diin sax ah oo la doonayo in la raaco, balse ay tahay astaan muujinaysa “jahli barakaysan”.

Su’aalaha isweydiinta u baahanina waxay yihiin: “suurogal ma tahay in jahli barako yeesho? Mase jirtaa diin aan dhaqan lahayn???

Mudane Roy wuxuu qabaa in jahligu muqaddas noqdo marka caqiidada diiniga ahi ay gebi ahaanba ku dhisan tahay wax ka baxsan dhaqanka, iyo in jahligaas barakaysan uu yahay midka dhaqaajinaya asal-raacyada maanta ku tartamaya suuqa diimaha kala duwan, jahligaas oo dhan sii ballaarinaya khilaafka u dhexeeya xagjiriintaas, dhanka kalana midaynaya qaababka ay u shaqeeyaan (asal-raacyada diimuhu waxay ka siman yihiin colaadinta calmaaniyadda, waxayse ku kala duwan yihiin waxa beddelka u noqonaya).

Jahligu wuxuu muqaddas noqdaa oo barako yeeshaa marka ruuxa diinta haystaa uu u baahdo jaahilnimo si uu awood ugu yeesho in uu iska difaaco dood ku bixin lahayd in uu dib-u-eegid ku sameeyo waxa uu rumaysan yahay.

Wadaaddada asalraaca ahi waxay qabaan in aqoonta iyo dhaqammada nolosha adduunka ku saabsani ay yihiin sanamyo cadow ku ah Alle iyo diintiisa. Sidaa awgeedna, xagjiriinta diimuhu waxay ka siman yihiin in la colaadiyo dhaqammada. Waayo? Waxay la tahay in dhaqammadu aysan waxba ku kordhinayn aqoonta diinta amaba ay dadka aakhiro ka mashquuliyaan, oo ay  wax u dhimayaan ku xirnaanta Alle iyo diintiisa. Labada goorbana ay dhaqammadu diinta u daran yihiin.

Fikirkaas waxaa ka dhalanaya in jahligu noqdo wanaag lagu faano. In jahli looga sugnaado aragtiyaha iyo akhbaarta sayniska, falsafadda, dhaqaalaha, suugaanta iyo fanku dheef ma ahane dhib ma leh. Waa jahli barakaysan oo naga ilaalinaya in aan ku wasakhowno afkaarta Aflaadoon, Aristo, Ibnu Siinaa, Ibnu Rushdi, Towxiidii, Jaaxid, Xalaaj, Kaant, Adam Smith, Hegel, Karl Marx iyo kumanyaal kale … waa jahli naga badbaadinaya sunta Muxyidiin Ibnu Carabi, Jalaaludiin Ruumi, Mozart, Beethoven, Rafaello, Michelangelo, Picasso, … iyo boqollaal kun oo kale. Maxaa jahli ka wanaagsan! Allow nimaan wax ogayn ha cadaabin!!!

Jahliga barakaysan waa mid u daran diinta iyo nolosha labadaba, waana kan keenay in lagu kalsoonaan waayo caafimaadka casriga ah oo kaadi geel la miciinsado. Jahliga barakaysani waa kan keenay in bukaanka qaba cudurrada neerfayaasha lagu sheego jin  iyo sixir, dabadeedna la garaaco jeer qaarkood ay naftu ka baxdo. Jahliga barakaysani waa kan keenay in la tirtiro maktabadihii iyo mataaxiftii taariikhda iyo ilbaxnimada lagu kaydinayey ee aadamiga dhaxalka u ahaa ee dalalka ay ka midka yihiin Afganistaan, Ciraaq, Suuriya iyo Soomaaliya. Jahliga barakaysani waa kan keenay in la faago qubuuraha dad masaakiin ah oo boqollaal sano ka hor xijaabtay. Jahliga barakaysani waa kan dhallinyaro badan oo Soomaali iyo Muslimiin kaleba isugu jira ka hor-istaagay in ay bartaan culuumta ay ka midka yihiin qaanuunka, falsafadda, dhaqaalaha, farshaxanka, suugaanta, laamo ka mid ah caafimaadka, ….iqk.

Si kastaba ha ahaatee, ifafaalaha weyn ee qoroogu wax iska weydiinayo waa sababta keenaysa in dad badani ay ka baxaan diintoodii hore ayna qaataan diin cusub. Roy waxaa u muuqda in firqooyinka kala duwan ee mad-habta Borotastanku ay fidayaan, halka mad-habta Katooligu ay dhib kala kulmayso in ay hesho taageerayaal cusub, isla markaana ay soo saarto wadaaddo cusub. Wuxuu isweydiinayaa sababta wadaaddada Afrikaanku – Nigeria, Kenya iyo Uganda- ay kaalinka firfircoon ugu yeelanayaan kaniisadda Anjalikaanka. Wuxuu kaloo isweydiinayaa sababta muslimiin badani ay u qaadanayaan diinta masiixiga. Sidoo kale wuxuu macnaynayaa sababta keenaysa in dhaqdhaqaaqyada Salafigu –siiba Al-Qaacido- ay soo jiitaan dhalinyarada reer Yurub caddaan iyo madowba, iyo sababta Buudiyadu ugu xoogaysanayso Yurub, Borotastankuna Koonfurta Kuuriya, calmaaniyaduna bulshada rayidka ah ee Iiraan ( waxaa xusid mudan, in dadka diimaha beddesha ay ku rumoobayso maahmaahda tiraahda “hal labo midigle dheelmay dhanna uma fiyooba”, maxaa yeelay dadka  aamminsan caqiidadii ay ka tageen waxay u arkaan in ay khaa’imiin yihiin, halka dadka haysta caqiidada cusub ee ay ku biireen ay u arkaan in ay yihiin gadaal ka gaar jidbo been ah u haya caqiido aysan u dhalan, oo aysan wax badan ka ogayn).

Olivier Roy wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in aragtida “isku dhaca ilbaxnimooyinku/ clash of civilizations” aysan awoodin in ay sharraxaad ku filan ka bixiso ifafaalayaashaan isku walaaqay khariidaddii gobollada iyo aqoonsigii ummadaha, kalana jaraysa xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyey diinta iyo dhaqanka. Maxaa yeelay? Baraaruggaan diimuhu kama tarjumayo aqoonsigii dhaqamadii taqliidiga ahaa, balse waa mid ka dhashay xero-edagaynta dunida ka jirta iyo culayska ay dhaqamada ku hayso.

Qoraagu wuxuu rumaysan yahay in xero-edagayntu ay dhiirigelisay kobaca dhaqdhaqaaqyada asal-raaca ah ee diimaha kala duwan. Taana waxaa ugu wacan qalabka warbaahinta iyo farsamada casriga ah oo asalraaca u fududeeyey in ay afkaartooda si sahlan meelo fog oo kala duwan ku gaarsiiyaan. Arrinkaasna waxaa tusaale fiican u ah wadaaddada diimaha ee isu rogay xiddigaha Tv-yada.

Waxaa jirta weydiin muhiim ah oo labo qaab loo dhigo waxayna tahay: “diintu ma qayb dhaqanka ka mid ah baa?” iyo “dhaqanku ma qayb diinta ka mid ah baa?”. Dhab ahaantii, weli weydiimahaan jawaab la isla oggol yahay lagama bixin. Guud ahaanse, wadaaddada diimuhu- siiba kuwa diimaha samaawiga ahi- ma jecla in diinta dhaqan lagu sheego, waayo waxay rumaysan yihiin in taasi qiimo rid ku samaynayso diinta. Laakiin si taa liddi ku ah, culumada aqoonta bulshadu waxay qabaan in diimuhu qayb ka yihiin dhaqamada bulshada. Waxaana hubaal ah, in diinta iyo dhaqanku si weyn isu saameeyaan, oo tusaale ahaan kala duwanaanta dhaqammada ummadaha waxaa qayb-weyn ka qaata kala duwanaanta diimaha ay kala haystaan. Dhanka kalena, dhaqamadu waxay dheehaan diinta, oo marar badan diinta waxaa lagu daraa arrimo badan oo asal ahaan caadooyin iyo dhaqammo bulsho ka soo jeeda. Tusaale ahaan, in qofka soo Islaama loo bixiyo magac Carbeed, ma diinbaa mise waa carabayn? (tusaalooyin badan oo qodobkaan la xiriira akhristuhu buuggaan ayuu ugu tagayaa).

Roy waxay la tahay in haddii diimuhu ay hoos-u-dhacayaan, ay sidoo kale dhaqamaduna sii shiiqayaan. Arrinkaasna waxaa ugu wacan labo sababood oo isbiirsaday. Kow: dunida waxaa ka jira dhaqammo badan oo kala duwan, dadkuna waxay diyaar u yihiin in ay aqbalaan kala duwanaanta dhaqamada, taas oo keenaysa in dhaqamadu heshiiyaan, isuna ekaadaan. Labo: Xero-edagaynta  oo ah caqiidada caalamiga ah ee maanta dunida ka jirtaa waxay ku guulaysatay in dhaqammada oo dhan ay hoos keento qaanuunka suuqa. Roy wuxuu ku dooday in Jaakarta oo ah caasimadda dalka muslimiinta ugu badani ay ku nool yihiin ay Maka u jirto 5,000 oo mayl, saamaynta Maka ku leedahayna ay sii yaraanayso. Wuxuu intaa ku daray in uu ku dooday in Maka aysan Maka ahayn. Hadalkaas oo uu uga golleeyahay in uu caddeeyo in Maka-da maanta jirta ee xero-edagayntu ay saamaysay ay wax yar ka haysato dhaqammadii Carabtii hore.

Guud ahaan, natiijada ugu weyn ee akhristuhu buuggaan kala baxayaa waxay tahay in calmaaniyaddu aysan diimaha tirtir karin, laakiin diimuhu fashilmayaan haddii ay damcaan in ay calmaaniyadda garoonkeeda kula ciyaaraan. Calmaaniyaddu waxay danaysaa masaalixda dadka ee adduunyadaan hadda la joogo, diimuhuna haddii ay isku dayaan in ay isku mashquuliyaan laamaha nolosha ee adduunyadaan -(dhaqaale, dhaqan, qaanuun,saynis, siyaasad – dowlad, dastuur, muwaadinnimo-iwm)-  ay fashilmayaan. Marka wadaaddada diimaha kala duwan waxaa la gudboon in aysan diinta wax u dhimin inta ay isleeyihiin wax u tar, ayna la gudboontahay in ay qaataan murtidii ahayd: “Alle iyo Qeysar midba wixiisa sii” oo ah isla farriinta uu farayo xadiiska nebiga (scw) ee oranaya: “Idinka ayaa adduunyadiina ugu ogaal badan/أنتم أدرئ بامور دنياكم”. Had iyo goorna, waa in aan xusuusnaano in diinta wanaagsani ay tahay midda Alle u adeegta ee aysan ahayn midda iyadu Alle adeegsata.

Ugu danbayntii, akhrinta buuggaani akhristaha aan ku takhasusin dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah waxay uga filan tahay qoraallo badan oo uu akhrin lahaa, waayo wuxuu fursad u siinayaa in uu garto sababta keentay kala duwanaanta dhaqan-diimeedka Kuweyd iyo Kaabul. Sidoo kale, akhrinta buuggaani waxay waxtar u leedahay qof walba oo daneeya in uu wax kala socda xarigjiidka ka dhexeeya calmaaniyiinta iyo asalraacyada diimaha. Guud ahaanna, waa buug caraynaya akhristaha, gaar ahaan akhristaha muu’minka ah siiba kan shaqadiisu tahay faafinta diinta. Taana macnaheedu ma aha in qoraagu doonayo inuu akhristaha ka xanaajiyo/caraysiiyo, balse sida muuqata wuxuu doonayaa in uu u bidhaamiyo waddada uu ku gaari karo in uu isku mar la heshiiyo Rabbigiis iyo dhaqankiisa labadaba.

Akhristaha danaynayaa tarjamada Carabiga ah ee buugga lingaxa hoose ha kala dego, hana ogaado in tarjamada Carabiga ahi ay aad u liidato, oo ninka tarjumay uusan tixgelin badan siin kala duwanaanta qaab-dhismeedka afafka, xil weynna iska saarin in fikraduhu akhristaha u caddaadaan.

Aan qalinka dhigo, hadalkana ku soo afmeero Alle barigii garsoorayaashii hore ee Soomaalidu ay ku Alle-baryi jireen ee ahaa: “Eebbow aqoon la’aan ha nagu cadaabin, eexna ha nooga tegin!” Eebbow Aamiin!!!

http://telexpresse.com/fileattach/1484047921.pdf

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code