Jannada Haweenka iyo Gaalada

 

Waaxdii hore ee qarnigii 18-aad, khilaafadii Cusmaanidu dhan waxay dagaal kula jirtey qaar ka mid ah dalalka Yurub, dhanka kalena waxay dareentay in waddamada Yurub kuwa ugu itaalka rooni ay safaarado ku leeyihiin Istaanbuul, laakiin iyadu aysan safaarado joogto ah ku lahayn Yurub.

Sidaa darteed, dabshidkii 1720, dowladdii Cusmaanidu waxay dalka Faransiiska u dirtay danjirihii ugu horreeyey ee Muslim ah ee dalkaas taga. Danjirahaas waxaa la oran jirey Maxamed Jalabi Efendi (1670-1732). Danjiruhu dabshid ka dib wuxuu ku noqday Istaanbuul isaga oo kolayga ku sita warbixin uu ka diyaariyey wixii uu kala kulmay Faransiiska oo uu ku magacaabay “Buugga Safaaraddii Faransiiska /سفارة نامة فرنسا”. laakiin goor danbe buuggaan waxaa loo rogay afaf ay ka mid yihiin Carabiga iyo Faransiisku, waxaana loo bixiyey “Jannada Haweenka iyo Gaalada /جنة النساء والكافرين” iyo “Jannada Gaalada/ Le paradis des infidèles.”

Safiirku warbixintiisa arrimo badan oo dhaqan-dhaqaale buu uga hadlay. Sida muuqatana dhan wuxuu la dhacsanaa horumarka Faransiisku uu ku tillaabsaday, dhanka kalena wuxuu ka xumaa dib-u-dhaca Muslimiinta haysta. Wuxuu ka warramay sidii loogu dabaaldegay soo dhaweyntiisa, isla markaana aan loo faragashan salaaddiisa iyo soonkiisa. Wuxuuna sawir ka bixiyey dalka Faransiiska, gaar ahaan magaalada Baaris oo uu ku dheeraaday ka sheekaynta dadkeeda, qasriyadeeda, guryaheeda, jidadkeeda, maktabadaheeda, matxafyadeeda, masraxeeda, jardiinooyinkeeda, buundooyinkeeda, isbitaalladeeda, xirfadaheeda iyo waxyaabo kale oo safiirku uu la yaabbanaa, oo isugu jira aqoon, ciidan, dhaqaale, dhaqan, diblomaasiyad iyo siyaasad.

Waxyaabaha safiirku uu warbixintiisa uga hadlay badankoodu waxay ahaayeen wax ku cusub oo ka geddisan wixii uu ku arki jirey dhulka khilaafada Cusmaanida. Tusaale ahaan, mar uu faallo ka bixiyey kala duwanaanta Turkidii Cusmaanida iyo Faransiiska, wuxuu yiri: “Cusmaanigu wuxuu socdaa isaga oo dumarku ay ka danbeeyaan, Faransigase dumarkaa ka hor mara. Cusmaanigu goorta uu guriga galo wuxuu iska bixiyaa kabaha, halka Faransigu uu koofiyadda iska saaro. Cusmaanigu wuxuu xiirtaa timaha madaxa wuxuuna deystaa garka, laakiin Faransigu garka ayuu xiirtaa madaxana waa la haraa… Faransigu waa Cusmaani madaxa ku taagan.”

Safiirku wuxuu si gaar ah u la yaabay xorriyadda haweenka Faransiiska iyo kaalinnada kala duwan ee ay nolosha ka qaataan. Wuxuu sheegay in haweenka Faransiisku aysan maqabiyado ahayn, raggana aysan ka xijaaban, xafladahana ay tagaan, laamaha nolosha oo dhanna ay ka qayb qaataan. Wuxuu yiri: “Faransiiska…haweenku waxa ay damcaan bay sameeyaan, meeshii ay doonaanna waa aadaan…Sidaa awgeed, Faransiisku waa jannada haweenka.” Intaa wuxuu sii raaciyey, in uu isbarbardhig ku sameeyey labada caasimadood ee Baariis iyo Istaanbuul, wuxuuna qoray: Baariis kama weyna Istaanbuul, laakiin dadka waddooyinkeeda dhooban baa waxay u muujiyaan sidii in ay ka weyn tahay. Taana waxaa ugu wacan, in haweenka Faransiisku aysan kari karin in ay aqallada ku jiraan, ee ay u baxaan si ay uga qaybqaataan beeca iyo shiraha suuqa ka socda, halka Istanbuul jidadka iyo suuqyadu ay ragga u gaar yihiin.

Safiirku inta uu Faransiiska la yaabbanaa in le’eg bay iyaguna isaga ku diimayeen. Wuxuu xusay in goob kasta oo uu cag dhigo ay dadku ku soo xoomayeen isaga iyo wefdiga la socda, iyaga oo la amakaagsan muuqaalkooda iyo hab-dhaqankooda, oo xataa waxay daawanayeen sida ay raashinka u cunayaan. Dadkaani waxay maqli jireen Muslimiin iyo Turki dugaag ah, sida duunyada oo kalana dabada sayn ku leh. Laakiin, hadda hortooda waxaa ka muuqda, dad inkasta oo ay ka diin iyo dhaqan duwan yihiin, haddana akhlaaqda iyo garaadka kala mid ah.

Safiirku wuxuu kaloo  xusay, in kolka uu ku dhex tamashlaynayo jardiinooyinka Baariis uu maskaxdiisa ku soo dhici jirey xadiiska nebiga laga wariyo ee yiraahda: “Adduunyadu waa xabsiga muuminka iyo jannada gaalka /”الدنيا سجن المؤمن وجنة الكافر. Dadkii buugga afafka kale u rogayna waxay isku xireen oraahdaan iyo sawirkii uu ka bixiyey haweenka Faransiiska, sidaana buugga waxay ugu bixiyeen “Jannada haweenka iyo gaalada”.

Muslimiinta -siiba dowladdii Cusmaanida- iyo reer Yurub waxaa ka dhaxaysay cuqdad gaamurtay oo waqti dheer isbiirsanaysay. Waa cuqdad ka dhalatay dagaallo muddo dheer labada dhinac u dhexeeyey. Dagaalladaas waxaa ugu saamayn badnaa dagaalladii Muslimiintu ay ku qabsadeen Isbeyn, kuwii macatabka ee Masiixidii Yurub ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan Qudus, iyo kuwii u dhexeeyey dowladdii Cusmaanida iyo quwadaha reer Yurub. Dagaalladaas waxaa laga dhaxlay is aammin waa iyo in labada qolo midiba tan kale ay ka qaadato sawir foolxun oo ka liita kan dugaagga laga haysto.

Buuggaan “jannada haweenka iyo gaalada’, oo saddex boqol oo sano ka hor la qoray, hadda macne weyn u samayn maayo akhristayaasha badankooda, laakiin sebenkii uu soo baxay saamayn weyn buu ku lahaa bulshada Turkida iyo Faransiiska, siiba dabaqadihii ladnaa ee ku kala dhaqnaa magaalooyinka Istanbuul iyo Baariis. Wuxuuna ka mid yahay dhigaalladii ugu horreeyey ee ka qayb-qaatay dhimidda cuqdadda xagga nafsadda iyo diinta ah ee u dhaxaysa dadyowga kala taabacsan diimaha Islaamka iyo Masiixiyadda.

Sida la sheegay, danjire Maxamed Efendi ma aqoon afka Faransiiska, isaga iyo bulshada Faransiiskana waa loo kala afnaqayey. Hase ahaatee, labaatan sano ka dib, wiil uu dhalay Maxamed Efendi oo lagu magacaabi jirey Saciid Efendi Baasha ayaa dowladda Turkigu waxay u magacowday safiirkeeda Faransiiska. Saciid wuxuu ahaa nin labada af ee Turkiga iyo Faransiiska isku si ugu hadla, labada dhaqanna wada yaqaan. Sidaa darteedna, bulshadii Faransiisku waxay kala garan waayeen Turki iyo Faransiis midka uu yahay. Waxayna yiraahdeen: waa nin mar qura Turki iyo Faransiis isku ah. Dadkii la dhaqmayna waxay ku baraarugeen in si siman loo wada noolaan karo iyada oo lagu kala duwan yahay diinta iyo dhaqanka.

Aadamigu si kasta oo uu u kala duwanaado, haddana waxa uu wadaago baa ka badan waxa uu ku kala geddisan yahay. Muslimiinta badankoodu ifka waxay ugu neceb yihiin Yahuudda, sidaas oo ay tahayna kolkii ay tageen waddamada Galbeedka, makhaayadaha ay cuntadooda xalaasha bideen waxay ahaayeen kuwa Yahuudda (=sanooyinkii u dhexeeyey 1960-aadkii ilaa iyo 1990-aadkii). Haddii aan Yahuuddu waddamada Galbeedka uga horrayn Muslimiinta, oo aysan barin firkadda Kosher-kana, Muslimiinta si fudud uguma suurogasheen in ay ka ganacsadaan walxaha ay xalaasha u arkaan sida; hilibka, subagga, bangiyada Islaamka ah iyo qaar kale oo badan. Kosharka Yahuudda ayaa u gogolxaaray hilibka xalaasha ah iyo bangiyada Islaamka ah.

Gabyaagii Falastiiniga ahaa ee Maxamuud Darwiish (1941-2008), wuxuu astaan u ahaa halgankii Falastiinidu ay kula jireen Sahyuuniyadda, haddana wuxuu sheegay in abidkiis uu hal mar gabar calmaday, gabadhaasina ay Yuhuudiyad ahayd. Maxamuud isaga oo na dareensiinaya in ummaduhu ay ku kala duwan yihiin qalfoofka sare, balse ruuxda ay isaga mid ka yihiin, ayuu wuxuu sawir naga siiyey sida isaga iyo Yahuudigu uu midiba kan kale u arko, wuxuuna ku maansooday:

هو هادئ ، وأنا كذلك

يحتسي شاياً بليمونٍ ،

وأشرب قهوةً ،

هذا هو الشئ المغاير بيننا.

هو يرتدي ، مثلي ، قميصاً واسعاً و مخططاً

وأنا أطالعُ ، مثله – صحف المساء.ْ

أحرك رجلي اليسرى

يحرك رجله اليمنى

أدندن لحن أغنية

يدندن لحن أغنية مشابهة

أفكر : هل هو المرآة أبصر فيها نفسي؟

ثم انظر نحو عينيه ،

ولكن لا أراهُ

فاترك المقهى على عجل.

أفكر : ربما هو قاتل ، أو ربما

هو عابر قد ظن أني قاتل

هو خائف ، وأنا كذلك!