Khawaaja Cabduqaadir: Gacaladaa guulaysata

Aadamigu abidkiis wuxuu halgan ugu jirey sidii uu ku gaari lahaa barwaaqo, horumar, xorriyad, caddaalad iyo sinnaan. Si uu ujeeddooyinkaas u gaarana wuxuu sameeyey aragtiyo, aydaloojiyado iyo diimo ka caawiya gaaridda yoolkaas qaaliga ah. Kolka uu ka quusto gaaridda yoolkaasna diinta ayaa u noqota xarigga ugu danbeeya ee uu ku mintido, maxaa yeelay diintu aadamiga waxay u ballanqaaddaa wax aysan jirin cid kale oo ballanqaadi kartaa. Waana tan Soomaalidu ay tiraahdo: “Minii la yaabo Yaasiinka!”. ‘Khawaaje Cabduqaadir’ waa taxane sawir wanaagsan ka bixinaya baahida aadamiga ee dhanka ruuxaaniyaadka.

Taxanaha “Khawaaja Cabduqaadir” waa taxane safka hore ka galay taxanayaasha bisha Ramadaanka. Waana taxane tan iyo sannadkii 2012kii laga soo daayo taleefishinnada Carabta. Sida uu qiray Cabdiraxiim Kamaal oo ah kan qoray sheekada taxanuhu,  taxanuhu wuxuu ku salaysan yahay qiso dhab ahaan u dhacday, ninka loo bixiyey Khawaaja Cabduqaadir na wuxuu ahaa Injineer Jarmal ah oo Masar ama Suudaan u tagay si uu uga shaqeeyo, laakiin muddo ka dib islaamay.

Qisada taxanaha oo koobanna waa sidaan hoose:

Herbert Dubberfield/Doberfield oo ah nin Ingiriis ah waxaa ku dhacaya qulub ka dib marka dagaalkii 2-aad ee adduunka lagu dilo labo qof oo aad qaali ugu ahaa –walaalkiis iyo seeddigiis- isla markaana guurku ka xumaado. Qulubku wuxuu gaarsiinayaa heer uu geerida jeclaado oo ku celceliyo: “Geeridu waa macaan tahay /الموت جميل”, wuxuuna bilaabayaa in uu shaqada ka sagsaago, taasina waxay keenaysaa in ciqaab ahaan loo kala doorransiiyo in uu shaqada iska casilo ama loo beddelo Hindiya ama Suudaan hadba tii uu doorto. Wuxuuna dooranayaa Suudaan, halkaas oo uu kula kulmayo wadaad Suufi ah oo lagu magacaabo ‘Shiikh Cabduqaadir’, xiriirka uu wadaadka la yeeshayna ugu danbaynta wuxuu ku bixinayaa in uu islaamo, shiikhana lagu sammiyo. Shiikhuna wuxuu kula talinayaa in uu aado Masar oo kheyr uga horreeyo. Masarna waxaa looga aqoonsanayaa in uu yahay weli Alle oo karaamo leh.

Farriinta taxanaha dhextaalka u ahi waa mid ku saabsan wada noolaanshaha iyo in jacaylku guulaysto. Jacaylka Alle, jacaylka ehelka, jacaylka saaxiibbada, jacaylka dhallaanka iyo guud ahaan jacaylka Alle iyo abuurkiisa. Taxanuhu wuxuu sidaa farriin ka dhan ah xagjirka jecel in ay aadamiga u qaybiyaan afaf, diimo iyo midabyo isu wada col ah.

Taxanuhu wuxuu isku dayey inuu soo bandhigo midka uu yahay qofka muuminka ahi. Khawaaja Cabduqaadir wuxuu sawir yar ka bixinayaa shakhsiyadda muuminka. Muuminka dhabta ahi ma aha Malag ama Rasuul aan gefin, laakiin waa ruuxa isku daya intii karaankiisa ah  in uu Alle iyo abuurkiisaba xiriir wanaagsan la yeesho. Marka ruuxu uu dhab ahaan Alle u rumaysan yahay wuxuu dulqaad, jacayl iyo raxmad u yeelanaya abuurka Alle oo adamigu ugu horreeyaan, isaga oo aan u fiirin af, caqiido, diin, dhaqan, midab, muuqaal, lab iyo dheddhig, saqiir iyo kabiir.

Khawaaje Cabduqaadir waa nin da’ ahaan weyn, laakiin wuxuu leeyahay qalbiga carruurta oo kale, wuxuuna ku noolyahay nolol fudud oo run ah. Tusaale ahaan, marka Saabir indhoole oo ah tuug mariyey oo madoobeeyey uu habeen u soo dhaco gurigiisa si uu u xado, hadday ku kalliftana uu u dilo, Khawaaje Cabduqaadir wuxuu u wajahayaa si run iyo geesinimo leh, jeer Saabir yaabo oo u dhego nuglaado waanada iyo wax sheegga Khawaaje Cabduqaadir. Cabduqaadirna wuxuu ku waaninayaa saladda, wuxuuna barayaa sida loo weesaysto. Saabir oo weesaysanaya waxaa iridda soo garaacaya askartii ku raad joogtey, kolka Cabduqaadir ka furana waxay weydiinayaan in uu Saabir arkay iyo in kale?  Wuxuuna ugu jawaabayaa haa. Oo aaway? Wuu weesaysanayaa. Kolkaasna askartu waxay u qaadanayaa in Khawaaje Cabduqaadir uu qof kale ka hadlayo, waana iska noqonayaan, maxaa yeelay? Aragtidooda Saabir indhoole ma aha ruux weeso iyo salaad sina looga fili karo.

Khawaaje Cabduqaadir wuxuu leeyahay iimihiisa iyo khaladaadkiisa laakiin noloshiisa oo dhan waxaa haga qaanuunka jacaylka. Sidaa darteedna, waxaan arkaynaa taxanaha oo ku dhammaanaya isaga oo Kamaal oo ka welwelsan in maqaamkiisa la burburiyo ku leh: “Maqaamka Khawaajuhu dhagax iyo dhoobo kama samaysna, ee wuxuu ka samaysan yahay jacayl, Rabbigeen baana sameeyey, mana jirto cid dumin kartaa, waayo maqaamka dhabta ahi waa gacalada dadku qalbigooda ugu hayaan, mana jirto cid qalbiga dadka dumin karta / بص كمال حبيبي مقام خواجة مش معمول من طوب وزلط ورمل وكده، مقام خواجة معمول من حب .. حب ربنا هو اللى عمله .. مقام خواجه هنا كمال مافيش حد يقدر يهد هنا “ويشير إلى قلبه””.

Taxanahana waxaan ku arkaynayaa in maqaamka Khawaaje Cabduqaadir uu ku qoran yahay meeriska ka midka ah gabayga Xalaaj ee oranaya: “Dadku waa meyd waxaase nool kuwa wax jecel /الناس موتى واهل الحب أحياء”. Cabdi Muxumed Amiin-na (AUN) waa kii ku heesay:

Noloshu waa jacayl

Ee jirow weligaa jacayl

Illeen waabaa jirtaayee

Jeclow oo wuxuun jeclow

Tusaalayaasha faraha badan ee gacalada muujinaya waxaa ka mid ah mararka badan ee Cabdidaahir oo ah Saciidi madax adag uu isaga oo ka hadlaya walaashiis uu leeyahay: “anigu ma awoodo carada Seynab /أنا مقدرش على زعل زينب”. Cabdidaahir gacalada uu walaashiis u qabo iyo ilaalinta hantideedu waxay ku bixinayaan in rag oo dhan uu ku aammini waayo, isaga oo cabsi ka qaba in mid xumeeya uu ku beegmo. Waa gacalo natiijadeedu kharaar tahay laakiin waa gacalo daacad ah. Ugu danbayntii Seynab waxay baranaysaa Khawaaje Cabduqaadir oo ay is jeclaanayaan, laakiin jacaylkaas waxaa caqabad ku noqonaya caadada iyo dhaqanka deegaanka ka jira oo aan oggolayn in nin ajanibi ahi, oo weliba asal ahaan aan muslim ahayn uu guursado gabdhaha deegaanka.

Khawaaje Cabduqaadir wuxuu ku ducaysanayaa: “Waxaan jeclaan lahaa in aan Seynab arko, Rabbow anigu Seynab waa jeclahay.” Marka uu arkana wuxuu ku leeyahay: “Seynab waa ku jeclahay.” Iyaduna waxay ku leedahay: “Oo jacaylku ma hadal baa?”, wuxuuna ugu jawaabaya: “Maya, hadal ma aha.”

Waxaa kaloo ka mid ah marka Khawaaje Cabduqaadir uu isku dayayo in wiilka yar ee Kamaal uu u sheego in aabbihiis uu dhintay, ee uu ku leeyahay: “Aabbaha xagga Alle ayuu u safray.”

“Shahawiya” waa gabar jirkeeda iibisa, waxayna deggen tahay muddul yar oo tuulada geeskeeda ku yaal. Baahida noloshu waxay ku khasabtay in ragga oo dhan ay jirkeeda u fasaxdo, laakiin qalbigeeda hal nin oo qura ayaa leh oo isaga oo keliya ayay jeceshahay.  Marka ay isbartaan Khawaaje Cabduqaadir wuxuu ku waaninayaa in ay Alle u towbad keeno, waxayna ku leedahay: “Khawaajow waddada Rabbigeen aad bay u adag tahay /طريق ربنا واعر قوي يا خواجة”. Isaguna wuxuu niyadda ugu dejinayaa in Alle dadka oo dhan u denbi dhaafo, kuwa denbigooda ka towbad keenana uu si gaar ah u soo dhaweeyo.

Dabadeed, Shahawiya waxay bilaabaysaa in ay naf iyo shaydaanba la jihaaddo, mar walba oo ay geftana ay Rabbi dhaqso u xasuusato. Ugu danbaynta waxaa u imaanayaa ninkii ay keligiis jeclayd, waxayna ku shardinaysaa in haddii uu danaynayo ay is guursadaan, haddii kalena uu waddada ku qulqulo. Sidaa bayna isku guursanayaan. Intaa ka dib, duqa tuulada (=Cabdidaahir) oo ay ninkaan walaalo yihiin ayaa wuxuu ogaanayaa in walaalkiis uu guursaday gabar jirkeeda iibisa, wuxuuna amar ku bixinayaa in iyada oo nool  la duugo, waxaana arkaynaa “Shahawiya” oo god ku jirta, naftuna ka baxayso iyada oo ku qaylinaysa: “Rabiyow raalli baan ahay .. Rabiyow anigu raalli baan ahay .. Rabiyow xugunkaaga raalli baan ka ahay /رضيت يا رب .. أنا راضية يا رب .. رضيت بحكمك يا رب”.

Taxanuhu wuxuu ku bilaabanayaa marar badanna ku soo noqnoqonaysa muusigga qasiidada Xalaaj ee gacalada nebiga (scw). Waa qasiido miraheeda iyo muusiggeeduba macaan badan yihiin oo dhegihii mar maqlaa ay weligood jamanayaan, taxanahaan dartiisna ay dad badni maanta dusha ka hayaan. Waa qasiidada tiraahda:

والله ما طلعت شمس و لا غربت   إلا و حبك مقرون بأنفاسي

ولا جلست إلى قوم أحدثهم          إلا وأنت حديثي بين جلاسي
ولا ذكرتك محزونا ولا فرحا     إلا وأنت بقلبي بين وسواسي
ولا هممت بشرب الماء من عطش   إلا رأيت خيالا منك في الكاسِ
ولو قدرت على الإتيان جئتكم    سعيا على الوجه أو مشيا على الراسِ
ويا فتى الحي إن غنيت لي طربا   فغنني واسفا من قلبك القاسي
ما لي و للناس كم يلحونني سفها       ديني لنفسي و دين الناس

 

Taxanuhu wuxuu farta ku fiiqayaa in diintu ay tahay iimaan iyo akhlaaq ee aysan ahayn nusuus la xifdiyo iyo muuqaal la samaysto (gar, tusbax, khamiis gaaban, xijaab, iqk). Taxanaha waxaan ku arkaynaa Shiikh Mansuur oo ah shiikha tuulada oo ah nin quraan iyo axaadiis badan xifdisan, astaamo diineedna ay ka muuqdaan laakiin ugaaska deegaanka ka baqa in ka badan inta uu Alle ka baqo, si uu ugaaska u raalligeliyo darteedna wax walba agtiisa ay xalaal ka yihiin –beenta,maragfurka beenta ah, khayaanada iyo ku danaysiga diinta . Diinta uu bartay akhlaaq iyo iimaan kama dheefin, laakiin kibir iyo isla weyni buu ka qaaday. Run buuna sheegay ruux yiri: “gar waa timo, cimaamadina waa dhar.”

Si ka duwan xaaladda Shiikh Mansuur, Khawaaje Cabduqaadir ma xifdisana nusuus diini ah oo badan, astaamo diimeedna kama muuqdaan, laakiin waa nin akhlaaq iyo iimaan leh, saxa iyo khaladkuna aysan isaga darsamin, raalligelinta Eebbana ay kala weyn tahay raalligelinta aadanaha. Shiikh Mansuur waa faqiih diintu u tahay xirfad lagu shaqaysto, halka Khawaaje Cabduqaadir uu ka yahay Suufi diinta u fahansan in ay tahay in Alle iyo abuurkiisaba la jeclaado.

Muuqaallada taxanaha ugu horreeyaa waa kuwo muujinaya koox dhallinyaro ah oo isku dayaya in ay burburiyaan maqaam loo dhisay Khawaaje Cabduqaadir oo dadka deegaanku ay aad u qaddariyaan. Dad badanna muuqaalkaas waxay ku macneeyeen in taxanuhu tilmaamayo fikrad ka dhan ah Salafiyada neceb dhisidda qubuurta, laakiin ninka sheekada qoray wuxuu sheegay in fikraddu intaa ka ballaaran tahay ayna tilmaamayso in “wax jacayl lagu dhisay aysan gacan bini’aadam burburin karin.” Caarifiintuna waa iyaga yiraahda: “Eebbe cirka iyo dhulku ma qaadaan, waxaase qaada qalbiga qofka muuminka ah /فالله لا تسعه السموات والأرض وإنما يسعه قلب إنسان مؤمن ”.

Waxaa xusid mudan, in taxanuhu uu ku soo beegmay xilli talada dalka Masar ay gacanta u gashay wadaaddada, dadweynaha Masar badankooduna ay ka welwelsanayaan in Masar noqoto Afganistaan, Qaahira iyo Qandahaarna la isku metalay. Taxanuhuna Masaarida iyo dunida kaleba wuxuu dareensiiyey in Masar ay urur diimeed ka weyn tahay.

Meelaha yaryar ee taxanaha laga dhaliili karo waxaa ka mid ah in ay ku badan yihiin mucjisaadka aan lahayn sabab muuqata oo lagu fasiro karo. Muslimiintu maanta sida ay ruuxaaniyaadka ugu baahan yihiin si le’eg ama ka daran ayay ugu baahan yihiin adeegsiga caqliga iyo in wax kasta sabab loo yeelo. Waxaan u baahannahay qalbiga suufiyada iyo xikmadda falaasifada oo wada jira. Taxanuhuna in kasta oo si cuddoon ugu guulaystay in uu qanciyo baahideenna ruuxda, haddana dhanka kale wuxuu ku guuldaraystay in uu haqabtiro baahideenna dhanka garashada.

Erayga ‘Khawaaje’ waa eray asal ahaan ka soo jeeda afka Turkiga, macnihiisuna yahay ‘mudane’, laakiin markii danbe afaf badani ay ammaahdeen, macnihiisuna uu aad isu beddelo isaga oo hadba ku xiran sida deegaannada kala duwan looga adeegsado. Tusaale ahaan, Turkida iyo Iiraanida erayga ‘khawaaje’ wuxuu u la macne yahay erayga ‘mudane’, waxaana loogu yeeraa nin kasta oo la qaddarinayo isaga oo aan loo eegin diintiisa iyo midabkiisa. Laakiin si taa ka duwan, waddamada carabta badankooda erayga waxaa loogu yeeraa ninka caddaanka ah ee caadi ahaan aan muslimka ahayn. Sidaa darteedna eraygu aalaaba wuxuu tusiyaa ‘nin cad’ ama ‘nin cad oo aan muslim ahayn’.

Isku soo duuboo, Khawaaje Cabduqaadir waa farriin wanaagsan oo si qurxoon loo gudbinayo. Ka bogasho wacan:

https://www.youtube.com/watch?v=QZhKICdJzGg