Khawaarij ayaa la inagu qasay: Daacish , Shabaab , Alqaacida .. ma khawaarij baa?!

Khawaarijtu waa kooxdii ugu horreysay ee soo baxda; asalkoodu waxa uu ku qotomaa dagaalladii dhex maray saxaabada iyaga oo ka jabay garabkii Cali markii uu heshiiska ka ogolaaday garabkii Mucaawiye iyaga oo ku eedeeyay in uu la heshiiyay dulmigii ay ahayd in la rido iyo in uu ka tanaasulay amiirnimadiisa oo uu sharciyaddii iska qaaday! Waxii ka dhacay ayaa ka dhacay ee aan eegno uun caqiidada Khawaarijta. Firqadan oo kooxo badan u kala jabtay waxa ay leedahay mabaadi’ guud oo lagaga sooci karo firqooyinka kale, bal aan eegno barbardhignana kooxaha lagu caayo in ay Khawaarij yihiin;

– Khawaarijtu waxa ay qabaan in qofka dambi weyn (كبيرة) ku dhacaa yahay gaal naarta ku waaraya, cafiska Eebbena waa meeshiisa! Daacish/Shabaab ma rumeysna in ay cid ku gaaleysiiyaan macaasi, dadka ay gaaleysiiyaana waxa ay u arkaan dad aan macsi uun ku dhicin ee gaalnimo ku dhacay! Waa isla sida uu Shibli maalintii dhawayd dadka badan ku gaaleysiiyay; kaliya waxa la isku khilaafsan yahay ” maxaa gaalnimo ah iyo goorma ayaa la gaaleysiiynayaa ?” ee marna caqiidada Daacish ka mid ma aha in macsi lagu gaalooba haddii aan lagu adkeysan waana caqiidada Ahlu S0unnah.
– La dagaalanka madaxda daalimiinta ah; Khawaarijku madaxda waxa ay ula dagaallamaan dulmigooda waxaanay ka duulaan (Al amru bil macruuf wa nahyu canil munkar) oo rukun weyn u ah caqiidadooda, waxaanay aaminsan yihiin in xukunka ay u siman yihiin muslimiinta oo dhan oo aan qabiil gooni ah sida Qureysh mudnaan u lahayn, xataa dadka asalkoodu addoomaha ahaayeen ayaa qaban kara oo ula siman Qureysh, qaarkood dumarka ayaa ay kaalin mug leh ka siiyaan hoggaanka waxaana markii ugu horreysay sooyaalka muslimiinta lagu arkay gabadh masjid tukisa oo minbarka ka khudbadeysa waxaanay ka dhacday Khawaarijta markii ay qabsadeen Kuufa oo haweenay la odhan jiray Gasaalah Al Shaybaaniyah oo dagaalyahanad ahayd ay nidar ku martay in ay Xajjaaj ka eryi doonto si nabad ahna ay Albaqra iyo Cimraan ugu tukin doonta waanay ka dhabeysay. Khawaarijta qaar waxa ay qabaan in aan xilliga nabadda hogaanba loo baahnayn ee markii colaad jirto uun qofka ugu mudan la dooranayo haddii la fahmi waayana la casilayo!
Daacish iyo Alshabaab madaxda ula ma dagaallamaan dulmi ee waxa ay ula dagaallamaan gaalnimo. Haddii hogaamiyuhu uu daalim yahay se muslim yahay waxa ay qabaan in loo sabro xataa haddii uu xoolahaaga dhaco oo uu dhabarkaaga garaaco, arrintaasi waxa la qaba Salafiyiinta oo dhan se waxa ay isku khilaafsan yihiin qaar goorta la odhanaya “xaakimku waa uu gaaloobay iyo awoodda loo baahan yahay in lagu rido” sidaa awgeed ayaa ay Daacish iyo Salafiyiinta oo dhanba u aqoonsan yihiin sharciyadda dawladdii reer Bani Umayya waayo muslimiin ayaa ay ahaayeen xataa haddii ay daalimiin ahaayeen halka lidkooda ay khawaarijtu dagaaladoodii oo dhan la galeen reer bani Umayya .
– Caqiidooyinka la xidhiidha sifooyinka Eebbe iyo qur’aanku waxa uu yahay Khawaarijtu waxa ay la saf yihiin Muctasilada halka kooxahan hadda dagaalamaa la saf yihiin Ahlu sunnaha .

Guntii iyo gabogabodii Khawaarijtu waxa ay ka mid yihiin firqooyinka taariikhda lagu dulmiyay ee dacaayadda badan laga faafiyay waayo dagaal wada jir ah ayaa waxa ku qaaday firqooyin badan iyo dawlado , sideedabana haddii aad aragto firqo wax ka sheegaysa firqo kale kala badh waxa ay ka sheegtaa waa been, inta soo hadhaana waa qalad fahan iyo aqoon yari, waxyarna waa ka run! Khawaarijta haddii caadi loo eego firqada ay isugu soo dhaw yihiin waa Muctasilada oo ay arrimo waaweyn isaga dhaw yihiin ! waxa iyana hubaal ah in Daacish/Shabaab/BookoXaraan iwm ay ka tirsan yihiin Ahlu sunnaha gaar ahaan madarasadda Ahlul xadiiska, gaar ahaan middan Wahaabiyada waana wax la fahmi karo in hal firqo kala jabajabto iyaga oo isku manhaj ah oo Khawaarijtuba kooxo badan ayaa ay u kala jajabeen se in kooxahan lagu sheego Khawaarij waa been weyn oo uu qof aan aqoon u lahayn ama been hawaas ahi ku jalbeebo dad aan aqoon u lahayn!

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code