Ku Saabsan

SONY DSC

Bulshadeenna Soomaaliyeed waxa ku gedaaman duruufo dhaqan-dhaqaale oo aan ka wada dheregsanahay. Duruufahaasi daawasho iyo duco keli ah uma baahna ee gorfayn iyo wax ka qabasho ayay u baahan yihiin. Caqli suuxin uma baahna ee caqli baraarujin bay u baahan yihiin, cabsi gelin fikireed uma baahna ee dhiirrasho fikireed bay u baahan yihiin. Haddaba, mareegtani iyada oo baahidaa ka duulaysa ayay dhalatay. Waxayna kaalinteeda fikir ka qaadan doontaa isbeddalka loo gaylan yahay, iyada oo dhinacyo badan kaa tusi doonta aragtiyo taariikheed, suugaaneed, siyaasadeed, fikir-diineed oo markii hore hal dhinac lagaa tusay.

 

Maandoon waa mareeg lagu dhiiri gelinayo wax iswaydiinta, lagu kobcinayo garaadka, lagu soofaynayo hibada hal-abuurka, lagu maamuusayo fankeenna, laguna abuurayo bulsho wax wada qabsan karta iyada oo kala reer, kala fikir iyo kala diinba ah. Dhaqanka oggol in la kala fikir duwanaan karo ayuun baa oggol in la horumari karo, midka oggol in garaadka la wada adeegsan karo ayuun baa oggol in isbeddal iman karo. Maandoon waa mareegtii xidhiidhin lahayd jiilkii hore ee waxbartay iyo dhallinta hadda ku jirta heerarka kala duwan ee waxbarasho. Sidaa darteed, waa madal fikir oo aan fikir qudha u gaar ahayn ee lagu fikir wadaagayo. Ujeedkayaguna horayso iyo danbayso waxa weeyi: Isbeddal fikir baa dhala isbeddal fal, isbeddal fal baana dhala isbeddal nololeed, .

Hal-hayskayaguna waa:

Maankii furan baa,
Bulshada hodmiyee,
Akhriska badso,
Oo ha baal marin.