Kulankii aniga iyo Carabkii hantiilaha ahaa!

Goor-sheegtadu hadda  waxa ay isku taagtey labo iyo tobankii subaxnimo, waxa aan dhex soconayaa waddada King-Fahad ee ku taal magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudi Carabiya. Cabbaar markaan socday waxa aan ku leexday makhaayad ay gabdho Soomaliyeed leeyihiin, waa meel subaxa hore dad badan, waxaana hamuun-tir ka sii cuna shaqaalaha muruq-maalka ah. Waxa aan ku fariistay kursi meel gees ah yaalay, waxaana ii yimid kabal-yeerigii Yamaniga ahaa wuxuu ii leeyahay “Maxaan kuu keenaa yaa akhil kariim?” Anna waxa aan dirsaday cunnada meeshani ay caanka ku tahay ee loo soo doonto waana khubsi (sabaayad). Waxaa la I soo hor dhigay labo xabbo oo sabaayad ah iyo koob shaaxa, cabbaar markaan cunay waan isaga kacay anoo meesha uga tagey jab sabaayad ah oo ku guul darraystay inuu calooshayda boos ka helo. Waxa aan hor taaganahay hadda maqal-hayihii oo aan siiyay lacagtiisii balse tirsanaya. Waxa uu igu yiri “shukran waa ay dhantahay”. Anna hadda magaalada baan iska soo aaday oo wax talo ah magaalada kuma hayo, oo waxa aan ahay shaqo la’aan.

Waxaan aad ula yaabbanahay dhismayaasha magaalada ee bilicda san, waxa aan ka fekerayaa carabtaan sidii ay ahaan jireen iyo noloshii saboolnimada ahayd ee ay ku noolaan jireen boqol sano ka hor. Waddooyinka is goynaya dabakhyada dhaadheer iyo waxa gawaari meesha maraya ma malayn kartid. Cabbaar haddaan socday waxaan iska soo fariistay makhaayad aad u wayn kuna dhow dhisme-ganacsiyeedka wayn ee Sulaymaaniyah, ee ay fariistaan dadka hantiilayaasha ah. Waxa aan ku fariistay kursi aad u qurux badan oo ilaa hadda ay ii sii muuqato bilicdiisii. Meesha waan iska fadhiyaa mooye koob shaaxa kama gadan karo, oo anoo kale halkaan waxba kama gato kamana bixi karo kharashkeeda. Cabbbaar haddaan fadhiyay, waxaa meel ii dhow soo fariistay nin Sucuudiyahan ah, wuu i salaamay anna waan ka qaaday. Waxa uu guda galay inuu waydiimo aan xad lahayn i waydiiyo, anna waxaan ugu jawaabayay si taxadar leh, anoo ka shaki qaba inuu ninkani yahay nin boolis ah.

Waxa aan aad uga baqayaa waydiinta ah sharcigaagii mee? Iyo war-celintayda ah “sharci malihi”. Intaasna waxaa ku xiga in xafiiska tarxiilka la i geeyo dabadeedna dhulkii aan kasoo dhoofay la igu celiyo. Hadda odaygii carbeed ogaaday in uu yahay hantiile wayn ee uu san askari ahayn. Magaciisana waxa uu iigu sheegay “Fu’aad Fahmi” laakiin wuxuu ku caanyahay Abuu xamsa. Hadda isagii baa ii warramaya oo waxa uu leeyahay  “Walaal waxa aan ku faraxsanahay inaan kula kulmo, waxa aan ahay nin hantiile ah, waxaana doonayaa in aan saddex masaajid ka dhiso Soomaaliya, adna waxaad ka timid Soomaaliya marka waxa aan kaa doonayaa inaad hawshaa ila garab-gasho.”

Anna markaygii baan hadalka qaatay waxaan ku iri ninkii carabka ahaa anoo fiirinaya garkiisii waynaa iyo calooshiisii aadka uga soo horraysay “Ninyahow horta waa wax wanaagsan in masaajid la dhiso, lakiin waxaa muhiim ah in la is waydiiyo war masjid ma looga baahanyahay meesha laga dhisayo;  mise baahiyo kale baa ka jira oo masaajid waa ay haystaan?  Waxa aan kuu sheegaya walaal saddexda magaalo (Muqdisho, Garawe iyo Hargaysa) ee aad rabto inaad ka dhisto masaajidda,waxaa ku yaal masaajid ciiddaa ka badan, marka anigu waxa aan kugu la talinayaa inaad lacagtaas dadka ugu dhistid goobo waxbarasho sidoo kalena aad ugu qoddid ceelal-biyoodyo “Ninkii carabka ahaa hadda kor buu u qaylinaya isagoo leh “I dhagayso waryaa, anigu wax aan masjid ahayn oo aan dhisayo haba-yaraatee ma jidho, ee ma kuu dhiiba lacagta mise waan kaa tashtaa.” Cabbaar baan aamusnaaday anoo ka fekeraya meeshaan busaaradda igu haysa iyo saan ugu baaba’sanahay iyo mashruuca lacagta xooga leh wata ee la ii dhiibayo, sidoo kale waxa aan ogahay carabkaan inuu dharag-dhacsi ku jiro ee uusan doonayn inuu dad caawiyo. Oo hadduu sadaqo la baxayo muxuu ii leeyahay masaajidda sawirro iiga soo qaad, oo magacayga dadka u sheeg inaan ahay ninka masaajidda dhisaya?  Yaab war carabtaan lacagta ma waxa ay uga baxdaa beero!! Waan yeelay inaan mashruuca la fuliyo, asna waxa uu ii ka xeeyay meel hay’ad ah oo magaceeda la yiraahdo “munadamatul khayriya libinaa’il masaajidil caalam.” Waxaanu galnay xafiiskii waxaana la qoray magacaygii iyo xog kale oo dheeraad ah oo caddaynaysa inaan ahay ninka wata mashruuca masaajidda lagu dhisayo ee Soomaliya. Ninkii wax qorayay wuu dhammeeyay hawshiisii, kadib waan salaanay, fadhigiina waan ka kacnay oo bannaanka baanu uga soo baxnay dhismihii.

Carabkii baa ila hadlaya oo waxa uu i leeyahay is diyaari berri baad baxaysaa. Anna kaliya waxa aan ka fakaryo waa lacagta la ii dhiibi doono xaddigeedu inta uu le’ekaandoono. Aniga iyo Abuu xamsa waxa aanu tagnay gurigiisii halkaas oo aan qado ku lahayn, alla qadadu maalintaas maxay ahayd?! Adduun baa nalasoo agdhigay waa saxan wayn oo bariis ah, hilib dooro (=digaag) iyo kalluunba isugu jira , cabitaanno kala jaad ah, qudaar nooc walba leh. Weli intaan Sucuudiga joogay kuma fekerin maalin hadde waa maalin kaliya baad waxaan ku qadaynaysaa. Waa adduun iyo xaalkiise,  shalay haddoo kale waxa aan la’aa lacag aan xitaa haaf bariis ah ku cuno, maantana adduun baa hortayda yaal. Waxaa iigu soo dhacay meerisyadii Gabyaagii waynaa ee Qamaan Bulxan Yuusuf ee ahaa:

Adduun waa har labadiisa galin waana la hubaaye.

Hal galgalatay waxa looga dhigay yaa ninna uharine.

Mar un baa sabool la harqiyaa hodonna deegaaye.

Qadadii markii aan ka soo jeesannay waxa uu igu wareejiyay lacagtii masaajidda lagu dhisi lahaa, markii aan arkay lacagtaa intaa le’eg madaxaa i waynaaday waan u qaadan waayay in aan shalay qadayn maanta lacagtaan la ii dhiibay adduuunyo! Sidoo kale waxaanu casarkii isu raacnay xafiisyada diyaaradaha, waxa uuna iisoo gooyay tagidka diyaaradda “Air France” waxa ay baxaysay tobanka aroornimo. Waxa aanu kasoo noqonay xafiiskii. Markii aan soo gaarnay waddadii suuqa aadi jirtay, lacag buu ii dhiibay waxa uuna igu yiri “Lacagtaan yar intaad qaadatid suuqa uga soo gado dhar iyo waxaad u baahantahay oo kale.” Anna hoos baan ka iri “Lacag yar kuye, mindhaa yaraanta baanu isku si u aqoon.” Lacagta uu odaygu ii dhiibay aad bay u badnayd.

Suuqa wixii ugu horreeyay ee aan ka gato waxa uu ahaa labo khamiis oo cad-cad iyo cimaamadaha casaanka iyo caddaanka isugu jira ee carabtu xirato loona yaqaan “kam qatalta” oo dee maxaan carab isaga dhigi waayay ma in mashruuca yaroo Alla ku siiga ah iga fashilmaa doonaysaa? Markii aan suuqa hawlahaygii ka soo dhammaystay, waxa aan ugu tagay odaygii meel  aan ku ballansanayn oo beer ah, looguna talo galay in lagu nasto. Halkaas baanu iska raacnay oo waxa aannu aadnay hotel u dhow King Khalid International Airport,  halkaas oo uu iiga kireeyay qol. Wuu iga tagay markaa, anna qolkii baan soo dhex istaagay mise maxaa adduun dhexyaal! Sariir labo nafar ah oo meel halkaan ah taal baan saas isu gu tuuray aar baan soo xasuustay xalay meeshaan hurday.

Waxa aannu qol yar ku degganayn sideed qof, waxaanu seexan jirnay dhulka anagoo afar joodari oo kaliya naga dhaxayso, qaarkayana waxay ku seexan jireen kartoomo la isa saar-saaray. Caawase halkaan hurdo iyo halkaan xalay u hoyday waa kaaf iyo kale dheeri. Kor baan u yara kacay oo daaqadda furay waxaana si toos ah halkaas uga daawanayay dhaqdhaqaaqa garoonka aan berri ka duuli doono. Xiligu waxa uu is guraba waxaa soo dhawaaday xiligii aan bixi lahaa, anna waxaan guda galay inaan isdiyaariyo. Waxaan isku taagay khamiiskii caddaa, cimaamad iyo cigaal waxa kaliye oo aan tabayo wa gar. Tollaay, caawa gar baa i ciilay, haddaan lahaan lahaa gar aniga iyo imaamka masjidka xaramka ka tujiya baa la is ku kaaya khaldi lahaa. Sidoo kale intii aan odaygaan la socday muqaalkaygii wax wayn baa is ka baddalay markaasaa haddaad i aragtid waxaad iigu dhaaran lahayd inaan carab ahay. Magacaygii aan lahaa waagii aan busaaradaysnana baddalay oo hadda magacaygu waa “Abuu Caa’isha”.

Qolkii baan kasoo baxay oo jaranjaro hoos aadda baan soo raacay anoo boorsana jiidaya midna garab ku wata. Sankaan taagayaa oo waxaad i moodaa sida nin lanbarka koowaad ka galay  majaladda Forbes ee lagu qoro dadka dunida ugu hantida badan, oo Bilgate-ba aan ka horreeyo. Halkaas meel ah baa waxaa iiga muuqday qof aan aan is iri waa taqaannaa waan ku soo dhawaaday oo haddana ku soo dhawaaday mise waa Cali-madoobe oo xaaqin wata dhulkana xaaqaya. Cali waxa uu ka shaqeeya halkaan oo wuxuu xaaqaa huteelka barxadiisa wayn iyo barandada, waxaana uu ka mid ahaa Raggii aannu wada degganayn. Cali weli imuu arag oo shaqadiisii buu wataa, lakiin waxa uu maqlaya boorsada la jiidayo iyo kabaha buudka ah ee sida miisanka leh mutuleelka uga sharqaminaya, markaasu gadaal soo eegay, markii ay indhahayagu is qabteen xaaqinkii baa ka dhacay, anna tartiib baan u hormaray anoo hoos fiirinaya. Cali-madoobe indhuhuu mar-martay oo mar labaad I fiiriyay oo haddana ifiiriyay, oo igu yiri: “War wiilkii qolka nala degganaa soo ma tihid?” Marka aan intaa maqlay baan soo xasuustay ,busaarad, shiid hoy hu’ iyo hunguri la’aan; qol ciriiri ah sabaayad quraac ah iyo noloshaydii carabku iga soo bootiyay. Waxa aan ku iri Cali “Mayee walaal waa Abuu-Caa’isha” suu yiri oo goormaad gabadha dhashay? Waydiintaa warcelinteeda waan ka gaabsaday saan waligay gabar dhal baa tiriyee … xitaa maba guursane!

Waxa aan fahmi waayay luuqad aan kula hadlo saaxiibkaygii hore ee wakhtiga iyo waayuhu na kala kaxeeyeen . Anna boorso lacag ah baan jiidayaa; isna xaaqin buu jiidaya. Waa aroor hore waxaan soo galay hool ay dad badani fadhiyaan. Dadku waa qaar tageya iyo qaar dadkoodoo imaanaya soo dhawaynaya, dhexdaan u galay dadkii oo kursi yara dheer baan ku fariistay. Cabbaar haddaan joognayba diyaaradii baa timid, dabadeed fuulnay oo haddana nala haadday, waxaanu kor maraynaa baddii, waa halkii aan waddanka kasoo galay waxa aan ka fekeraya magaalaadan markii aan imid iyo maanta oo aan ka tagayo farqiga u dhaxeeya. Diyaaraddu waxa ay hawada nagula jirtay afar saac iyo afartan daqiiqo.Waxaanu soo caga-dhigannay  garoonka Jomo Kenyatta International Airport. Halkaa waxaa si diiran igu soo dhaweeyay wadaaddo uu iga la ballamay Fu’ad Fahmi(Abu-Xamsa), waxa ay ii qabaan shiikh wayn oo balo ka dhacday saan dharkaan qabo iyo barafuunka iga soo uraya waxaad mooddaa nin kitaab sodon mujallad ah qoray. Waxay ii sheegeen inay igayn doonaan xaafadda Islii halkaas oo dad Soomaali ah deggan yihiin, ann taas waan ka biyo-diiday. Intii aan diyaaradda saarnaa ba waxaan kala doortay saddexda hoteel ee kala ah Shareton Hotel, Fairmont the Norfalk Hotel iyo The Boma Nairobi Hotel kii aan degi lahaa, markaas bay ii leeyihiin Islii iyo dhiiqo, dhex deg, beerka caaro idinka xagatay idam alla.

Mid habaar qaba oo wadaaddada ka mid ah baa mar tooshka igu ifiyay oo hoos u yiri ” Ma lacagtii masaajidda baad Shareton Hotel ku degaysaa” Ilaahay amrkii codkiisa lama maqal anna indho-kulul baan ku fiiriyay. Wadaaddadii waxaa ku iri anoo is yara giijinaya  “Anaa isku filan, ee culumo-Allaay is ka taga” Nin maalmihii adduunka ugu macanaa ku jira bay leeyihiin Islii deg, yahuu!!. Markii muuqooda iyo muluugtooduba  iga qarsoontay baan wax gaari ah oo nooca isjiida kiraystay lacagtiina u qaddimay “Xaggee ku geeyaa mudane”  “Shareton Hotel i gee” baan ugu warceliyay sababtoo ah maanta anigu hadlimaayo ee lacagta masaajidda baa hadlaysa. Gaarigii baa lagu soo baakimay afaafka hore ee hoteelka. Soo galay huteelkii oo nastay. Waxa aan dajiyay qorshe ah inaanan wax masjid ah aan ku dhisin lacagtaan. Sabab? dee ninkii lacagtaan isoo dhiibay ilaahay dartii kama ahee waa isoo sawir iyo wax la halmaala. dadkii baa gaajaysan, oo waddo la’aan baa waddankii ka jirta, sidoo kale dugsi la’aan baa haysa carruuraha qaar, see masjid aan baahi loo qabin carab loogu sawiraa. Wallay ka tahay. Waagii baa ii beryay, hadde waa adduune maanta waxa uu iigu beryay Shareton dhowr beri ka horna wuxuu iigu beryay qolkayagii dhowrka mitir ahaa.

Waa subax cusub iyo qorshe cusub. Waxa aan u baxay magaalada waxaana soo goostay tagid Jubba Air Ways ah. Diyaaraddu waxa ay duulaysaa shanta barqanimo. Cabbaar haddaan joogayba wakhtigii aanu duuli lahayn baa lasoo gaaray, garoonkiina waan tagey, diyaaraddii waan galay, salkana waxa aan ku hubsaday kursigaygii, deetana diyaaraddii cirkaas ilaahay bay nala gashay. Waxay na wado oo na wadoba markii danbe waxay kasoo caga-dhigatay garoonka Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Anna iminkaan shaqadaydii guda galay waxaan bilaabay in lacagtii aan ku dhiso waddooyin, iskoolo, dugsiyo qur’aan iyo ceelal-biyoodyo. Waxaana mashruucaas gaarsiiyay dhammaan qaybaha dalka.

Dulucda qoraalka.

Sheekadaan waxa aan uga golleeyahay in waddanka laga joojiyo dhibaatada iyo mashruucyada lagu cunayo waxa aanan faa’iidada lahayn. Waxaad arkaysaa labo masaajid oo aad isugu dhow, mid kastana ay labo saf ku tukaynayso iyo dad masaakiin ah oo deris la ah oo laga yaabo inaysan saddexda wakhti wax ay cunaan haysan. Sidoo kale waxaad arkaysaa tuulo yara oo laamiga saaran oo ay ku yaalaan dhowr masaajid, war maxaa dadka tuulada hal masjid oo waasaca iyo waddooyin, iskuulo iyo madaaris qur’aan loogu dhisi waayay inta la iska ag qotominayo dhowr masjid.

Dhammaad

W/Q:-Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

abdulahiyamyam@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code