Labadii Mugdi

Labadii Mugdi

 

Indhaha ayaan dirqi ku kala qaaday, yaab, waxani maxay ahaayeen? Dibnaha ayaan kala fayday, oo waxan ku dhuftay dhawaaq mar danbe la iigu sheegay “Oohin”. Maan garan karayn waxan meesha ka dhacaya waqtigaas, markiise aan korey waxaan ogaaday in ay dabiici ahayd oo sida meeshan la gu wada yimi ay tahay, qofka dhalanaya in uu ooyo dadka dul tumanina ay farxad iyo qosol ku soo dhaweeyaan.

Mugdi baan ka soo safray deggen, meel la yaxoomo oo buuq badan ayaan u soo baqoolay, ‘ Adduun ‘ baa la iigu sheegay kolkii aan garaadsaday, fajac badanaa meeshani! Xaalado isku wada liddi ah baa iska hor iyo dabo imanaya, waanse iskala qastay. Waan ooyaa marna qoslaa, cirrid ka madhan aniga oo soo bandhigaya, waan seexdaa oo hurdo isu kala bixiyaa, mar kale ayaan haddana soo toosa si aan waxan dhacaya ee hareerahayga yaal u daawado. Waan isku kaaja marna saxarooda iyada oo la Ii wada arkaayo, maxaase iga galay? Igama ay qasnayn.

Waan korey, da’ aan ku fahmi karo waxyaabaha qaar baan gaadhay, waase halka u xanuunku iiga billaabmay, umaan bogin meeshan, waa lagu suntayaa marka aad sidaa u dhalatid, magac baa la ii bixiyey, haa Layla ayaa la ii bixiyey, diin baa la ii doorey, jinsiyad baa la ii huwiyey, doorasho ma lihid oo markiiba waa la gu suntayaa.

Shan sanno kolkii aan jirey baa hawsha guriga la ii bilaabay inaan ka qayb qaato, weel xalis, dhul la xaadho, dhar la dhaqo, intaas ayaa la iigu aamini jirey kolkii aan da’daa ahaa, Maxamed oo ah mataankayga isaga waxba looma dirsan jirin, aniga ayaaba hawshiisi oo dhan qabanaya, cuntada ayaan fadhiga ugu keeni jirey, haddii aan kala raagana waa uu ila dagaalami jirey, aabbo kolkii aan uga ashkatoodo, wuxuu ii sheegi jirey in aan gabadh  ahay anigu, oo aanan inanka la tirsan. Nolol cidhiidhi ah bay ahayd tan xaafadda ka jirta oo xorriyadda uu walaalkay haystay ma aanan haysan, isagu guriga wuu ka bixi jirey xilliga uu doono, anise waalidkayga ayaa I qabsan jirey, “Naa naag baad tahee halkeed u baxaysa habeenimadan” ayay hooyaday igu canaanan jirtey marka aan waydiisto in aan baxo habeenimo. Waxan aanu ku kala duwanahay aniga iyo Maxamed oo xilli kasta socda ayaan is waydiin jirey! Haatan siddeed iyo toban jir baan ahay, walise naagtii ayaan ahay, oo sidii bay u xaddidan tahay xorriyadaydu, ta guriga uun ma aha bulshada dhexdeeda sidii ayuun baan naag uga ahay, wali shaqadii adkayd waan qabanayaa. Dhowr jeer bay niyadda igagasoo dhacday in aan gurigan ka baxsado, waase aan ka baqay cawaaqibta ka danbaynaysa, waayo aabbahay waa nin kulul.

Maanta waan shan iyo labaatan jirsaday, waa uun ii rafaadkii noloshan baas, telefoon baan ku hadlayaa, inta aan qolka hoos kasoo xidhey, Mustafe ayaan la haasaawaya, waa ka kaliya ee aan ku nafiso ugana warramo dhibta i haysata, runtii aad baan u jecelahay, waayo waa qof farxad badan anna aan degenaanshiiyo ka dareemo intaas aanu wada hadlayno, wuxuu iigu ballan qaadaa  in uu i guursan doono, shaqadan dhibta badan ee aan qabtana ka nasan doono, xorriyad na iigu dari doono oo aanu noqon doonin aabbahayga wadaadka ah oo kale.

“ Mustafe sow kumaan waydiin jirin sababta aniga iyo Maxamed aanu u kala duwanahay?” ayaan ku idhi, “ haa walaal” “ maanta markii aan joogay madarasadda ayuu macalinku na wacdiyey, wuxuu noo sheegay in dumarku ay yihiin kuwo caqli yar oo diintoodu na tahay mid nusqaaman, wuxu ku daray in waajibkoodu ba yahay in guriga ay joogaan oo ubad dhalaan. Wuxuu ku sababeeyey in ay tahay xikmad ilaahay, se walaal xikmaddaas maan fahmin,  walaal taasi ma caddaalad baa? Muxuu ilaahay aniga iyo ragga noo kala faddilay?” baan waydiiyey “ walaal maxaan ka garanayaa isagaa iga cilmi badan oo ah wadaade, aynu sidaas uun ku qaadanno hadalkiisa. Xikmadda ilaahay lama fahmi karo e, shaydaanku yaanu ku wiswaasin.” “ Haye haye acuudu billahi mina shaydaani rajiim.” “Laakin inaga ilow sheekadanoo wax yar baan walaal kuu sheegayaa caawa, safar baan baxayaa berri oo aabbo ayaan ku booqanaya miyigii ee insha Allaah marka aan imaado ayaan kula soo xidhiidhi.” Ayuu yidhi, “ ma waxbaa walaal kuso kordhay aabbo?” ayaan su’aalay, “may walaal dhibi ma jirto ee muddo ayaanan is arag oo waan soo booqanaya” ayuu yidhi isaga oo cod daciifa ku hadlaya, “haye haye walaal nabad imow”

Saddex bilood baa laga jooga habeenimadii isugu kaayo danbaysay Mustafe, wax war ah oo danbe kama aanan helin, aad baan ugu xiisey, waxa aan ka fikiray in aan gurigooda ku booqdo, ilamayse qurux badnaan, se waxaan xasuustay inan ay ina abtiyo ay ahaayeen oo iskuulkayaga dhigata, waxa aan ku tashaday in aan iyada ka warssado.

 

  • Sagal ii warran walaal?
  • Waan fiicanahay Layla e adigu sideed tahay?
  • Walaal waan nuurayaaye, wax yar baan ku waydiinayaaye, inankii aanuu isku galaaska ahayn ee aad ina abtiga ahaydeen, maxaa ku dhacay iskuulkii ma yimaadddo e ?
  • Walaal haayo wuu guursaday,
  • Guursaday aa?!
  • Haa maxa dhacay eed la qayliday?
  • Waxba walaal

Waan kasoo dhaqaaqay, ilmo aanan ku ogayn indhaha ayaan soo qubey, si baan u luudayaa, beenta waxa uu iigu sheegay baan is waydiinayaa, muxuu iga lug goynayey mar haddu gabadh kale guursan doono? Ilmada ayaan kolba dhabanka ka tirtiraya, way joogsan la’dahay, beerka ayaa hiqdaa ihaya, gurigii ayaan soo gaadhay, qolkaygi ayaan hoosta kaso xidhey, waa la igu tumayaa intaa, waanan se u kacayn, oo sariirtaan dul aallaa, nafta baas waan hiifey, rajadii kaliya een islaha xorriyad baad ku helaysaa ayaa duntay maanta, bal maxaan u waydiinayey gabadha baas, maan iska aamusoo, oo haddaad aamustid ma marbuu qarssoomi lahaa warku, ayaan is kugu jawaabay

 

Labo sano ayaa la ga joogaa maalintii madoobayd, waa xili danbe waqtigu, qolkaygii ayaan hoosta kaga jiraa, hurdadii baan iska la’ahay, roob baa da’aya oo jiingada kaga sanqadhinaya, ciiddana tumaya, waxaan ka fikirayaa sidaan u heli lahaa qof ii baddala Mustafihii xumaa ee beenta ii sheegay. Waagii ayaa baryey, shaqadii maalinlaha ahayd baan u kacay, quraacdii inta aan sameeyey baan dibadda u baxay si aan usoo fiiqo, Maxamed baa igusoo qaylinaya inta uu albaabka isasoo qotomiyey, “ naa kaalay quraacda noo soo dhig “ baa afkiisa kasoo baxday, inta aan mafiiqdii dhinac iskaga dhigey baan usoo diyaariyey quraacdii, anna u diyaar garoobay iskuulkii.

Xiisadihii kolkii ay dhamaadeen ayuu macalinkii xisaabta oo ta ugu danbaysa noo lahaa igu amray inaan galaaska ku hadho, waan yaabbanahay, muxuu kaa rabaa baan is waydiiyey  “Layla ii warran?” ayuu igu yidhi isaga oo indhaha ku haya laabtayda, “ waa khayr macalin” baan ugu jawaabay inta aan marada ka fujiyey laabtii uu ku dhaygagsanaa, “ layla waxaan rabaa in aan arin muhim ah maanta kuu sheego, muddo ayaan sugayey in aan maalin uun kula wadaago wax uurka aan ku hayey, wax kale ma aha e waxa aan rabaa in aan ku guursado!” ayuu yidhi inta uu gacantayda bowdyada dul saaran kor usoo qaadday oo I dhunkaday, hadal ba afka waan kasoo saari kari waayay, waa macalin dabeecad qalafsan, oo kulul sida aabbahay, haddii aad gurigiina ka tagto oo aad raacdo ninkan wax ma is badali karaan, mise naagtii ayuun baad sii ahaan,  ayaan niyadda iska leeyahay,  “ Layla maxaad ka fikiraysa bal isoo eeg oo ii jawaab” ayaan ku warhelay isaga oo I leh, inta aan candhuuf liqay baan ku idhi “ macalin bal waalidkayga ayaan kalaso tashan e iiga war sug”

Maalintii la I bixiyey maanta ayay ku beegan tahay, toddoba sano ayaa la ga jooga, shan caruur ah baan haystaa, midna calooshaan ku sidaa, shanta caruur ahi ba waa gabdho, ninkaygu arinkaa ma jeclaysan, kaligii ma aha e ragga soomaliyeed buu la qabaa, waa rag jecel wiilasha, oo kan gabdho dhalaa uusan isu arag in uu ilmo dhalay, ma garanayo sababta.

Wax is badalay ma lahan, wax walba waa sidoodi, xanuun ayaaba igusoo kordhay, haa jin ayaa I galay.

Isaga oo xiiqsan buu soo galay “ Naayaa waa naagtaadan madbakha dhex yuururta orod oo biyo ii soo shub aan ku maydho oo qadadana ii soo diyaari waan qayilaad tagayaaye” ayuu igu salaamay, inta aan fadhigi ka kacay baan wixii uu rabay ba u sameeyey, waa dabcigiisa in uu erayadaa qalafsan adeegsado, haa xitaa kuwa uu dhalay wuxu ku yidhaa “ naa tii idin dhashay iigu yeedha”. Wuxuu u hadlaa sidiiyo aan nin kale u dhalay oo aan ubadka ula imi, wayse kasoo daraysaa ayaamahan dabeecaddiisu, ma aqaan sababta. Waxa uu iila dhaqmayaa sidii addoon ay Carabi haysato.

Habeen isniineed weeyi, sariirta ayaanu wada jiifna, ilama hadlayo e saqafka guriga ayuu ku maqan yahay, wuu soo qayilay, mar kaliya ayuu dhankayga iskuso rogay, “Layla I dhagayso, shantan caruurta ah eed ii haysaa igama ay farxin, haa markii koowaad ee inoo dhalatay Xamdi waan odhan karaa, se afartii danbe ee iyaguna hablaha noqday maan jeclaysan, aabahay kaligay buu I dhalay wiil, waxa aan u guursaday ba waa in aan wiilal dhalo, oo aabahay farxo, haa sababtaas ayaan kuu guursaday, waanan u rumayn doonaa maalin uun, haddi ba uurkan aad sidaa isna gabadh noqdo waxaan doonaya in aan kula guursado oo aan bal rajo kale eego aan ku heli karo wiil,  aqbashayaa waa khayr, way noqon wayday,  fasax ayaad iga tahay caawa la ga bilaabo oo aroortaan warqaddaada ku siin doonaa.”

Lixdan iyo sagaal baan ahay caawa, xanuun waayeel baan la il daranahay, sariirta sida aan uga kacaa way adagtahay, ma ihi Layladii islaba rogi jirtey, wadka ayaan ku sugayaa halkan, masiibo nolol la iigu sheegay baan soo dhex jibaaxay, haatan se waxay u egtahay in aan ka tagi doono noloshan oon nolol kale gali doono, haa ta danbe, waxa ay wadaadadu nagu wacdiyaan in ay nolol danbe danbayso, taas ayaan rajaynayaa in aan ku ilaabi doono tan aan soo qaatay, waa nolol ka bilaabmi doonta godyar, waa god mugdi ah.

 

Cabdifataax Carab Maxamuud

Abdifatah933@gmail.com