Ma Dhab Baa In Carabtu Gabdhaha Nolol Ku Aasi Jireen? (Bandhig buug)

 

Ma Dhabbaa In Carabtu Gabdhaha Nolol Ku Aasi Jireen?

(Bandhig buug)

Nebiga (scw) waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Dad ma jireen haddii Eebbe dadka u yeeli lahaa sida ay dadka la doonayaan/ لو أطاع الله الناس في الناس لم يكن ناس“. Waayo? Taariikhda aadanaha inta sida wanaagsan loo hubo waxaa laga ogaaday in dadku wiilasha ka jeclaayeen gabdhaha, haddii Alle dadka oo dhan sida ay rabaan u yeeli lahaa, oo uu dhammaan wiilal siin lahaana dad ma jireen, maxaa yeelay gabdho ma dhasheen, la mana tarmeen.

Inkasta oo aadanaha badankiisu uu ka sinnaa in wiilasha laga doorbido gabdhaha, haddana bulshooyinka sida weyn ugu caanbaxay arrinkaan waxaa ka mid ah Carabta. Carabtu wiilal jacaylka waxay la wadaageen ummadaha kale ee dunida, waxaase si gaar ah loogu shaabbadeeyey in ay lahaayeen caado aad u xun oo ah in aabbayaashu gabdhaha loo dhalo ay nolol ku aasi jireen.

Muslimiintu meel ay joogaanba waxaa ka dhaadhacsan in Carabtii jaahiliyadda ee islaamka ka horreeyey ay gabdhaha ay dhalaan iyaga oo yaryar ay nolosha ku duugi jireen. Waa arrin Muslimiinta yaraan looga dhaadhiciyo, dhegahooduna ay wax badan maqlaan, aayado quraan ah iyo axaadiisna loo daliishado, sidaa awgeedna ay u haystaan xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah, oo aan sina muran iyo shaki loo gelin karin. Waxaana lagu doodaa in wanaagga islaamka ay ka mid tahay in uu Carabta ka joojiyey caadadaas foosha-xun ee xadgudubka ku ahayd nafta Eebbe karaameeyey.

Hase ahaatee, dabshidkii 2005 waxaa soo baxay buug uu qoray nin la yiraahdo Dr. Marsuuq bin Tunbaak oo ah qoraa, macallin jaamacadeed iyo cilmi-baare u dhashay dalka Sacuudiga, marar badanna afkaartiisu ay doodo culus dhaliyeen. Buuggaan wuxuu ku soo bandhigay natiijadii uga soo baxday toddobo sano oo uu baarayey mas’alada sheegaysa in Carabtii Jaahiliyadu ay gabdhaha nolol ku aasi jireen. Buugga waxaa cinwaan looga dhigay “ Duugiddii Carabta: Dhab iyo Dhalanteed/ الوأد عند العرب بين الوهم والحقيقة”. Wuxuuna ku doodayaa in aan la hayn wax marag u noqon kara in Carabtu gabdhahooda nolol ku duugi jireen iyaga oo gabarnimada darteed u duugaya, fadeexo iyo ceeb ka carar darteed ama iyaga oo faqri iyo xoolo la’aan ka cabsanaya.

Qoraagu isaga oo og xasaasiyadda mawduucu uu leeyahay, ayuu meelo badan oo buugga ka mid ah si toos ah iyo si dadban labadaba ugu afeefanayaa. Tusaale ahaan, sadarka ugu horreeya ee buugga wuxuu ku leeyahay: “Wixii kitaabka Alle ku soo arooray waxaan u rumeeyey sidii Alle ula jeeday, wixii nebiga (scw) ka sugnaadayna waxaan u rumeeyey sidii nebigu uga dan lahaa(=uu ka waday)/أمنت على ما جاء في كتاب الله على مراد الله، وعلى ما صح من رسول الله على مراد رسول الله.” Hordhaca buuggana wuxuu ku yiri: “Ku doodimayo in natiijada aan gaaray ay sax tahay wixii dadkii iga horreeyey ay gaareenna ay khalad tahay, laakiin waxaan dib-u-akhrin ku sameeyey mawduuc aan u arko in uu mudan yahay ka fiirsasho iyo dadaal. Xukunkana waxaan u daynayaa ruuxa ka baaraandegaya markhaatiyaha iyo xigashada ay soo hordhigayaan dhinacyada kala duwan ee mawduucaan ka hadlay, waxaana isku dayey in aan baalasha buuggaan ku soo uruuriyo dhammaan wixii mawduuca laga yiri si uu u eego, ugana baaraandego, ugana bogto dhammaan wixii laga yiri iyo markhaatiyaha la cuskaday, arrinka oo dhamina uu hortiisa u yimaado, wanaag waxaan ahaynna ulama jeedo!”

Isaga oo ka hadlaya sababta ku xanbaartay inuu mawduucaan ubbada u biyeysatana wuxuu yiri: “Hawshaan waxaan bilaabay aniga oo hawl kale u socda, baaristii baana iyada ila gashay, waxaan baarayey sababaha  Carabta ku bixiyey in ay gabdhahooda duugaan?! Maxayse ku doorteen in ay duugaan iyaga oo nool?! Maxayse u adeegsan waayeen qaababka kale ee wax loo dilo?! Su’aalihii bilowgii hore aan baarayey kuwaas bay ahaayeen, shakina iigama jirin runnimada jiritaanka duugidda, aniga oo ku kalsoonaa waxa dhaqanka Carabtu uu ka sheegay arrinka,… laakiin markii aan riwaayadaha sii baaray shakigaygu waa sii batay…Waxaana ii caddaaday arrimo badan oo ay ka mid tahay in sheekooyinka duugidda ka hadlaa ay cusub yihiin, oo ay xilligii Islaamka u dhow yihiin, dadka ka hadlayna ay adeegsadeen sheekooyin ay u badan tahay in la falkiyey, Markaas baan dib-u-hubin mawduuca ugu noqday, waxaana raadiyey in wax daliil noqon kara laga helo xilligii Jaahiliyadda, waxna ma helin. Markaana waxaan iska daayey arrinkii aan horay u baarayey, waxaana baarid ugu dhaqaaqay arrinka cilmibaariddu ii geysay mana aanan helin marag ku habboon in loo daliishado in Carabtu gabdho u duugeen qaabka na loogu warramay.” Dabadeed qoraagu cid walba oo haysa dood daliil leh oo tiisa burinaysa wuxuu ku careeyey in ay bannaanka soo dhigaan.

Buuggaani bulshada Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta wuxuu dib-u-xusuusiyey dooddii ka dhalatay buuggii Dr. Taha Xuseen ee “Gabaygii Jaahiliyadda/الشعر الجاهلي”, oo loo aqoonsan yahay in uu yahay buugga dunida Carabta doodda ugu dheer ka dhaliyey. Dooddaas oo socota muddo sagaashan sano ah, waxay bilaabatay markii ugu horraysey ee buugga la daabacay sannadkii 1926, welina waa ay taagan tahay. Taha Xuseen wuxuu dood ka keenay arrin loo haystay in aan la isku diidi karin, oo ah gabayada la sheego in ay tiriyeen Carabtii Jaahiliyada ee Islaamka ka horreeyey, wuxuuna ku dooday in ugu yaraan gabayadaas badankoodu ay yihiin kuwo la tiriyey intii diinta Islaamku ay jirtey, afka Carabiga ee lagu tiriyeyna uu yahay Carabiga samaysmay Islaamka ka dib. Sababaha keenay curintooduna ay isugu jiraan sababo siyaasadeed, kuwo diimeed iyo isu faankii u dhexeeyey Carabta iyo Cajamta. Si taa la mid ah, Marsuuq bin Tunbaak isaguna wuxuu shaki badan geliyey fikrad Carabta iyo Muslimiinta oo dhammi ay u haystaan in ay tahay xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo aan loo baahnayn in sina looga shakiyo. Paulo Coelho na run buu sheegay markii uu yiri: “Kolka aad shakiga joojiso, waxaad joojisay in aad horay u socoto/ When you cease doubting, you have stopped moving forward.”

Dhab ahaantii, dhigaallada noocaan ahi waxay horseedaan in lagu dhiirrado  in isweydiin laga keeno, falaanqaynna lagu sameeyo arrimo markii hore laga maagi jirey, ama xataa loo haysto in ay yihiin lama taabtaan. Aqoonyahanno badan oo Carbeedna waxay rumaysan yihiin in kumanyaal buug oo maanta Carabi qortay aan la qori lahayn haddii Taha Xuseen iyo kuwa la eyniga ahi aysan bilaabin in ay su’aalo ka keenaan arrimo aan iyaga hortood wax la iska weydiin jirin.

Waxaa xusid mudan dhacdo ku saabsan taariikhdii waxbarashada ee qoraaga, oo uu marar badan ka sheekeeyo. Wuxuu yiri: “Markaan dugsiga sare dhammeeyey waxaan damcay in aan galo Jaamacadda Islaamka ee magaalada Al-Madiina Al-Munawara -(waa deegaanka qoraagu uu asal ahaan ka soo jeedo)- laakiin wadaad ka mid ah mas’uuliintii jaamacadda ayaa wuxuu igu yiri: astaan taqwo wejigaaga ugama jeedo, dabadeed waxaan tagay magaalada Dimishiq si aan qaanuun uga barto, laakiin macallimiintii jaamacadda midkood ayaa wuxuu igu yiri: manaahijta jaamacaddaani ma awoodaan in ay maskaxdaada ka sifeeyaan habaaska Wahaabiyada!!!.” Waa dhacdooyin na xusuusinaya murtidii Soomaaliyeed ee ahayd: “Hal nin gurrani dheelmay dhanna uma fiyooba!”

Arrin kale oo mudan in qalinka lagu adkeeyaa wuxuu yahay in Dr. Tunbaak uusan idil ahaan diidin mas’alada duugitaanka, balse uu diidey in Carabtu gabdhaha si gaar ah u duugi jireen, sababtuna ay ahayd ceeb ama faqri ka carar, wuxuuse oggol yahay in ay jireen sababo kale oo Carabta iyo ummado kaleba ay carruurta- wiilal iyo gabdhaba- u dili jireen. Oo wuxuu rumaysan yahay in ugu yaraan ay jiraan labo sababood oo dadku ilmaha- wiilal iyo gabdhaba- u dilaan. Waxayna kala yihiin;

Kow: Qurbaan ama Alle bari darti, oo aadanuhu muddo dheer buu yaqiin in ilmaha lagu Alle baryo. Wiilasha iyo gabdhahana isku si baa loogu Alle baryi jirey. Caadi ahaanna waxaa lagu Alle baryi jirey ilmaha curadka ah, weliba waxaa qiimo badnaa in lagu Alle baryo wiilasha, maxaa yeelay wiilasha waa laga jeclaa gabdhaha, waxaana wanaagsan oo sharafta iyo deeqsinimadu ku jirtaa in lagu Alle baryo waxa ugu wanaagsan ee loogu jecel yahay. Tusaalooyinka arrinkaan laga bixiyana waxaa ka mid ah isku daygii nebi Ibraahim uu isku dayey in uu gawraco wiilkiisii Ismaaciil.

Labo: Ilmaha ku dhasha si guurka sharciga ah khilaafsan (=wacallada ama garacyada), oo sida la wada ogyahay dilidda iyo ka takhalusidda ilmaha sharci la’aanta ku dhashaa waa dhaqan dadka badankoodu ay wadaagaan, oo goor walba meel kasta ka dhaca, aysanna jirin ummad si gaar ah loogu abtirin karo. Waana dhaqan tan iyo maanta dunida oo dhan laga yaqaan. Tusaale ahaan, gabyaagii rasuulka ee Xasaan bin Taabid (RC) haweenkii Qureeshta- siiba Hinti binti Cutba oo ah Mucaawiye bin Abii Sufyaan hooyadi- wuxuu ku dhaleeceeyey in ay duugi jireen carruurta ay sinada ku dhalaan. Waxa qura ee maanta isbeddelay waa in ummadaha badankoodu ay sameeyeen xarumo lagu xannaaneeyo ilmaha qaabkaas ku dhasha iyo iyada oo bulshooyinka qaarkood uu ku yaraaday walaacii laga qabay ilmaha noocaas ah.

Sidaa awgeedna, waxaa habboon in aan meesha la keenin dood ku saabsan in quraanka lagu xusay duugidda, waayo qodobka halkaan laga doodayaa ma aha guud ahaan fikradda dilidda ilmaha, laakiin waa duugidda gabdhaha loo duugo iyada oo laga cararayo ceeb ay timaaddada soo jiidaan ama culays dhaqaale oo ay reerka ku keenaan.

Waxaa jirey aqoonyahanno Carbeed oo Marsuuq bin Tunbaak ka hor shaki ka muujiyey dhinacyo ka mid caadada nolol ku aasidda gabdhaha. Waxyaabaha shakiga laga muujiyeyna waxaa ka mid ah in caadada duugiddu ay ahayd caado bulshada si weyn ugu dhex faaftay iyo kaalinka la sheego in Qeys bin Caasim uu arrinka ku lahaa iyo in  Khaliifkii Cumar bin Khadhaab (RC) uu gabar uu dhalay uu duugey. Qodobadaas iyo kuwo la mid ah ayaa horay shaki looga muujiyey, hayeeshee qoraaga buuggaani wuxuu gebi ahaanba beeninayaa in Carabtu taqiin caadada nolol ku aasidda gabdhaha ay dhalaan. Wuxuuna ku doodayaa in arrinkaas aan loo hayn wax markhaati ah oo la isku halayn karo.

Dr. Marsuuq wuxuu ku doodayaa in sheekada gabdho aasiddu ay tahay sheekoxariir ay u badan tahay in falkinteeda uu bilaabay wadaad dad wacdinayey, oo ay la noqotay in sheekadu keeni karto in dadku Islaamka jeclaadaan, dabadeedna mufasiriintii quraanka iyo culumadii dadka wacdinayey ay rumaysteen aadna u adeegsadeen, iyaga oo aan waxba iska weydiin. Waxaana ka sii dhaxlay khayaalkii suugaan-yahannada iyo kii dadweynaha oo dogobyo waaweyn sii saaray. Sida Soomaalidu ay horay noogu sheegeenna “been fakatay runi ma gaarto!”.

Doodda qoraagu ma aha mid meel cidlo ah laga dhisay, balse waa dood uu cuskinayo taariikhda iyo suugaanta Carabta. Falaanqaynteedana aad buu ugu dheeraaday, isaga oo nusuusta diinta u akhrinaya si waafaqsan caqliga iyo xeerarka cilmibaaridda, tusaalooyin badanna wuu bixinayaa.

 

Marsuuq wuxuu ku doodayaa in meesha sheekada gabdho duugiddu ay ka bilaabatay ay tahay waxa Al-Raasi uu ku qoray buuggiisa “Furayaasha Maqanaha/مفاتيح الغيب”, markii uu yiri: “Xilligii Jaahiliyadda ninka marka xaaskiisa fooli qabato wuu dhuuman jirey oo dadka iska qarin jirey jeer uu ka ogaado waxa loo dhalay, haddii uu lab noqdo wuu ku farxi jirey, haddii ay dheddig noqotana waa murugoon jirey dadkana maalmo uma soo bixi jirin, isaga oo ka baaraandegaya wixii uu ku samayn lahaa.”

Wuxuuna qabaa in meesha culumada wareerku ka qabsaday ay tahay macnaha la siinayo labada eray ee kala ah: “is qarin ama dhuumasho/يتوارئ” iyo “carro gelin ama carro dhunbin/ يدسه في التراب” ee ku soo arooray ayaadaha 58 iyo 59 ee Suuradda An-Naxl ee oranaya:

“Haddii midkood loogu bishaareeyo dheddig wuxuu noqdaa wejigiisu madow walbahaarsan. Wuxuuna iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey, ma dulli buu ku haystaa mise wuxuu dhunbiyaa dhulka, waxaa xun waxay xukumi/ وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِالْأُنثَىٰ ظَلَّ وَجْهُهُ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ. يَتَوَارَىٰ مِنَ الْقَوْمِ مِن سُوءِ مَا بُشِّرَ بِهِ ۚ أَيُمْسِكُهُ عَلَىٰ هُونٍ أَمْ يَدُسُّهُ فِي التُّرَابِ ۗ أَلَا سَاءَ مَا يَحْكُمُون”.

Culumada tafsiirku labadaas eray waxay ku macneeyeen is qarin dhab ah iyo duugid dhab ah, laakiin qoraagu wuxuu sheegayaa in erayadu xanbaarsan yihiin macne sarbeeb ah oo si xeeldheer u muujinaya dareenka aabbaha Carbeed ee gabadha loo dhalay halkii uu wiil ka sugayey. Aayaduhu waxay sawirayaan xaaladda carada iyo murugada uu dareemo aabbaha Carbeed ee gabadha loo dhalay iyo in uusan ku farxin, golayaashana uga faanin, balse ayba mudan tahay in la liido oo aan magaceeda iyo wejigeeda midna la arag.

Macnaha noocaas ahna aayadda waxaa horay ugu fasiray Abuu Xayaan Al-Andalusi oo buuggiisa tafsiirka ah ee “Al-Baxr Al-Muxiid/البحر المحيط” ku yiri: “Waxaa kaloo la yiri duugisteedu waa in dadka laga qariyo jeer la garan waayo oo ay la mid noqoto sidii in carrada lagu duugay/” وقيل دسها إخفاؤها عن الناس حتى لا تعرف كالمدسوس في التراب.

Carabtuna tan iyo maanta marka ay tilmaamayaan qof la liiday waxa ay adeegsadaan erayada “Carrada ayaa la geliyey/داسه في التراب” iyo “Wejigaa carro looga duugay/مرغ وجهه بالتراب”, kamana ay wadaan in dhab ahaan qofkaas carro la mariyey ama la geliyey, balse waxay u la jeedaan si xun baa loo liiday ama loo bahdiley.

Qoraagu wuxuu leeyahay duugidda quraanku sheegay waa qarinta la qariyo gabadha magaceeda, codkeeda iyo wejigeeda, waana duugid weli socota, mase ah duugid dhab ahaan gabdhaha dhulka lagu aasi jirey. Wuxuuna intaa ku darayaa in xaaladda aayadaha quraanku ay tilmaameen ay yihiin kuwo tan iyo maanta Carabta dhexdeeda ka taagan, oo Carabtu ay weli gabdhaha si macnawi ah u duugaan, ka dib marka ay qariyaan magacooda, codkooda iyo wejigooda, oo ay cawro iyo ceeb ku sheegaan. Tusaale ahaan, ragga carbeed marna ma oggola in loogu yeero magaca gabadhooda oo la yiraahdo heblo aabbeheed. Waxaana dhacda in aabbe carbeed oo gabdho badan dhalay laakiin aan wiil dhalin loogu yeero hebel aabbihi, halkii laga oran lahaa heblo aabbeheed. Waayo sheegidda magaca gabadha waxaa loo arkaa arrin ceeb ah oo laga xishoodo in carrabka lagu ballaariyo. Si taa la mid ah warqadaha martiqaadka aroosyada carabta waxaa lagu qoraa magaca wiilka aroosaya, laakiin gabadha magaceeda waa la qariyaa, beddelkii magaca gabadhana waxaa la adeegsadaa tilmaanta ah “ugaasadda hebel dhalay/كريمة فلان”, waxaana la sheega magaca aabbaha gabadha dhalay. Qoraagu wuxuu si weyn qalinka ugu adkaynayaa in duugidda dhabta ah ee Carabtu taqiin, quraankuna sheegay ay tahay duugidda ilmaha aan guurka ku dhalan, arrinkaasina uu yahay mid meel walba iyo mar kasta dunida laga yaqiin.

Su’aasha meesha ku jirta ee akhristayaal badani ay isweydiin karaan waxay tahay: sidee laga yeelayaa aayadda quraanka ah ee sida cad u oranaysa: “Naftii la duugayna la weydiiyo, wuxuu yahay denbiga loo diley /وإذا الموؤدة سئلت بأي ذنب قتلت” (Suurat At-Takwiir, aayadaha 8-9).

Aayaddu waxay sheegaysaa in naf la duugay la isweydiin doono denbiga ay galabsatay ee loo dilay, laakiin aayaddu kama aysan hadlin nafta la dilay nooca ay ahayd (lab iyo dheddig, saqiir iyo kabiir, gaal iyo muslim, Carab iyo Cajam) iyo sababta loo diley toona. Hayeeshee, culumada tafsiirka ayaa erayada “Maw’uuda/الموؤدة”  iyo “Su’ilat/سئلت” iyo “Qutilat/قتلت”oo macne dheddig ah xanbaarsan waxay ka qaateen in aayaddu tilmaamayso dheddig la dilay, waxayna ku doodeen in ay ka hadlayso caado Carabtii Jaahiliyadu lahayd oo ah in ay gabdhaha yaryar nolol ku aasi jireen. Tusaale ahaan, Tabari buuggiisa tafsiirka wuxuu ku yiri: “Maw’uudadu waa midda la duugo iyada oo nool, Carabtuna sidaa bay gabdhahooda ku samayn jireen / والموؤدة المدفونة حية ، وكذلك كانت العرب تفعل ببناتها”. Ibnu Katiir-na wuxuu yiri: “Maw’uudadu waa middii duulkii Jaahiliyaddu ay carrada tinbin jireen nacaybkii ay gabdhaha u qabeen, maalinta qiyaamana waa la isweydiinayaa midda la duugay sababta loo dilay /”والمؤودة هي التي كان أهل الجاهلية يدسونها في التراب كراهية للبنات ، فيوم القيامة تسأل الموؤدة بأي ذنب قتلت“.

Qoraaga buuggaani aayadda waa oggolyahay, mana diiddana fikradda duugidda asal ahaanteeda, laakiin waxa uu diiddan yahay macnaha la siiyey aayadda ee duugidda sida gaarka ah ugu koobaya gabdho Carabtii Jaahiliyaddu ay duugi jireen. Qoraagu wuxuu sheegayaa in macnaha la siiyey aayaddu uu khaldan yahay, isla markaana uu jiro macne ka ballaaran aadna uga macquulsan. Wuxuuna ku doodayaa in mar walba oo quraanku uu ka hadlayo geeri iyo cid la dilay uu adeegsado erayga naf, uusanna nafta u kala saarin lab iyo dheddig ee labadaba uu naf ugu yeero. Wuxuuna keenayaa tusaalooyin badan oo arrinkaas muujinaya.  Erayga nafna marka loo eego afka Carabiga wuxuu tusiyaa dheddignimo. Dooddiisana wuxuu ku soo gunaanadayaa in nafta la duugay aysan khaasab ahayn in gabar lagu macneeyo, balse ay wanaagsan tahay in lagu macneeyo naf oo dhan- lab iyo dheddig. Sidaa darteedna, macnaha aayaddu ma noqonayo mid si gaar ah loogu daliishado gabdho la duugay, ee wuxuu noqonayaa naf kasta oo la duugay lab iyo dheddig labadaba. Wuxuuna qabaa in aayaddu ay tilmaamayso carruurta sharci la’aanta ku dhasha, sababtaas awgeedna loo dilo iyaga oo aan lab iyo dheddig loo kala saarin. Waxaa kale oo macnaha aayadda soo hoos galaya naf kasta oo la aasay dantii la doono ha laga lahaadee.

Dhanka kale, qoraagu wuxuu deedifeeyey xaadiiska dadka qaarkood ay u daliishadaan jiritaanka duugidda gabdhaha, isaga oo sheegay in xadiiskaasi siyaabo badan oo kala duwan loo wariyo, isla markaana uu iska hor imaad badan xanbaarsan yahay, uuna si weyn ugu muuqda hadal goor danbe nebiga (scw) carrabka loogu tiray, balse dhab ahaan uusan oran.

 

Mawduuca in Carabtii Jaahiliyadu ay gabdhaha nolol ku aasi jireen waxaa loo cuskadaa labo sheeko oo loogu kala abtiriyo labo nin oo midkood la sheego inuu yahay kan bilaabay caadada duugidda gabdhaha, Carabutuna ay isaga uga daydeen iyo kan kale oo la sheego in uu dadaal ku bixiyey badbaadinta gabdhaha ehelkoodu doonayeen in ay duugaan. Waxaana la sheegay in labada nin ay isku qabiil yihiin, isku waqtina ay ku noolaayeen hal deegaan, iyaga oo wafdi beeshooda ah la socdana ay isku mar nebiga (scw) u wada yimaadeen. Weliba waxaa intaa dheer in la sheego in labaduba ay noolaayeen geeridii nebiga ka dib.

 

Ninka hore ee la sheegay in Carabtu isaga kaga daydeen dhaqanka gabdho aasidda waxaa magaciisa lagu sheegay “Qeys bin Caas”. Sheekadiisa oo ay aad u daliishadaan dadka taageera fikradda gabdho duugidduna waxaa loo wariyey sidatan: “Waxaa jirey nin Carab ah oo la oran jirey Qeys bin Caasim Al-Tamiimi, mar baa waxaa ku soo duuley qolo ay col ahaayeen, waxayna xoog ku qafaasheen gabar uu dhalay oo ahayd afo la qabo, wayna guursadeen, muddo ka dibna waxaa dhexmaray heshiis, gabadhiina waxaa la kala dooransiiyey in ay kala doorato aabbeheed iyo ninkeedii hore oo dhan ah iyo ninka qafaalka ka dib guursaday oo dhanka kale ah, waxayna dooratay ninkii soo dhacay, maalintaasna Qeys wuxuu ku dhaartay in gabar kasta oo u dhalata uu nolol ku duugo, Carabtiina arrinkaas way kaga daydeen.”

Qeys bin Caasim Islaamka ka hor buu noolaa, Islaamkana wuu soo gaarey, nebigana wuu rumeeyey, nebiga ka dibna muddo ayuu noolaa, lamana sheegin in uu ahaa nin cimriyey oo gu’yaal badan noolaa. Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay muddo intee le’eg buu Qeys noolaa Islaamka ka hor? Ma tahay muddo uu ku dhali karo inan gashaanti ah oo uu nin ku daro, dabadeed ninkii uu siiyey ka raacday nin qafaashay, arrinkaasina uu ku bixiyey in uu dilo gabdho badan oo goortaas ka dib u dhashay, Carabina ay markaas dhaqanka gabdho aasidda isaga uga dayatay. Dhaqamadu -siiba kuwa fooshaxun sida midka aasidda gabdhuhu- si fudud kuma faafaan, waxayse u baahan yihiin waqti dheer oo facyaal badani ay kula qabsadaan.

Qeys waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa deeqi gacan furan iyo ugaas dulqaad badan oo dagaalka iyo dilka neceb. Su’aalaha meesha ku jiraana waxay yihiin: ruux neceb in uu cadowgiisa dilo sidee looga filan karaa in uu carruurtiisa duugo. Haddii Qeys gabadhiisa u diley masayr darti, ma khasabbaa in Carabtu arrinkaas kaga daydaan oo gabdhahooda masayr darti u dilaan? Ma sidaas bay u fududdahay in ummad dhan ay dumarkooda uga shakiyaan nin shakiyey darteed?.

 

Waxaa intaa dheer in la sheegay in ay jireen rag badan oo Qeys ay xinifi ka dhaxaysey oo ay gabayo cay ah isu tiriyeen, lamana sheegin nin raggaas ka mid ah oo Qeys ku dhaleeceeyey in uu gabar duugey ama uu Carab u jideeyey caadada gabdho duugidda, shakina kuma jiro in haddii Qeys iintaas lahaan lahaa ay ahaan lahayd meesha uu ka nugul yahay ee sida tooska ah looga abbaari lahaa, oo waa hubaal in lagu cayn lahaa in uu carruurtiisii diley, dumarkiisuna ay duul afduubay ay ka doorteen. Weliba raggaas ay colaaddu ka dhaxaysey waxaa ku jirey kuwo ay qaraabo dhow yihiin oo aan sirtiisa iyo meesha uu ka nugul yahay aan sina ku moogaan karin, isla markaana ay colaaddu ka gaartay meel xun oo aan waxba la isula harayn. Runtii waa muuqataa in sheekada noocaan ahi ay si cad ugu muuqanayso in ay tahay sheekoxariir fannaan falkiyey, aysanna noqon karin xaqiiqo dhab ahaan u dhacday.

 

Ninka labaad ee sheekadiisa loo daliishado dhabnimada caadada duugidda gabdhuhu waa “Sacsaca bin Naajiya” oo la sheegay in ay isku waa iyo isku meel ku noolaayeen Qeys bin Caasim, sheekadiisana waxaa qudhiisa looga tebiyey sidatan:

“ Waxaa iga baxsatay hal fool ah, waxaana fuulay rati aan lahaa, waxaana bilaabay raacdadeeda, dabadeed aniga oo maraya meel cidlo ah ayaa waxaa ii muuqday dab, waxaana u dhaqaaqay meeshii dabku iiga baxay, waxaana ugu tagay oday fadhiya ardaaga reerka, waxaan weydiiyey hashii foosha ahayd, wuxuuna I weydiiyey: maxay tahay summadeedu? Waxaan ku iri: summadda reer Daarim. Wuxuu yiri: waa hayaa, Allena wuxuu ku nooleeyey qolo tolkaa reer Mudar ah, waan fariistay aniga oo sugaya in la ii soo saaro, waxaase guriga ka soo baxday habar (= islaan weyn), wuxuuna ku yiri: ma ay dhashay? Haddii uu wiil yahay xoolaha ayuu na la wadaagayaa, haddii ay gabar tahayna waa duugaynaa. Habartiina waxay tiri: Gabar bay dhashay, markaana waxaan ku iri: ma kaa iibiyaa? Wuxuu yiri: oo Carabtu carruurtooda ma iibiyaan? Waxaan iri: kaaga iibin maayo in aan addoonsado, balse waxaan kaaga iibinayaa in aan badbaadiyo, wuxuu yiri: imisa? Waxaan iri: adigu wax sheego, wuxuu yiri: labo halaad iyo rati, waxaan iri: waa yeelay, waxaanse rabaa in ratigu aniga iyo gabadha uu gurigaygii na geeyo, wuuna yeelay. Falkaasina wuxuu ii noqday caado waxaana badbaadiyey in ka badan afar boqol oo gabdhood.”

 

Sida la caddeeyey sheekadaan markii ugu horraysey waxaa laga maqlay gabyaagii Carbeed ee Farasdaq -oo noolaa xilligii dowladdii Ummawida- cid kale oo xaqiijisayna ma jirto. Sida la ogyahayna, deeqsinimadu waa tilmaan Carabtu- iyo dabcan ummado kaleba -ay jecel yihiin, ruuxa ku sifoobana ay si weyn u sheegaan. Mana jirto deeqsinimo ka weyn in 400 oo ruux naftooda la badbaadiyo. Taasoo jirta, suugaanta Carabta laguma xusin meeris qura oo deeqsinimada Sacsaca lagu xusay, marka laga reebo meeriska Farasdaq oo Sacsace uu awow u yahay uu ku faanayo, awowgiisna tilmaantaas uu ku siinayo. Iyada oo sida lo ogyahay Carabtu ay ku faanto sooryo habeen ah iyo neef la bixiyey.

 

 

Sida la ogyahay gabaygu waa diiwaanka Carabta ee lagu kaydiyo taariikhda iyo sooyaalka Caraba. Sidaas oo ay tahayna gabayada Carabtii xilligii Jaahiliyada iyo facyaashii hore ee Muslimiinta laguma hayo qof ama qabiil lagu ammaanay ama lagu canbaareeyey in ay gabar nolol ku duugeen. Sidoo kalena laguma hayo qof ama qabiil lagu ammaanay in ay gabar dil ka badbaadiyeen. Sidoo kale lama hayo xog yar oo ku saabsan 400 ee gabdhood ee la badbaadiyey iyo cid si un xiriir u la leh. Sheegashada oo dhanna waxaa goor danbe bilaabay gabyaagii Farasaq (641-732) oo ku andacoodey in awowgiis uu badbaadin jirey gabdhaha waalidkood doonayeen in ay duugaan. Dabadeedna culumada tafsiirka iyo wadaaddada dadka wacdiya ayaa waxay allifeen sheekooyin bankadhis ah oo ku saabsan gabdho sebenkii Jaahiliyada la duugey.

 

Dhanka kale, qabaa’isha Carabta ee sida gaarka ah loogu sheegay in ay gabdhaha duugi jireen waxaa ugu horreeya Qureeshta, oo tusaale ahaan waxaa lagu andacoodey in reer Maka ay lahaayeen buur ay gabdhaha ku duugaan oo magaceeda la yiraahdo “Abuu Dulaama”. Waxaa kaloo lagu andacoodey in Seyd bin Camar bin Nufeyl oo Khaliifkii Cumar bin Khadaab adeer u ahaa uu isu xilqaamay badbaadinta gabdhaha Qureeshtii reer Maka ay doonayeen in ay duugaan, uuna ku guulaystay badbaadinta in ka badan sagaashan iyo lix gabdhood. Sidoo kale waxay ku doodeen in Cumar bin Khadaab qudhiisu uu islaamiddiisii ka hor uu duugay gabar uu dhalay.

 

Laakiin qoraaga buuggaan wuxuu ku doodayaa in arrimahaas oo dhan aan waxba ka ansaxin, si weyn buuna u diidayaa. Waxaana xusid mudan in Qureeshta aan lagu sheegin qabiil dagaallama oo duula ama lagu soo duulo. Carabtii jaahiliyaduna waxay oran jireen: “Carabi waxay quudataa wixii ay seeftooda ku helaan, Qureeshina waxay quutaan wixii ay ganacsigooda ka helaan.” Sidoo kale, Qureeshtu waxay ahaayeen ganacsato, marka la barbardhigo beelaha kale ee Carabtana waxay ahaayeen maalqabeen aan saboolnimo daran ka sheegan. Eebbana wuxuu ugu gallad sheegtay in uu gaajo iyo cabsi labadaba ka magan geliyey, oo Eebbe ayaadda 4-aad ee suuradda Quraysh wuxuu ku yiri: “Eebbihii ka quudiyey gaajo, kana aamingeliyey cabsi/ أطعمهم من جوع وآمنهم من خوف”. Marka su’aashu waxay tahay: haddii Qureeshta aan lagu soo duulin, maxaa keenay in ay gabdhahooda u duugaan iyaga oo cabsi ka qaba in col ku soo duulay ay ka dhacaan ama fara xumeeyaan?.

Su’aasha kale ee iyaduna isweydiinta mudani waxay tahay: haddii caadadaani ay jirtey, oo weliba ay ahayd mid Carabta dhexdeeda ku baahsan soo taasi ma keenteen in raggu ka bataan haweenka, oo lama waayeen gabdho la guursado? Carabna waa hore ma cirib-tirmeen?

Marna Carabta gabdho yaraan laguma sheegin, iyada oo la ogyahay in carabtu taqiin caadada dumar badan guursiga. Waxaana la ogyahay in dalka Shiinaha oo sanooyin kooban ay ka shaqaynaysay siyaasadda halka cunug ee dhalisay in gabdho badan laga takhaluso ay mar hore keentay isu dheelitir la’aan labka iyo dheddiga dalkaas.

 

Waxaa kale oo qoraagu  uu ku dooday in sheekada gabdho aasiddu ay sawir foolxun oo been ah ay ka bixinayso Carabta, waxayna la tahay in ragga ku caanbaxay magaca “Al-Shucuubiyuun”, oo Carab nacaybka lagu eedayn jirey ay ka qayb qaateen faafidda sheekada gabdho duugidda. Ragga uu sida gaarka ah magcaantooda u xusayna waxaa ka mid ah nin la oran jirey Al-Heytam bin Cudey/ الهيثم بن عدي  (114-207 ee hijrada) oo la sheegay in uu qoray buug uu ka mid yahay mid uu u bixiyey ” Dhillooyinkii Qureeshtii Jaahiliyadda iyo magcaanta carruurtii ay dhaleen /بغايا قريش في الجاهلية وأسماء من ولدن“.

 

Ugu danbayntii, buuggaan oo buuq iyo doodo badan dhaliyey darteed, waxaa dhacday in loo saaray guddi aqoonyahanno ah oo loo xilsaaray in ay warbixin ka diyaariyaan. Guddigaas waxaa guddoomiye u ahaa nin la yiraahdo Dr. Sacad bin Al-shatri, isaga oo ka faalloonaya buugga iyo wixii ay kala kulmeen guddiguna wuxuu yiri: “Daktoorku wuxuu diiday in caadada aasiddu ay Carabta ku gaar ahayd, mana uu diiddana nusuusta ka hadasha duugitaanka. Guddigu waxay qaateen in arrinku yahay aragti doktoorka u gaar ah, waana arrin aragti laga dhiiban karo, inkasta oo aan qabno aragti tiisa ka duwan.”

 

Hey’adda culumada waaweyn (= Hey’at Kibaar al-Culumaa) oo ah hey’adda dalka Sucuudiga ugu sarraysa arrimaha diintuna sida la sheegay markii loo geeyey dacwada buugga waxay ku jawaabeen: “Kuma waafaqsanin qoraaga, laakiin qaabka uu mawduuca u baaray wax dhaliil ah uma hayno/ لا نوافق عليه لكن ليس على الرجل مأخذ في طرحه العلمي الموضوعي”.

 

Isku soo wada xooriyoo, ujeeddada maqaalkaani ma aha in uu difaaco qoraaga buuggaan,  mana aha in uu akhristaha ku qanciyo fikradda buuggu xanbaarsan yahay, laakiin ujeeddadu waa in akhristaha la la socodsiiyo fikradda buugga, waana hubanti in akhrinta buuggaani ay ruuxa ku bixinayso in uu su’aalo iska weydiiyo mawduuca Carabtii Jaahiliyadda iyo aasidda gabdhaha iyo weliba mawduucyo kale oo badan oo horay lama taabtaan ugu muuqanayey. Run bayna sheegtay ciddii tiri: “Qoraalka wanaagsani ma aha kan jawaabaha wanaagsan bixiya, laakiin waa kan su’aalaha wanaagsan abuura.”

 

Akhristaha afka Carabiga wax ku akhriyaa halkaan ha kala dego buugga oo dhan, indhihiisa iyo garashadiisana ha kaga bogto.

faculty.ksu.edu.sa/38401/DocLib/الوأد.doc

 

One thought on “Ma Dhab Baa In Carabtu Gabdhaha Nolol Ku Aasi Jireen? (Bandhig buug)

  • November 18, 2016 at 11:14 pm
    Permalink

    Sheik kheyr Alle haka siyo cilmi badan oo aan wax badan ka faaiidno baad inala wadaagtay.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code