Ma iimaanka habraha?!

Dhibka ugu weyn ee dunida ka jiraa waa in doqommada iimaan afka ka joogo, halka caaqiliintu ay shaki miiran yihiin.”Bertrand Russell

“ Haddaad tahay muumin Alle rumaysan iyo haddii aad tahay mulxid Alle inkirsan labo goorraba waa in aad shakisanaataa, haddii kale waxaad ogaataa in aad naftaada been u sheegayso ama aad huruddo” Frederick Buechner, Whishful Thinking.

 

Dhawaan waxaan dhegaystay wadaad Soomaaliyeed oo wacdinaya dhallinyaro arday u badan, oo uga digaya adeegsiga caqliga, kuna leh dood nuxurkeedu yahay: Haddaad doonaysaan in diintiinna iyo aakhiradiinnu ay idiin nabadgalaan iimaanka habraha oo kale yeesha, haddii kale caqligiinna ku kadsooma oo wax walba akhriya. Wallee kiinna sidaa yeela waxaa la arki doonaa isaga oo inta diinta ka baxay meelaha dhacdhacaya!

 

Waxaana isweydiiyey su’aalo ay ka mid ahaayeen: War wadaadka ma ka dhab baa mise wuu is yeelyeelayaa? Suurogal ma tahay in qof wax bartay uu yeesho iimaan la mid ah kan habraha? Wadaaddada iyo abootooyinkood kee baa iimaan badan?  Sideedaba, ma jiraa qof nool oo aan shakin- caamo iyo culumo kuu doono ha ahaadee? Maankayaga oo dhintaa daawo ma u yahay shakigayaga? Shakigu soo ma aha kan isbeddelka iyo horumarka horseeda???

 

Sida la sheego, habraha shakigu kuma badna. Caadi ahaanna, habraha la sheego in aysan shakin waa kuwa aan helin fursad waxbarasho, khibraddooda noloshuna ay kooban tahay. In aysan shakinna waxaa loo aaneeyaa sababo badan oo ay ka mid yihiin iyaga oo aan la kulmin duruufo ku bixiya in ay su’aalo is weydiiyaan iyo iyaga oo dhan u batay oo aan diyaar u ahayn in khaatimadu ka xumaato. Waxaa intaa dheer, in habruhu aysan sida wadaaddada ku mashquulin doodaha caqiidada, balse ay ku mintidaan inta yar ee ay bowsadaan –salaad, soon, sadaqo, digri iyo xuska awliyada- haddaba waa kee shiikha iyo xerowga sidaa yeeli karaa? Habruhu Alle iyo awliyadaba waa baryaan, awrtoodana waa ku kacsadaan, laakiin jiritaankooda iyo caqiidadooda kama doodaan, kumana mashquulaan[i].

 

Mawduuca iimaanka iyo shakigu wuxuu safka hore uga jiraa arrimaha la yiraahdo: “cid waliba waa og tahay laakiin afka lagama oran karo/ you know it but you can’t say it/.”Wuxuu ka mid yahay arrimaha la isku raaco marka labo labo loo sheekaysanayo, laakiin laga xishoodo marka wadarta la yahay, oo qof walbaa uu hoosta ka yiraahdo: Ilaahow afkayga ha ka yeerin! Isaga oo isla markaa jecel in dadka kale ay qirtaan shakigooda. Aayad ka mid ah buugga Towreedku waxay tiraahdaa: “Jaahilku qalbigiisa wuxuu ka yiraahdaa: Ilaah ma jiro.”Xaqiiqada jirtaana waxay tahay in dadka oo dhammi ay jahliga ka siman yihiin, waxa qura oo kala duwani waa heerarka jahliga laga joogo. Eebbana waa kan insaanka ku tilmaamay in uu yahay mid dulmi iyo jahli badan “إنه كان ظلوما جهولا”.

Waxaa la wariyaa in feylasuufkii Giriigga ahaa ee Pyrrho (360 -270) uu dadka kula talin jirey in haddii ay doonayaan in ay farxad ku noolaadaan ay marka hore ka xoroobaan dareemmada nafta sida jacaylka, nacaybka, baqdinta, damaca iyo qaar kale oo badan.  Hayeeshee, maalin maalmaha ka mid ah Pyrrho oo waddo maraya ayaa waxaa weeraray ey duur, Phyrrho na baqdin awgeed ayuu cagaha wax ka dayey. Isaga oo eyga ka cararayana waxaa arkay qaar ka mid ah dadkii uu ku waanin jirey in ay dareenkooda ka adkaadaan. Kolkaasna wuxuu ku cudurdaartay in ay adagtahay in aadamigu uu ka guulaysto daciifnimadiisa si kasta oo uu isu adkeeyo, awoodna isaga raadiyo. Dareennada aadamigu uusan ka xoroobi karin waxaa ka mid ah baqdinta iyo shakiga. Baqdinta iyo shakiga ugu badan ee aadamigu qabaana waa geerida iyo Ilaaha kor ka daawanaya ee aysan hubin waxa ay kala kulmi doonaan.

Geesigu ma aha qofka aan baqdinta aqoon, ee waa kan baqdinta yaqaan laakiin awooda in uu maareeyo baqdintiisa. Si taa la mid ah muuminku ma aha ruuxa aan shakiga aqoon, laakiin waa kan maareeya shakigiisa.

 

Ibnu Jawsi buuggiisa “Muntadam fii Taariikh Al-Muluuk Wal-Umam / المنتظم في تاريخ الملوك والأمم”wuxuu ku xusay waraysi dhex maray abwaankii Carbeed ee Abuu Calaa Al-Macarri iyo ardaygiisii Al-Khadiib Al-Tabriisii oo lagu naynaasi jirey Abuu Sakariye. Waraysiga oo Ibnu Jawsi uu carrabka ugu tiray Khadiib Al-Tabriisii, wuxuu u wariyey sidaan soo socota;

 

“Abuu Sakariye waxaa na looga sheegay in uu yiri: Macarri baa wuxuu igu yiri: maxaad rumaysan tahay? Kolkaas baan naftayda waxaan kula sheekaystay: maanta ayaan ogaanayaa waxa uu isagu rumaysan yahay, waxaana ku iri: Anigu waxaan ahay mid shakisan! Wuxuuna iigu jawaabay: shiikhaaguna waa kula mid /وقد حكي لنا عن أبي زكريا أنه قال: قال لي المعري: ما الذي تعتقد؟ فقلت في نفسي: اليوم أعرف اعتقاده. فقلت: ما أنا إلا شاك! فقال: هكذا شيخك”

Inkasta oo loo badinayo in sheekadu aysan dhab ahaan u dhicin ee uu allifay Ibnu Jawsi ama ruux  kale oo Macarri u necbaa sida Ibnu Jawsi,  haddana sheekadu waxay marag u noqon kartaa sida shakigu ugu badan yahay dadka, siiba kuwa wax bartay, oo wadaadda iyo xertoodu ugu horreeyaan.

 

Shakiga waxaa lagu qeexi karaa in uu yahay iimaan aan la hubin. Waa xadka u dhexeeya ogaanta iyo jahliga, biligta u dhaxaysa iftiinka iyo mugdiga, runta iyo beenta. Shakigu ma ah xaalad ka dhalata duufsi sheydaan, balse waa dabeecad aadamiga garaadka leh oo dhammi uu ka siman yahay, wuxuuna  weheliyaa aqoontayada oo idil. Cidda qura ee shaki ka badbaaddaa waa Eebbaha wax walba og iyo cid aan gebi ahaanba fekerin. Aniga iyo adigu waxaan nahay waxa aan ka fekerno iyo waxa aan ka shakinno. Feylasuufkii Rene Descartes (1596- 1650) waa kan yiri: “Waa fakerayaa haddaba waan jiraa ama waa shakinayaa haddaba waan jiraa”(= Cogito ergo sum/ I think , therefore I am). Waxaana loo kala shaki badan yahay sida loo kala fakar iyo aqoon badan yahay. Muuminka wardiga badni kama shaki yara ardaalka dhaantada u go’ay. Farqiga labadaas u dhexeeyaa ma aha shaki la’aanta balse waa in muuminku naftiisa dagaal kula jiro oo uu doonayo in uu xakameeyo, oo ay aakhiro ka doorbiddo adduunyada.

 

Dhanka kale, marar badan iimaanka waxaa loo qaataa in uu yahay aragti iyo aqoon. Tusaale ahaan, Muslimiin badan marka la weydiiyo in ay qeexaan iimaan waxay ku jawaabaan in ay tiriyaan waxa loo yaqaan arkaanu iimaanka ama tiirarka iimaanka, oo ay yiraahdaan: iimaanku waa in la rumeeyo Alle, malaa’igtiisa, buugtiisa, rusushiisa, qiyaamaha iyo qaddarta –kheyr iyo sharba. Marka iimaanka sidaa loo qeexo, iimaanku wuxuu noqonayaa aqoon iyo aragti laga doodo. Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: Muslimiinta oo dhammi arkaanu iimaanka waa qiraan, masaajiddana waa galaan ee ma isku iimaan baa?

Waxaa jira xadiis caan ah oo nebiga laga wariyo oo oranaya: “Xishoodku waa laan iimaanka ka mid ah /الحياء شعبة من الإيمان”. Haddaba xishoodku tiirarka iimaanka halkee buu ka soo galayaa? Ma midkood buu soo hoos galayaa mise waa ka madax bannaan yahay?

Dhab ahaantii, iimaanku aqoon ma aha, oo cilmi ma aha, oo falsafad ma aha, ee waa dareen iyo dhadhansi loo macaansado oo ficil iyo habdhaqan isu beddela[ii]. Iimaanku sida uu yiri feylasuufkii Søren Kierkegaard: ma ah calaf dadka oo dhan isku si loo daajin karo, waayo iimaanku ma aha aqoon.  Iimaanku ma aha magac afka laga sheego iyo aragti laga doodo, balse waa dareen qalbiga jacayl iyo xamaasad ku beera dabadeedna mirihiisa ficil ahaan loo sameeyo. Iimaanku waa dareen fal dhala, sidaa darteedna waa kordhaa, waana yaraadaa, waana isbeddelaa (الإيمان يزيد وينقص ويتغير). Iniinta iimaanku waxay ka dhalataa khibrad ama tajribo nolosha lagala kulmo. Iimaanku waa khibrad qofba si ku soo marta ayna adagtahay in erayo lagu muujiyo. Dadka badankoodu jiritaanka Alle kuma rumaystaan buug loo akhriyey darti, balse waxay kala baxaan tajribo soo martay sida dhalasho, dhimasho, muuqaal ama dhacdo dabiici ah, jacayl, nacayb iyo arrimo kale oo badan. Khibradda qudheedu iimaan ma ah, laakiin iimaanku wuxuu ka dhashaa dareenka khibradda laga qaato iyo sida looga falceliyo.

Anbiyada iyo awliyadu marka ay Alle ka hadlayaan, waxay ka hadlayaan khibraddooda shakhsiga ah. Qofka aan Alle khibrad u lahaynna wax badan ka dheefi maayo si kasta oo loogu akhriyo buugta caqiidada, looguna sharraxo waxa anbiyada iyo awliyadu ay Alle ka sheegaan. Bal waxaaba la sheegaa, in dadka diinta sida joogtada ah loogu wacdiyaa ay ka qaadaan qalbi angag iyo diin la’aan. Waxaa jira filin caan ah oo lagu magacaabo ‘Close encounters of the third kind /Is-araggii  dhawaa ee nooca saddexaad’, waa filin is weydiinaya su’aalo badan oo ay ka mid tahay su’aasha ah: War koonkaan ma keli baan ku nahay mise waa na lagu weheliyaa? Saddexda kulan ama is-arag ee cinwaanku tilmaamayana waxaa lagu macneeyey nooca koowaad oo lagu arkayo walxaha duula (=UFO); nooca labaad oo marag loogu raadinayo in shisheeye jiro, iyo nooca saddexaad oo ah in xiriir dhab ah lala sameeyo duulalka shisheeye. Kolka iimaanka laga hadlayana qof kastaa wuxuu u baahdaa tajribo toos ah (=first encounter) oo uu Alle ku fahmo.

Nebi Muuse (CS) wuxuu Alle weydiistay in uu arko, laakiin Eebbe wuxuu ugu jawaabay: “Ima arkaysid, ee eeg buurta, haddii ay meesheeda ku sugnaato, markaas baad I arkaysaa”. Taa oo macneheedu yahay in Eebbe uu si dadban Muuse isu tusay. Muuse gadaashiisna awliyo badan ayaa Alle waxay ka baryeen in ay arkaan, baryadoodana waxay afeef ahaan u raaciyeen in Eebbe uusan ku oran ima arkaysid (=ولا تقل لن تراني). Marka ikhyaarey intii shakiga la qarsan lahaa, Eebbe marag ha la weydiisto.

Dabcan marka aan leenahay iimaanku waa khibrad, ka hadli mayno iimaan wadareedka bulshooyinka adduunka ay qoloba ku faanto wixii ay facyaashoodii hore ka dhaxleen. Iimaanka dhaxalka lagu helaa iimaan ma aha ee waa caado aan saamayn dhab ah qalbiga ku lahayn. Sidaa awgeedna iimaan looguma yeeri karo. Iimaanku waa jacayl, jacaylkana lama dhaxlo ee waa lala kulmaa. Jacaylka lama fahmo ee waa lagu noolaadaa.

Dar baa ileh dookha caashaqu

Dan kuuma ahee iskaba daaye

Miyaan dhegaha u dalooshaayee!

Mayeey Maya … Maya… Maya

Iimaanku waa wanaagsan yahay, laakiin keligi ma aha waxa wanaagsan ee sidoo kale shakiga ayaa isaguna wanaagsan. Shakigu wuxuu lama huraan u yahay horumarka nolosha. Isbeddelka laga sameeyo dhammaan laamaha nolosha iyo aqoonta – dhaqaale, dhaqan, diin, saynis, iqk- waxaa garwadeen ka ah shakiga, oo haddii aan shaki jirin aqoonta iyo noloshu horumar ma sameeyeen. Waxaa la yiraahdaa: wacyigu hal mar buu garaacaa irdaha ummadaha, haddii uu la kulmo bulsho shakisan oo su’aalo isweydiinaysa wuu la degaa, haddii kale se wuu ka gudbaa. Shakigu wuxuu  masaxaa khuraafaad badan oo aan rumaysnaan lahayn, isla markaana wuxuu naga ilaaliyaa khaladaad badan oo aan geli lahayn.

Sababta keenta in xarumaha waxbarashada iyo cilmi-baaridda ummadaha kale ay aqoon soo saaraan, halka kuwayagu aysan waxba soo saarin ama ay been iyo khuraafaad soo saaraan waa arrin u noqonaya shakiga. Ardayda ummadaha kale waxaa lagu ababiyaa in ay shakiyaan oo su’aalo isweydiiyaan, wax walbana caqliga ka hor mariyaan, halka kuweenna  lagu anqariyo in shakiga iyo su’aaluhu ay xun yihiin, ayna u dhegonuglaadaan wax walba oo awoowayaal laga dhaxlay , same iyo xumaanba. Midda kale, shakigu waa hubka ugu culus ee lagula dagaallamo xagjirnimada noocyadeede kala duwan oo tan diintu ugu horrayso. Xagjiriinta oo dhan iimaan baa afka jooga, waxayna isu haystaan in keligood ay xaqa hayaan, runtana og yihiin. Si taa loo hubiyana waxaa lama huraan ah in laga horgeeyo shaki iyo su’aalo looga sal gaarayo sheegashadooda.

 

Sidaan horay u soo xusnay, laamaha aqoonta oo idil shakigu waa ka jiraa, wuxuuna ugu badan yahay diinta. Waxaana la qiyaasayaa in shakiga iyo diimuhu ay isla kowsadeen, oo shakiga diimuhu uu bilowday isla waqtigii ay diimuhu curteen. Sida la og yahayna, waxaa jirta dood fil weyn oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya cilmiga iyo diinta oo nuxurkeedu yahay in ay isla socon karaan iyo in ay khasab tahay in ay is hardiyaan.

Waxaa jira dad qaba in cilmiga iyo diintu aysan isla jaanqaadi karin oo ay khasab tahay in ay isku dhacaan. Duulka qaba in aysan is qaadan karin dooddooda waxay ku saleeyaan dabeecadda cilmiga iyo tan diinta oo kala duwan. Diimuhu waxay ku dhisan yihiin rumayn aan shaki iyo su’aal midna la gelin, laakiin si taa ka geddisan cilmigu wuxuu ku dararaa shakiga iyo su’aalaha. Sidaa aawadeedna cilmiga shakiga ku dhisan iyo diimaha aan shakiga oggolayni aysan jaanta iyo jiibta isla heli karin. Laakiin dhanka kale, waxaa jira dad qaba in cilmiga iyo diintu ay is qaadan karaan oo isku meel wax u dheelmi karaan.

Dhab ahaantii, waxaa jira culumo badan oo qaba in shakigu uusan diinta u darnay, balse uu diinta u roon yahay. Waxaana la rumaysan yahay in shakigu yahay kan diimaha ruuxda ku afuufa, la’aantiisna diimuhu ay dhiman lahaayeen. Waayo? Wadaaddada diimuhu ma heleen mawduucyo xiiso leh oo ay ka faalloodaan. Sida mararka qaarkood loo dhigo, shakigu waa quraanjada ku jirta surweelka iimaanka ee ka dhigta mid nool oo dhaqaaqaya.

Weydiimaha dadka oo dhammi ay isweydiiyaan waxaa ka mid ah;

  • Koonkaan yaa uumay? Maxayse tahay ujeeddada loo abuuray?
  • Maxay tahay danta ka danbaysa nolosha aadamigu?
  • Geerida ka dib maxaa dhici?

Weydiimahaas iyo kuwo kale oo badan oo ku saabsan Alle, aakhiro iyo diimaha looma hayo jawaabo dadka badankiisu ay si buuxda ugu qanci karaan. Muuminiinta iyo mulxidiintuna isku si bay ugu mashquulaan jawaab u helidda weydiimahaas.

 

Cid waliba waa shakidaa marka lagu daro anbiyada, asxaabada iyo awliyada. Tusaale ahaan, marka la akhriyo taariikhda anbiyada, waxaa la ogaanayaa in mid kastaa uu ugu yaraan mar shakiyey, taasina la yaab ma leh, waayo anbiyadu dhan bay aadami ka ahaayeen. Haddaan dhowr tusaale oo keliya ku gaabsanno waxaan arkaynaa in Quraanka kariimka ay ku jiraan aayado tilmaamaya in nebi Ibraahim uu ka shikiyey sida Eebbe u nooleeyo walxaha dhinta, Allena uu weydiistay in uu tusiyo sida uu wax u nooleeyo (=أرنى كيف تحيي الموتى). Rabbina uu markaa ku yiri: “Oo miyaadan rumayn? /أولم تؤمن؟”. Nebi Ibraahim oo khajilayna uu ku jawaabay: “Haa, laakiin waxaan rabaa in laabtu ii xasisho /بلى ولكن ليطمئن قلبي”. Waana caddahay in qalbiga aan xasiloonayn uu yahay qalbi shakisan oo su’aalo isweydiinaya. Eebbana nebi Ibraahim kuma uusan canaanan sababta uu u shakisan yahay, laakiin wuxuu u tilmaamay waddada uu shakiga uga bogsan karo.

 

Waxaa la wariyaa xaddiis nebigu (scw) isaga oo ka faalloonaya shakiga nebi Ibraahim uu ku yiri: “Ibraahim shakiga annaagaa ka mudan /نحن أحق بالشك من إبراهيم”. Culumada islaamkuna waa isku khilaafeen macnaha xaddiiska la siinayo, oo qaarkood waxay ku tageen in xaddiiska ay ku caddahay in nebigu shakin jirey, culumo kalena waxay yiraahdeen nebigu wuxuu shakin jirey wixii ka horreeyey intii aan loo waxyoon, oo uusan nebiga noqon. Halka qolo saddexaad ay ku doodeen in nebigu marmar  shakin jirey laakiin shakigaasi uusan ahayn mid saamayn ku yeesha naftiisa iyo afcaashiisa, halka qolo afraad ay gebi ahaanba inkireen in nebigu uu shakin jirey.

 

Buugga Towreedku isaguna wuxuu dhigayaa in nebi Muuse uu Alle ku yiri: “Eebbow waddooyinkaaga I tusi /Show me your ways.”hadalkaas oo lagu fasiray in nebi Muuse uu wax iska weydiinayey xikmadda ka danbaysa in marar badan ay dadka wanaagsani dhibtoodaan, halka dadka xumi ay ka  barwaaqoobaan? Waa weydiin la xiriirta caddaaladda Rabbi. Kaftan dhablaha wadaaddada Yahuuddana waxaa ka mid ah in ay yiraahdaan: fahanka Alle wuxuu leeyahay konton heer, Muusana wuxuu gaaray heerka sagaal iyo afartanaad!

 

Ayuub inkasta oo uu sabir iyo dulqaad badan muujiyey, haddana wuxuu ahaa bani’aadam dulqaadkiisu xad leeyahay, waxaana la sheegaa in uu mar ku calaacalay: “Maxaan riximka ugu dhiman waayey, oo naftu iiga dhici wayday isla markii aan dhashay /Why did I not perish at birth, and die as I came from the womb?.”Sida  Baybalka ku qoran Ayuub marar badan wuxuu aad wax uga sheegay caddaaladda iyo xikmadda Alle. Ayuub saaxiibadiis waxay ku samirsiinayeen in ay ku yiraahdaan: “Waxaa liibaanay kan Eebbihiis edbiyo.”Isaguna wuxuu ugu jawaabay: “Waa maqlay wax badan oo waxaan oo kale ah: dhammaantiin waxaad tihiin samirsiiyeyaal hoogay /I have heard many such things: miserable comforters are you all /جميعكم مواسون بؤساء”.

Waxaana jirta dood sheegaysa in Ayuub uu noolaa ka hor intii Yahuuddu –iyo dabcan ummado kaleba- aysan baran fikradda in samaha iyo xumaha la kala xisaabiyo maalinta qiyaamaha[iii]. Sebenkaan caddaaladda Yahuudda iyo ummado kaleba ay yaqaanneen waxay ahayd caddaaladda adduunyada oo waxay rumaysnaayeen in miraha saxa iyo khaladka ifka lagu kala ogaado, laguna abaalmariyo. Xisaabta uguma jirin in cidda la dulmiyo iyo tan wax dulmisa aakhiro lagu kala saaro. Laakiin aadamigu kolkii uu muddo dheer arkayey caddaalad darro iyo dulmi badan oo aan ifka lagu abaalmarin ayuu wuxuu hindisay fikradda caddaaladda aakhiro (waxaa xusid mudan in quraanku uu erayo kooban ka yiri qisada Ayuub, laakiin Baybalku uu si faahfaahsan uga hadlo).

 

Dhanka kale, taariikhyahannada diinta Masiixiyadda qaarkood waxay xusaan in Nebi Ciise kolkii la daldalayey eraygii ugu danbeeyey ee uu ku hadlay uusan ahayn “Rabbbow waa kuu imid”, balse uu ahaa “Ilaahayow! Maxaad ii dayrisay? /My God, why have you forsaken me?”. Taana waxay ka fahmeen in nebi Ciise uu xoogaa shakisanaa.

Wadaadkii la oran jirey Augustine (354 -430) oo lagu tiriyo in uu safka hore uga jiro ragga dhidibada u taagay caqiidada diinta Masiixiga, isaguna buuggiisa ‘Qirashooyinka /Confessions /الاعترافات’wuxuu ku sheegay in mar shaki hareereeyay uu timaha iska rifay.

 

Dhawaan, bishii Nofeebar ee dabshidkii 2016, Pop Francis mar uu dad badan kula hadlayey xarunta Faatikaanka wuxuu yiri: “Waxaan filayaa in midkiin I weydiinayo: Aabbe, shaki badan baan diinta ka qabaa, ee maxaan sameeyaa? Miyaadan marna shakin?”. Boobku isaga oo weydiimahaas ka jawaabaya wuxuu yiri: “Aad baan u shakiyaa, waxaana jira waqtiyo aan wax walba ka shakiyo. Ma aha in aan weydiimaha iyo shakiga ka baqno, maxaa yeelay iyaga ayaa ah waddada aqoonta iyo in arrimaha hoos loo dhugto; ruuxa aan wax isweydiin horumar kama sameeyo aqoonta iyo  iimaanka midkoodna. … waxaa intaa dheer, marka iimaanku uu noqdo fikrad mutuxan oo keliya (=Abstract concept) shakigu waa bataa, laakiin marka uu noqdo tajribo lagu noolyahay iyo adeeg dadka loo qabto shakigu waa yaraadaa. ”

 

Si taa la mid ah, markii sannadkii 2014kii uu  Justin Welby oo ah wadaadka u sarreeya kaniisadda Ingiriisku uu si cad u qirtay in uu marar badan shakiyo, saxaafadda caalamka qaarkeed dhacdadaas waxay ugu yeertay “Shakigii qarniga”, waxaana la isweydiiye: “Haddii wadaaddada kuwooda ugu waaweyni aysan Alle hubin, soo suurogal ma ah in sheekada oo dhammi ay tahay mid la falkiyey?”.

Justin Welby wuxuu dadweynaha u sheegay in waqtiyada qaarkood uu isweydiiyo: “Ilaah ma jiraa? Meeyey Ilaah?”Markaa ka dibna, waxaa si gaar ah loo weydiiyey in uu shakisan yahay iyo in kale? Wuxuuna ku jawaabay:

“Runtii waa su’aal wanaagsan, … maalin maalmaha ka mid ah aniga oo ruclaynaya ayaan Alle arrin ka baryayey, waxaana is arkay aniga oo Alle ku leh: “Eeg, waxaan oo dhammi waa hagaag, laakiin miyaan la gaarin waqtigii aad waxuun samayn lahayd, haddii aad jirto?’Waa hubaa in tani aysan ahayn wax laga fisho in madaxa Canterbury uu yiraahdo.”

 

Waa hubaal in wadaaddada As-har, Xarameynka, Qum iyo Najaf aysan ka shaki yarayn wadaaddada diimaha kale. Farqiga u dhexeeya wadaaddada Kirishtanka iyo kuwa Muslimiintu waa farqi dhanka waqtiga ah oo u noqonaya muddada shanta boqol ee sano  ka badan ee labada diimood ay kala horreeyeen. Wadaaddada Yahuudda iyo Kirishtanku waxay joogaan marxalad ay waxyaabaha qaarkood ka hadli karaan iyaga oo aan u baqayn naftooda iyo jeebkooda, laakiin kuwa Muslimku weli baqdinta kama xoroobin, oo naf iyo maalba waa eexinayaan. Gabyaagi Cismaan Yuusuf na waa kii lahaa:

“Nin mushaaro eexaynayaa waa miskiin dhab ahe,

Mudeec waxa ka dhigay waa inuu maarmi waa yahaye.”

 

Waxaana xusid mudan, in mad-habta Zen ee diinta Buudiyadu ay gebi ahaanba ku dhisan tahay shakiga. Xerowga Zen-Buudiga ah waxaa la baraa in shakigiisu bato, oo uu mas’alo kasta wax iska weydiiyo. Looma sheego in uusan shakin, balse waxaa lagu waaniyaa in mar walba oo shakigiisu bato ay fahmadiisuna badanayso, waxaana lagu yiraahdaa: “Shakiga weyni wuxuu keenaa baraarug weyn. Shakiga yarina baraarug yar. Shaki la’aantuna baraarug la’aan/ Great Doubt: Great Awakening, Little Doubt: Little Awakening, No Doubt: No Awakening.[iv]”Albert Einstein na waa kii mar yiri: “Waxa muhiimka ahi waa in weydiimuhu aysan joogsan.”

 

Gabar Maraykan ah oo ka mid ahayd dad wax laga weydiiyey in ay Alle iyo aakhiro rumaysan yihiin iyo in kale ayaa waxay tiri: “Ma hubo, laakiin waa ku mitidayaa. Qeexiddayda iimaanka ayaa sidaa ah / I am not sure, but I’m sticking to it. That’s my definition  of faith.”Dhab ahaantiina, qeexidda noocaas ah ee iimaanka la siiyo gabadhu keli kuma ah, balse dad aad u badan oo diimo kala geddisan ku kala abtirsada ayaa la wadaaga.

Daraasad uu dhawaan sameeyey mac-hadka PEW ee dalka Maraykanku, dad tiradoodu gaarayso 35,000 oo qof oo Maraykan ah ayaa waxaa lagu weydiiyey in ay Alle rumaysan yihiin iyo in kale? Dadkaas 92% waxay sheegeen in ay Alle rumaysan yihiin. Laakiin markii 92% sheegay in ay Alle rumaysan yihiin la sii weydiiyo heerka iimaankoodu uu gaarsiisan yahay, iyada oo heerarka iimaanka loo qaybiyey afar heer oo kala ah; iimaan buuxa, iimaan aad ah, iimaan xoog leh iyo iimaan aan buurnayn, 71% oo keliya ayaa ku adkaystay in iimaankoodu uu buuxo. Waxaana la hilaadinayaa in haddii isla dadkaas la sii weydiin lahaa weydiimo dheeraad ah sida kaalinka diintu ku leedahay noloshooda? Sida ay salaadda isku yihiin? Iyo in ay aakhiro hubaan iyo in kale? Ay aad hoos ugu dhici lahayd tirada dadka ku adkaysanaya  in ay Alle hubaan.

 

Iimaanka caqli laguma hanto ee caadifad baa lagu hantaa. Iimaanku sida feylasuufkii Søren Kierkegaard (1813-1855) uu sheegay waa bootin ismiidaamin ama qar iska tuurnimo ah (=leap of Faith)[v]. Iimaanku waa hilow loo qaado wax aan si buuxda loo hubin, isla markaana lagu hanweyn yahay in aan sina loo seegin. Badanaaba dadku markay wax rumaynayaan kama baaraan-degaan in waxa ay rumaynayaan uu caqligal yahay iyo in kale, laakiin waxay daneeyaan in ay gurtaan miraha rumaynta – tusaale in janno la galo, cadaabna laga badbaado.

Iimaanku waa nooc caashaqa ka mid ah, caashaqna waxaa ugu sarreeya kan aan la aqoon cinwaanka cidda la caashaqay. Fannaankii Cabdixaliim Xaafid waa kii ku heesay: “Wiilkaygow maxaa ka culus in aad caashaqdo gabar aan cinwaan lahayn! /ما أصعب أن تهوي امرأة يا ولدي ليس لها عنوان”.

Waa la dareemi  karaa daacadnimada jacaylka qofka jecel ruux uusan aqoon cinwaan uu ugu hagaago. Jacaylka Allena waxaa lagu mateli karaa qofkaas caashaqay ruux uusan aqoon meel uu ugu hagaago. Caarifiinta mawduuca iimaanka ka hadla qaarkood waxay yiraahdeen: in qof sheegto in uu si buuxda Alle u hubo, waa isloweyni doqonnimo iyo kibir keliya muujinaysa. Dadka ku andacooda in ay Alle hubaan -ha ahaadeen kuwa huba jiritaankiisa ama kuwa huba jiritaan la’aantiisu- waxay ka siman yihiin isla weynida. Labadaan qolo midkoodna diyaar uma aha in uu dhegaysto dhanka kale ee isaga ayaa isla qumman, waana halkaas meesha uu ka muuqdo cudurka haya ee isla weynidu. Jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Alle ma aha mas’alo dadka badankoodu ay hubaan, mana jirto cid awood u leh in ay si buuxda uga dhaadhiciso in labada dhan midkood uu dhab yahay. Muuminka wanaagsani wuxuu ka shakiyaa jiritaanka Alle, halka mulxidka daacadda ahi uu isweydiiyo: War ammaan khaldanahay oo Alle uu jiraa?!!

Waxaa la sheegaa in feylasuufkii Giriigga ahaa ee Protagoras (481 -411) uu qoray buug dhumay. Sida la wariyo  erayada ugu horreeya ee buuggaasi uu ka bilaabanayey waxay ahaayeen kuwo Protagoras uu ku yiri: “Waxba kama sheegi karo in Ilaahyadu jiraan iyo in aysan jirin, iyo xataa in ay muuqaal go’an leeyihin; sababaha ii diidaya in aan ogaado waa badan yihiin: waxaa ka mid ah mugdiga ku jiro mawduuca iyo cimriga aadamiga oo gaaban / About the Gods, I am not able to know whether they exist or do not exist, nor what they are like in form; for the factors preventing knowledge are many: the obscurity of the subject, and the shortness of human life.”

 

Shakigu ma aha wax laga yaxyaxo oo ay waajib tahay in la qariyo. Shakigu ma aha denbi ee waa dhanka kale ee shilinka iimaanka, ruux aan shaki aqoonna iimaan ma yaqaan. Iimaanku waa yool la beegsado, shakiguna waa waddada lagu gaaro yoolkaas. Haddii Alle oo laga shakiyo oo keliya lagu danbaabayo, maxaa Alle marka horeba qalbiga dadka oo dhan uu iimaan uga buuxin waayey?

Shakigu ma aha in iimaanka la diido ee waa in la isku dayo in iimaanka la fahmo, nuxurkiisana la dhuuxo. Muuminka wanaagsani waa kan yiraahda: “Waxaan ku qanacsanahay in aan saxanahay, waase suurogal in aan khaldanahay.”Imaam Abuu Xaamid Al-Gasaalina waa kan yiri weedhiisa caanka ah ee oranaysa: “Shakigu waa kan gaarsiiya xaqa, kan aan shakin ma eego, kan aan eeginna ma arko, kan aan arkinna wuxuu ku waaraa indho la’aan iyo baadi /الشكوك هي الموصلة إلى الحق فمن لم يشك لم ينظر، ومن لم ينظر لم يبصر، ومن لم يبصر بقي في العمى والضلالة”.

Wadaaddada Buudiga qaarkood imtixaannada ay ku tijaabiyaan xerta ay waxbaraan waxaa ka mid ah in barbaarku awood u yeesho in uusan dareen yeelan si kasta oo gabdhuhu ugu rugtaan, albaabadana ugu xirtaan, uguna yiraahdaan ‘soo dhawow oo hab I sii /هيت لك’. Waa in uu noqdaa qof dhab ahaan naftiisa uga adag, oo duufsiga dadka iyo sheydaankaba ka qaalib noqon kara. Falsafadda wadaaddada Buuduhu ay ka duulaan waxay oranaysaa: labada walxaad midda awoodda badan ayaa jiidata midda awoodda yar. Haddii iimaanku ka awood badan yahay shakiga iyo duufsiga, shakigu ma shaqeeyo, laakiin marka iimaanku uusan xididdo culus ku taagnayn wuxuu u nugul yahay in dabaysha shakigu ay ka saa’id caleyso, oo bidix iyo  midig hadba dhan u tuurto.

Marka wadaaddadeennu inta ay dhalinta ku leeyihiin wax ha akhrina, wax ha daawannina, hebel ha la fariisannina, meel hebel ha tegina, maxaa u diidey in ay siiyaan aqoon iyo carbin ay duufsi iyo shaki oo dhan ugu babac-dhigi karaan? Mise wacdiga un bay ka adag yihiin???

Casrigaan aan ku noolnahay waxaa lagu tilmaami karaa in uu yahay ‘casrigii shakiga’, kaalinka wadaaddaduna ma ah in ay nagu waaniyaan in aan shakiga qarsanno ilaa uu nagu qarxo ama aan la god galno, laakiin kaalinkoodu waa in ay dersaan sababaha keenaya shakiga, dabadeedna ay si daacad ah uga hadlaan waxa uu noqon karo xalka dhabta ahi.

Guntii iyo gebogebadii, shakiga waxaa looga bogsan karaa oo keliya in xaqiiqo buuxda la hayo, mana jirto cid runta ama xaqiiqada oo dhan ogaan karta oo aan ka ahayn Alle. Waa adag tahay in la helo qof aadami ah oo aan ka caroonayn haddii lagu yiraahdo: “Maxaad is moodday, ma Ilaah baad isu haysataa?”Wax kasta oo ay noqoto natiijada ka dhalata shakigu mar walba way dhaantaa iimaanka habraha iyo kan dhaxalka lagu helo.

Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Gotthold Ephraim Lessing (1729-1781) waxaa laga hayaa in uu yiri: “Haddii Eebbe gacantiisa midig ku qabto “Runta oo dhan”, gacantiisa bidixna uu ku qabto “in Runta si joogto ah loo baadigoobo”, uuna I kala doorransiiyo in aan middood qaato, si khushuuc iyo qaddarini ku jirto ayaan ku qaadan lahaa waxa gacanta bidix ku jira, waxaana ku oran lahaa: Eebbow tan baan qaadanaya, Xaqiiqada buuxda adiga oo keliya bay kuu sugnaatay oo istaahila.”

 

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com

 

[i] Run ahaantii, habraha iyo guud ahaan haweenku ragga kama shaki yara, laakiin farqiga ugu weyn ee u dhexeeyaa wuxuu yahay in haweenku xil badan iska saaraan is haysadka qoyska iyo bulshada. Taasina ay ku bixiso in ay laqaan wax badan oo maankooda ku wareegaya. Haweenay Soomaaliyeed oo isku dayday in ay dadka shakiga ka daaweyso ayaa waxaa laga guntay tixo ay ku tiri:

Bal cirka tiir bira ka eeg

Dhulka tolliin ku yaal

Rabbigaa taladaa leh

Baa berri la hor tagaa

Suugaanta noocaas oo ah oo dumarka Soomaaliyeed ay aad u curiyaanna waxaa laga fahmayaa in haweenku aad u shakiyaan, laakiin ay isku dayaan in shakigooda iyo kan bulshadaba ay cabburiyaan.

[ii] Culumada islaamku waa isku khilaafeen qeexidda iimaanka, oo qaar waxay qabaan in iimaanku uu ku kooban yahay rumaynta qalbiga, qaar kalena waxay qabaan in uu yahay wixii qalbiga laga rumeeyo carrabkana laga yiraahdo, halka qolo saddexaad ay qabaan in uu yahay wixii qalbiga laga rumeeyo, carrabkana looga dhawaaqo, addinkana laga sameeyo. Si taa la mid ah, culumada islaamku waxay ka doodaan mas’alada kordhidda iyo isdhinka iimaanka (faahfaahinta qodobadaan waxaad ka helaysaa buugta cilmiga hadalka ama caqiidada).

[iii] Dhab ahaantii la ma yaqaan cidda uu Ayuub u dhashay, waxaana jira dad ku dooday in uu ahaa shakhsiyad khayaali ah oo aan dhab ahaan u jirin, danta loo sameeyeyna ay ahayd in lagu jilo sheeko lagu cibro qaato, oo aadamigu wax ka barto.

[iv] Mad-habta Zen waxaa laga yaqaan wax ay ugu yeeraan ‘Zen Koans’ oo ah in macallinku ardaydiisa weydiiyo su’aalo maldahan oo lagu kobcinayo maanka iyo garashada ardayda.

[v] Søren Kierkegaard marka uu sharraxayo fikraddiisa ‘Iimaan ku boodka’ tusaale caan ah oo uu xusay waa falkii nebi Ibraahim (CS) uu ku gawraci lahaa wiilkiisii Isxaaq (ama Ismaaciil). In qof ku fekero in uu ilmihiisa gawraco ma ah arrin la sawiran karo, mararka qaarkoodna waxaaba loo arki karaa arrin akhlaaq iyo damiir xumo ah. Sida Kierkegaard uu ku doodayo in Ibraahim uu u hollado in uu wiilkiisa gawraco caqli kuma bixin, laakiin iimaan baa ku bixiyey. Waa bootadaas iimaanku hagayo midda Ibraahim ka dhigtay ‘Halyeyga iimaanka /Knight of faith’, sida Kierkegaard uu ku tilmaamayo (faahfaahinta qodobkaan waxaad ka eegta buugga Kierkegaard ee ‘Fear and Trembling’. Sidoo kale waxaa jira filin caan ah oo aalaaba la la xiriiriyo fikradda Kierkegaard ee ‘leap of Faith’, waa filinka lagu magacaabo ‘Inception’).