Ma nihin ilaahyo! Innagu ma nihin ilaahyo!

Haa, innagu waxa aynu nahay addoomo ilaahay, yimi adduunka iyaga oo keli ah, ta dambane tagaya iyaga oo keli ah, shaqadeennune tahay ineynu taa keli ah wax ay ku taabo gasho u diyaarino.

” Hebel aduunyada waxa uu ahaa qof dembi badane ah, aakhirane waa ehlu naar ”
” Soonkaagii iyo salaadaadii ilaahay ma uu aqbalin ”
” Xayndaabka diinta adigu debadda ayaad ka tahay ”
” Qofkaasi waa qof ilaahay ka furtey ”

Kalmadahaas iyo kuwa la masaalka ahba waa kelmado isticmaalkoodu innagu batey, oo in badan aad maqleyso dad sidaa yar ee fudud xukun alle loogu dul ridayo, dabadeed ereyadaas ay ka ratibmayaan/dhalanayaan fal-celinno, sida in dhiigga qofka la banneysto ama sharaftiisa lagu dheelo. Ilaahay korreeyee waxa uu quraankiisa ku leeyahay, isaga oo la hadlaya nebigiisa Muxammed ( Cs ): “Waani keliya adigu waxa aad tahay waaniyee / فذكر إنما أنت مذكر” .

Marar badan ayaa tadayunku uu keenaa kibir, isla weyni, iyo in uu qofku ka xigsado dadka kale ilaahay iyo diintiisa, isaga oo inta muuqata xukumaya, taasne ay ka dhalato in qofkaasi uu ku xad gudbo dadyowga kale, isaga oo weliba u arka in ay xaq tahay xad gudubkaasi, maadaama uu aamminsanyahay in uu uga dhawyahay dhanka ilaahay. Waa la wada garanayaa in aan diinta la kala xigin rag iyo dumar, sheekh iyo shariif, mid weyn iyo mid yar, haddane waxaad mooddaa in si aan muuqan loo kala xigsado. Waxaan xasuustaa maalin ka mid aheyd maalmihii barakeysnaa ee bisha Ramadaan, salaad makhrib ka dib ayaa inan aanu jaal nahay iska wada shaah doonaney, waxaanu ugu tagney maqaaxidii oo laba inan oo Soomaali ahi dood ku wadaagayaan, waan iska dhagaysanney, annaga oon waxba ku darsan. Waxa ay ka doodayeen jihaadka, mid ayaa ku doodayey in jihaadku yahay rukun islaam qofka diidaane uu gaal cad yahay, midne waxa uu ku doodayey in jihaadku uu u baahanyahay waqti, maskax, iyo awood, iyada oon diidmaba jirin, waxaan la yaabey sida uu inankii jihaadka waqti kaste ah ayidsanaa uu hal mar iskugu baddaley xukume, isagoo garab naga rabane noogu yidhi ” miyaanu ninkaasi ina adeer gaal aheyn markuu diidayo jihaadka, bal maxaa kale ee laga sugaa ninkaas”. Mar iyo labo toona maaha, inta aan la kulmey dadyow si yar oo fudud inta ay laabaha u jeexaan, akhrista waxa ku jira, ka dibna xukuma qofka, oo qaarkood siiba akhristaan masiirkiisa dambe iyo waxa uu ku danbayn doono. Cali Shariicati ayaa waxa uu leeyahay: ” Inta aad ku hawlantahay in aad sugto in dadku naarta gelayaan, waxa kaaga fiican in aad sugto in aad adigu jannada gelayso”. Ruux aan isaguba garaneyn in dhanka alle laga jecelyahay, iyo in ay cadho u taal, in uu ka mid yahay kuwa la janneynayo iyo inuu yahay mid cadaab mudan doona, in uu diinta u haysto sidii loo baahnaa iyo in sagsaageeda uu ku eedaysan yahay, ma aha in uu u soo tafoxayto in uu u sheego ruux kale in uu u dhawyahay ilaahay ama uu ka fog yahay, waaba maangaabnimo. Waxa inoo wanaagsan innaga oo iskugu duceyna in aynu dhammaanteen janno mudano, oo rabbigeen raalli innaga noqdo. Mid keenba meel ayaa uu ku wanaagsanyahay, mid ayaa inta taagtii ah qalbi wanaagsan oo si kaste oo uu u dambi badanyahay haddane marka wax wanaagsan laga sheekeeyo u ilmaynaya, midkeen ayaa ficillada kheyrka inooga dheereeya, midkeen ayaa masaakiinta u roon, midkeen ayaa akhlaaq wanaagsan oo dadkoo dhan ka mahad sheegtaan, midkeen ayaa sadaqo badan oo gacan furan, midkeen ayaa waalidkii baarri u ah, midkeen ayaa dadka qalbiyadooda iyo mashaacirtooda dhawra oon ku ciyaarin, midkeen ayaa dadkoo dhan wanaaga uu isla jecelyahay la jecel. Midkeenba meel ayuu ku wanaagsanyahay, laga yaabo in uu ilaahay xidhiidh wanaagsan kula leeyahay, mana jiro midkeen dhammeys ah oo dheellitiran.

Si yar oo fudud aynu wanaag kuwada noolaano aduunyadan, keena qaloocda aynu qabano, keena qumanna aynu quweyno, sidaas ayaa inooga fiican in aynu iswada xukunno oynu naar isku wada aroorino, mid kastaane jannada furaheeda jeebka ku qaato. Ilaahay ha ina wada ammaansado!

Ridwaan maygaag

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code