Ma waajib baa in gabdhuhu madaxa qariyaan?

Inta aanan wax ka ogaan baabka loo yaqaan xuquuqda waxaan u malayn jirey inaan gabdhaha wax xuquuq ahi ka maqnayn, maxaa yeelay waxaan ku kadsoomi jirey hadallo in badan dhegahayga ku dhici jirey sida islaamku wuu karaameeyey gabdhaha, sidaa darteed haddaan maqlo dad ka hadlaya xuquuqda gabdhaha waxaan is oran jirey waa dad raba inay gabdhaha diinta nacsiiyaan, laakiin markaan baaray dhawr baab sida shaqada, asturaada, dalaaqa iyo kuwo kale,  waxaa ii soo baxday dhammaan inaad moodid in xubintii gabadhu ku lahayd laga saaray.

Karaamadu wax kale maaha ee waa caddaalad, su’aashuna waxay tahay gabdhaha caddaalad ma u samaynay? Jawaabtu waa maya, maxaa yeelay wiilka iyo gabadhu markay dhiganayaan dugsiga ama iskuulka qarash is le’eg ayaa laga qaadaa labadooda waalid, markay dhammeeyaanna gabadha waxaan niraahnaa orod guriga nin ku sug, wiilkana waxaa lao dhiibaa wixii maal, masjid iyo shaqo ah, markay noqoto shaqo aan nafci ku jirinna sida midda gurigana gabdhaha ayaa lagu qoray.

Xuquuqda ka maqan gabadha kuma ekaanin nafteeda oo keliya ee xataa waxay saamaysay qaraabadeeda, maxaa yeelay inaan hooyada lagu abtirsan waxay keentay inaan qaraabada ka timaada xagga hooyada iyo gabadha dhaxal la siin markii laga reebo walaalaha iyo ayeyda, waana sababta awowga hooyada dhalay loogu bixiyey awow faasida (awow aan jirin/الجد الفاسد), kan aabbaha dhalayna awow saxiixa (=الجد الصحيح), taasoo ka dhigan in ninkii gabar dhalay uu ka dhigan yahay nin aan wax dhalin.

Sidoo kale in gabdhuhu madaxa qariyaan waxaa la oran karaa waa dhibka ugu wayn ee ay la kulmeen, maxaa yeelay wixii kale ee gabadha ka maqan waa wax ay ka maarmi karto mararka qaar ama la kulma waqti xadidan, laakiin madax qarintu waa mushkilad ay subax kasta la soo toosto inta ay nooshahay.

Maxaa dharka loo xirtaa?

Waxaa dharka loo xirtaa in qofku ku asturo xunbaha aan indhaha u roonayn iyo in uu kaga gaashaanto wixii dhiba sida qabowga, kulaylka iwm sida ku cad aayadda soo socota:

( يا بني آدم قد أنزلنا عليكم لباسا يواري سوءاتكم وريشا، ولباس التقوى ذلك خير …)

(ilma aadanow waxaan korkiina ku dejiney dhar qarinaya xumaantiina (cawradiina) iyo riish (baalal/timo), dharka wax ilaasha ayaana khayr badan ..) (Suurat Al-Acraaf 26).

Aayaddan waxaan ka fahmaynaa in timuhu ka mid yihiin dharka la xidho, maxaa yeelay wuxu Alle shimbiraha dhar uga dhigay baalasha, xoolahana dhogorta, taasoo aan ka qaadanayno in timaha madaxu ka dhigan yihiin dhar qofku ka qaato kulaylka iyo qabawga, maadaama uu madaxu yahay meel aan qofku mar kasta dabooli karin.

Sidoo kale in timaha la xiiri karo ama la gaabin karo waxay ku tusaysaa inaan madaxu ahayn meel u baahan in la asturo cawro darteed  rag iyo iyo dumarba sida aan ka fahmayno aayadda 27 ee suurdda al-fatxi, maxaa yeelay aayaddu ma kala saarin ragga iyo dumarka.

Waxaa kale oo dharka, xariirta iyo dahabka loo xidhaa qurux sida aan ka fahmayo aayadda 32-aad ee suuradda al-acraaf iyo aayado kaleba.

Intee laga xirtaa dharka?

Markaan eegno qaabka Alle u abuuray jismiga qofka laba meel ayaa ku habboon in dharka laga xirto kuwaas oo kala ah dhexda iyo garbaha, waxaana ka mida adillada ishaartay in garbaha laga xirto aayadda soo socota:

(وليضربن بخمرهن علي جيوبهن …)

(Ha yeeleen dumarku khimaaradooda korka jeebabkooda ..) (Al-Nuur 31).

Macnaha erayga“Jeeb” waxaa laga fahmayaa qisada nebi muuse cs, maxaa yeelay mar waxaa la yiri gacanta geli jeebkaaga, marna gacanta aaddi xagga garabka. Sidaa darteed jeebabkooda waxaa laga wadaa garbaha iyo wixii la siman sida laabta iyo dhinacyada, taasoo laga qaadanayo in gabdhuhu khimaarada garbaha saaraan meeshii ay saari lahaayeen madaxa.

Marka hoos la aadana in dharka la gaarsiin karo canqawga waxaa u daliila aayadda soo socota:

(ولا يضربن بأرجلهن ليعلم ما يخفين من زينتهن …)

(Yayna garaacin lugahooda in la ogaado darteed waxa ay qarinayaan ee siinadooda ka mida …) (31 al-nuur)

Waxaan aayadan kala baxaynaa in siinada laga wado waxa u xiran gabadha sida dahabka, taasoo laga qaadanayo in dharka la gaarsiin karo canqawga maxaa yeelay dahabku wuxuu ku xirmi karaa canqawga korkiisa, sidaa darteed siinada la yiri yayna muujin waa midda la xirto ee maaha jirka gabadha.

Aayadda aan soo dhaafnay waxay ishaartay in dharka laga xirto inta u dhaxaysa qoorta iyo canqawga, waxaana arinkaa shakiga ka saaray aayadda waysada, maxaa yeelay xubnaha afarta ah ee laga waysa qaato sida wejiga, madaxa, gacmaha ilaa suxulada iyo lugaha ilaa canqawyada waa meelaha ayna dadku dabooli Karin sida qaalibka ah, sidaa darteed waxaan aayadda waysada kala baxaynnaa dhawr xugun oo kala ah:

  • In madaxu ku jiro xubnaha la bannaynayo, taasoo laga qaadanayo in khimaarka la saaro garbaha ee aan la saarin madaxa haddii ayna iman baahi loo saaro.
  • Inaan dharka laga hoos marin canqawga, waxaana arinkan ayidaya xadiiska soo socda:

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلي الله عليه وسلم : ما أسفل من الكعبين ففى التار.

Wuxu Abuu Hurayra weriyey inuu nebigu yiri csws: “wixii ka hooseeya 2da canqaw naarta ayey ahaadeen

Xadiisku wuxu ishaarayaa inay denbi tahay in dharka la dhaafiyo canqawga, denbigana waxaa keenaya dhibka ka dhalanaya sida in lagu kufo ama wasakhdu dharka gaadho, ama in kibir dartii qofku u dheereeyo, waana dhib rag iyo dumarba taabanaya, sidaa darteed xadiisku khaas kuma aha ragga, waxaa kale oo jira axaadiis laga qaadanayo in dharka la gaarsiin karo inta u dhaxaysa jilibka iyo canqawga.

  • In ragga iyo dumarku isku xugun yihiin maxaa yeelay aayadda waysadu way sintay labada qolo, waana sida caddaaladda waafaqsan. Sidaa darteed waxaa laga rabaa ragga inay asturaan inta dumarku asturo in le’eg.
  • Inaan dumarku kala xugun ahayn, maxaa yeelay qof kasta waa laga rabaa inuu asturo meeshii cawro noqon
  • Maadaama la dhaqayo gacmaha ilaa suxulada, lugahana ilaa canqawga waxay daliil u tahay in dharka ku habboon in la qaato inuu yahay dhar xadidaya xubnaha jismiga sida saraawiisha iyo shaararka, taasoo laga qaadanayo inayna gabdhuhu lahayn lebis u gaara ee ay xiran karaan wixii raggu xidho (xirto).

Adillada qiyaaska ah:

Qiyaas waxaa la yiraahdaa in adillada isu eg (is shabahda) isku xugun laga dhigo, taasoo keenaysa in qiyaasku ka mid yahay adillada la daliishado, sidaa darteed adillada qiyaaska ah ee ayidaysa masaa’isha aan ka soo hadalnay waxaa ka mida:

  • Ragga iyo dumarku isku si ayuu Alle u abuuray taasoo laga qaadanayo in raggu asturayaan inta dumarku asturo in le’eg.
  • In dumarku madaxa bannayn karaan maadaama timaha dumarku la mid yihiin kuwa ragga, isla markaana ay xiran karaan saraawiil iyo shaatiyo sida ragga.
  • In qofku bannayn karo ilaa suxulada waxay calaamad u tahay inuu dharka geyn karo inta u dhaxaysa canqawga iyo jilibka hadii uuna ka baqayn wax dhiba oo lugaha soo gaara sida qabowga, geedaha lugaha xagta iwm.
  • In qofku hadduu lugaha wax gashto, shaar gacma dheer ahna qaato inuu dhaqayo wejiga, gacmaha inta hore iyo madaxa oo uu masaxo maxaa yeelay wuxuu ka waysa qaadan mar kasta xubnaha uu banneeyey oo keliya.

 

Adillada fiqiga ah:

Xeerarka fiqiga waxaa ka mida in sida loo kala awood badan yahay waajibaadka loo kala badsado, sidaa darteed in raggii xoogga waynaa qaataan dhar fudud, dumarkuna xirtaan dhar culus waa arrin khilaafsan xeerarka fiqiga.

Waxaa kale oo ka mida in wax kasta oo dhibkiisu ka bato dheeftiisa inuu noqonayo wax aan isticmaalkiisu bannanaayn, waana sababta loo xarrimay khamriga iyo qamaarka sida aan ka fahmayno aayadda 219 ee suuradda al-baqara, taasoo laga qaadanayo inuu qofku qaato dhar fudud oo aan dhib ku jirin.

Qaabka ay gabdhuhu u xijaabtaan waqtiga hadda la joogana waxay ku qabaan dhib aan la soo koobi karin waxaana ka mid;

  • Madaxa iyo qoortu waa meel ay ku yaaliin xubno badan oo ay daruuri tahay in la banneeyo sida indhaha, dhegaha, sanka, afka iyo cunaha.
  • Marka kulayl jiro meelaha qofku ka kululaado waxaa ugu horreeya qoorta iyo laabta oo ah meesha wadnuhu ku jiro, taasoo caafimaadka gabadha wax u dhimaysa haday xirato dhar hawada reebaya.
  • Gabdhuhu way ka naxaan ragga haddi lagu soo baxo iyagoo madax bannaan, taasoo wax u dhimaysa caafimaadka gabadha khaasatan haday uur leedahay.
  • Wixii dadka agtooda xaaraan ka ah wuxuu noqdaa wax la isku ceebeeyo, taasoo keenta in gabdhuhu aflagaado badan kala kulmaan dadka qaarkii sida in gabadhii madaxa bannaysa laga dhigo inay qaawan tahay.
  • Xijaabka madaw ee gabadha oo dhan qarinaya waa shay aan quluubta aadanahu jeclayn taasoo keenta in mararka qaar gabadha loo dhibo ama loo dilo, waxaa kale oo ay ku wayn karaan is qarintaas xuquuq badan sida guur, shaqo ikk.
  • Maadaama aan madaxu ku habboonayn in dharka laga xirto waxay gabdhuhu khimaarka ku qabtaan biinan khatar ku ah inay madaxa ka galaan hadday kufaan ama ay derbi ku dhacaan, qaarna waxay madaxa ku xiraan maro joojinaysa xididdada dhiigga.
  • Dharka aan daruuriga ahayn sida kan madaxa lagu xirto ama xijaabka laga dhigto waxaa gabdhaha iyo eheladoodaba kaga baxa qarash badan, wuxuuna noqon dhar lagu israafay maadaama meel aan daruuri ahayn loo isticmaalay.
  • In ayna gabdhuhu qaadan saraawiil iyo shaatiyaal waxay keenaysaa inay gabdhaha ku cuslaato arrimo badan sida shaqada, gaadiidka la raaco iyo socodka.
  • Xijaabku wuxu ka reebayaa dumarka inay ordaan ama xoog u socdaan, taasoo keenaysa in miisaankoodu siyaado una keeno dhibaatooyin kala duwa
  • Ragga qaarkii waxay dhibsadaan inay dhegaystaan gabar madax bannaan oo wax akhrinaysa, maxaa yeelay haddii qofku iska xarrimo wax xalaal ah waxaa ka dhasha inuu isaguna ka fogaanshihiisa dhib kala kulmo.

Haddi dadka la waydiiyo maxay tahay faa’iidada ku jirta in gabdhuhu isku kallifaan inay madaxa iyo qoorta qariyaan, dhar gacmaha iyo lugaha xirayana qaataan, waxay dadka jawaabtoodu ku soo ururtaa laba arrin oo keliya kuwaas oo kala:

  • Gabadha ayaa noqonaysa mid dhawrsoon

Xujadani ma xoog badna maxaa yeelay gabadhu iyadaa nafteeda ka masuula, sidaa darteed hadayna iyadu xuquuqdeeda ilaashan dharku wax u ilaalin mayo, midda 2aadna haddaan madaxa bannaani ragga dhib u keenin dumarkana u keeni mayo.

  • Ragga ayaa dhib dareemaya haday arkaan gabar madax bannaan

Xujadani iyana waa mid aad daciif u ah maxaa yeelay gabadhu danteeda ayey u lebisataa ee uma lebisato inay korka iska saarto mas’uuliyad uu qof kale leeyahay.

Waxaa kale oo xusid mudan inay Soomaalidu soo martay waqti aan gabdhuhu madaxa dabooli jirin, haddana lama sheegin wax dhiba oo arrinkaasi gabdhaha u keenay iyo dhib ay raggu gabdhaha ku hayeen midna, cilmina waxaa ugu qiima badan wixii la tijaabiyo, taasoo meesha ka saaraysa labadan xujo ee aan lugaha badan ku taagnayn.

Haddii xataa labadan qodob wax jira laga dhigo, waxaa aad uga badan qodobadii aan ku soo xusnay dhibka ku jira xijaabka hadda la xirto, taasoo calaamad u ah in qaabka ay hadda gabdhuhu u xijaabtaan ayna bannaanayn mar haddi dhibku ka badan yahay dheefta.

Tafsiirka aayadda 59 ee suuradda al-axsaab:

Alle (sw) wuxu yiri:

{ياأيها النبي قل لأزواجك وبناتك ونساء المؤمنين يدنين عليهن من جلابيبهن ، ذلك أذنى أن يعرفن فلا يؤذين …}

(Nebiyow ku dheh xaasaskaaga, gabdhahaaga iyo mu’miniinta dumarkooda inay ku dhoweeyaan korkooda qayb ka mida jalaabiibtooda, sidaasaana ugu dhow in la garto si aan loo dhibin …)

Dumarka aayadan ku xusan waxay noqon karaan 3qolo oo kala ah:

  1. A) In laga wado dumarka ragga mu’miniinta ahi ay qabeen haddii gabdhaha nebiga csws dhammaan la qabey waqtiga aayadani soo degtey, taasoo laga qaadanayo in la amray inay qayb ka mida jilbaabkooda ka dhigtaan calaamad lagaga soocayo dumarka aan la qabin si aan loo su’aalin, waxaana arinkaa loo daliishan karaa in “min” oo ah eray ku tususaya qayb (qaar) ay ka hormartay jalaabiibta, jalbaabku waa dhar ay gabdhuhu xiran jireen waqtiga ay aayadani soo degtey noocii la doono ha loo tolo e.
  1. B) In laga wado dumarka wax dhali kara:

Dumarka la qabo waxaa la xuguna dumarka wax dhali kara, maxaa yeelay in dumarka guurka dhaafay loo banneeyey inay dharka fududayn karaan waxay daliil u tahay in gabdhaha aan qaan gaarin iyaguna la xugun yihiin dumarka guurka dhaafay, taasoo laga qaadanayo inaan gabdhaha yar yar la guursan karin illaa ay ka qaan gaaraan, waxaa kale oo laga qaadanayaa  in suurada al-Nuur  fasirtay aayadan maxaa yeelay aayadani si guud bay u ishaartay in gabdhuhu korkooda wax saaraan, suuradda al-Nuurna waxay xaddidey  inta la asturayo oo ah inta qoorta ka hoosaysa, sidaa darteed korkooda waxaa laga wadaa dhabarka iyo itna la siman sida laabta iyo wixii ka hooseeya ee ay daruuri tahay in la asturo.

  1. C) In laga wado dumarka oo dhan:

Haddi loo fasiro in laga wado dumarka oo dhan, yar iyo wayn, mid la qabo iyo mid aan la qabin wuxuu muraadka aayaddu noqon inay qaataan dhar ku dhow jismiga sida saraawiisha iyo shaatiyaasha.

Saddexda macne ee aan soo sheegnay saddexdaba waa laga qaadan karaa aayadda heli karo daliil, maxaa yeelay in dumarka la qabo leeyihiin wax lagu garto waa arrin daruuriya, in ilaa garbaha la asturana waxaa u daliila suuradda al-Nuur, in dharka loo dhoweeyo jirkana waxaa u daliila aayadda waysada, laakiin macnaha oranaya gabdhuhu dharka ha soo raariciyeen ama madaxa ha qariyeen aayadda kama muuqdo, waana macne ka hor imanaya adilladii ka hadlaysey meesha dharka la geeynayo iyo qaabka loo xiranayo.

Adilada laga fahmi karo in gabdhuhu madaxa qariyaan:

Xadiiska Tarmadi weriyey ee sheegaya in gabadhu bannayn karto wajiga iyo gacamaha oo keliya isaga waa la daciifiyey, maxaa yeelay waxaa la cadeeyey inuu mursal yahay, mursal waxaa la yiraahdaa xadiis ay kala weriyeen 2qof oo aan kulmin.

Aayadaha laga fahmi karana waxaa ka mida aayadda soo socota:

(ولا يبدين زينتهن اِلا ما ظهر منها، وليضربن بخمرهن على  جيوبهن …)

(Yayna muujin siinadooda wixii kor soo mara mooyee, hana yeeleen khimaaradooda korka dhinacyadooda …), (31 al-Nuur)

Inaan madaxa la qarinayn waxay calaamad u tahay in siinada laga wado wax loo xirto in la isku qurxiyo sida dahabka, maxaa yeelay in Alle yiri gabdhuhu yayna lugaha dhulka ku garaacin si aan loo ogaanin siinada u qarsoon ayaa calaamad u ah in siinada laga wado wax dharka ka hooseeya oo shanqaraya haddii xoog loo socdo, sidaa darteed aayadda laga qaadan maayo in gabdhuhu madaxa qariyaan.

Dahabku asal ahaa cawro maaha, sidaa darteed sababta loo amray inay  qariyaan waxay noqon kartaa in la diidayo  in dhib uga yimaado sida in laga dhaco ama in raggu dhibaan  ama in la diidayo in gabdhuhu ku tartamaan is qurxinta badan, sidoo kale inay dhar quruxsan qaataan wax dhiba ma laha maxaa yeelay waxa la yiri yayna muujin dharku kuma jiro.

Maxaa loo diliishadey inay gabdhuhu dharka dhulka gaarsiin karaan?

Adillada loo daliishaday in gabdhuhu dharka gaarsiin karaan dhulka waa hal xadiis oo ay weriyeen kutubaha sunanka qaarkood sida Nisaa’i iyo Tarmadi kaasoo laga fahmayo inay dheerayn karaan in le’eg dhudhun.

Laakiin waxaa ka badan adillada laga fahmayo inaan dharka la dhaafin karin canqawga rag iyo dumarba waxaana ka mida ah:

  • Aayadda waysada oo xaddidey rag iyo dumarba itna la bannayn karo.
  • Axaadiista amreysa inaan dharka la dhaafin karin canqawga oo ah axaadiis aan ragga khaas ku ahayn
  • Qiyaaska: maadaama aan lugaha ragga iyo kuwa dumarka farqi u dhaxayn waxaa looga qiyaas qaadan karaa inaan dumarkuna canqawga dhaafin Karin.

4) Xeerarka fiqiga:  waxaa ka imanaya dhib aad u badan haddi marada la dheereeyo sida in maradu wasakhda gaarto, in lagu kufo iyo in maradu afka ka googo’do taas oo ah dhib ka badan faa’iidada laga helayo.

Waxaa xusid mudan in aayaddii ku saabsanayd inayna gabdhuhu lugaha dhulka ku garaacin laga fahmi karo in lugaha la qariyo, laakiin aayadda kuma cadda in lugta oo dhan la qarinayo, waxaana aayadaas macnaheeda xadidey aayadda waysada.

Gunaanad:

Mas’alada xijaabku maaha mas’alo u baahan in adilla badan loo raadiyo, maxaa yeelay ragga iyo dumarku waa isku xugun xagga dhar xirashada, maaddaama Alle isku si u abuuray markii laga reebo wixi caalamad ah ee keenaya in lagu kala garto, sidaa darteed haddi raggu madaxa bannayn karo dumarkuna waa la mid, sidoo kale haday cadaato in dumarku madaxa qariyaan raggana way ku waajibaysaa inay madaxa qariyaan.

Sh. Abdalla Aw Hassan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code