Maandoon iyo maandooriyayaal diimeedka!

Barayaashayadii dugsi quraanku, waxay inta badan noo diidi jireen in aanu ku tukanno masaajiddada ay Suufiyadu gacanta ku hayso. Mararka qaar waa la ciqaabi jiray ardaygii lasoo sheego in uu ku tukaday masaajiddadaas mid ka mida. Waxaan xasuustaa uun in ay macallimiintaasi kawada sinnaayeen amar bixinta iyo diidmada ku aaddan inaanu ku daba tukan imaam Suufi ah, balse ma jirin wax faahfaahin ah oo dhaafsiisan diidmadaas, “Waa bidco” ereygaas uun baa ciwaan u ahaa amarradii ay nasiin jireen. Ma jirin cilmi iyo cudud maskaxeed oo nagu hagi karta xaqiiqada ku jirta diidmadaas oo nala ku kordhin jiray. Aniga iyo ardayda oo dhammi waxaanu kala dhammaan jirnay macallimiintayada annaga oo maskaxdayada iyo jirkayaguba u hoggaansan yihiin iyaga iyo amarradooda. Casharrada iyo codadka ka baxsan dugsiga ee nooga imaan jiray masaajiddada iyo goobaha dacwaduna waxay ahaayeen kuwa u badan amar bixintaas iyo in wax la diido uun. Qaarkood waxay diidi jireen oo nooga dayrin jireen in aanu akhrinno buugaagta qaar, sida: kuwa arrimaha Bulshada ka hadlaya, horumarinta aadanaha, sheekooyinka iyo buugaagta fikirka ah.

Dugsi walba iyo goob walboo dacawiya oo cod Salafi ahi kasoo yeerayo, qaabkaas ayuu ardayda iyo dhegaystayaashaba baahidooda aqooneed u dabooli jiray. Burburkii dawladdii dhexe ka dib, urur diimeedka ugu cod dheer iyaga ayay ahaayeen, goobaha ugu badan ee insaanka Soomaaliga ah lagu soo dhiso iyaga ayaa u talinayay, illaa iyo haddana ugu saamayn badan. Taasna waxaa sabab u ahayd dhaqaalaha iyo taageeraha lacageed oo ay ka haystaan dawladaha Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga.

Markii laga tago saamayntooda dhaqaale, waxaa jirtay sabab kale oo ka danbaysa in saamayntoodu sii jirto oo ay bulshadu iyaga uun gacanta ugu jirto. Saamayntaasi waxay la xiriirtaa aqoonta iyo cilmiga ay dadka usoo gudbinayeen illaa muddadii ay goobaha waxbarashada qabsadeen.

Waxaa jirta toban xeeladood oo bulshooyinka lagu qabsado oo uu aragtidooda iska leeyahay qoraaga iyo maskaxmaalaha la yiraahdo Nacuum shoomisk (Noam Chomsky). Xeelad ka mida xeeladahaas ayaa oranaysa. “In dadka caamada ah lagala dagaallamo aqoonta iyo ogaalka oo lagu hayo xaalad jahli ah.” xeeladdan markaad fuliso, waxaa kuu fududaanaysa in bulshadu kuu hogaansanto, oo ay u jeestaan meesha aad u jeediso. In ay doqonnimadaada iyo diricnimadaada kala garan waayaan oo ay fikradahaaga iyo ficilkaaguba daroogeeyo. Shoomiski, wuxuu isla xeelad kale ku leeyahay “Caamada ula hadal sidii dad carruura.” Khuraafaad iyo sheekooyin aan jirin uga sheekee oo sidii carruurtii u baji mar walba oo ay dhib ama dheef la kulmaan. Labadan xeeladood way is dhamaystirayaan, oo marka aad dadka aqoonta iyo ogaalka kala dagaallanto, waxaa kuu suura galaysa in ay rumaystaan khuraafaadkaaga oo aad sidaad rabto ugu sheekayn karto, sababtoo ah caamadu inaysan waxba ogayn ayaad ogtahay.

Markaad u fiirsato hab-dhaqanka ay wadaaddadu kula dhaqmaan bulshada, waxaad ka dhex arkaysaa labadaas xeeladood. Macallinka Salafiga ahi marka uu ardayga kartidiisa maskaxeed kusoo dilo dugsiga oo uu soo siiyo aqoon aan tayo lahayn, waxaa fududaanaysa in wadaadka minbarka masjidka saarani uu ardaygaas wuxuu rabo u sheego, meeshuu doonana u jiheeyo. Waana ta sababtay in ay isku ereyo noqdaan macallinka dugsiga iyo shiikha ugu wayn ururkaas. Isla codkii aan dugsiga ka dhex maqli jirnay annaga oo yaryar, ayaanu maantayna maqlaynaa annaga oo waawayn. Weli amarkii ayaa nala siinayaa. Sidii baana dadka naloo ku bajinayaa. “Buug hebel guba, hebel waa gaal, waa murtad, ururkaasi suud bay ku lebistaan iyo dhar gaalo, afka carabiga ma yaqaaniin oo diinta ma aysan baran. Diin aan dhulka Xijaaz ka iman shaki baa ku jira” ereyadaas wakhtiyada la yiri way kala duwantahay, dadka lagu weerarayna way kala duwan yihiin,  balse ereyadaasi waxay ka wada siman yihiin doqonnimada ay xambaarsan yihiin iyo ogaal xumada ka muuqata. Waxaa suuragal ah shiikha sidaas u hadlaya in aqoontiisu sarrayso, balse bulshada uu la hadlayo mar haddii ay yihiin kuwii uu ogaalka iyo garashada kala soo dagaallamay in uu qaabkaas ula hadlo xaq buu u leeyahay. Haa, xaq bay u leeyihiin wadaaddadeennu in ay inoo baqaan, sababtoo ah nama aysan soo barin farsamooyin iyo xeelado aan dhufays kaga gali karno dabaylaha fikradeed ee nasoo wajihi kara. In laynoo fekero oo qaabkaas laynoo ku sheekeeyo, qalinlayda iyo aqoonyahanka soo baxana layna ku bajiyo, oo laynoo bahala gasho, waxaad mooddaa in aynu mudannahay.

Qofku in uu qaab doqonnimo ah kuugu sheekeeyo, waxaa ka horraysa in uu adi kugu ogyahay shakhsiyad doqon ah.

Dhawaaqa fikirka ah ee maalmahan kasoo yeeraya fagaarayaasha bulshada, waa mid loo baahnaa, walow uu xoogaa soo yara dib dhacay.  Waxa uu dhawaaqaasi cod u noqon doonaa dad badan oo baahi nololeed ama bukaan maskaxeedi caburiyay. Wuxuuna iftiinka xaqiiqada u tilmaami doonaa dhalin badan oo garaadkooda mugdi qariyay. Ma dhahayo qalinlayda Maandoon ayaa dadka diin ku hagaysa, balse in la helo dhalinyaro karti-fikreed leh, oo aanan qori iyo qaraxba iska soo hormarineen ayaa waxay guul u tahay maskax badanoo kelinimo dareemaysay.

Ma qabo in naanaysta Maandoon koox gaara la siiyo. Waxaan aaminsanahay in qof walba oo Soomaali ahi u baahanyahay in ay gudihiisa ka billaabmato kacdoon uu ku raadinayo maankiisa. Oo uu ka xorroobo khuraafaad badan oo horumar iyo hal-abuur inoo diiday. Khuraafaad la dhaqameeyay oo uu oday beeleed horkacayo iyo mid la diimeeyay oo uu oday diimeed hormuud u yahay.

Loolankaan fikirka ahi wuu billawday, wuuna socon doonaa muddooyinkaan iyo weligiisba. Waxaa hubaal ah in maanku guulaysan doono, “Inta maanku gaajaysan yahayna, guuli waa weli.”

Caqligu ha shaqeeyo.

Abdelfatah Dahir Elmi

Dahir191@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code