Maansadii hore iyo midda cusub

Dadka filka weyn ee Soomaaliyeed waxa ay jecel yihiin in ay faca ka danbeeya u sheegaan in ay dadkii hore dhan kasta kaga fiicnaayeen facyaasha danbe. Waxa ay sheegtaan in ay dadkii hore hawlkarro ahaayeen, aftahamiin ahaayeen, indheegaradyo caqli badan ahaayeen, murti badnaayeen, oo ay xoog badnaayeen. Waxa ay facaas hore u haystaan in ay og yihiin taariikho badan oo u ka la baxa wax ay goobjoog u ahaayeen iyo wax ay ka soo xigteen dadkii ka sii horreeyey.

Dhinaca kale dadka danbe waxa ay kuwa hore u arkaan dad aan wax akhriyin, wax daawan, waxna aan qorin oo ay maskaxdoodu ku dheggan tahay ama ku qufulan tahay dhacdooyin yaryar oo ay u soo joogeen ama ay cilmidhegood ku haystaan sida in ay ammaanaan Daraawiish iyo ururkii Leego. Waxa ay dhallinyaradu dadka waaweyn u arkaan in ay taariikh weyn u haystaan wax hal habeen lagu akhriyi karo. Dadba kuwii ay ka horreeyeen waxa ay jiilka danbe ka aamminsan yihiin in ay ahaayeen dad qallafsan oo uu dhaqankoodu ka maran yahay naxariis iyo jacayl.

Dhinacyada badan oo ay facyaasha ka la danbeeyaa ku ka la geddisan yihiin qoraal yar lagu ma soo koobi karo, oo waxa aynu xoogga xigtan yar saaraynaa maansada oo qur ah. Ugu horrayn waa maxay maanso?

Maansadu waa hadal ay xubnihiisu isku jaango’an yihiin oo leh miro uu habdhacoodu is wada dherer la eg yahay, hadalkaas oo la la raaco ama lagu dhilo dhawaaq ka mid ah xuruufta af soomaaliga. Shaqalku waxa uu xisaaban yahay hal dhawaaq oo a iyo u waa isku dhawaaq. Maansada aynu soo qeexnay waxa ka geddisan nooca “Jacbur” loo yaqaan oo aan u baahnayn in hal xaraf ama hal dhawaaq lagu wado, laakiin miisaan ku dhisan. Sida badan jacburku qosol iyo majaajillo ayuu leeyahay. Cid jacburtaa maba ay badna, sidaas darteedna maansada guud baynu eegaynaa.

Dadka yaryar oo magaalooyinka jooga waxaa af soomaaliga ka badiya dadka filoobey ama waaweyn oo uu badankoodi miyi ku soo indhofuray, laakiin tacliinta ama aqoonta waxbarasho waxaa badiya faca danbe. Waayadii hore soomaalidu reer miyi bay u badnaayeen, waxa ayna ku wada hadli jireen ama ay ku maansoon jireen af hodan ah oo ay wada garanayeen. In ay afka ka haqab la’aayeen waxa ay keeni jirtey in ay maanso kasta oo la curiyo si buuxda u fahmi jireen wadar ahaantood. Qof kastaa waxa uu fahmayo waa uu xiiseeyaa, waxa uu fahmi waayana waa uu necbaadaa. Fahmidda ka sokow waxaa yaraa waxyaalaha ay maskaxda dadku ku mashquusho, oo markii maanso la tiriyo dad badan baa dusha ka qaban jirey ama xafidi jirey. Dadka yaryar oo magaalooyinka ku dhaqani maansada fahankeeda oo buuxa ma ay heli karaan maaddaama ay ereyada magaalooyinka lagaga hadlaa kooban yihiin. Waxa intaas u dheer in ay hawaayado kale ku mashquulsan yihiin ama ay madaddaalooyin kale maskaxdoodu la ciirayso, oo aysan tix uu qof taxay madaxooda sida cajalad ugu duubi karin.

In ay reermiyigu luqadda ka badiyaan reer magaalka ma ay aha arrin Soomaalida u gaar ah ee ummadaha oo dhan buu afkoodu miyiga ku xooggan yahay. Dadyowga kale waxa ay carruurta magaalooyinka iyo dhallinyarada reer magaalka ah ku bixiyaan hawlo afkooda lagu kobcinayo si ay ereyo badan u helaan ama ay af saxan u qaayibaan. Ugu horrayn afka barashadiisa waxaa laga yeelaa maaddo ka mid ah maaddooyinka iskuullada. Qoraallada sheekooyinka, riwaayadaha iyo maansada ayaa akhriskooda loo soo jeediyaa dhallinyarada. Warbaahinta iyo hal-abuureyaasha ayaa wacyi u leh in barnaamijyo afka kobcinaya ay bulshada u soo gudbiyaan. Sidaas iyo siyaalo kale ayaa afka lagu badbaadiyaa, dhasha magaalooyinkana heerkooda afeed kor loogu soo qaadaa. Soomaalidu qoraallo ma leh haddii ay leeyihiinna qoraallo tayo lehi ma badna. Warbaahinta soomaalida dadka ka shaqeeya badankoodu iyaga ayaa u baahan in ereyada iyo naxwaha laga saxo. Xagga masraxa waxa aan marmarka qaarkood isla haysan ama isku habboonayn dadka iyo waxa la soo bandhigayo. Maansada waxaa xiisihii da’yarta ka qaaday in ay af adag oo ereyo badan ku shixnadan tahay. Marka ay maansada soomaalidu qoran tahay dad badani wajiga ma ay siin karaan oo waa ay ka baqaan, waana ay ka boodaan sadarrada gabayga ah. Haddii ay duuban tahay baa laga yaabaa in ay qaarkood dhegaystaan.

Maansada miyigu mid hore iyo mid danbe waa isku heer iyo isku qaab oo maanso ahaan wax weyni hoos u ma ay dhicin, laakiin waxa uu hoos u dhac muuqdaa ku yimid xiisihii dadka oo aan ahayn sidii hore. Waxaa la oran karaa maansada xilligan baadiyaha laga tiriyo ama ay magaalada ka tiriyaan dad miyiga ku soo barbaaray sinaba uga ma ay liidato maansadii qarnigii tegey bilowgiisii la tirin jirey. Waxaaba laga yaabaa in ay maansada qarnigaan la tiriyaa aqoonta iyo ilbaxnimada uga dhow dahay middii hore. Waxa isbeddeley ma aha in aysan abuureyaashu aftahmo lahayn ee waa in uu yaraaday xiisihii loo hayey maansadu. Waxaa la moodaa in muusig keli ah la xiiseeyo oo laga wahsado ereyada iyo nuxurka hadalka.

Qarnigii la soo dhaafay qaarkiisii danbe waxaa soomaalida dhexdooda xoog ku lahaa heesaha muusigga leh. Waxaa la qaaday ama lagu luuqiyey kumanyaal maanso oo u badnaa miisaannadii heesaha hidde ahaan hawlaha lagu qaban jirey. Jiiftada oo miisaannada la laxameeyey ugu badnayd waxa ay ka mid tahay heesaha hawsha oo awrta dhaanka ah baa lagu raraa iyada oo sidan ah:

Ninkii sahay ku noolaa

Iyo soorta dhaanshow

Saymaa galabta muuqdaye

Sidee yeeli doonaa?

Waxa aynu tusaaalahaas kore u soo qaadannay in aysan dadka qaar u malayn in ay jiiftadu hees ciyaareed keli ah tahay. Sababtii ay doontaba ha lahaato ee heesihii ay Soomaalidu muusiga ku luuqiyeen jiifto ayey u badnaayeen. Heesahaas la qaaday miisaan ahaan u ma ay wada saxnayn sida maansooyinkii hore ee miyiga. Denbiga haddii la iska dhawro waxaa la oran karaa intooda jajaban baa ka badan intooda isku toosan, waana markii la eego miisaanka iyo qaafiyadda. Waxaa u ceeb asturay muusigga casriga ah oo laf ahaantiisa loo macaansanayey, ee maansooyinkaas badankoodu ka ma ay soo fulin curiyeyaal dareen fog u leh curinta maansada.

Dhallinyaro badan oo dal iyo debedba jooga ayaa xilliyadan danbe ku soo biiray fanka heesaha. Dad baa ku andacooda in ay dhallintaasi xagga murtida iyo xagga qaaditaanka ka heer hooseeyaan facii qarnigii dhammaaday soo baxay. Aragtidaas u ma aannu riyaaqsanin oo dhallinyarada cusubi ka ma ay heeso liitaan kuwii fanka uga horreeyey. Labada facba waxaa la helayaa heeso naafo ah oo ay qaadeen iyo heeso lixdoodii lixaad qaba oo ay laxameeyeen. Hore waxa aynu u sheegnay in dadka gaboobey ay balwad ka dhigtaan dhalliilidda faca dhaxlaya. Taas ayaa keentay in afka waayeelku ay ku tirantay in ay iska dhaleeceeyaan dadka yaryar. Waxa aan arkay oday weyn oo mu’allif ahaan jirey oo ku dhiirradey in aysan waxa maanta socdaa ahayn maanso iyo heeso ee ay yihiin wax liita oo aan wax lagu tilmaamo la garanayn. Marka uu qofku hadlayo waxaa fiican in uu daliilo cadcad la yimaado ee in uu hadal maagitaan ah iska tuurtaa waxba soo kordhin mayso.

Ugu danbayntii dhalliilo badani waa ay jiraan, waxaana lagamamaarmaan ah in wixii daldalool ah si calool iyo laab furan loo furdaamiyo, oo dhanka wanaagsan wax kasta la iska taago. Ka la daadsanaanta Soomaalida guud ahaan haysata mid la mid ah baa dadka fanka iyo hal-abuurka haysata oo waa la ka la go’doonsan yahay. Qof kastaa waa garabrarato oo keligiis buu duulaa. Filkii iyo facii uu doonaba ha ahaado ee qofkii wax ummadda u dhex ah ku tillaabsadaa waxa uu mudan yahay dhiirrigelin iyo bogaadin.

Shaafici Xasan Maxamed

Dhalaandhuux@hotmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code