Magaaladaydii Baan Nacay!

Meeshaan Gaalkacyo ah, qof damiir leh oo og in lagu jiro qarnigii
21-aad kuma noolaan karo, qof og aduunku meeshuu marayo iyo horumarka
ay gaareen dadyowga caalamku kuma noolaan karo. Magaalo sanad walba
dagaal u diyaara, magaalo labo maamul-goboleed mar ay isku dagaalaan
iyo mar labo qabiil oo biyaha hoostooda iska arkay isku dagaalaan u
dhaxaysa bay noqotay.

Gaalkacyo waxaa ka socda filim-kii Hollywood ka ahaa ee la oran jiray
A million ways to die in the west“. Filimkaan waxaa lagu jilay
magaalo la yiraahdo Old Stump ee state-ka Arizona ee wadanka
Maraykanka, sanadka laga matalayo waa 1882. waxaa looga sheekaynayaa
nolosha ay reer galbeedku soo mareen iyo waxyaabo badan. Magaaladaan
waxa ka jirta nolol dad ku noolaadaan tan u liidata, dadku waxa ay u
dhimanayaan xanuuno la daawayn karo, gaajo iyo dadka oo la iska dilo
si bilaa sharci ah – Eyda magaalada baa cunaysa dadka wadooyinka yaal
ee la iska dilay ama wax laga hortagi karo u dhintay-. Atooraha
filimkaan wada isagu dadka magaalada waxa uu ka horeeya boqol sano oo
waa sida qof nool dhamaadkii qarnigii labaatanaad, aad buu ula
yaabanyahay nolosha magaaladan ka jirta iyo dhimashada xad dhaaf ka ah
Gaalkacyo filimkii bay magaca qaybta danbe baddaleen, oo waxa ay
ula baxeen ” A million ways to die in the Gaalkacyo“.
Haddii aadan filimkas daawan  waxaan kugu soo dhawaynaynaa isagoo toos
u socda, kana socda magaalada Gaalkacyo. Filimkaas markaan waxaa wada
Puntland, Galmudug iyo Alshabaab, ilaa iyo hadda cid atoore ka ah waan
garan la’ahay, maadaama ay u muuqdaan inay dhamaantood uultimada
dhimanayaan. Atoore dhintayna waa waali cas! Qof la iska dilo, dagaal
laba qabiil ama laba maamul goboleed magaalada bartankeeda ku dhex
mara Gaalkacyo ugu imow, dabadeed la hishiiyo markay dhintaan boqol
qof ugu yaraan, sannad kadibna waa dagaal iyo hishiis been ah, eeddadiin
u sheega, annagay nagu ciyaarayaan. Waayadan dagaalladii waxaaba dheer ku noqday qaraxyo.
Bulshada Gaalkacyo waxay iska qaban la’yihiin siyaasi-xume,
oday-dhaqameed-xume iyo Ganacsade-xume dantooda wata, balaayadoo dhan
iyagay ka soo bilaabataa. Ganacsade-xume waa kan ugu daran, rasaasta ay
geel jiruhu isku laynayaan buu u gadaa- geel jiraha tolkiisa ah-,
magaaladana waxaa udagan afar xaas laba bakhaarna waa uu ku leeyahay.
Hoobiye kugu dhac. Asaga weeye cidda ugu hor qaxda ama ay dhibta ugu
darani gaarto. Anigu kolayba afar naagood baad tiriyee xitaa midi iima
deggana Gaalkacyo, bakhaarna warkiisaba daa, xitaa sandaqad iigama
furna, ee ganacsadahaas oo kale baan magaalada uga qaxayaa.

Qofku markuu haysto amni, sidoo kale uusan ka fakarayn wixii uu cuni
lahaa, qofkaasi waxbuu qabsan karaa ilaa xad hadduusan is liidin. Hadda
oo aan qoraalkan qorayo labo malayshiyo-beeleed baa isku hor fadhiya
Koonfur-galbeed magaalada. Nolosha ma waxaan ku dhamaystaa geel jire
islaynaya sannad walba inaan ku dhex jiro, yaxaas ha cunee, mise waxaan
dhahaa “ﺃَﺭْﺽُ ﺍﻟﻠَّﻪِ ﻭَﺍﺳِﻌَﺔً ﻓَﺘُﻬَﺎﺟِﺮُﻭﺍ ﻓِﻴﻬَﺎ”. Kolayba anaa
og waayadan Gaalkacyo rajo laga naawili mayee, toban sano kadib
masheegin. Meeshaan waa inaan ka dhaqaajiyaa adduunyada ilaahayna
dhinac ka galaa.

W/Q:- Cabdullaahi Cabdi Muuse “YamYam”
Email: abdulahiyamyam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code