Maxaa dawo u ah dhal la’aanta?

 

Waxaan arkay urur la baxay dhal doon oo ay isku bahaysteen dad soomaaliyeed oo dhal iska waayey oo la leeyahay bisha ramadaan ha loo duceeyo, taasoo muujinaysa in loo maleeyey in qofkii dhali waaya inay adag tahay inuu dhal helo, waxaana arinkaas keenay inaan u malaynay in guur keliya dhal lagu helo.

Wax kasta oo qofku u baahan yahay wuxu ka heli karaa meel ka mida adduunka uu ku nool yahay dhul iyo cir, maxaa yeelay inta uusan dhalan ayaa wax kasta oo uu u baahnaa loo diyaariyey sida Alle yiri; “Alle wuu idin siiyey wax kasta oo aad u baahataan / وآتاكم من كل ما سالتموه” (Ibraahiim 34). Taasoo ka dhigan in laga aqbalay wixi uu u baahnaa oo dhan.

Waxa dadka la siiyeyna waxay u kala baxaan wax waqti kasta la heli karo sida in gabari nuujiso qof ayna dhalin iyo wax cilmi ku xiran sida in la helo dawooyinka ay u baahan yihiin dadka qaba cudurrada aan dawada loo helin. Sidaa darteed wax waliba waxay ku xiran yihiin in dadku la yimaadaan asbaabtii ay ku gaari lahaayeen waxa ay u baahan yihiin.

In gabadhu hooyo u noqonayso haddi ay nuujiso cunug ayna dhalin waxaa keenay caanaha galay cunuga jirkiisa, taasoo laga qaadanayo in wax kasta oo naafic ah oo qof laga soo qaaday sida caano, dhiig, xubin iwm, haddi ay qof kale u gudbaan in labada qof ay qaraabo noqonayaan. Weliba waxaa xusid mudan in dhiiggu ka saamayn badan yahay caanaha, maxaa yeelay dhiiggu waa wax markiiba gelaya jirka qofka, caanuhu se waxay sii maraan caloosha ka dib bay u gudbaan jirka, taasoo caddayn u ah inaan shaki ku jirin in labadii qof ee dhiig isu shuba ay qaraabo noqonayaan.

Wixii cilmi ah ee la gaadho sida in qof dhiig lagu shubo ama wadne loo geliyo haddi uuna jirin qaanuun ilaaliya dhibka ka yimaada ayaa ka bata faa’iidadiisa, maxaa yeelay inaan culimadu ku baraarugin in dadkii isugu deeqa dhiig ama xubin inay qaraabo noqonayaan waxaa ka dhashay in dadka loo dilay in xubin lagala baxo ay ka bateen kuwa lagu badbaadiyo xubnaha loogu deeqay iyo inay meesha ka baxdo xuquuqdii ay lahaayeen dadka ku deeqay dhiigga ama xubnaha, sida inuu ajar ka qaato wixii uu ku deeqay ama uu waalid u noqdo qofkii uu wax ugu deeqay, waxaa kale oo ka dhalan kara inay is guursadaan dad qaraabo ah oo aan is aqoon haddii qofku dhiig u shubo qof uuna garayn.

Qofkii qof ugu deeqa caano ama dhiig ama xubin wuxu u noqonayaa waalid, wuxuna yeelanayaa wixi xuquuq ah ee uu leeyahay waalidka dhalay qofka wax loogu deeqay sida inuu ajar ka qaadan karo wixii uu ugu deeqay sida caano, dhiig, xubin iwm ama uu dhaxlo, maxaa yeelay qofku wax kasta oo uu leeyahay ajar wuu ka qaadan karaa haddi uuna ku tabarrucin. Midda laabaadna qofka wax ku deeqa nuqsaan baa gaaraysa taasoo keenaysa inuu ajar ka qaato wixii uu ku deeqay, sidoo kale ma guursan karo qofka uu xubinta ugu deeqay ama qof ay qaraabo yihiin sida waalid, walaal iwm.

Sidaa darteed qofkii dhal iska waaya waxaa fudud inuu qof kale ugu deeqo dhiig ama xubin maxaa yeelay waalid buu u noqonayaa, sidaas buuna walad ku yeelanayaa. Weliba dumarku waxay haystaan fursado badan maxaa yeelay gabadhii ukumaheedu ayna shaqaynayn waxaa lagu beeri karaa ukumo ay gabar kale leedahay haddi riximkeedu shaqaynayo. Haddi riximkeedu uuna shaqaynaynna waxaa ukumaheeda lagu beeri karaa gabar aan dhalayn ama dhashu ka istaagtay maxaa yeelay midda ukumaha leh iyo midda lagu beeray labaduba waladka hooyo ayey u noqonayaan.

Sidoo kale haddii ay dhici karto in gabadhu caano yeelan karto iyada oo aan uur qaadin waxay awoodi kartaa inay qof yar nuujiso.

Haddi aanu qofku dardaarmin inta uu nool yahay xubnaha uu rabo inuu ku tabarrucana waxaa wakiil ka noqonaya qaraabadiisa, wixii maal ah ee laga helo xubnaha lagu deeqayna waxaa iska leh dadka dhaxalkiisa leh.

 

Cabdullaahi Aw Xasan
Anwar535@hotmail.com