Maxaa hortaagan cusboonaysiinta diinta?

Beryahan danbe waxaa soo badanaya cabashada dad waynaha ee ku aaddan in dib loogu noqdo qaar ka mida masaa’isha diinta sida rajmiga, xijaabka, gacan goynta iyo kuwo kale. Intii ay aqoonta dadku hoosaysey waxay dadku culumada ka qaadan jireen masaa’isha ay u arkaan in wanaag ku jiro, waxa ay u arkaan in dhib ku jirana way ka istaagi jireen iyaga oo aan culumada khilaafin sida rajmiga, gacan goynta iyo xijaabidda gabdhaha, taasoo ka dhigan in dadku culumada kula dhaqmi jirey si xigmadi ku jirto, laakiin markay soo bexeen iskuullada loo yaqaan maadiga waxaa kordhay garaadka dadka, taasoo keentay in masaa’ishii laga aamusi jirey laga hadlo sida in la yiraahdo maxaa keenay in qof dhagax lagu dilo?, maxaa qof hal bekeeri qaaday gacan dhan loo jaray?, maxaa xijaabka dumarka oo keliya loogu faral yeelay raggana looga cafiyey iwm.

Culimadu ku ma guulaysan inay dadka ka qanciyaan masaa’ishaas ee waxay dadka ku dul akhriyeen nusuus loo tusayo inay yihiin masaa’il aan wax iska beddeli karin, qofkii aan ku qancin ama wax ka qorana waxaa lagu dhuftay shaabbadaha ay ka midka yihiin caqlaani, calmaani, jaahil, gaala raac iwm. Taasoo ka dhigan inayna culumadu doorkooda dadka kula dhaqmin si xigmadi ku jirto, maxaa yeelay qofkii cilmiga fahmaya waxaa wax loogu sharxaa si cilmi ah, qofkii aan aqoonna si caqli ah. Wixii la qoro ama la aamisan yahay haddii loo qoro si hufan oo cad dadku iskuma khilaafaan sida culuunta sayniska iyo xisaabta, waxayna noqotaa culuun dadka midaysa manfaceeduna cad yahay, culuunta aan la caddayna waxay noqotaa mid dhibkeedu ka badan yahay manfaceeda dadkuna ku kala tago.

In kasta oo laga joogo 14 qarni iyo bar markii quraanku soo degey, haddana ilaa hadda fahanka diintu uma cadda sida loo caddeeyey maaddooyinka sayniska iyo xisaabta, waana midda keentay inay culimadu ka caajisaan inay masaa’ilka lagu haysto ka bixiyaan tafsiir lagu qanci karo. Maxaa keenay in culimadu ku guul darraysato masaa’isha dadku ka cabanayo? Waxaa jira meelo badan oo ay culimadu ka gaareen guulo la taaban karo sida naxwaha, ilaalinta quraanka, ururinta axaadiista, tafsiirka quraanka, axkaamta ikk, laakiin waxaa marka kasta nuqsaani ka jirtey qaabka loo fasirayo macnaha diinta waxaana u sababa dhawr arrin oo kala ah;

1) Ku dhaqanka madaahibta: Mad-habtu waxaa weeye in lagu ekaado wax uu hal sheekh yiri ama kooxi tiri oo keliya, taasoo keentay inaan la kala saarin wixii sax iyo qalad ah ee uu sheekhaasi lahaa ama kooxdaasi lahayd sida qaalibka ah, waxaa kale oo ay keentay in cilmi baaristii diintu is taagto.

2) Tafsiirka ra’yiga ku dhisan: Quraanku waa kitaab is fasira, si qalad looga fogaadana waxay ahayd in isaga la isku fasiro, qaar badan oo ka mida aayadaha quraankana macnaha laga qaatay wuu ka duwan yahay kii laga rabey sida dhaxalka sawjka, waxa la siinayo gabadha la furay iyada oo aan la taaban, ikk. Taana waxaana u sababa inaan quraanka la isku fasirin ee aayad walba gooni loola cararay. Waxaa kale oo jira masaa’il kale oo laga qaatay axaadiista lagana fahmey si ka duwan sidii laga rabey sida casabada oo laga wado dad dhaxla wixii baaqi ah ee soo hara, wilaayada gabadha la meherinayo iyo kuwa kale, waxaana u sababa inaan axaadiista quraanka loo celinin ee si madax banaan loogu dhaqmay.

3) Ijmaaca: Ijmaac waxaa laga wadaa wixii ayna culimadu isku khilaafin, waxaana laga dhigay xeer aan culumada danbe jebin karin, taasoo keentay in mas’aladii la yiraahdo waa ijmaac haday culimadu gefto inaan la sixi karin. Sidaa darted, waxaa la oran karaa ijmaacu wuxu ka mid yahay meelaha cilmi dannigu diinta ka soo galay, maxaa yeelay wuxuu keenay in mas’alo aan daliil lahayn loo aqoonsado inay tahay mas’alo sharciya sida in la shardiyo in qofka wax dhaxlaya uu yahay qof ka danbeeya qofka uu dhaxlayo. Culumadu doorkoodu waa caddayn ee maaha go’aamin maxaa yeellay sheekhu ma dhihi karo gabadha iyo wiilka wax is le’eg ha la siiyo, laakiin wiilku walaashii nus wuu siin karaa, taasoo ka dhigan in waxa uu qofku go’aaminayo ay tahay wax uu mulkiyo. Maaddaama caddaynta diintu ay tahay xuquuq la wadaagana wuxuu qof kastaa xaq u leeyahay inuu fahankiisa ka dhiibto, sidaa darteed mas’alada ijmaacu waa mas’alo lagu haysto culumada, maxaa yeelay waxay keenaysaa in culumadu maroorsato wax dadka u dhexeeyey iyagoon la iman wax daliila.

4) Kala saaridda diinta iyo aqoonta maaddiga: Diinta iyo culuumta loo yaqaan maaddiga waa labo cilmi oo is kabaya, sidaa darteed qofkii diin keliya ku ekaada cilmigiisu waa nus, kii maaddi keliya ku ekaadana cilmigiisu waa nus. Matalan dhakhaatiirtu way ku guulaysteen in qofka xubin loo geliyo, laakiin mayna ku guulaysan inay ogaadaan xuquuqda ka dhalanaysa xubinta lagu deeqay, taasoo keentay in dadka xubnaha lagala baxo inay ka bataan kuwa lagu badbaadiyo. Sidoo kale, masaa’ilka culaysku ka jiro waa kuwa ku saabsan qaanuunka, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waana masaa’il soo hoos gala xisaabta. Inaan culumadu ku guulaysan ilaa haddana waxaa u sababa inay ahaayeen masaa’il u baaahnaa aqoon dheeraada oo loo leeyahay cilmiga xisaabta. Sidaa darteed kala saaridda diinta iyo aqoonta kale waxay abuurtay aragtiyo aan dhamaystirnayn, waxaa kale oo ay keentay kala shaki ka dhex jira dadka ka cabey ilaha kala duwan ee laamaha cilmigu u kala baxo, waana midda abuurtay magacyada tirada badan ee dhibkoodu ka badan yahay dheeftooda sida calmaani, caqlaani, liberaali, tanwiiri, usuuli, qur’aani, takfiiri iwm.

Gunaanad: Diintu way sahlan tahay, waxaana aasaas u ah quraanka, waxaana loo baahan yahay labo arrin oo kala: in la fahmo sida quraanku isu fasiro iyo in la kaashado culuunta xisaabta iyo sayniska, waana labo arrin oo lagu heli karo in la sameeyo cilmi baaris dhaba. Waxaa kale oo loo baahan yahay in laga madax bannaan yahay qodobadii aan ka soo hadalnay sida taqliidka, hubsiimo yarida iyo fahan gaab nimada, maxaa yeelay fahanka saliimka ah waxaa asaas u ah xorriyad, hubsiimo iyo dedaal. Xorriyad waxaa laga wadaa in go’aanka uu qofku qaadanayo uu yahay mid isaga ka soo fuley si uuna qof kale u eersan aduun iyo aakhiraba.

Maqaalka xiga – haddii Eebbe idmo- waxaan uga hadli doonnaa waxa ay diintu ka qabto gacan goynta.

Sh. Cabdalla M Aw Xasan.

anwar535@hotmail.com

 

 

One thought on “Maxaa hortaagan cusboonaysiinta diinta?

  • September 7, 2016 at 12:27 am
    Permalink

    Mahadsanidin bahda maandoon iyo akhristayaashaba,
    Masaa’ilka u baahan in wax laga yiraahdo sida rajmiga, gacan goynta, xijaabka, adoonsiga waa masaa’il sahlan lkn waqti ku xiran Sidaa darteed ha loo sabro.
    Waxanna Ku wada xiriiiri karnaa mareegtan iyo
    Facebook.com/abdalla m aw-hasan

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code