Maxaa ka qaldan fiqiga islaamka?

Maxaa ka qaldan fiqiga islaamka?

Quraanku wuxu ahaa kitaab waxyi ah oo loogu tala galay in qolaba qolo u gudbiso si uu dadka oo dhan u gaadho isaga oo aan wax kale lagu qaldin.

Laakiin fuqahadu waxay qoreen fiqi wax badan khilaafsan fiqiga quraanka waxaana u sababa dhawr arin oo kala ah;

1) in meelo kala duwan laga qaatay fiqiga sida quraan, xadiis, ijmaac  (ra’yi culimo) iwm.

Matalan in dadka sinaysta 4 markhaati laga rabo quraanka ayaa laga qaatay, in dhagax lagu dilo qofka guur soo marayna xadiiska ayaa laga qaatay, sinada in galma keliya laga wadana fahanka culimada ayaa laga qaatay, sadexdabana  qaabka loo fahmay sax maaha.

Maxaa yeelay afarta markhaati waa afar dumara oo baadhaya gabadha loo tegay si loo hubsado inay uur yeelan karto iyo in kale ee ma ahayn afar aragtay  laba isku dhegan.

Sidoo kale xugunka dadka guurka soo maray quraanku wuu caddeeyey  sida inuu bixiyo wixii ganaax ah ama  jeedal loogu bedelo ama la cafiyo.

Sidoo kale haddi nin gabar u tago 3 xaalo oo kala duwan ayaa ka dhalata; inayna uur yeelanayn  sida mid yar ama mid uur hore leh, inay tirsato ciddo (3bil iyo 10beri ama 3bil),  inay uur yeelato, quraankuna midda uu ka hadlay waa midda  100ka maalin tirsanaysa  maxaa yeelay waxay  ku saabsan tahay xuquuqda gabadhu yeelanayso muddada ciddada ama iyada lagu yeelanayo haddi ay ahayd gabar la qabey oo gogol dhaaf samaysay, sidaa darteed dumarka lagu sameeyo galmo aan uur ka dhalanayn iyo kuwa uurka yeesha xugunkoodu wuu ka duwan yahay kuwa lagu dhufanayo 100ka jeedal, taasoo caddayn u ah inaan sinada laga wadin galmo keliya.

 

2) tafsiirka aayadaha oo aan aad looga fiirsan,

Matalan haddi muddada ciddadu tahay 100 maalin  labada qof mid waliba wuxu yeelan 50 haddi ay  denbiga wadaagaan, sidaa darteed marka lagu dhufanao 100ka jeedal waa  marka aan qofka denbiga lala wadaagin sida nin wax kufsaday ama gabar nin leh oo nin kale guursatay iyadda oo ayna labada nin is ogayn, taasoo caddayn u ah in haddi aan laga fiirsan tafsiirka quraanka in lagu dhaqmi karo xugun qalada iyadoo la moodayo in quraan lagu dhaqmayo.

 

3) in la na nasakhay aayadaha qaar nebiga csws ka dib;

Sida aayadaha 180 , 240 ee suuradda al-baqara oo ahaa aayada ku saabsan dadka dhaxalka iska leh sida labada waalid, curuurta awowga/ayeyda loo yahay haddi aan caruurtu noolayn iyo xaasaska uurka leh ama ciddada tirsanaya.

Maxaa yeelay haddi aayad la nasakho waxaa meesha ka baxaya xugunkii ka dhalanayey aayadaas, taasoo keenaysa in fiqigu naaqus  noqdo, midda 2aad in aayad la nasakho waxay suuro gal tahay intii nebigu noolaa oo keliya, sidaa darteed in la yiraahdo aayado quraanka ku jira ayaa nasakhan waa arin ayna culimadu ka fiirsan, maxaa yeelay ma jiro qof loo fasaxay inuu quraanka fara geliyo oo wixi uu rabo ka tuuro wixi uu rabana ku daro.

Sidaa darteed haddi qofku u maleeyo in laba aayad macnahoodu iska hor imanayo waxay daliil u tahay inuuna fahmin tafsiir aayadaha ee daliil uma aha in midi nasakhan tahay ama quraanka qalad ku jiro, maxaa yeelay quraanku isma khilaafo.

 

4) In diinta loogu dhaqmay qaab danni ah (male ama khiyaal);

Cilmigu waa yaqiin iyo danni wixi yaqiina ee la hubo ayaana habboon in la dhaqan geliyo, in wixi fiqiya ee culimadu qoreen oo dhan la dhaqan geliyo iyada oo aan loo kala saarin sax iyo qaladna waxay daliil u tahay in diinta loogu dhaqmay qaab aan caddayn.

 

5) In aan la qorin shuruudda xuquuqda ;

Wax kasta oo ku saabsan mucaamalada dadka dhex marta sida guurka, dhaxalka, beeca, dagaalka iwm waxay leeyihiin shuruud guud, shuruuddaasi kuma taallo kutubaha fiqiga, taasoo keentaay inaan la dareemin marka xugunku saxan yahay iyo marka uu qaldan yahay.

Matalan shuruudahaas waxaa ka mida in labadii qof ee sameeya denbi is le’eg in ciqaabtoodu is le’ekaato, sidaa darteed in laba qof oo wax kala badan xaday isku xugun laga dhigo ama la kala qaado qofka guurka soo maray iyo kan kale waa arin khilaafsan shuruudda caddaladda ama xuquuqda ee quraanka laga fahmayo, taasoo keenaysa in dib loogu noqdo tafsiirka aayadaha ku soo arooray xugunka tuugada, sinada iwm.

 

6) In loo maleeyey i diintu taahay awaamir aan sabab lahayn;

Diintu ma faragelin hab dhaqanka  dadku u macaamilo sidaa darteed wax kasta oo dadka la amray ama laga reebay waxay leeyihiin sabab;

 

Matalan haddi la yiri qofkii sinaysta ha lagu dhufto100 jeedal waxay ka timid  biilkii qofkaas lagu yeeshay 100ka maalin oo ciqaab loogu bedelay ee maaha wax la iska amray in qofka la iskaga dhufto, laakiin dadku marka ay diinta ku dhaqmayaan waxay dhahaan waxaas maxaa u daliila oo keliya iyaga oo aan fiirinin in sababi la socoto, taasoo keenta inay  sida qaalibka ah xugunka gefaan.

 

Gunaanad;

Qodobada aan soo sheegnay ayaa sabab u ah dhibka ka jira fahanka diinta sida qaalibka, haddii aan la dareemin in fiqigu cusboonaysiin u baahan yahayna way soconaysaa samaaynta taban (xun) ee ka dhalatay fiqiga qaldan sida ku xad gudubka xuquuqda dadka, khilaafka iyo firqooyinka tirada badan ee aan tayada lahayn, dagaalada iyo colaad abuurka tirada badan  iyo kuwa kale oo badan.

Qore Abdalla Ah Hassan