Maxaa Keenay in Sucuudigu Dumarka u Fasaxo Baabuur-wadista?

Ku dhufo mouse-ka ama guji (halkan) si aad ugala dagtid maqaalka oo ah PDF.

Salaasadii ayaa Sucuudigu ku dhawaaqey in ay dumarka u ogolaan doonaan in ay kaxaystaan baabuurta, isla jeerkaana ay soo afjari doonaan siyaasaddii wakhtiga dheerayd ee u noqotay calaamad caalami ah dulmiga dumarka ku dhex nool boqortooyada Sucuudiga.

Isbeddelkan, kaas oo dhaqangeli doona bisha Juun ee 2018-ka, waxa loogu dhawaaqey dikreeto boqortooyo oo si toos ah looga akhrinayay telefishannada dawladda iyo warbaahinnada kale ee Washington gudaheeda. Go’aankani waxa uu tilmaamayaa in xayiraaddii dumarka laga saaray wadista baabuurtu ay dhaawac ku keentay sumcaddii boqortooyada ay ku lahayd debedda, waxaana ay rajaynayaan in dadweynuhu ay ka faa’ido doonaan dibuhabayn tan.

Hogaamiyayaasha Sucuudiga ayaa sidoo kalee rajaynaya in siyaasaddan cusubi caawin doonto dhaqaalaha dalka, iyada oo kordhinaysa tirada dumarka ee ka qaybqaadanaya goobaha shaqooyinka. Siyaasaddan ayaa hiil u noqon doonta Haween badan oo ka shaqayn jirey Sucuudiga oo inta ugu badanna mushaharkooda ku kharash garey jirey bixinta mushaharka darawalladooda.

Ilaa 1990-kii ayaa haweenka Sucuudigu baadigoobayeen xuquuqdii ay u lahaayeen in ay wataan baabuurtooda. Wakhti dheer ka dib waa ay heleen xaqii kaga lumay go’aannadii shakhsiga ahaa ee ku dhisnaa damaca ninka carbeed uu ku rabay xakamaynta caqliga iyo cudduda dumarka.

Sida la sii saadaalin karo, arrintan ayaa noqon doonta fure aasaas u ah burburka qufulladii soo jireenka ahaa ee ku xidhnaa xoriyadda dumarka iyo kuwii kale ee shacabka addoonsan laga ga xidhey maskaxda si aanay u fekerin.

Waxaa ku dhex jirta xeerkan lagu fasaxayo dumarka darawalnnimadooda in ay qaadan karaan Liisanka baabuurka iyaga oo aan xataa ogolaansho ka haysan ninkooda, aabbahood iyo walaalkood ba. ka sakow dabaaldagga guusha dumarku in ay wadaan gawaadhida, waxa jirta olole kale oo dumarku rabaan in ay iskaga dulqaadaan xeerka ah in raggu mas’uuliyadda dumarka leeyihiin goor walba iyo goob kasta- in arrin kasta iyo go’aan kasta rag loo dabo fadhiisto.

Haddaba, dheefta kale ee ka baxsan faa’idada laga helay go’aankan -qurxinta muuqaalka debedeed ee Sucuudiga- ayaa ah in ogolaanshaha darawalnnimada dumarku ay caawinayso dhaqaalaha Sucuudiga.

Xayiraadii laga qaadey Iiraan waxa ay keentay in labada dal ee Sucuudiga iyo Iiraan ay ku tartamaan qiimaha saliidda. Sannadkii hore dhammaadkiisii qiimaha saliidda ayaa gaadhey heer aad u hooseeya kaas oo laga dareemay suuqyada caalamka oo dhan, xataa bartan- Somaliland. Haddaba, Iiraan si kasta oo qiimaha saliiddu u yaraado wax saamayn ah kuma uu yeelan dhaqaalaha waddankeeda sababta oo ah ilaha dhaqaale ee ay haysato oo badnaa, laakiin Sucuudiga oo saliiddu tahay isha dhaqaale ee kaliya ee boqortooyadu leedahay ayaa qiimadhaca saliiddu saamayn weyn ku yeelatay♧.

Qiimo-dhicii ku yimi saliidda waxa uu yareeyay shaqooyinkii dawladda oo Sucuudiyaan badani ku tiirsanaayeen, tan ayaa dabadeed sababtay in dawladdu samayso iskudayo ay muwaadiniin farabadan dabada uga riixayso, xataa haweenka, in ay galaan shaqooyinka bareefadka ah. Laakiin qaar ka mid ah haweenka Sucuudiga ee shaqeeya ayaa yidhi: “in aan u yeedhanno darawallo khaas ah oo shaqada na geeya nagana soo qaada waxa ay naga cunaysa lacag badan oo mushaharkayaga ah, sidaas aawadeed na ay hoos u dhigayso niyaddii loo hayay in la shaqaysto.”

Fasax keliya kuma ay koobnayn dikreetadii boqortooyada, ee laga akhriyay telefishannada dawladda, uu saxeexay na Boqor Salmaan, waxa kale oo lagu sheegay in sharciyada gaadiidka wax laga beddeli doono, oo ay ku jirto in dowladdu ogolaato in ay daabacdo liisamada wadayaasha oo dumar iyo rag ba siman yihiin.” Sharcigan ayaa sheegay in guddi wasaaradeed oo heer sare ah loo sameeyay si loo barto arrimo kale oo loo baahan yahay in lagu xaliyo isbeddelka dhacaya. Tusaale ahaan, in booliiska loo tababaro sidii ay ugu la dhaqmi lahaayeen haweenka hab Sucuudiga dhexdiisa marmar iyo dhif looga dhaqmo; oo ah bulsho ay ragga iyo dumarka aan ehelka ahayni ay wada yeeshaan xidhiidh yar.
__________________
By BEN HUBBARD
September 26, 2017
Newyork Times

Arrintan marka hore ba ka danbaysay in dumarka laga xayiro kaxaynta baabuurta 1990-kii wax ay ku sallaysnayd oo keliya aragti ay wateen qaar ka mid ah Ilma-boqor, wixii awood dawladeed ah iyaka ayaa haystey wixii sharci diimeed ah na waxa u hayay wadaaddo ay iyaku maalka u hayeen. Balse maanta, aragtidii shalay ee reer Aal-Sacuud waa ay isbeddeshay oo dhaqaale yaraan ayaa la soo deristey, taas oo keentay in loo baahdo shaqaale badan oo gala shaqooyinkii bareefadka, xataa dumarkii, maadaama ay yaraadeen shaqooyinkii dawladdu, sababta ah qiimadhaca ku yimi saliidda. Sidaa si la mid ah na, waxa iyana is beddelay wadaaddadii oo aan se marnaba lahayn shalay waanu khaldanayn.

Maxaa ku xigi?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code