Maxaa loo daliishaday xugunka rajmiga? Qaybtii 2-aad

Adillada ku saabsan inaan xugunka sinadu dil ahayn way badan tahay waxaana ka mida:
1) Adillada laga fahmayo inaan gabdhaha muxsanaatka ah xugunkoodu dil ahayn:
Waxay culimadu yiraahdeen qofka dhagaxa lagu dilayo waa qofka muxsinka ah iyagoo ku macneeyey qofka soo maray guur, laakiin haddaan quraanka u fiirsanno si guud muxsanaatku waa dumarka dhawrsoon sida laga fahmayo aayadda 25-aad ee suuradda al-Nisaa, waxayna noqon karaan kuwa guur soo maray iyo kuwa aan soo marin labadaba, si gaar ahna waxaa muxsanaat loo yaqaan dumarka la qabo maxaa yeelay haddi gabadhu uur leedahay nin kale uur u yeelan mayso, waana sababta muxsanat loo yiri (mid la dhawray) sidaa darteed muxsanaat waa dumarka raggooda la nool ama ciddada ku jira sida ku cad aayadda soo socota:
(Waxaa la idinka xarrimay inaad guursataan gabdhaha muxsanaadka/والمُحصَنات من النساء ( (al-Nisaa, 24)
Haddi ay gabadhu ciddada ka baxdo waa la guursan karaa sidaa darteed maaha muxsanat, maxaa yeelay muxsanaatku waa kuwa uurka leh ama laga rajaynayo inay uur yeeshaan. Muddada gabadha uurka laga rajaynayaana waa muddada ciddada oo ah 3bil-4bil iyo 10beri, sidaa darteed gabadha la furay ee ciddada ka baxday iyo midda ninkeedu ka maqan yahay wax ka badan muddada ciddada waxay la xugun noqon midda aan weligeed la guursan sidaa darteed ma soo gelayaan gabdhaha muxsanaatka ah.
Sidoo kale gabadha la mehersadey waxay muxsanat noqonaysaa marka lala guri galo maxaa yeelay inta ka horraysa way u uuraysan kartaa nin kale sida aan ka fahmayno aayadda so socota:
(Haddi muxsanaat laga dhigo (lala guri galo) oo ay la yimaadaan xumaan waxaa korkooda ah kala bar inta kuwa muxsanaadka ahi leeyihiin … / فإذا أحصنّ فإن أتين بفاحشة فعليهن نصف ما على المحصنات من العذاب..) (al-Nisaa,25)
Gabdhaha aayaddani xustay waa kuwa loo yaqaan fatayaatka (14-16jir), inay kuwa yaryar yihiinna waxaa u daliila in la yiri ehelkooda ha looga idan qaato, kuwa ciqaabtoodu labalaabka tahayna iyaguna waa kuwa la qabo sida ku cad aayadda soo socota oo ka hadlaysa dumarkii nebiga csws:
(Dumarkii nebigoow middii idinka mida ee la timaadda xumaan cad waxaa looga dhigayaa cadaabka “ciqaabta” labalaab/ يا نساء النبي من يأت منكن بفاحشة مبينة يضاعف لها العذاب.. ((al-Axzaab, 30).
Haddi gabdhaha hore xugunkooda nus laga dhigay kuwa danbe waxay leeyiin labadii nus oo la isku daray, Matalan haddii kuwa hore lagu xukumo 50 jeedal kuwa danbe waxay yeelan 100 jeedal, taasoo laga qaadanayo inaan gabdhaha la qabo xugunkoodu dil ahayn.
Waxaa kale oo aan aayadahan ka qaadanaynaa in gabdhaha muxsanaatka ahi ka xugun duwan yihiin kuwa kale, maxaa yeelay kuwa muxsanaatka ah (la qabo) oo keliya ayaa la ishaaray inay ciqaab leeyihiin.
Waxaa kale oo xusid mudan in ninka xaaska leh loo yaqaanno “bacli” sida ku cad aayadda 33-aad ee suuradda al-Nuur iyo aayadda 228-aad ee al-Baqara. Sidaa darteed muxsanaat waa magac ku kooban dumarka la qabo marka laga reebo kuwa aan la taaban iyo kuwa laga maqan yahay wax ka badan muddada cidada.
2) Adillada laga fahmayo in gabdhaha la qabo iyo ragga u tegey xugunkoodu uusan dil ahayn:
Haddii gabadhu laba nin la kulanto 2 waqti oo isku dhow waxaa shaki gelayaa ninka ay wax u dhalayso iyo cidda ay iyadu xaq ku yeelanayso ama iyada xaq ku yeelanaysa. Sidaa darteed labada ninba waa laga joojinayaa inta ay ciddada ka baxayso si loo hubsado ninka ay raacayso sida ku cad aayadda soo socota:
(Kuwa la imanaya xumaanta ee dumarkiinna ka mida u dalba 4markhaati oo idinka mid ah, hadday arkaan in loo tegey ku haya guryaha ilaa inta ay ka dhintaan ama Alle uu jid u bixinayo/ واللاتي يأتين الفاحشة من نسائكم فأسشهدوا عليهن أربعة منكم فإن شهدوا فأمسكوهن في البيوت حتى يتوفاهن الموت أو يجعل الله لهن سبيلا ) (al-Nisaa, 15).
Kalimadda “istashhiduu” waa ficil ku tusaya wax la dalbayo, taasoo macnaheedu yahay in markhaatiyaashu yihiin dad hubsanaya in gabadha loo tegey iyo in kale ee ayna ahayn dad arkay labada qof oo isla jooga.
Waxaa xusid mudan in culimadu u maleeyeen in aayaddani mansuukh tahay maxaa yeelay sababta dumarka loo yiri guryaha ku haya ayey u maleeyeen inay ku saabsanayd intaan xugunka sinadu soo degin, laakiin sababtu waxay ahayd in la hubsado ninka ay gabadhu uur u yeelanayso maxaa yeelay labada qof ciqaabtooda aayadda 16aad ayaan ugu tegi donnaa.
Gabadhu waxay biil ku leedahay hadba ninka ay uur u yeelato ama ay ciddadiisa ku jirto sidaa darteed haddi ay ninka denbe uur u yeelato way baxaysaa sida ku cad aayadda soo socota:
(Yayna bixin illaa ay la yimaadaan xumaan cad/ ولا يخرجن إلا أن يأتين بفاحشة مبينة) (1 al-dalaaq)
Iyada iyo ninka u tegey inayna Ciqaabtoodu dil ahaynna waxaa caddaysay aayadda soo socota:
(Labada la imanaya xumaanta dhiba, hadday toobad keenaan, wanaagna sameeyaan iskaga jeesta ../ والذان يأتيانها منكم فآذوهما فإن تابا وأصلحا فأعرضوا عنهما .. ) (al-Nisaa, 16).
Dhibiddu waa in qofka loo gaysto dhib aan waynayn, taasoo ka dhigan inaan wax dil la yiraahdo jirin, sidoo kale ninka gabadha u tegey lama kala saarin inuu guur soo maray iyo in kale, taasoo caddayn u ah inay isku xugun yihiin ninka guur soo maray iyo kan kale.
Waxaa inoogu xigi doona haddi Alle idmo ciqaabta aayadani xustay nooca ay noqonayso.

La soco qaybta 3-aad
Cabdullaahi Aw Xasan
Anwar535@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code