Maxaa loo daliishadey xugunka rajmiga? (Qaybtii 1-aad):

Culimida masaladan qabta waxay daliishadaan 3 arrin oo kala ah; 1-Aayad la nasakhay 2- Axaadiis iyo 3- Aqwaasha culimada. Waana arrin ku tusaya inay culimadu rumaysan yihiin inaan qofka guurka soo maray xugunkiisa lagaga hadlin quraanka marka laga reebo aayadda la nasakhay, taasoo muujinaysa inay culimadu ku camal faleen adillo kala dhimman, maxaa yeelay xugunkan waa lagu caddeeyey quraanka sida aan u tegi doonno, sidaa darteed saddexda arrin ee ay wax ku dhiseen saddexdaba waa la bushin karaa (radin karaa).

Marka 1aad haddi aayad la nasakho waxaa shardiya in aayad kale lagu beddelo sida ku cad aayadda 106 ee suuradda al-Baqra iyo aayadda 101 al-Naxli, sidaa darteed haddi ayna culimadu keenin aayaddii lagu nasakhay waxay noqon laba mid uun: 1: inayna jirin wax aayad ah oo la naskhay, 2: in lagu nasakhay aayadda 2aad ee suuradda al-Nuur ee tilmaamaysa jeedalka, taasoo keenaysa inay isku xugun noqdaan qofkii guur soo maray iyo kii aan soo marin.

Midda 2aad markii axaadiista la daliishanayo waxaa shardiya 3 arrin oo kala ah sanadka oo xasan (dadka weriyey), cillad xagga macnaha ah inayna jirin iyo inayna jirin adiillo ka hor imanaysa. Haddi shardiga 1aad la helo labada kale way adagtahay in axaadiistaasi buuxiso, taasoo ka dhigan in xugunka rajmigu noqdo mid aan sugnayn.

 

Marka 2 aad waxaa jira adillo ka hor imanaysa xugunka rajmiga, sidaa darteed adillada loo daliishadey rajmiga sida axaadiista iyo ijmaaca culimada ma aha adillo madaxbaan. Waxaa kale oo jirta adillo caddaysay xugunka qofka guurka soo maray, culimaduna waxay inta badan kutubaha xuduudda kaga hadlaan adillada rajmiga ku saabsan oo keliya, taasoo caddayn u ah inay ku camal faleen adillo kala dhiman, waana midda keentay in laga daba tago xunka ay rideen.

Adillada ay ku caddahay inaan xugunka rajmigu jirin waxaa ka mida:

1): Adillada xadiddey inta jeer ee naf la jari karo:

Dilka xaq darrada ahi wuxu soo gelayaa denbiyada waawayn sidaa darteed wuxu Alle banneeyey in naf la dilo 2 xaalo oo keliya, labadaas oo kala ah qofkii qof dila ama u ordaya inuu fasaad sameeyo sida ku cad aayadda soo socota:

( Qofki dila qof aan naf jarin ama aan dhulka fasaadin wuxuu la mid yahay qof dilay dadka oo dhan../ أنه من قتل نفسا بغير نفس أو فساد في الأرض فأنما قتل الناس جميعا… ) ( 32 al-Maa’ida )

Aayadda ku xigta wuxu Alle yiri: (kuwa u ordaya inay dhulka fasaadiyaan/ويسعون في في الأرض فسادا ) taasoo laga qaadanayo in marka qofka loo dilayo fasaad uu sameeyey dartii inay tahay marka uu u ordayo inuu wax baabi’iyo, si looga hortago inta uuna wax baabi’in, waxaana tusaale inoogu filan aayadda 9aad ee suuradda al-Xujuraad ee la amray in lala dagaallamo qoladi qolo kale ka gar daran inta ay dagaalka ka joojinayaan, sidaa darteed hadday dagaalka joojiyaan waa laga joojin, wixi ay isu gaysteenna waa loo kala xukumin si caddaaladda waafaqsan sida Alle yiri ( haday ka noqoto dagaalka ay wadey midda gardaran heshiisiiya si caddaalad ah idinkoo ku dhaqmaya caddaaladda/ فإن فاءت فأصلحوا بينهما بالعدل وأقسطوا ).

Halkaa waxan ka qaadanayaa in qofkii aan fasaad u socon in la dili karo hal mar oo keliya oo ah marka uu qof ku dilo si xaq darra ah sida Alle yiri: (naf waxaa loo dilaa naf sababteed/ أن النفس بالنفس ) ( 45 al-Maa’ida) maxaa yeelay wixi kale ee uu qofku gaysto waa wax naf ka yar sidaa darteed loo dili maayo.

2): Adillada xadidaysa shuruudda guud ee ciqaabta:

Wixii ciqaab ah oo dhan sida dilka, tuugada, sinada iwm waxaa ka dhexeeya shuruud guud, aayadaha laga qaadanayo shuruudaasna waxaa ka mida aayadda soo socota:

(Haddi aad ciqaabtaan ciqaaba inta la idin ciqaabay in le’eg, inaadse sabirtaan ayaa u khayr badan kuwa sabra/(وإن عاقبتم فعاقبوا بمثل ما عوقبتم به، ولئِن صبرتم لهو خير للصابرين .. ), (126 al-Naxli)

Waxaan aayaddan kala baxaynaa dhawr arrin oo kala ah:

A): In Alle yiri: “haddii aad ciqaabtaan” waxaa laga qaadanayaa inay dadku khiyaar u leeyihiin inay qofka ciqaabaan ama cafiyaan, taasoo ka dhigan in denbi kasta oo dadka laga galay la cafin karo.

B): In Alle yiri: “wixi la idinku ciiqaabay – ما عوقبتم” waxaa laga qaadanayaa in wixi ay dadku qof u ciqaabayaan uu yahay wax iyaga loo gaystay, taasoo ka dhigan in dilka, sinada iyo tuugadu ay yihiin dunuub dadku kala geleen, ee ayna ahayn dunuub Alle laga galay.

C): Qofka in lagu ciqaabo waxa uu gaysto wax la mid ah ama ka yar, taasoo laga qaadanayo inay shardi tahay in la garanayo denbigu sida uu ku yimid si loo garto inta uu le’eg yahay. Taasoo ka dhigan inaan sinadu dil keenayn maxaa yeelay dil waxaa u dhigma dil oo keliya.

D): In dadka isku denbiga gala ay isku ciqaab yihiin, taasoo ka dhigan in ninka guur soo maray iyo midka aan soo marin isku xugun noqonayaan.

Aayadaha ay aayaddaani ka mid tahay ee ka hadlaya shuruudda guud ee ciqaabta kuma arkaysid kutubaha xuduudda lagu magacaabo ee ciqaabta lagaga hadlo, waana midda keentay in dad isku xugun ah la kala geeyo sida dadka guurka soo maray iyo kuwa aan soo marin, kuwo kala xugun ahna isku xugun laga dhigo sida dadka xaday wax kala duwan.

La soco qaybaha danbe.

Cabdullaahi Aw Xasan

anwar535@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code