Maxaa Looga Gubtay Ee Loo Gubay Gurrac?

Naasir Cadceed wadaad la yidhaahdo baa aan ka daawaday boggiisa Youtube-ka muuqaal matalaad ahaa oo uu ku gudbinayay farriin bulsho. Waxa uu doonayay in uu bulshada Soomaaliyeed tuso haddii ay arkaan ilmo Soomaali ah oo la dafayo sida aanay ugu hiillin ama ilmo lumay oo soo miciinbiday xil isaga saarin ee ay tahay in xil isaga saaraan ilmaha lumayna waalidkiisa ugu daydayaan.

Muuqaalka inan yar oo uu adeer u yahay baa jilaa ka ah, oo iska dhigaysa in ay ka luntay waalidkeed. Kolba dad ama qof bay u tagaysaa oo u sheegaysaa in ay waalidkeed ka luntay. Waxa gabadha yar kula jira jilidda wiil. Marka ay koox ama qof u tagtaba wuu ka daba-imanayaa isaga oo sheeganaya in uu garanayo gabadha yar ama yahayba waalidkeed. Markasta oo uu doono in uu kaxeeyo ba waxay ku qaylinaysaa in aanay garanayn ninkan kaxaysanaya. Dadku laba midkood uun baa ay noqonayaan; 1. Qolo u diidda wiilku in uu kaxaysto inanta yar iyo 2. Qolo u oggolaata oo aan juuqba ka daba-odhan inanta yar ee ninka aanay garanaynin kaxaysanayo.

Muuqaalka dhexdiisa laba jeer baa ay yartu dad Soomaali ah u tagaysaa, walibana rag; labada jeerba wiilkii la jilayay yarta yar barnaamijka ayaa ka daba-imanaya dabadeed isku dayaya in uu kaxeeyo yarta, isaga oo sheeganaya in uu garanayo waalidkeed, sidaas baanu ku kaxaynayaa inanta yar iyada oo aanay dadkaa ay miciinka soo bidday hadal ka odhanayn, gabadha yar ee ninka ay leedahaya ma garanayo uu xoog ku kaxaysanayo.

Gabadhii yarayd haddana waxa ay u tagaysaa dad caddaan ah, mar gabadh keligeed geed hoos fadhida ayay u tagaysaa, mar kalena hablo meel wada fadhiya. Haddii labadii jeer ee ay Soomaali gabadhaa yari u tagtay oo inantii yarad nin aanay garanayni ka hor kaxaystay, gabadha yar iyo gabdhahan caddaanka ah iyo ninka waxa dhexmaray way ka duwan yihiin sidii hore.

Marka koowaadba, marka ay gabadha yari u timaaddo inan geed hoos fadhida una sheegto in ay waalidkeed ka luntay, ayuu wiilkii dafayay ka daba-imanayaa. Waxa cajiib ah ma ay oggolaan in gabadhaa yar laga hor kaxaysto inantii ay u timid. Way u saro-kacday ninkii iyada oo ka qabanaysa gabadhan yar ee anbadka ah in uu kaxaysto. Sidoo kale baa marka labaad ee ay u timaaddo gabdhaha meesha wada fadhiyana ay ugu diidayaan wiilka doonaya in uu kaxayso inanta yar, isaga oo ku andacoonaya waan garanayaa.

Naasir Cadceed farriintiisii wacyigalineed sidaas buu ku soo gudbiyay, isaga oo isku ladhaya muuqaal xaqiiqo ah, ummaddana u daynaya in ay ka sariigtaan sida gabadhaa yar ee Soomaaliyadda ah Soomaalidu ugu doodi waayeen ee looga hor kaxaystay, caddaankuna ugu doodeen, diideenna in hortooda gabadhaa yar qof aanay garanayni ku kaxaysto. Farriinta muuqaalku sidaa waa wacyigalin, waxa muuqaalku xanbaarsan yahay “Soomaaliyeey sidan baad tihiine iska beddela !!!”

Waxa haddaba yaab mudan in muuqaalka lagu aflagaadeeyay Naasir Cadceed, lagu caayay oo muuqaalkaa awgii lagu ganay in uu Soomaali-ceebays yahay! Naasir ma cid buu ceebeeyay? Waa maya. Haddaba maxaa sidaa loogu gubtay? Warcelinta weydiintan waxa aan odhan karaa waa in ummaddii Soomaaliyeed runtii xumaan u rogeen, xaqiiqadii iyo jiraalkii taagnaana u arkeen wax ku ah ceeb iyo ceebayn. Runtii waa la fogaynayaa, xaqiiqadiina in la isu akhriyo lama oggola. Waaqica Soomaaliyeed waa sidaa, sidaas baana keliftay in aan laga raalli noqon runta iyo cidda sheegaysa, iyo waaqica taagan wuxuu la taagan yahay midnaba.

Magaalada Hargeysa, dugsiga Maxamuud Axmed Cali baa igu maqaalo ah in buuggii Gurrac ee qoraa Khadar Cabdi Cabdillaahi lagu gubay. Waxa la yidhi baa la yidhi: waa dhaqan-bi’is oo xumaan buu xanbaarsan yahay. Xumaan noocee ah buu buuggu xanbaarsan yahay tolow iyo dhaqanbi’isnimo sidee ah?

Buuggu inkasta oo aanu I soo gaadhin wali, haddana waxa aan dhagaystay ama daawaday bandhigyadiisii hadallo uu qoraagu ka jeediyay. Buuggu waa Gurrac, wuxuu ka warramayaa buu yidhi qoraagu xaalado wada gurracan. Sawirridda gurracnaanta bulshadu cadaw bay leedahay, kaasi oo ah ka ay danta u tahay gurracnaanta bulshadu.

Maxaa looga gubtay ee loo gubay Gurrac? Waxa looga gubtay ee loo gubay buugga sidii Naasir Cadceed suuraddii bulshada ee xumayd ama gurracnayd uu u soo bandhigay, loogana gubtay ee loogu caayay. Waayo runtii iyo xaqiiqadii taagnayd baa ay ummaddu ka salkacsan tahay, in ay maqasho ama daawatana aanay doonayn.

Sheeko-faneeddu xumaan iyo samaan midnaba faafintooda uma banbaxdo. Waxa ay sawirtaa taaganta, ama saadaalisaa timaaddada. Waxaa ay sawirayso ee taaganta ku saabsani haddii uu quman yahay waa bogaadin, haddii uu qaloocan yahayna waa digniin. Cudurka marka la ogaado ee la taabto baa daawadiisa la helaa ama la doonaa.

Haddii xumaan iyo dhaqanbi’isnimo ku qoran yihiin, buuggu nolosheenna ayuu sawirayaa, waxa keli ah ee lagu qabsankaraa waa sawir aan jirin haddii uu sawiro, laakiin maxaad u sawirtay gurracnaanta bulshadu waa diidmo la diidayo in runta iyo taaganta waxa ka qaloocan la isu sheego. Wixii gurracan ee ku dhigan waa mushkilad uu sawiraye, xalkeeda hala suubiyo.

Xaashiyasha waa la gubi karaa, mucda iyo farriinta buugga se lama gubi karo. Runta cidda sheegta waa la dili karaa, laakiin runta sideeda looma suulinkaro; sidoo kale Gurrac gurracnaanta ummadda Soomaaliyeed buu muujinayaaye, gubitaankiisa gurracnaantii kuma suulayso.

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Facebook: Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

Email: abdiqaniaden010@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code