Maxaa u dhexeeya culimada xorta ah iyo kuwa madaahibta?

Maadaama diinta loo barto qaab mad-hab ah waqtigan hadda la joogo waxaa soo baxay arrimo badan sida dagaallo badan, ciqaabo aan dadka u cadayn sida ay ku yimaadeen sida; dadka dhagaxa lagu dilo, xuquuqda dumarka oo aad moodid inay inteedii badnayd culimada ka hoos baxday sida inaan gabadhu nin mehersan karin in wakiil laga noqdo mooyee, markii dadku culimada ka dalbadeen in fiqiga la saxo oo dib loogu noqdana waxay culimadu ka badin waayeen wacdi guud iyo waxay ugu yeereen cusboonaysiinta qaabka diinta loo sheegayo/ تجديد الخطاب الديني, sida in afka laga yiraahdo diintu waa nabad, diintu waa caddaalad, diintu dumarka way karaamaysay hoosna uu wax waliba sidiisii iska ahaado.

Waana midda keentay inay soo baxaan dad isku deyaya inay buuxiyaan kaalintii ay culimadu bannaysay, markay arkeen waxyaalo badan oo aan indhaha laga qarsan Karin sida uu ku warramayo nin la yiraahdo cabdalla al qaysi oo yamani ah, wuxu ninkaasi xusay qisooyin laga xumaado, wuxu yiri: waxaa jirey wiil aabbihii baarri u ahaa, ka dib waxaa shil galay isaga iyo aabbihii, waxaana hor dhintay wiilka, ka dib xoolihii aabuhu ka tegey oo dhan waxaa la siiyey wiil noolaa, caruurtii wiilku dhalayna waa la qadiyey.

Waxaa kale oo uu xusay oday ka tegey curuur ay dhaleen 2wiil oo uu dhalay, waxana dhaxalkii la siiyey hal qoys, qoladii kale markay dacwootayna waxaa lagu yiri diinta ayaa sidaa qabta, wuxu ku yiri wiilkii uu waraysanayey ma nacday ilma adeeradaa, wuxuu ugu jawaabay islaamka oo dhan ayaa nacay.

Waxay caruurtaasi xaqooda ku waayeen qodob ku yaal kutubaha dhaxalka oo oranaya waa in qofka wax dhaxlaya uu ka danbeeyo qofka la dhaxlayo, waa qodob aan wax daliil ah lahayn, wuxuuna ka mid yahay qodobada lagu tiriyo ijmaaca culimada, waxaana xusid mudan in aayadda 7aa-d ee suuradda al-Nisaa ay ku caddahay in rag iyo dumarba ay labada waalid iyo wixi qaraabo ah ee dad ugu dhow ay dhaxlayaan/ للرجال نصيب مما ترك الوالدان والأقربون … الأية, sidaa darteed caruurtu way dhaxli lahayd awowgood maxaa yeelay waxay qaadan lahaayeen nasiibkii aabbahood lahaa.

Sidoo kale aayadaha loogu camal falay si ka duwan sidii la rabey waxaa ka mida aayadda 45-aad ee suuradda al-Maa’ida ee Alle (SW) uu ku yiri: “Kuwii aan wax ku xukumin wixii Alle soo dejiyey kuwaas ayaa ah kaafiriin/ ومن لم يحكم بما أنزل الله فألئك هم الكافرون”.

Waxaa aayadan fasirtay aayadda ku xigta ee uu Alle ku yiri: “kuwii aan wax ku xukumin wixii alle soo dejiyey iyaga ayaa ah daalimiin/ ومن لم يحكم بما أنزل الله فألئك هم الظّالمون

Maxaa yeelay kalimada dulmi waxay gashay booska kalimada kufri, taasoo caddayn u ah in kufriga laga wado dulmi, waana nooc ka mida noocyada aayadaha quraanku isu fasiraan. Sidaa darteed, kaafirku (daalimku) waa qofka aan ilaalin xuquuqda ama ku dhaca wax denbi ah, qofka denbi ku dhacana wuxuu noqon karaa mid muslin sheegta iyo midaan sheegan labadaba denbigaas oo noqon kara mid yar ama mid wayn,

Waxaana macnahan sii ifinaya xadiiska uu bukhaari weriyey ee uu nebigu csws uu yiri “ha u noqonina aniga ka dib kaafirnimo iyadoo uu qaarkiin goynayo qoorta kuwa kale”/ لا ترجعوا بعدي كفارا يضرب بعضكم رقاب بعض”.

Aayadahani waxay ka dib dhaceen aayad ka hadlaysey in naf loo jaro naf, xubinna xubin, taasoo laga qaadanayo in kufri (dulmi) kasta oo qof loo tiiriyo inay shardi tahay in la garanayo inta uu le’eg yahay iyo sida uu ku yimid si aan loogu dhicin cadaalad darro.

In loo maleeyey in kufrigu yahay denbi aan xad lahaynna sida in qof kasta oo kaafir la yiri dhiigiisu xalaal yahay, xaasku ka furmayso, dhaxalka laga qadinayo, aakhirana naar loogu sii darayo waxaa keenay inaan quraanka la isku fasirin ee qaab ra’yi ku dhisan loo daliishado sida qaalibka ah.

Sidoo kale shuruudda ay culimada xadiisku u shardiyeen ku dhaqanka xadiiska waxaa ka mida inuusan xadiisku khilaafin daliil ka xoog badan sida aayad ama xadiis iyo inuusan yeelan cillad xagga macnaha ah.

Innagoon waxba ku darin shuruudihii ay culimadu xadiiska u dejiyeen, waxaan helaynaa axaadiis badan oo labadaas shardi khilaafaya, maxaa yeelay culimadu wixii xadiisa ee xadiis ka xoog badan khilaafay way ka saareen kutubaha xadiiska, laakiin wixii aayad khilaafay mayna ka saarin, sababtu waxay tahay mayna ahayn dad ku takhasusay cilmiga tafsiirka.

Waxaana ka mida xadiisyada ay iska caddahay inay daciif yihiin xadiis uu bukhaari weriyey oo laga qaadanayo in Saara u dhashay nebi ibraahin Isxaaq oo keliya, meesha quraanku cadaynayo inay dhashay Isxaaq iyo Yacquub sida ku cad aayadda 71-aad ee suuradda Huud ” waxaan ugu bishaaraynay iyada Isxaaq, Isxaaq ka dibna Yacquub / فبشرناها باسحاق ومن وراء اسحاق يعقوب”.

Waxaana aayadan ayidaya aayadda 133-aad ee al-Baqara oo laga fahmayo in nebi Ibraahin aabbe u yahay Yacquub, maxaa yeelay Isxaaq kuma xigo Yacquub.

Xadiiskan iyo kii ka horreeyey ee laga qaadanayey inaan dadku is dilin waa laba xadiis oo labadaba uu bukhaari weriyey hadana midna macnihiisu waa sax, midna waa qalad.

Waxaa kale oo ka mida axaadiista mancahoodu daciifka yahay kuwa tilmaamaya inaan dumarku safri karin ama xugun qaban karin ama nin mehersan karin weli la’aan oo ah axaadiis quraanka khilaafaysa, cillad xagga macnaha ahna ay ka muuqato.

Maxaa yeelay in qofku lab ama dhedig yahay waa arin la xiriirta xagga guurka oo keliya, laakiin wixii af laga sheego ama gacan laga qabanayo rag iyo dumar waa isku mid, maxaa yeelay wuxuu qof kasta leeyahay wixi uu kasbado sida ku cad aayadda 34-aad ee suuradda al-Nisaa, wixii qofka la siiyana waxay soo gelayaan waxa uu kasbaday sida in gabar shaqo loo dhiibo iwm.

Sidoo kale qofku inuu guursado ama safro waa go’aan isaga ku xiran haddii uu yahay qof isku filan xagga caqliga. Sidaa darteed gabdhaha waalidka la waydiisanayo waa kuwa quraanku ku tilmaamay “fatayaat” oo ah kuwa aan caqligoodu buuxsamin sida kuwa jira ilaa dhawr iyo toban sano.

Sidoo kale shuruudaha xuquuqdu way ku caddahay quraanka, shuruudahaasna waxaa ka mida in dadkii sameeya wax isku mid ah isku xugun yihiin, wixii kala duwanna kala xugun, waxaase jirta in taa caqsigeeda lagu camal falay meelo badan, sida in qofkii hal malyan xada iyo kii kun xada laga dhigay isku xugun.

Sidoo kale hadii laba nin oo isla socda hal gabar u tagaan waxaa la yiri kii guur soo maray waa dil, kii kalena waa jeedal, waxayna sidaasi ku dhacday inaan shuruudii xuquuqdu lahayd oo dhamaystiran la qorin.

Waxaa kale oo jira waxyaalo badan oo aan islaamku qabin oo la wareejiyo baraha bulshadu ku kulanto sida in islaamku qabo adoonsiga, dadka dhagaxa lagu dilo iyo kuwa kale, taasoo muujinaysa in baahi wayn loo qobo cusboonaysiinta tafsiirka diinta.

Adillada u baahan in tafsiirkooda la saxana waxay isugu jirtaa aayaad, axaadiis iyo aqwaal culimo ee maaha arin ku eg axaadiista oo keliya, taasoo ah arin aan la qarin Karin si kasta oo ay dadka qaarkii isugu dayaan inay dadka ku madadaaliyaan hadallo aan weydiimaha taagan jawaab u noqon karin sida; diinta waa la kamilay, diintu waa ku dayasho, diintu caqli maaha, xadiis baa la inkiray iwm. Maxaa yeelay waxay isticmaalaan hadallo guud oo aan fasirnayn meeshii la rabey in eray kasta iyo mas’alo kasta la dul istaago.

Waxaa tusaale inoogu filan qiso isbuucii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha buIshadu ku kulanto haday sida loo yiri ay runtahay, taasoo ah in dhalinyaro ay waydiisey nin sheekha sababta gabdhuhu u xijaabtaan, wuxuu isku deyey inuu ku qanciyo inuu qorraxda ka ilaalinayo, waxay ugu jawaabeen maxaad adigu xijaabka u saaran waydey si uu qorraxda kaaga celiyo? waxaa taa la mida in ciddii tiraahda ragga ayaa ku fitmoobaya gabadha madaxa bannaan, inay ku imanayso su’aal ah maxay gabdhuhu ugu fitmoobi waayeen ragga madaxa bannaan?, sidaa darteed waxay mas’aladu saxan tahay marka aan su’aali ka imanayn.

Arintani waxay muujinaysaa in wadaaddada iyo waqtiga isku dhac ka dhex jiro, waana arinta keentay in qaar ka mida wadaadadu isticmaalaan dhaqamo qallafsan oo xoog ku dhisan mararka qaar sida in qofka la gaalaysiiyo ama shaqada laga eryo meeshii ay adeegsan lahaayeen cilmi, caqli iyo xigmad si ay u noqdaan dad waqtiga la jaan qaadi kara, dadka kula dhaqma dabeecad waaagsan.

Haddii cilmigu cadyahay waxaa cadaanaya nafcigiisa taasoo keenta in dadku ilaashadaan diinta, haddii se aan la caddayn waxaa loogu camal falaa si dhib ku jiro oo keenta in dadku ka cararo. sidaa darteed qofkii ku kalsoon waxa uu aaminsan yahay baahi uma qabo inuu kaalmaati ka raadiyo inuu dadka duro ama caayo ama gaalaysiiyo, maxaa yeelay waxaa ku filan inuu wixi maqaal ah uga jawaabo maqaal u dhigma, wixii buug ahna buug, sidaa darteed wadaaddada waxaa la gudboon inay aaminaan tartanka xalaasha ah ha ahaado cilmi ama dhaqaale ama siyaasad sida Alle yiri: ” Ha tartameen ku tartamaya/فليتنافس المتنافسون”.

Maqaallada aan ku faafinay mareegta maandoon.com waxay ahaayeen maqaallo aan ugu talagalnay wacyigelin iyo in dadku ay sii ogaadaan wixii mustaqalka imandoona sida buug iwm, ee maaha inaanu ula jeedney in dad ku hanuuno ama ku gaaloobo, sidaa darteed hadday wadaadada gilgileen maqaaladaas tirada yari sidee xaalkoodu noqon doonaa haddii wax ka wayni yimaadaan.

Waqtigan hadda la joogo qof xukumi kara dadka qalinkooda iyo afkooda ma jiro, qofkii arrinkaas ku kacana isaga ayaa waaqica u hoggaansami doona!!!

W/Q: Abdalla M. Aw Hasan

Anwar535@hotmail.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code