Maxaa u dhexeeya firqooyinka isku khilaafay sifaadka Alle?

Bilawgii qarnigii 2aad ee taariikhda hijriyada waxaa soo if baxay khilaaf u dhexeeya culimada islaamka oo ku saabsan sida loo fasirayo sifaadka Alle, waxayna markii ugu horraysey u kala baxeen ugu yaraan 4 qolo oo kala raacsanaa Abu Xaniifa oo ahaa immaamkii 2aad ee madaahibta fiqiga ah ee afarta ah oo loo tiiriyo mad-habka loo yaqaan Salafiyada, Muqaatil ibnu Sulaymaan oo ahaa nin ku xeeldheer cilmiga tafsiirka quraanka oo ahaa ninka ay ka farcantay qolada loo yaqaan “al-mushabbaha”, Waasil ibnu Cadaa / واصل بن عطاء oo ahaa nin dhalinyaro ah, ahna ninka ay ka farcantay firqada loo bixiyey Muctasilada iyo Jaham bin Safwaan oo ay Jahamiyadu ku abtirsato oo ahaa nin ku figri dhow Muctazilada.

Su’aasha la isku qabtayna waxay ahayd sifaadka Alle ma khilaafsan yihiin kuwa khalqiga mise way ka duwan yihiin, Matalan gacmaha Alle ma sida kuweenna ayey shan farood leeyihiin mise way ka duwan yihiin, ninka mufasirka ahi wuxuu qaatay inay is shabbahaan sidaa darteed kooxdiisa waxaa loo bixiyey “al-mushabbaha”, kooxaha kalena waxay qaateen figriga ah inayna is shabbihin, waxaana ugu fog Muctazilada iyo Jahamiyada marka laga eego ka fogaanshaha tashbiiha.

Waxaa xusid mudan in Muqaatil inbu Sulaymaan iyo Abuu Xaniifa ay dhasheen markay taariikhda hijriyadu ahayd 80, isla markaana ay dhinteen markay ahayd 150 oo ah sannadka la sheegay inuu immaam shaafici dhashay.

Qarnigii 4aadna waxaa soo if baxay Abu Xasan al-Ashcari oo ah ninka ay Ashcariyadu ku abtirsato, kaasoo aasaasay mad-hab u dhexeeya Salafiyada iyo Muctazilada, waxayna Ashcariyadu sifaadka u qaybiyaan kuwa Alle u waajibey, kuwa u bannaan iyo kuwo aan lagu sifayn karin, waxayna soo gelayaan kooxaha diiddan in sifaadka Alle shabbahaan kuwa khalqiga.

Qarnigii 7aadna waxaa soo if baxay Ibnu Taymiya oo isaguna aasaasay mad-hab u dhexeeya Ashcariyada iyo Mushabbahada, wuxuuna aamminsanaa in sifaadka Alle iyo kuwa khalqiga wax ka dhexeeyaan waxna ku kala duwan yihiin, waana sababta uu kitaabkiisa ugu bixiyey “al-waasidiya” oo uu ka wado dhexdhexaad, ragga fikirkaas la qabana waxaa ka mida Ibnu cusaymiin (cuthaymiin).

Waxaase jira rag Salafiyada lagu tiriyo laakiin isaga ka fikri duwan sida sheekh al-Baani oo aamminsanaa in macnaha sifaadka Alle ka duwan yihiin kuwa khalqiga, sidaa darteed sheekh al-Baani wuxu ku dedaali jirey inuu daciifiyo ama si kale u fasiro (ta’wiiliyo) xadiisyada sheegaya in suurada nebi Aadan shabbahdo midda Alle markii laga reebo hal xadiis oo aqbali waayey in la daciifiyo ama si kale loo fasiro, xadiiskaas oo oranaya ” Alle wuxuu abuuray Aadan oo leh suurada wajigiisa oo kale/ فان الله تعالى خلق أدم علي صورة وجهه …”, waxaana xusid mudan in Albaani ahaa ardayga Ibnu Khuzayma.

Waxaa kale oo jira wadaad la yiraahdo Tuwayjiri oo Sacuudiyaan ah oo qoray kitaab uu u bixiyey ” waan rumaysannahay in Alle abuuray nebi Aadan oo leh sawirka allaha raxmaanka ah/ نؤمن بأن الله خلق أدم علي صورة الرحمن “, wuxuuna aamminsan yahay in culimadii salafku ayna sifaadka fasiri jirin ee ay sida ay yihiin u akhrin jireen/أمروها كما جائت, waxaana kitaabkiisa hordhac u sameeyey ibnu Baaz, sidaa darteed salafiyada hadda joogta waxay ka kooban tahay ugu yaraan 3 kooxood.

Firqooyinka qaarkood saaxadda way ka baxeen sida Mushabbahada, qaarna way ku yaraadeen sunniga sida Muctazilada iyo Jahamiyada, sidaa darteed caalamka sunniga loo yaqaan waxaa maanta ku hardamaya (isku haysta) Salafiyada iyo Ashcariyada. Ashcariyadu waxay ka bakhtiyi waydey jaamacadda al-Azhar oo ay sannad kasta ka qalin jebiyaan arday badan oo loo diro afarta qaaradood, Salafiyadana waxaa laga soo afuufaa jaamacadaha Sacuudiga ee lagu quudiyo lacagta laga helay batroolka in kasta oo sheekhooda ibnu Taymiya uu ahaa nin Masri ah.

Salafiyada iyo Ashcariyadu way isku waafaqsyihiin sifaadka aan xubnaha ku saabsanayn sida araga, hadalka, maqalka, cilmiga, awooda iwm, xataa waxay isku waafaqsan yihin in ilaahay aakhiro la arki karo meesha ay Muctaziladu diiddan tahay in la arki karo, laakiin waxay isku khilaafaan sida loo fasirayo adillada ka hadlaysa wixi xubin ah sida wejiga iyo gacmaha iyo adillada tilmaamaysa meel ama jiho sida in Alle kor jiro, inuu soo dego habeen kasta iwm.

Ashcariyadu waxay isku dayaan inay aayadda u fasiraan si ka duwan sida aayaddu ku tusayso sida in markii gacan lasheego la yiraahdo awood, meeshii ahayd Alle ayaa imanaya qiyaamahana in lagu fasiro amarkiisa ayaa imanaya.

Salafiyaduna waxay qiraan in gacmhuhu jiraan oo ay xaqiiqo yihiin laakiin ay ka duwan yihiin kuwa la yaqaan, taasoo ka dhigan inay u arkaan in sifaadka Alle yihiin sifaad qarsoon oo aan la garanayn.

Waxaa xusid mudan in dhammaan firqooyinka dalkeenna ka jira laga soo safriyey waddamo kale sida Masar, Ciraaq, Afqaanistaan, Sacuudiga, Baakistaan, Yurub, Iiraan iyo kuwa kale, sidaa darteed dhammaan waxay ku shaqeeyaan fikrado ajanebi ah oo ayna aqoon u lahayn, laakiin waxay ku kala duwan yihiin in qaarkood ka amar qaataan urruro ajaanib ah sida al-Islaax, al-Shabaab, Tabliiq, Daacish iyo Asaaciduun bil xaqqi, taasoo keenaysa inay adagtahay inay is afgartaan iyaga iyo dadkii ay ka dhasheen hadayna ka go’in urrurada shisheeye.

Kuwa aan sida tooska ah debedda looga maamulin laakiin fikradaha loo soo dhiibo iyagana waxaa ka mida al-Ictisaam, Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Damul Jadiid, takfiirka reer Qardho, Majmaca Culimada, Salafiya Jadiida iyo kuwa kale, waxaana kooxahan ku adkaanaysa inay bulshada la jaanqaadaan hadayna tirtirin urrurada fikriga ah ee keenay inay iyaguna is khilaafaan dadkana ka go’aan.

Waxaa kale oo jira kooxo aan aad u soo shaac bixin laakiin warbaahinta laga dareemayo sida Masiixiyiinta, Shiicada, Diin-laaweyaasha, Quraaniyiinta iyo Calmaaniyiinta oo iyaguna soo gelaya kooxaha raba inay soo safriyaan afkaar ayna iska hubin, taasoo ka dhigan timirtii horaba dab loo waa.

Sidee loola macaamili karaa afkaartaas tirada badan?

Arrinta ugu horraysa ee la rabo in lagu dedaalo waa hubsiimada, si aadan u qaadan wax kasta oo laguu ammaano, isla markaana aadan uga cararin wax kasta oo laguu foolxumeeyo.

Arrita 2aad: wixii ficil ah ee waaagsan cid kasta waa laga qaadan karaa sida waysada oo ah nadaafad, rukuuca iyo sujuuda oo ah jimicsi, mar 2aad sujuudu waa caafimaad maxaa yeelay madaxa dadku kor ayuu jiraa sidaa darteed hadii uuna qofku sujuudin ama seexan dhawrkii saac hal mar waxaa yaraanaya dhiiga madaxa gaaraya taasoo keeni karta in wadnuhu istaago.

Sidoo kale soonku wuxuu keenaa in qofka calooshiisa bakteeriyadu (cudurku) ku yaraato si caafimaadkiisu u kordho, sidaa darteed qof kasta wuu u baahan yahay inuu soomo sannadkii ugu yaraan hal bil.

Arrinta 3aad: wixii dhib ku jiro asal ahaan waa xaaraan sidaa darteed haddaad aragto adillo laga fahmayo in la dilo qofkii guur soo maray ee sinaysta iyo adilla kale oo xarrimaysa in la dilo qof aan wax dilin ama u jeedin inuu wax dilo, waxaa la qiyaasaa inta uu le’eg yahay denbiga uu qofku galay, taasoo ka dhigan haddii qofkaasi galay denbi ka yar kan wax dilay in la rajaxayo adillada xarintay dilka, haddii aadan qiyaasi karin denbigu inta uu le’eg yahayna xugunkaas aqoon uma lihid sidaa darteed waa inaad ka istaagto..

Arrinta 4aad: haddi mas’alo la isku khilaalo sida sifaadka Alle waxaa marka hore la baaraa mas’alada la isku hayo, markaad jawaabta hesho waxaad ogaanaysaa qolo kasta inta ay quraanka ku waafaqday iyo inta ay ku khilaaftay, laakiin haddii aad firqooyinka iska soo horjeeda aad midii ku cajebisa fikirkeeda qaadato ma xaqiijin kartid waxa aad ku saxan tahay iyo waxa kaa qaldan, taasoo ka dhigan inaad ka istaagto wax kasta oo aadan garanayn.

Haddii aad tahay dadka ku wareersan in ilaahay jiro iyo in kalena waxaa jawaabta laga raadiyaa 2 meel oo keliya, midi waa khalqiga ama aduunka oo haddii adduunku u shaqaynayo si nadaam ah waxay calaamad u tahay in la abuuray, midda 2aadna waa quraanka oo ku tusaya inuu xagga Alle ka yimid haddii aad ogaato inuu yahay kitaab aan dadku qori karin.

Sh. Abdullaahi Aw Hasan
anwar535@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code