MIYAA UU FASHILMEY INTERNETKU?

 

 

 

 

 

 

Isaga oo fadhiya xafiiskiisa uu ku leeyahay Kooleejka Christ Church, ee Oxford, Sir Tim Berners-Lee, aas’aasaha shabakada World wide web (www), ayaa uu yidhi: “Anigu ma odhan lahayn internetku waa uu wada fashilmey, laakiin waxa uu ku guuldarraystay in uu gudbiyo wanaaga, wanaagii ahaa in uu bulshada kabo ee badi innaku aynu rejaynaynay.”

Labaataneeyo sanno kahor, waxa Sir Tim uu maad iyo kaftan u haystay fikradda ah in internetku uu sababi karaan dhibaatooyin balse ay keliya adduunkan ka dhigi karaan degel wanaagsan.

Dadka ugu badan ee isticmaala internetka ayaa ilaa iyo dhawr sanno ka hor la weydiiyey waxa ay aragti ahaan ka qabeen, iyo in uu buuxiyay baahiyihii ay jeclaayeen. Waxa ay sheegeen in uu u ogolaadey ku xidhnaanshaha asxaabtooda, in ay ka helaan macluumaad kasta, in uu dhiirrigeliyey ikhtiraaca, xataa uu sahley in la wiiqo xukuumadaha macangaga kelitiska ah. Mararka qaar baa waxa dhacdey in laga gaadhey kelitiska guulo wax ku ool ah. Rubuc qarni uun kadib kolkii hawada la geliyay shabakadii u horeysay, ku dhowaad kalabadh dadweynaha adduunka ayaa “online” noqdey. Laakiin se sida Sir Tim qabo, dad tiro ahaan aad u badan ayaa dhalleecaynaya internetka, iyaka oo ku eedaynaya in uu sababay isticmaalkiisa oo dadkii ka bixi waayeen, qof kasta na macluumaadkiisa la gu helo si fudud iyada oo dad aan haybtooda la aqoonsaneyn ay jabsanayaan.

Waxa qoraalkani uu ku doodayaa in internetku uu noqdey mid gaar u noqdey qolo keliya marka la eego sida ay ahaan jirtey toban sano kahor. Reer Galbeed iyo Jaynaha, labada ba, dhaqdhaqaaqyada ay shabakadahan caalamiga ah ay fuliyaan baa koox awood lehi maamushaa, ka soo bilaw Facebook-ga ilaa Tencent. Buuggiisii u danbeeyey, “The Square and the the Tower”, Niall Ferguson, taariikhyahan, baa ku sharaxaya qaabdhismeedkan— shabakad cusub oo kharriban— in uu leeyahay tusaalayaal farabadan oo taariikheed. Tusaalayaashaa oo ka soo bilaabmaya ikhtiraacii madbacadda wax daabacda ilaa laga soo gaadho Kacaankii Warshadaha.

Isla mar ahaantaana internetku wuxuu noqday mid aad u xakameysan-dawladaha qaar oo muddo aad u dheer aan saamayn ku lahayn internetka ayaa keensadey awood ay ku yeelanayaan qaybo waaweyn, badanaana shirkadaha internetka bixiya, kuwaas oo ay ku amraan in ay xayiraan shabakadaha baahiya waxyaabaha aysan jeclaysan dowladdu.

Tani waa wax ka badan ama ka yar oo ka soo horjeeda wixii ay cyber-gurus qorsheeyeen. Markii farriintii ugu horreysay ee internetka la diro ku dhowaad nus qarni ka hor, 29kii Oktoobar 1969kii, nidaamku waxa uu ahaa “mid ujeedadiisu ay ahayd in la xoojiyo awoodda baahinta iyo xorriyadda waxqabadka”, sida laga soo xigtay Yochai Benkler oo ka tirsan Jaamacadda Harvard. Asalka tiknoolijiyadda ayaa door weyn ka qaatey arrimahan.

Muhiimaddii ugu weyneyd ee loo aas’aasey internet-ka ayaa ahayd in la isku weydaarsado xog oo uu adduunka wanaajiyo balse qaab aan ahayn qaabkaas ayaa loo adeegsadey, caalamkana halis gelisay. Iyada oo intaas oo dhami jirto, hadana lama odhan karo internetku waa uu fashilmey ee u gu yaraan waxa aynu odhan karnaa waa la majarro habaabiyey.

W/Q: Abdisamed Shire

Trabzon, Turkey.