Mu’min iyo mulxid: yaqiintu waa geeri!

“Waa necbahay iimaanka fudud iyo ilxaadka fudud” Salaax Cabdisabuur (1931-1981)

Doodaha aadamiga dhex mara kuwa ugu fac weyn waxaa ka mid ah doodda u dhaxaysa muuminiinta (noocyadooda kala duwan) iyo mulxidiinta (noocyadooda kala duwan) . Waa dood la qiyaasayo in ay soo taagnayd tan iyo markii aadanaha garaadka leh dunida lagu arkay.
Dooddaani marka laga eego mawduuca laga doodayo oo ah jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Eebbe, waa dood aad muhiim u ah, oo dood kasta oo kale ka qiimo badan. Laakiin marka laga eego miraha doodda ka dhasha, waxaa la ogaanayaa in ay tahay midda doodaha ugu waxtarka yar. Maxaa yeelay labada dhinac ee dooddu u dhaxaysaa midkoodna kuma guulaysto in uu fikraddiisa dhanka kale ka dhaadhiciyo, isla markaana ma dhacdo in meel dhexe la isugu yimaado. Waa dood muuminku wax uusan hubin uu difaacayo, mulxidkuna sidoo kale wax uusan hubin uu dafirayo. Caadi ahaanna, waxay ku dhammaataa barbardhac iyo jugjug meeshaada joog, oo mu’minku ma awoodo in uu mulxidka qanciyo, mulxidkuna ma karo in uu mu’minka qanciyo. Waa dood ay dhici karto in laga dhaxlo afkaar maandhis ah, laakiin aan laga dhaxlin iimaan iyo iimaan la’aan toona.
Jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Eebbe caqli laguma qeexo. Xataa haddii ay suurogal tahay in la caddeeyo jiritaanka Eebbana ka ay dhalanmayso in muranka diimuhu uu dhammaado, waayo cidina ma kala xaqiijin karto diimaha faraha badan ee dunida ka jira kuwooda saxa ah iyo kuwa aan ahayn. Iimaanka iyo iimaan la’aantuna waa arrin shakhsi ah oo u noqonaya nafta iyo dareenka qofka.
Mu’minka iyo mulxidku waxay wadaagaan in labadu wax rumaysan yihiin, oo mu’minku wuxuu leeyahay iimaan togan oo qirsan jiritaanka Alle, halka mulxidku uu ka haysto iimaan taban oo diiddan jiritaanka Alle. Labaduba waxay wadaagaan in mid kastaa uu ku qanacsan yahay yaqiin uu isleeyahay waad haysataa, waana tii la yiri: “Yaqiintu waa geeri /اليقين هو الموت”. Waayo, yaqiintu qofka waxay ka hor istaagtaa in uu wax baaro, oo uu su’aalo isweydiiyo.

Ku Allahoode, waxay wariyeen in Guatama Siddhartha oo lagu garan ogyahay naynaasta ‘Buuda’ oo subax meel fagaare ah dad ku wacdinaya uu u yimid wadaad caan ku ahaa faafinta diinta iyo dhisidda macaabidda wax lagu caabudo. Wadaadku wuxuu ahaa nin da’ ah, oo noloshiisa oo dhan ku qaatay cibaadada Alle iyo dacwada diinta. Wadaadku inkasta oo uu ahaa nin taqwo badan, haddana marmar baa naftiisu waxay isweydiin jirtey su’aal ah: Haddii waxa diintu sheegayso ay sax tahay oo Alle uu jiro, waa sida aad rabtay oo waad liibaanaysaa, maaddaama noloshaada oo dhan aad ku dhammaysatay cibaado iyo Alle ka cabsi, laakiin haddii sida kale ay wax noqdaan oo Alle uusan jirin, janno iyo naarna aan la isku abaalmarinayn, soo tacab khasaar kugu dhici maayo, oo cimrigaagii oo dhammi xoog doofaar lagu eryay noqon maayo???
Wadaadka shakigii baa ku soo noqnoqday, sida la ogyahayna dadka kuwa ka fekeridda aakhiro ay ku badan tahay baa ugu shaki badan. Wadaadku wuxuu goostay in uu arrinka xog dheeri ah ka raadiyo, si uu u shaki baxo, go’aanka uu qaadanayaana uu run ugu dhawaado. Sidaa darteed, subaxaas Buuda wuxuu weydiiyey su’aal ahayd: “Ilaah ma jiraa?” Buudana durba wuxuu ku jawaabay: “Maya, waxa jiraa ma jiraan!”

Galabnimadii, Buuda oo weli dadkii wacdinaya baa waxaa u yimid nin ka mid ahaa dadka Hindidu ugu yeeraan ‘Charvaka’ ama mulxidiinta. Ninkaasi muddo dheer wuxuu shaqo ka dhigtay, oo har iyo habeen ku mashquulsanaa in uu dadka kala diriro wax isaga iyo saaxiibbadiis ay ugu yeeraan “khuraafaadka jiritaanka Alle”, kumanyaal dad ah ayuuna ku qanciyey in aan Ilaah jirin. Ninkaani inkasta oo uu ahaa mulxid Alle ka furtay, haddana mararka qaarkood wuxuu iskula hadli jirey: War ammaa Ilaah jiraa, oo aad aakhiro cadaab mudataa! Weliba denbigaaga iyo denbiga dadka faraha badan ee aad baadiyeysay la isugu kaa miisaa! Si kasta oo aad ifka ugu raaxaysato, maxaad macaashaysaa haddii aad aakhiro khasaarto, oo aad cadaab mudato, jannadana aad ka qaddo?!
Ninkaani wuxuu garaystay xikmadda tiraahda “talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola”, wuxuuna isku qanciyey in uu naf iyo shaydaan la dagaallamo, kibirka macne la’aanta ahna iska daayo, arrinkaanna Buuda wax ka weydiiyo. Wuxuu u yimid Buuda wuxuuna ku yiri: waxaad ila wadaagtaa aragtidaada ku aaddan jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Eebbe? Buuda wuxuu yiri: “Haa, waa jiraa, sidee bay ku dhici kartaa in aan Ilaah jirin?”

Maqribkii Buuda oo weli golihii fadhiya ayaa waxaa u yimid nin saddexaad, wuxuuna weydiiyey isla su’aashii ahayd: “Ilaah ma jiraa?” Buuda ninkaan haa iyo maya midna kuma oran ee shibtuu ka xulay.
Dadkii golaha joogey, yaab iyo amakaag baa Alle u keenay, waxaana abuurmay bulaan iyo buuq ka dhashay jawaabaha Buuda, waayo saakay wadaadkii wuxuu u sheegay in wax Ilaah la yiraahdaa uusan jirin, galabtana mulxidka wuxuu u sheegay in Ilaah jiro, haddana ninkaan saddexaad ee isla weydiintii weydiiyey uma uusan jawaabin ee waa ka aammusay!

Ananda wuxuu ahaa xerowga ardayda Buuda ugu fahmadda iyo firfircoonida badan, wuxuuna ahaa arday aan shiikhiisa marna ka faaruqin ee sida hooskiisa mar walba ugu lammaansan. Habeenkaas markii la gaaray xilligii seexashada, Ananda labo indhood waa isu keeni waayey, gogoshiina waa qaban waayey, wuxuu bilaabay in uu labo lagdoomo, oo hadba dhan isu rogo. Waxaa ku soo noqnoqonayey oo maskaxdiisa buuq ku furay jawaabihii maanta macallinkiisu bixiyey: ‘Maalin qura gudaheed baa Buuda wuxuu yiri ilaah ma jiro, oo haddana wuxuu yiri Ilaah waa jiraa, oo haddana mar saddexaad uu afkiisa ka qabsaday oo uusan haa iyo maya midna oran. Kuwaani waa saddexda xaaladood ee suuragalka ah, xaaladihii suurogalka ahaa oo dhanna maalin qura ayaa laga hayaa? Jawaabihii suurogalka ahaa oo dhan hal fadhi buu ku bixiyey! War sow tan lagu ducaysto: “Ilaahow haa iyo maya mar qura afkayaga ha ka wada yeerin!”
Buuda oo dareemay in wiilka si wax ka yihiinna wuxuu weydiiyey: Caawa sidee wax kaa yihiin, maxaa ku helay oo hurdada kuu diiday?
Xerowgii wuxuu yiri: Waa ka xumahay in aan waqtigaan su’aal ku weydiiyo, laakiin u malayn maayo in aan hurdo ladayo jeer aad weydiinta iiga jawaabto. Saakay waxaad tiri ‘maya’, galabtana waxaad tiri ‘haa’, fiidkiina shib baad xushay, saddexda goorna hal su’aal oo isku mid ah baa lagu weydiiyey?!
Buuda qosol buu ku dhuftay, wuxuuna yiri: Ninkii saakay ii yimid ee I weydiiyey ‘Ilaah ma jiraa?’ wuxuu ahaa muumin rumaysan jiritaanka Alle, wuxuuna iga doonayey in aan u sheego in Alle jiro si iimaankiisu u sii xoogaysto, aniguna ma xoojiyo iimaanka dadka, waayo qalbiga wax rumaysani wax isma weydiiyo, xog iyo xaqiiqana ma raadiyo. Ninka labaad ee galabta ii yimid isaguna waa mulxid rumaysan in aan Ilaah jirin. Ulajeeddada uu iigu yimidna waxay la mid tahay ulajeeddadii ninkii hore, oo wuxuu doonayey in aan iraahdo ilaah ma jiro si rumayn la’aantiisu u sii xoogaysto, barkintana uu u dheeraysto.
Ananda macallinkiisii buu hadalka ka boobay, oo wuxuu weydiiyey: “Ninka saddexaad isagu muxuu ahaa?”
Buudana wuxuu yiri: Ninka saddexaad mu’min iyo mulxid midna ma ahayn, sidaa awgeed haa iyo maya midkoodna looma baahnayn. Wuxuu ahaa nin caqligiisa iyo ruuxdiisuba ay fiyow yihiin, oo dhab ahaan u doonaya in uu wax ogaado, laakiin wuxuu wax iga weydiiyey arrin aniga iyo isagu aan isku mid ka nahay. Inkasta oo aanan wax jawaab ah siin, haddana aammuskayga ayaa wax u bidhaamiyey, miyaadan u jeedin sida uu u riyaaqsanaa markii uu naga tagay, iiguna mahadnaqay. Ninkaasi wuxuu ahaa xaq doon dhab ah.

Sida la sheegay, wadaad suufi ahaa baa wuxuu caado u lahaa in marka uu muddo joogaba uu ka tago degmadiisa, oo uu kaymaha ama buuraha uu maalmo ku soo khalaaweeyo, Eebbana ku caabudo.
Maalinkii danbe, markii uu khalwadii ka soo noqday baa waxaa isugu soo ururay dadkii degmada, waxayna ka codsadeen in uu Eebbe wax uga sheego. Wadaadkii dhowr eray buu dadkii u sheegay, dadkiina erayadii ay wadaadka ka maqleen bay faallo iyo sharraxaad ugu dhaqaaqeen, iyaga oo khibraddooda iy khayaalkooda la kaashanaya. Muddo ka dib, wadaadkii wuxuu arkay dadkii oo ku diriraya Eebbe waa sidaas iyo sidaas ma ahane waa sidaas, midkastaana uu dooddiisa daliil uga dhiganayo Shiikh hebel baa sidaa yiri. Wadaadkii oo ogaaday khaladka uu galay wuxuu naftiisa ku canaantay dhiirrashada uu ku dhiirtay in uu Eebbe erayo ku cabbiro. Sidee bay suurogal ku tahay in Eebbe erayo lagu cabbiro?

Ku Allahoode, waxaa kaloo ay wariyeen in maalin maalmaha ka mid ah uu kalluun dhallaan ahi badweyn kula kulmay kalluun waayeel ah, uuna damcay in uu ka faa’iideysto khibradda kalluunka ka weyn, waayo waa tii la yiri: “Nin gu’ kaa weyni il guraxeedna kaa weyn”. Kalluunkii dhallaanka ahaa wuxuu kalluunkii duqa ahaa ku yiri: “Adiga oo raalli ah, waad iga weyn tahay, sidaa awgeed waxaan jeclahay in aad ii sheegto meesha aan ka helayo walaxda ay ugu yeeraan badweyn?”
Kalluunkii duqa ahaa wuxuu ku jawaabay: “Badweyntu waa walaxdaan aad ku dhex jirto.” Kalluunkii yaraa wuxuu yiri: “Ma waxaan? Waxaan waa biyo. Anigu biyo kuma weydiin ee waxaan ku weydiiyey badweyn. Waxaan raadinayaa badweyn!” Isaga oo yaabbanna wuxuu bilaabay in uu dabaasho si uu u raadiyo waxa loo yaqaan badweynta. Marka Eebbe laga hadlayana dadka badankiisu waxay la mid yihiin kalluunkaas yar ee badweynta ku jira, isla markaana badweynta baadigoobaya.

Si kastaba ha ahaatee, marka la arko dad dhintay oo la duugay ama la gubay oo soo noolaaday, oo wixii ay la kulmeen ka warbixiya, oo yiraahda: War xisaab baa danbaysee ha la is ilaaliyo ama waxba ma harin, marka taasi dhacdo oo keli ah ayaa la helayaa cid si buuxda ugu qancsan iimaankeeda ama ilxaadkeeda. Inta taas laga helayo dunida waxaa ka jiri doona muuminiin iyo mulxidiin qolo kastaa ay ka shakido waxa ay rumaysan tahay. Mu’minku iimaankiisa boqolkiiba boqol kuma qanacsana, mulxidkuna inkiraadda Eebbe si buuxda uguma niyad sama.
Alle waa magac aadanuhu u bixiy fikrad ay adagtahay in si buuxda erayo loogu cabbiro, iimaankana caqli laguma gaaro, oo waa hilow naftu dareento. Ilxaadkuna wuxuu xoogaystaa marka la isku dayo in iimaanka la qeexo oo arkaan iyo shuruud loo yeelo, qolo gaar ahna loogu abtiriyo. Waxaana xusuusin mudan in caqliga iyo cilmigu aysan xiriir la lahayn rumaynta iyo rumayn la’aanta qofka, oo waxaa dhacda in dad caqli iyo cilmi badan leh ay muuminiin ahaadaan iyo in kuwo iyaga ku caqli iyo cilmi ahi ay mulxidiin noqdaan. Taariikhda aadanuhuna waxay noo sheegaysaa in qofku saacad kasta mawqifkiisa beddeli karo, oo isaga oo mulxid ahaa uu muumin noqon karo ama taa lidkeed isaga oo mu’min ahaa uu mulxid noqon karo –Mulxidiin waaweyn baa muuminiin noqday, sidoo kalena wadaaddo caan ahaa baa mulxidiin noqday. Muslimiintuna waa iyaga ku ducaysta “Ilaahow adigaa quluubta rogrogee qalbigayga diintaada ku sug /اللهم يا مقلب القلوب ثبت قلبي على دينك”. Si taa la mid ahna Baybalku wuxuu sheegayaa in mu’minku uu yahay kan ku ducaysta: “Waan rumaynayaa ee Allow igu caawi rumayn la’aantayda / I believe, help me my unbelief.”
Iimaanka waxay wada dhasheen muusikada, oo sida muusikada loo dhadhansado ee aan loo qeexin baa isagana loo dhadhansadaa ee aan loo qeexin -(Ummadihii hore sida; Masaaridii, Giriiggii, Hindidii, iyo qar kaleba waxay rumaysnaayeen in diinta iyo muusiggu ay hal il ka soo burqadeen, oo labaduba asal ahaan ay yihiin waxyi samada ka yimid, oo Alle iyo aadamiga isku xira). Sidaa awgeed, waxaa habboon in iimaanka iyo ilxaadka loo arko xaq ka mid ah xuquuqda qofka, oo la xiriira xorriyadda damiirka, aysan jirin cid kula xisaabtami karta oo aan ka ahayni Allihiis. Waxaa kaloo habboon in doodda muuminiinta iyo mulxidiinta u dhaxaysaa ay ku saabsanaato waxyaabaha dooddoodu ay mira dhalka noqon karto, sida in laga doodo xogaha la xiriira kutubta muqaddaska ah ee diimaha, halkii lagu mashquuli lahaa jiritaanka iyo jiritaan la’aanta Eebbe oo aalaaba aan wax natiijo ah laga gaarin.
Ugu danbayntii, waxaa xusid mudan in waddamada islaamka badankooda –haddiiba aan la oran kulligood- ay tirada ilxaadku si joogto ah u kordhayso, weliba waddamada qaarkood waxa ka jiraa ma aha ilxaad diin la naco oo keli ah, balse waa ilxaad keena in dal iyo diinba la naco. Sababaha ugu horreeya ee keenaya in dhallinyaradu diinta ka yaacaanna waa fashilaadda ku timid wacdiga diiniga ah ee ku lidka ah mabda’a quraanku qeexay ee xorriyadda caqiidada “Ciddii doontaa ha rumayso, ciddii doontaana ha gaalowdo /فمن شاء فليؤمن ومن شاء فليكفر” iyo diinta aydiloojiyadda laga dhigayo ee siyaasadda loo adeegsanayo. Xaamid Cabdisamadna run buu sheegay markuu buuggiisa ‘Burburka dunida Islaamka/سقوط العالم الإسلامي’ uu ku yiri: “Diinta Islaamku si aayar-aayar ah bay quluubta iyo damiirka uga baxaysaa, waxayna ku soo haraysaa garka iyo halkudhegyada oo keli ah. Midka magaca rabbigiis waddooyinka iyo taleefishinnada uga qayliya waa fog buu laabtiisa ka waayey /الدين الإسلامي يختفي تدريجيا من القلوب والضمائر، وصار لا يظهر سوى في اللحى والشعارات. فإن من يصرخ بإسم ربه في الطرقات وعلى الفضائيات قد فقده في وجدانه منذ زمن ”.

Abshirta Alle hayna waafajiyo!!!