Muxuu ahaa magacii nebiga loogu walqalay?

 

Walqashu waxay ka mid tahay caadooyinkii Carabtu Islaamka ka hor taqiin, Islaamkuna ku raacay. Carabtu Islaamka ka hor marka ilmaha dhashay uu gaaro maalintiisa toddobaad waxay ka xiiri jireen timaha ama qayb ka mid ah, waxayna gawrici jireen neef xoolo ah, dabadeedna dhiigga neefka la gawracay baa ilmaha dhashay madax loo marin jirey, kolkaasna waxaa lagu dhawaaqi jirey magaca ilmaha loo bixiyey. Sidaana waxaa ku dhammaada allebariga walqasha oo Carabtu u taqaan magaca “al-Caqiiqa /العقيقة”.

Walqashu waa nooc xirsixir ah oo aadanuhu u hindisay si ay ubadkooda dhib iyo shar uga badbaadiyaan. Tusaale ahaan, Carabtii Islaamka ka horreeyey waxay rumaysnaayeen in haddii ilmaha aan laga walqalin ay halis ugu jiraan in jin ama uuman kale oo shar lihi ay galaan oo dhib u geystaan, ama in ilaahyadu u caroodaan oo waxyeello geeri gaari karta ay gaarsiiyaan. Axaadiista nebiga loo tiiriyo ee walqasha ka hadashaana waxay tiraahdaa: “Inanku wuxuu u rahman yahay walqashiisa /الغلام مرتهن بعقيقته”.

Yeelkadeede, dunida waxaa soo maray -welina ku nool- dad badan oo magacii loogu walqalay magac aan ahayn uu u hanaqaaday. Dadkaas waxaa ka mid ah qaar badan oo lagu bartay magacooda dambe oo keliya. Sida la sheegana dadkaas waxaa ka mid ah nebi Ciise iyo nebi Muxamed (csws). Waxaa jira taariikhyahanno rumaysan in magacii nebi Ciise loogu walqalay uu ahaa “Emmanuel ama Immanuel”, halka magaca nebi Muxamed loo bixiyey uu ka ahaa “Qutham /قثم”.
Labada magac ee Emmanuel iyo Qutham labaduba waa magcaan wanaagsan oo ammaan tusiya. Emmanuel macnihiisu waa “Eebbaa nala jooga ama na la jira/ God with us”, halka macnaha “Qutham” uu ka yahay “Wanaag aruurshe, waxaana loogu yeeraa ninka deeqsiga ah ee wax bixinta badan /القثم الجموغ للخير ويقال للرجل اذا كان كثير العطاء”.
Magaca Emmanuel ama Immanuel waa magac ku soo arooray buugta Baybalka qaarkood, dadka dersa taariikhda diinta Kirishtaankuna iskuma khilaafsana in uu yahay magac jira oo Ciise leeyahay, laakiin waxay isku qabtaan in uu yahay magacii waalidkiis ugu walqaleen iyo in uu yahay naynaas diini ah oo waqti danbe baxay? Arrinka la yaabka lihise wuxuu yahay in dadka Kirishtaanka badankoodu aysan ogayn in Emmanuel uu yahay magac Ciise Masiix uu leeyahay. Waayo? Ma aha magac ay ka maqlaan wadaaddada dadka wacdiya. Guud ahaan, Emmanuel waa magac wadaadda Kirishtanku ay og yihiin, laakiin aysan adeegsan.

Si taa ka duwan, Muslimiinta badankoodu waxay dhashaan oo haddana dhintaan iyaga oo aan abidkood maqal magaca “Qutham”. Wadaaddada Muslimiintuna ma oggola in la yiraahdo nebiga ayaa lagu magacaabi jirey magaca ‘Qutham /قثم’. Sababta ay u diidayaanna waxay tahay in ay dareen ka qabaan in arrinku uusan halkaas ku istaageyn, balse looga gudbi doono in la furo mawduucyo kale oo ka culus magacaan, laguna doodo in ay jirto qayb ka mid ah taariikhda Islaamka oo qarsoon oo loo baahan yahay in baarid cusub lagu sameeyo. Marka wadaaddadu waxay ku dhaqmaan murtida Masaarida ee tiraahda: “Iriddii dabayli kaaga soo galeyso iska gufee oo ka naso /الباب الذي يأتيك منه ريح سده واستريح “, iyo qaacidada fiqiga ah ee tiraahda “xumaha waa laga hortagaa /باب سد الدرائع”.
Wadaaddada waa runtood oo fikraduhu sida tusbaxa bay u xiriirsan yihiin, oo midiba mid bay saynta haysataa. Laakiin taasi ma noqon kartaa qiil cilmi-baaridda lagu hor istaago? Jawaabtu waa maya, xalkuna kuma jiro in irdaha la xirto, balse wuxuu ku jiraa in irdaha si buuxda loo ballaqo, ummuurahan si dhab ah looga gun gaaro, oo waxa ka run ah iyo waxaan ahayn la kala caddeeyo.

Magaca “Qutham” quraanka kariimka iyo axaadiis nebi oo xoog leh midna lagu xusin. Magaca nebiga ee caadi ahaan nusuusta diintu xustaa waa Muxamad. Tusaale ahaan, quraanka afar jeer baa lagu xusay magaca Muxamed (Suuradaha al-Fatxi, al-Cimraan, al-Axsaab iyo Muxamad). Sidoo kale, quraanka nebiga wuxuu ku magacaabay Axmad (Suuradda al-Saf ). Sidoo kale, aalaba magaca nebiga ee axaadiistu xustaa waa ‘Muxamad’. Hase ahaatee, waxaa jira magcaan iyo naynaaso kale oo nebiga loo yaqaan, badankoodana isagu uu isu bixiyey. Magcaantaas iyo naynaasahaas waxaa ka mid ah; Axmed, Maxmuud, Taha, al-Bashiir, al-Nadiir, al-Maaxii, al-Xaashir, al-Caaqib iyo kuwo kale oo faro badan (faahfaahinta qodobkaan ka eeg buugta ka hadasha taariikhda nebiga iyo buugta kale ee magcaantiisa xusta ee uu ka midka yahay buugga ‘al-Mud-hish /المدهش’ ee uu qoray wadaadka Xanbaliga ah ee caanka ah ee Ibnu al-Jawsi).

Dadka qaba in magaca dhabta ah ee nebigu uu ahaa ‘Qutham’, ma haystaan markhaatiyo xoog leh oo xagga nusuusta ah, laakiin waxay cuskadaan markhaatiyo afka, dhaqanka  iyo taariikhda Carabta la xiriira. Nusuusta yar ee ay la tahay in tilmaan laga qaadan karase waxaa ka mid ah xadiis culumada qaarkood ay daciif ku sheegeen oo sheegaya in nebigu yiri: “Anigu waxaan ahay Qutham, Quthamna waa kan dhamaystiran oo kulansaday (=wanaagga)/… وأنا قثم، والقثم الكامل الجامع”. Taariikhyahankii al-Bulaadari (dhintay 892) isaguna wuxuu sheegay in nebiga aabbihiis kunyadiisu ahayd ‘Abu Qutham. Isaga oo arrinkaas tilmaamayana wuxuu yiri: “Cabdullahi bin Cabdimutalib isaga kunyadiisu waxay ahayd Aba Qutham, waxaa kaloo la sheegay in kunyadiisu ahayd Abaa Muxamed /فاما عبدالله بن عبدالمطلب- ويكنى ابا قثم ويقال انه كان يكنى ابا محمد”.

 

Yeelkadeede, dadka qaba in magaca nebigu uu ahaa ‘Qutham’, waxyaabaha ay cuskadaan waxaa ka mid ah in magaca nebiga loo yaqaan ee ‘Muxamad’, uusan ahayn magac ay la bixi jireen Qureeshta iyo guud ahaan Carabtu. Halka Qutham ka ahaa magac ay la baxaan.

Magaca ‘Muxamad’ ma ahayn magac Carabtu Islaamka ka hor ay la bixi jirtey, oo sida la sheego xilligii nebiga Carabta waxaa laga helayaa rag tiradoodu u dhaxayso 3-15 oo dhammaantood waqti isu dhaw magaca loo bixiyey. Magacuna Carabta wuxuu ku ahaa moodo markaas soo baxday dantii laga lahaana qoraagii Ibnu Sacad oo ah qoraa Muslimiintu si weyn u qaddariyaan baa ku xusay buuggiisa “Dabaqaat Ibnu Sacad /طبقات ابن سعد”. Ibnu Sacad wuxuu yiri:

“Carabtu Ahlu-kitaabka -Yahuudda iyo Kirishtanka- iyo wadaaddada waxay ka maqli jireen in uu Carabta ka soo bixi doono nebi lagu magacaabo Muxamad, Carabta kuwii warkaas gaarayna wiilkii u dhashay wuxuu u bixiyey ‘Muxamed’, isaga oo hunguri ka qaba nebinimada /كانت العرب تسمع من أهل الكتاب ومن الكهان أن نبيا يبعث من العرب اسمه محمد، فسمى من بلغه ذلك ولده محمدا طمعا في النبوة”. Warka Ibnu Sacad waxaa ku cad in la bixidda magacu uu ahaa arrin ku cusub Carabta, sababta keentayna ay ahayd tartan ay ugu jireen hanashada nebinimada wadaaddadu oddoraseen.

Waxaana jirta sheeko caan ah oo oranaysa in markii Cabdimutalib uu nebiga u bixiyey ‘Muxamad’, ay rag Qureesh ka mid ahaa ku yiraahdeen: “Kani kama mid aha magcaantii aabbayaashaa? Uuna ugu jawaabay: waxaan doonayaa in cirka iyo dhulkaba laga mahadiyo /ما هذا من أسماء آبائك؟ فقال: أردت ان يحمد في السماء والأرض”.

Buugga ‘al-Siira al-Xalabiya’ ee uu qoray Cali bin Burhaanu-Diin al-Xalabi isaguna wuxuu qorayaa: “Kolkii uu geeriyoodey Qutham bin Cabdimutalib saddex sano ka hor dhalashadii rasuulka Alle (scw) isaga oo markaas sagaal jir ahaa, wuxuu u bixiyey Qutham, jeer Aamino oo ahayd hooyadiis ay u sheegay in ay riyo ku aragtay iyada oo u bixisay magaca Muxamad, kolkaasna wuxuu u bixiyey Muxamad /لما مات قثم بن عبد المطلب قبل مولد رسول الله صلى الله عليه وسلم، بثلاث سنين، وهو ابن تسع سنين، سماه قثم، حتى اخبرته أمه أنها رأت في منامها أن تسميه محمدا، فسماه محمدا”. Hadalka Xalabi waxaa ku cad in nebiga awowgiis uu jeclaystay in wiilka uu awowga u yahay uu ugu magac daro wiil uu isagu dhalay oo la oran jirey ‘Qutham’ oo yaraan uga dhintay. Arrinkaasina waa mid waafaqsan dhaqanka Carabta. Maxaa yeelay Carabtu magac bixinta caynkaas ah way taqiin, welina waa ku dhaqantaa.

Aqoonyahanno kale, waxay ku doodayaan in erayga Muxamad asal ahaan uu ka soo jeedo afka Cibriga oo uu yahay ‘Xamdoot/حمدوت”. Waxaana la ogyahay in labada af ee Carabiga iyo Cibrigu ay isku bah yiihiin oo ay wax badan wadaagaan. Doodda qoladaani waxay daaran tahay in Carabtu magaca Muxamad ka qaadatay wadaaddadii Yahuudda. Waxayna ku doodayaan in wadaaddada Yahuuddu ay rumaysnaayeen in uu soo baxayo nebi Carab ah oo u gogolxaari doona in bulshada Yahuuddu ay ciriiriga ka baxdo iyo in Masiix yimaado. Arrimaha qoladaan markhaatiga ka dhiganayanna waxaa ka mid ah in nebi Muxamad iyo wadaaddada Yahuudu ay xiriiri wanaagsan lahaayeen muddadii uu dacwadiisa waday inteeda badan. Waxay kaloo ku doodayaan in dhisidda Kacbadu ay ahayd hawl ay iska kaashadeen Qureesh iyo wadaaddo Yahuud ahi- oo in Ibraahim iyo Ismaaciil ay dhiseen aan waxba ka jirin. Ugu danbayntii, qoladaani waxay ku andacootay in xiriirka nebiga iyo wadaaddad Yahuuddu uu xumaaday, ka dib markii nebigu hilibka geela xalaaleeyey, wadaaddadii Yahuudduna ay ku qanceen in Muxamad dhaqanka Carabta ka jecel yahay wixii iyagu ay diin ahaanta u haysteen oo xaaraamaynta hilibka geelu uu ka midka tahay.

Tan iyo hadda, doodda aan soo aragnay waxay ku wareegaysaa labo qolo oo  mid qabto in Qutham yahay magaca dhabta ah ee nebigu lahaa, halka dadka badankoodu ay ku adkaysanayaan in Qutham uusan ahayn magac nebigu lahaa, laakiin ay suurogal tahay in uu yahay naynaas ama kunyo uu lahaa. Waxaase xusid mudan in ay jiraan, dad qaba in magaca ‘Muxamad’ qudhiisu uusan ahayn magac keligi la la baxo, balse uu ahaa naynaas qaddarin iyo koolkoolin qofka loogu bixiyo (sidaan ognahay Soomaalidu magaca Muxamed iyo kuwa la macnaha ah ee Axmed iyo Maxamuud, aalaaba waxay u bixiyaan wiilka curadka ah, waxayna ku laranaa naynaas kale oo koolkoolin muujisa, sida Maxamed Khadar, Maxamed Weli, Axmed Deeq, … iwm). Ibnu Qayim al-Jawsiyana buuggiisa ‘Saad al-Macaad fii Hadyi Kheyr al-Cibaad’, magcaanta nebiga wuxuu ku tilmaamay in dhammaantood –mark lagu daro magaca Muxamad- ay yihiin tilmaamo ammaan tusiya ee aysan ahayn magcaan keligood taagan, dooddiisana sidaan buu u dhigay (=وكلها نعوت ليست أعلاما محضة لمجرد التعريف، بل أسماء مشتقة من صفات قائمة به توجب المدح والكمال، فمنها محمد، وهو أشهرها).

Laakiin dhanka kale, waxaa jira aqoonyahanno isku dayey in ay iswaafajiyaan labada magac, waxayna ku tageen in ay suurogal tahay in Muxamed iyo Qutham labaduba ay yihiin labo magac oo nebiga loo wada yiqiin. Aqoonyahannadaani waxay daliishadeen in Qureeshtu taqiin in hal qof labo magac loogu yeero. Tusaale ahaan, nebiga awoowayaashiis badankoodu labo magac bay lahaayeen, oo Qusey bin Kilaab waxaa kaloo lagu magacaabi jirey Seyd, Cabdimunaafna waxaa la oran jirey al-Mugiira, Haashimna Camar, Cabdimutalibna Sheybatu Xamdi. Si taa la mid ahna ma jiro wax diidaya in Muxamad iyo Qutham ay yihiin labo magac oo labadaba uu nebigu lahaa.

Qolo kale waxay la tahay in Qutham uusan ahayn magac nebigu lahaa, balse uu yahay magac uu lahaa walaalkiis ka weynaa oo yaraan ku saqiiray. Dadka fikraddaan qabaa waxay ka duulayaan labo sheeko oo la isku xiray. Sheekada koowaad waa midda sheegaysa in nebiga aabbihiis Cabdullaahi iyo awowgiis Cabdimutalib ay isku habeen qura guursadeen labo gabdhood oo ilmo adeer ahaa oo la kala oran jirey Aamina bintu Wahab iyo Haala bintu Wuhaybn. Cabdimutalib sannad ka dib waxaa loo dhalay Xamse bin Cabdimutalib oo dhigaallada taariikhdu ay sheegaan in uu nebiga afar dabshid ka weynaa. Halkaasna waxaa ka dhalatay weydiin ah: afarta sano ee Xamse nebiga ka weyn yahay nebiga hooyadi (=Aamino) wax ma dhashay mise maya? Haddii ay ilmo dhashayse aawaye?
Buugta taariikha nebigu ma xusin ilmo nebiga la dhashay oo aabbihi iyo hooyadi ay dhaleen -labadoodu ha iska dhaleen ama midkood gaarkiisa ha u dhalee. Hase ahaatee, waxaa jira warar loo tiiriyo nebiga hooyadiis oo ay ku sheegayso in abidkeed aysan uurka ku qaadin ilmo nebiga ka fudud oo ka dhib yar ( ثم حملت به -اي النبي- فوالله ما رأيت من حمل قط كان اخف علي وأيسر منه).
Marka la isu geeyo labada arrimood ee kala ah in Xamse iyo nebiga oo hooyooyinkood isku habeen la guursaday ay afar sano kala weynaayeen iyo in Aammino warkeeda laga fahmayo in ay qaadday uur ka horreeyey kan nebi Muxamed, waxaa halkaas laga qaatay in uu jirey ilmo ay nebiga walaalo ahaayeen oo ka weynaa. Waxaana loo badinayaa in ilmahaasi uu yahay kan leh magaca ‘Qutham’ ee kunyo ahaanta nebiga aabbihi loogu yeeri jirey. Halkaana waxaa ka soo baxaya in nebiga labadiisa waalid ay wada noolaayeen ugu yaraan afar sano oo aysan waxba ka jirin in nebiga aabbihi uu geeriyoodey dhowr bilood ka dib markii uu Aamino guursaday.

Isku soo xooriyoo, waa muuqataa in Qutham ka mid yahay magcaantii nebiga, laakiin marag ku filan looma hayo in Qutham yahay magaciisii dhabta ahaa ee waaridkiis ay ugu walqaleen.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Sismail42@gmail.com