Niqaabku ka mid maaha diinta

Waqtigii Rasuulka haweenka muuminaatka ahi mayna xidhan jirin waxaan maanta loo yaqaano niqaabka ee wajiga qariya. Wajigu waa meesha dadku isku garto, qofka qariya wajigiisuna waa qof dafiraya shakhsiyaddiisa  aadaminimo oo raba inaan la garan, shakina kuma jiro inuu qofkaasi bulshada ammaankeeda halis ku yahay.

 

Shuruudda ansaxida salaadda iyo xajka waxaa ka mid asturka cawrada , wajiga dumarkuna maaha cawro u baahan in dadka laga qariyo,  sidaa darteed haweenayda uma bannaana sharciyan inay qariso wajigeeda xilliga ay Ilaahay hortaagantahay ee ay gudanayso cibaadada waajibka ah  sida salaadda maalin kasta joogta iyo markay gudanayso cibaadada xajka sharcigu uma oggola inay xidhato waxa loogu yeedho niqaabka.

 

Ummul-Mu’miniin Caa’isha RC waxay sheegtay:

 

“Asmaa’ binti Abii Bakar ayaa u soo gashay Nebiga-Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-iyada oo xidhan dhar khafiif ah markaasuu ka jeestay wuxuuna yidhi: “Asmaay haweenaydu markay caadada hesho –ee ay qaangaadho- ma habboona in laga arko intan mooyaane” (isagoo farta ku fiiqay wajigiisa iyo labadiisa cukur/gacmaha inta hore”.

عن عائشة رضي اللَّه عنها : أن أسماء بنت أبي بكر دخلت على النبيّ ( صلى الله عليه وسلم ) ، وعليها ثياب رقاق فأعرض عنها ، وقال : ( يا أسماء ، إن المرأة إذا بلغت المحيض لم يصلح أن يرى منها إلا هذا ) وأشار إلى وجهه وكفّيه

 

الجامع لأحكام القرآن للقرطبي – (ج 12 / ص 229)

الدر المنثور – (ج 6 / ص 181)

تفسير ابن كثير – (ج 6 / ص 46)

روح المعاني لمحمود الألوسي – (ج 18 / ص 141)

سنن أبي داود – (ج 2 / ص 460)

جامع الأصول في أحاديث الرسول للجزري – (ج 10 / ص 645)

سنن البيهقي الكبرى – (ج 7 / ص 86)

Sidoo kale Cabdillaahi ibn Cabbaas wuxuu yidhi:-

كان الفضل بن العباس رديف رسول الله {صلى الله عليه وسلم} فجاءته امرأة من خثعم تستفتيه فجعل الفضل ينظر إليها وتنظر إليه فجعل رسول الله {صلى الله عليه وسلم} يصرف وجه الفضل إلى الشق الآخر

{Fadlu bin Cabbaas wuxuu fangashaan – faraska la saarnaa- Nebiga-Naxariis iyo Nabadgelyo isaga iyo ehelkiisa korkooda Ha ahaatee- xajkii sagootiska, markaasaa waxaa u timid haweenay ka dhalatay reer Khathcam taasoo  Cilmi waydiinaysa, wuxuuna Fadal bilaabay inuu eego xaggeeda iyaduna eegto xaggiisa,markaasaa Rasuulka Ilaahay-Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- uu bilaabay inuu u jeediyo wajiga Fadal dhinaca kale}.

صحيح البخاري – (ج 2 / ص 657)

صحيح مسلم – (ج 2 / ص 973)

صحيح ابن حبان – (ج 12 / ص 287)

Arrintani waxaa laga fahmayaa inay gabadhaasi waji bannaanayd,haddaysan ahayn kumuuna indho go’een Fadal daawashada wajigeeda. Nebiguna-Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee muuna amrin gabadhii inay wajigeeda qariso balse wuxuu amray inuu Fadal Indhihiisa ka laabto sidii amarka Quraankuba ahaa.

 

Nebiguna-Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-  wuxuu  fari jiray dhammaan Muuminiinta iyo Muuminaatka inay laabaan indhahooda, waxaana odhan karnaa: Bani’aadamku wuxuu leeyahay dareemo tiro  badan, mid walbana dhan buu la xidhiidhaa;dhegtu codka ayay maqashaa,sankuna wuxuu uriyaa sinjiidha,carrabkana shaqadiisu waa hadalka iyo dhadhaminta waxyaabaha la cuno,Indhuhuna waxay arkaan waxyaabaha ilqabatada ah oo dhan.

laakiin waxaa qofka ugu leexin badan uguna jeedin badan xaga jinsiga waa dareenka araga, sidaa darteed ayuu Rabbi amray rag iyo dumarba  inay sameeyaan ka hortaga lagama maarmaanka ah,wuxuu faray labada dhinacba laabidda Indhahooda,wuxuuna gaar ahaan dumarka u faray inaysan muujinin quruxdooda/Xarragooda. Ujeedaduna waa in bulshada laga owdo meelaha anshax xumadu uga imaan karto, tusaale ahaan haddii haweenku muujiyaan xarragadooda iyo isku qurxintooda Raguna indhaha laaban waayaan waxaa dhici xaaladdaas halis wayn oo ku keenta bulshada dhibaatooyin dhaqanxumo iyo caafimaad darro,

laakiin maaddaama la amray dumarka inaysan ajaanibka u muujinin quruxdooda, raggana la amray inay ka laabtaan Indhahooda inta ka muuqata quruxda dumarka ma imaanayso wax dhibaato ku ah ummadda.

 

Guud ahaan, dharka dumarku waa inuu asturaa meelaha quruxda  jidhkooda, dhamaan jidhkeeduna wuxuu ka mid yahay quruxda la faray inaysan muujinin marka laga reebo intaan la qarin karin mooyee, intaasoo ah-sidaan soo sheegnay- wajiga iyo labada gacmood, waxay ka mid tahay dabacsanaanta diinta Islaamka iyo wanaageeda taasoo cidna aanan saarin wax dhibaaya.

Hussein Muse

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code