Qaxwaha: calmashada suufiyada iyo colaadda fuqahada!

 

“Rag waa shaah, dumarna waa sheeko”, waa oraah Soomaaliyeed oo dhegahayagu ay wax badan maqleen. Dhab ahaantiina shaaha iyo qaxwuhu waxay safka hore uga jiraan walxaha bila fadhiyada dadku isugu yimaadaan, oo fadhigii labo nin ku kulmaan- siiba haddii ay muslimiin yihiin – waxaa ku saddexeeya shaah ama qaxwe. Gabyaagii Falastiiniga ahaa ee Maxamuud Darwiish (1941-2008) oo xaqiiqadaas cabbirayaana waa kii lahaa:

“Qaxwaha degdeg looma cabbo, qaxwuhu waa waqtiga walaashiis, aayar baa loo fiiqsadaa, qaxwuhu waa codka dhadhamada, codka carafta, qaxwuhu waa feker iyo in nafta si hoose loola shawro, xusuusta waayahana dib loogu noqdo /القهوة لا تشرب على عجل، القهوة اخت الوقت تحتسى على مهل، القهوة صوت المذاق، صوت الرائحة، القهوة تأمل وتغلغل في النفس وفي الذكريات”. Kaftankii Xaajiyo Muriya Cali-na waa kii ahaa:

Waa karaahi Cali Aadan oo, waayey laba koobe

Kalwin maayo haasaawahoo, ways kanbalayaaye

Kurka intuusan seef iiga jarin, aan u kululeeyo!

Hayeeshee, shaaha iyo qaxwaha mar walba nabad laguma fiiqsan jirin, balse marar badan meelo kala duwan oo dunida ah waxay ka rideen colaad iyo nacayb dad badani naftoodii ku waayeen. Sidaan gadaal ka xusi doonnana dunida Islaamka waxaa soo maray waqti koob qaxwe ah dartiis loo shahiidi jirey.

Geedka bunka ama qaxwuhu waa geed cajaa’ibbo leh, oo barashada cabbiddiisa ay iska kaashadeen uuman kala duwan oo isugu jira nebiyo, malaa’ig, jin, dad iyo duunyo. Tusaale ahaan, wadaaddada suufiyadu waxay sheegaan in nebi Saleebaan (cs) uu yahay kan aadamiga baray cabbidda qaxwaha, waxayna wariyaan in nebi Saleebaan iyo wafdi la socday ay maalin soo mareen tuulo dadka ku dhaqan oo dhammi ay xanuunsan yihiin, markaana malag Jibriil baa nebi Saleeban wuxuu u sheegay in uu jinni ku amro in uu Yaman uga keeno miraha geedka bunka loo yaqaan ee dhulkaas ka baxa, marka jinnigu keenana uu biyo ku karkariyo, dabadeedna uu daawo ahaan dadka u cabsiiyo. Nebi Saleebaan sidii Jibriil u sheegay buu yeelay, dadkiina ruux kastaa markii uu qaxwihii kabbaday buu ka booday, oo dadkii tuulada oo dhammi waxay noqdeen sidii in aan weligood xidid xanuunin, tan iyo waagaasna qaxwaha waa la isku daaweeyaa.

Sheekadaan in la beeniyo khatar weyn baa ku sugan, waayo beeninteedu waxay waddada u xaaraysaa in la beeniyo sheekooyin badan oo kutubta diinta ku soo arooray, sida midda sheegaysa in jinni wax ilbiriqsi ka yar uu nebi Saleebaan carshigii Bilqeys Yaman uga keenay. In carshi la keeno iyo in bun la keenana waxaad mooddaa in carshigu dhib badnaan karo, waayo carshiga waxaa leh boqor ama boqorad intii itaalkooda ah difaacanaya (Waxaa xusid mudan in Muslimiintu ay Daa’uud iyo Saleebaan anbiyo u aqoonsan yihiin, halka Yahuuddu ay u arkaan in ay ahaayeen boqorro ee aysan anbiyo ahayn. Mararka qaarkoodna waxaa la yiraahdaa Saleebaan Yahuudda wuxuu ugu jiraa halka Haaruun al-Rashiid uu Muslimiinta ugu jiro).

Mar kale, wadaaddada suufiyadu waxay sheegeen in nebi Muxamed (scw) uu yahay qofkii ugu horreeyey ee abid qaxwe cabba, waxayna wariyaan in malag Jibriil uu galab arkay nebi Maxamed oo aad u murugaysan, ka dib markii Qureesh iyo guud ahaan carabtii Xijaas ay dacwadiisa beeniyeen, wacdi iyo waanana uu kala quustay. Markaana malag Jibriil baa nebiga qaxwe u dhiibay, nebiguna markii uu qaxwihii cabbay ayaa murugadii iyo wahabkiiba ka haadeen, wuxuuna helay farxad iyo firfircooni uu durba dacwadii dib ugu bilaabay. Tan iyo galabtaasna qaxwuhu wuxuu noqday cabitaan culumada fahmada iyo fekerka u fura iyo quud awliyada wardiga ku caawiya.

Nebi Maxamed (scw) waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Biyaha Samsamku waa wixii loo cabbo /ماء زمزم لما شرب له”. Wadaaddada suufiyada qaarkoodna waxay yiraahdeen: “Qaxwuhu waa wixii loo cabbo /القهوة لما شربت له”. Wadaaddo kale waxaa laga sheegay in ay ku doodeen in qaxwadu kulansatay sirta faataxada iyo biyaha Samsamka. Hadalkaas oo macnihiisu yahay in qaxwadu u barkaysan tahay sida faataxada iyo biyaha Samsamka, iyo in qofka qaxwada dhayalsadaa uu halis ugu jiro khaatumo xumo, maxaa yeelay qaxwada waxaa ku jira sir welinimo (=إن بها سرً ولي), ruux walbana wuxuu ka helayaa wixii uu cabbitaankeeda ula niyooday, oo haddii aad ula niyooto in aad fahmo ka hesho fahmad baad ka helaysaa, haddii aad caafimaad ula niyootana caafimaad baad ka helaysaa.

Iyaga iyo ku Allahoode, waxay sheegeen in wadaad reer Yaman ahaa oo la oran jirey Shariif Radiini uu mar siyaaro ku tagay xaramka Maka. Shariif Radiini wuxuu ahaa suufi ku falan cabidda qaxwaha, wuxuuna bilaabay in uu xaramka dhexdiisa qaxwe ku cabbo. Xilligaas xaramka waxaa madax ka ahaa wadaad ka mid ah dadka qaxwada xaaraanta ku sheega. Wadaadkaani markii uu ogaaday in Shariif Radiini uu xaramka dhexdiisa qaxwe ku fiiqsado ayuu xerow ardaydiisii ka mid ahaa wuxuu faray in uu Shariif Radiini u tago, una sheego in uu joojiyo qaxwaha uu xaramka ku dhex cabbo. Shariif Radiini amarka la siiyey hawraarsan buu uga jawaabay, laakiin waxaa arrinka dhibsaday xertii Shariifka iyo masaakiintii qaxwaha la cabbi jirey. Galabtii danbe wiilkii qaxwaha samayn jirey waxaa la faray in uu qaxwe badan sameeyo, masaakiintiina markay arrinkaas ogaadeen farxad bay la dhaceen, isla markiina golihii Shariif Radiini waxaa yimid xerowgii maalintii hore soo gaarsiiyey amarka qaxwaha loogu diiday. Xerowgu galabtaas cabiddii qaxwaha ayuu dhankiisa ka camirtay, isaga oo koob dheer haystana waxaa soo ag maray shiikhiisii  xaramka madaxda ka ahaa ee shalay farriinta ugu dhiibay Shariif Radiini. Shiikhu ardaygiisa wuxuu weydiiyey sababta ku bixisay in uu qaxwe la cabbo raggii la faray inuu u sheego in ay joojiyaan qaxwaha ay xaramka ku dhex cabbaan. Xerowgii wuxuu ku jawaabay: “Waxaan riyo ku arkay nebiga (scw) oo leh: Wiilkaygow Radiini xaq buu ku taagan yahay ee faraha ka qaad, oo qaxwihiisa u daa, lana cabba/رأيت النبى صىلى الله عليه وسلم وهو يقول: يا ولدي أترك الرديني فإنه على الحق، وأشربوا القهوة معه، وسلموا له”. Wadaaddada suufiyadu waxay kaloo ku doodeen in qaxwuhu uu yahay geed asal ahaan Eebbe uu ugu talo galay in muuminiintu ay aakhiro ku baashaalaan, laakiin Eebbe markii uu ogaaday tabardarrida ummadda nebi Maxamed ayuu u naxariistay, oo geedka qaxwaha ifka u soo saaray si Muslimiintu ay cibaadada ugu kaashadaan.

Yeelkadeede, aalaaba taariikhda qaxwaha waxaa laga bilaabaa sheekada arigii harsan waayey. Sheekoxariirtu waxay sheegaysaa in qarnigii 9-aad ee miilaadiga uu ari jire Itoobiyaan ahaa –(Dabcan Soomaalidu waxay ka mid tahay dadyowgii magacaan loo yaqiin, oo waagii hore ma jirin xad dunidu taqaan oo kala saara Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ee Geeska Afrika ku dhaqan)- maalin ku baraarugey in ay aad u korodhay firfircoonida arigii uu la jirey, kolkii uu ka fakaray sababtana wuxuu ku qancay in arrinku u noqonayo geedka arigu daaqay, wuxuuna bilaabay in uu tijaabo ahaan geedka u cuno, wuxuuna dareemay baraarug iyo tamar siyaado ah. Dabadeed, wiilkii ari jiraha ahaa sheekada geedka wuxuu la wadaagay wadaad Masiixi ahaa oo madax u ahaa wadaaddo ruhbaan ah oo mawlac ku khalaaweeya. Wadaadkii wuxuu cunay mirihii bunka, wuxuuna isku arkay fahmad iyo firfircooni siyaado ah, markaana wadaaddadii uu shiikha u ahaa oo uu horay u ogaa in ay ka caajisaan dhafarka iyo wardiga habeenkii ayuu wuxuu faray in ay geedkaas isticmaalaan. Mawlaciina wuxuu yeeshay nolol iyo firfircooni uusan horay u lahayn. Dadkii deegaankuna waxay ogaadeen saamaynta bunku leeyahay, halkaana waxaa ka bilowday barashada isticmaalka qaxwaha oo adeegsigiisu uu qaabab kala geddisan soo maray.

Itoobiyaanka ka dib, bulshada Yamanta ayaa lagu tiriyaa in ay yihiin bulshooyinka dunida kuwii ugu horreeyey ee barta dhaqanka cabidda qaxwaha, iyaga ayaana loo aaneeyaa in dhaqankaasi uu ku baaho dunida Islaamka inteeda kale. Sida la sheegana, wadaad suufi ahaa, oo Yamini ahaa oo la oran jirey Shiikh Abuu Xasan Cali bin Cumar baa wuxuu tagay dhulka Xabashida, muddadii uu dhulkaas joogayna wuxuu bartay cabidda qaxwaha, markii uu Yaman ku noqdayna wuxuu geeyey miraha geedka bunka. Bulshadii Yamantuna waa ka heleen bunka, dhulkooda oo cimilo ahaan beeridda bunka ku habboonaa darteedna, Yaman waxay noqotay xarunta bunka lagu beero, lagana dhoofiyo. Magaalada Mokha ayaana ahayd marsada laga dhoofiyo qaxwaha Yaman, magaca magaalada ee Mokhana (=Mocha) waxaa laga qaatay erayga ‘mocha’ ee qaababka qaxwaha loo sameeyo ka mid ah.

Dhaqankii cabidda qaxwuhu Yaman wuxuu uga gudbay dhulka Xijaas ee Maka iyo Madiino ay ka midka yihiin, iyagana wuxuu uga tillaabay Masar, Ciraaq, Iiraan, Shaam iyo Istanbuul. Afafka adduunka badankooduna waxay ammaahdeen eraygii carabiga ahaa ee ‘Qahwa’, oo waxay adeegsadeen erayada ‘Kahva, caffe, coffe,… iyo qaar kale oo asalkoodu eraygaas carabiga ah uu ka soo jeedo. Waxaana xusid mudan in erayga soomaaliga ah ee ‘makhaayad’, uu asal ahaan ka soo jeedo erayga carabiga ah ‘maqhaa’, oo ah magaca carabtu u taqaan rugta qaxwaha lagu iibiyo, laguna cabbo.

Erayga carabiga ah ee ‘Qahwa’, asal ahaan wuxuu ahaa magac ka mid ah magcaanta carabtu khamrada ugu yeerto. Waxaana loo badinayaa in cidda qaxwaha magaca u bixisay ay ahaayeen wadadaadda suufiyada oo iyagu ahaa Muslimiintii ugu horreeyey ee qaxwaha cabba. Shakina kuma jiro in cidda magaca bixisay ay maanka ku haysay saamaynta khamrada, magacuna uu xanbaarsan yahay isbarbardhig lagu samaynayo qaxwaha iyo khamrada. Sidaa awgeed, Muslimiintii carbeed ee ugu horreeyey ee qaxwaha maqlay, maankoodu wuxuu isku xiray khamradii horay loo yaqiin ee loo sheegay in diintu xaraamaysay iyo qaxwaha dhawaan la aragga ah, maadaama ay magaca wadaagaan, durbadiibana qaxwaha waxaa loo arkay nooc khamrada ka mid ah, wadaaddaduna sida caadada u ah iyaga oo aan waxba hubsan bay fatwo ka soo saareen, waxayna sheegeen in qaxwuhu uu ku xukun yahay khamrada iyo maandooriyeyaasha ay ka midka yihiin afyuunka iyo xashiishaddu, qofka cabba, kan u keena, kan kariya, iyo kan ka ganacsadaana ay karbaash mudanayaan,  cid walba oo si un uga shaqaysana ay nacaladi ku dhacayso, ciqaab iyo cadaabna ay mudan doonto.

Fuqahada soo saaray fatwada qaxwaha lagu xaaraameeyey waxay isugu jireen culumo ka kala tirsan afarta mad-hab ee fiqiga Islaama sunniga ugu waaweyn ee Xanafiyada, Maalikiyada, Shaaficiyada iyo Xanaabilada. Wadaaddadaasi waxay ku andacoodeen in qaxwadu ay la mid tahay khamrada iyo daroogada noocyadeeda kala duwan sida afyuunka iyo xashiishadda, xukunkeeduna uu yahay xukunka walxahaas. Tusaale ahaan, wadaad la oran jirey Shiikh Shihaabudiin Axmed al-Shiishiini al-Xanbali oo qaxwaha ka hadlay wuxuu yiri: “Cabitaanka la sheegayo haddii la badsado waa lagu sarkhaamaa, sidaa darteed haddii la yaraysto iyo haddii la badsadaba waa xaaraan, ruuxa cabbana xad baa ku waajibaya, qofkii u bareera in uu xalaaleeyo cabbitaankeeduna waa gaal /حيث كان الشراب المذكور يسكر كثيره حرم قليله وكثيره، ووجب على شاربه الحد، والذي أحل شربها بغير تأويل كافر “.

Wadaaddadu waxay dadaal badan ku bixiyeen in fikraddooda ay ka dhaadhiciyaan madaxdii dowladdii Cusmaaniyiintii Turkida oo xilligaas dunida Islaamka ka talinaysay. Dowladduna waxay soo saartay go’aammo lagu mamnuucayo cabidda qaxwaha. Sidaa darteed, qarnigii 10-aad ee hijrada- oo ku beegan kii 16-aad ee miilaadiga- magaalooyinka Qaahira, Maka iyo Istaanbuul waxaa ka socdey dagaal lagu hayey cabitaanka qaxwaha oo lagu sheegay in uu xaaraan yahay, qaar ka mid ah wadaaddada diintuna waxay soo saareen fatwo sheegaysa in “dadka qaxwaha cabba maalinta qiyaamaha la soo saari doono iyaga oo wejigoodu uu ka madow yahay salka kirliga qaxwaha lagu kariyo.” Muddo hillaaddii lixdan dabshid ahna dad badan baa loo karbaashey qaxwe ay cabbeen ama ay iibiyeen darteed, kuwo kalena waxay ku dhinteen rabshado ka dhashay cabidda qaxwaha, hanti badanna waa ku burburtay. Waxaana la gaalaysiiyey wadaaddo diiday in ay qaxwaha xaaraan ku sheegaan. Wadaaddada la gaalaysiiyey waxaa ka mid ahaa wadaad la oran jirey Shiikh Nuuradiin Naasir al-Shaafici, oo xilligaas ahaa muftiga magaalada Maka.

Wadaad suufi ahaa oo la oran jirey Shiikh Cabdiwahaab al-Shacraani oo la yaabay sida fuqahadu u canbaareeyaan qaxwuhuna wuxuu yiri: wadaaddadu waxay ku dhacaan denbiyada la isku waafaqsan yahay xaaraantinimadooda sida xanta iyo namiimada (=dad isku dirka), taas oo jirta haddana waxay dhibsadaan qaxwaha.

Murankii ka dhashay qaxwaha ee la xiriiray xalaal iyo xaaraan midka ay tahay, wuxuu keenay in culumada Islaamku ay ka qoreen dhigaallo isugu jira kuwa lagu weerarayo iyo kuwo lagu difaacayo. Dhigaallada laga qorayna waxaa ugu caansan dhanbaal dabshidkii 996kii hijrida uu qoray wadaad la oran jirey Shiikh Cabduqaadir bin Muxamed al-Ansaari al-Jasiiri oo cinwaankiisu yahay “Miidda ugu mudan ee xalaalnimada qaxwaha/عمدة الصفوة في حل القهوة”. Shiikh Cabduqaadir dhanbaalkaas wuxuu ku sheegay in wadaad Yamani ahaa oo la oran jirey Shiikh Jamaaludiin Abii Cabdullaahi Muxamed bin Saciid oo ku magac dheeraa ‘al-Dabxaani’ uu yahay suufiga kaalinka ugu weyn ka qaatay in cabbitaanka qaxwuhu uu Yaman ku faafo. Sida la sheegayna wadaadkaani wuxuu geeriyooday sannadkii 875 ee hijrada.

Waagaas waxaa caadi ahaa in la arko wadaaddada xisbada –ama samo faridda iyo xumaan reebidda- oo xaramka Maka dhexdiisa ka qabqabanaya dadka masjidka dhexdiisa qaxwaha ku cabbaya (=Akhristow hadda haddii goor galab ah –siiba galbaha Isniinta iyo Khamiista- aad tagto labada xaram ee Maka iyo Madiino, waxay u badan tahay in qofka ugu horreeya ee kaa soo hor baxaa uu gacanta kugu dhago, uuna kugu casumo koob Samsam ah, finjaan qaxwe ah iyo xabbado timir ah).

Maadaama islaamku khamrada xarrimay, muslimiinta badankoodu kuma dhacaan cabiddeeda. Laakiin sida aadanaha oo dhammi wixii loo diido ay niyadda uga jeclaystaan, baa muslimiin badani khamrada niyadda uga jecel yihiiny –(Msulim kasta naftiisu waxay u sheegaysaa in maadaama khamradu ay ka mid tahay walxaha ehlu jannada loo ballanqaaday, ay khamradu tahay shey wanaagsan. Diidmada ifka la isugu diideyna ma xanbaarsana macne xaaraamayn oo keliye, balse sidoo kale waxay xanbaarsan tahay macne ah soon ajar weyn laga helayo. Ajarka weyn ee laga helayo ka soomidda khamrada adduunyaduna waa in khamro badan oo tayo leh aakhiro lagu cabbo ‘لا يصدعون عنها ولاينزفون’). Sidaa awgeed markii qaxwaha la bartay, lana ogaaday in aan lagu sarkhaamayn, Muslimiin badan baa waxay u qaateen in qaxwuhu uu yahay nooc ka mid ah khamrada oo la mid ah midda jannada ee la sheegay in aan lagu sarkhaamayn.

Docda kale, magaca qaxwuhu dadka qaarkood wuxuu xusuusiyey jawigii golayaasha khamrada, waxayna bilaabeen in meelaha qaxwada lagu cabbo loo yeelo jawi la mid ah kan baararka khamrada lagu cabbo, oo laga helo heeso, muusig iyo haween. Dadka qaarkoodna markii ay qaxwaha ka waayeen sarkhaankii khamrada bay waxay bilaabeen in ay qaxwada ku daraan xoogaa khamro ah. Arrimahaasina waxay sii xoojiyeen tuhunkii wadaaddadu horay qaxwaha uga qabeen.

Si ka duwan fuqahada, wadaaddada suufiyadu waa soo dhaweeyeen qaxwaha, wuxuuna u galay booskii qaadka iyo xashiishadda, oo inkasta oo wadaaddada suufiyada qaarkood ay isticmaali jireen, haddana suufiyada badankoodu ay u arki jireen in ay yihiin walxo xun oo dhibkoodu uu dheeftooda ka badan yahay. Sida la ogyahayna, suugaanta suufiyada waxaa ku badan xusidda khamrada, maxaa yeelay suufiyadu waxay isku metalaan farxadda iyo jidbada (=الوجد الصوفي) ay ka helaan xuska Alle iyo anbiyada iyo sarkhaanka laga helo cabidda khamrada, waxayna ku maansoodaan in ay maxabbada nebiga la sarkhaameen ka hor intaan Eebbe abuurin geedka canabka ee khamrada laga sameeyo (=شربنا على ذكر الحبيب مدامة ….. سكرنا بها من قبل أن يخلق الكرم).

Waxaana la isku metelay fiiqsiga qaxwaha iyo dhunkashada haweenka oo labadaba waxtarkoodu uu niyadda ku xiran yahay. Dhunkashadu waxay xaraarad yeelataa marka la illoobo in haweenku hilib iyo dhiig ka abuuran yihiin, lana xasuusto catarkooda iyo ruuxdooda. Si taa la mid ah, qaxwuhu wuxuu waxtar yeesha marka aan niyoonno in fiiqsigiisu uu hurdada iyo wahabka ruuxdayada ka duulinayo.

Dadka Jasiiradda Carabta oo ku noolaa dhul saxare bannaan ahi, dharaarta waxay la kulmi jireen kulayl ba’an, habeenkiina dhaxan daran. Taa awgeed, carabku waxa ugu horreeya ee uu aroortii ku afbilowdo iyo waxa ugu danbeeya ee uu habeenkii afka saaro wuxuu ahaa qaxwaha- waa haddii uu heli karee. Qaxwuhuna carabta wuxuu u noqday astaan u taagan martisoor, oo tan iyo maanta carabta Jasiiraddu waxa ugu horreeya iyo waxa ugu danbeeya ee ay martida siiyaan waa qaxwe. Carabtuna qaxwaha waxay ka tiriyeen maanso badan, oo Soomaaliga maqlaa uu durba xasuusanayo meerisyada gabayga ah ee soomaalida qaarkeed ay Sayid Maxamed ugu abtiriyaan ee oranaya: “Wab markaan ka siiyaa indhaha wahab ka duulaaye, Ma wareero mana waasho raxmadna waan kala wareegnaaye!”

عرج على القهوة في حانها       فاللطف قد حل بندمائها

فإنه لاهم يبقى إذا                 قابلك الساقي بفنجانها

لا يوجد الغم بحاناتها            قد خضع الهمُ لسلطانها

…   …  … …

خليلي قوما نجتلي من زماننا    سلافة بن عسجدي منظم

إذا ذاقها المحزون أبدل حزنه   سرورا وابدى بالحديث المكتم

Bulshada carabta dhexdeeda, cabidda qaxwuhu waxay lahayd habdhaqan iyo maamuus ay tahay in la ilaaliyo. Carabtii reer miyiga ahayd waxay ku doodeen in shaahu yahay walax cusub oo aan xeer iyo habdhaqan lahayn, laakiin si taa ka duwan qaxwadu ay tahay walax soo jirtey oo xeerar iyo duquus u gaar ah leh (=الشاهي فن ماله من قن). Habdhaqanka qaxwuhuna wuxuu ismaandhaaf ka dhex abuuray bulshadii Carabta iyo wadaaddadii suufiyada. Wadaaddada suufiyada oo ka duulaya axaadiista nebiga laga wariyo ee sheega in midigta wax laga bilaabo, waxay dhiirrigeliyeen in marka golayaasha la joogo, ee ragga qaxwaha loo qaybinayo in laga bilaabo hadba ninka dadka qaybinaya midigta ka xiga. Si taa ka duwan carabtu waxay dhaqan u lahayd in wax qaybinta laga bilaabo dadka golaha jooga kuwa loogu sharfidda badan yahay. Tusaale ahaan, marka la joogo fadhiyada beelaha qofka loogu sharfidda badan yahay waa ugaaska beesha, sidaa darteed waa in isaga laga bilaabo. Sidaa awgeed, bulshada waxaa ka dhex abuurmay muran ku saabsan meesha qaxwaha qaybinteeda laga bilaabayo, ma midigta ayaa laga bilaabayaa sida wadaaddadu qabaan, mise waxaa lagu horraysiinayaa hadba qofka la sharfayo. Khilaafkaas waxaa lagu xalliyey in la niyeysto in midigta laga bilaabay, laakiin qofka midigta xigaa uu finjaanka sii gudbiyey si uu u gaaro cidda la sharfayo, dhaqankaas oo ah waxa badowda carabtu ay u bixiyeen “Gudbinta koobka/تعدية الفنجان”. Waa dhaqan aan filayo in Soomaalidu ay ka badsato carabta.

Caadooyinka kale ee carabta ee qaxwaha la xiriira waxaa ka mid ahaa in marka bunka la xammisayo in lagu duceeyo in Alle ka sawaabiyo ruuxda Shiikh Shaadali. Marka qaxwuhu bislaadana koobka ugu horreeya dhulkaa lagu qubaa isaga oo loola niyoonayo in ruuxda Shiikh Shaadali iyo awliyada kale ay kabbaysanayso, uuna yahay koob Shiikh Shaadali uu xaq u leeyahay. Shiikh Abuu Bakar bin Cabdullaahi al-Caydaruus al-Shaadali wuxuu ahaa suufi reer Yaman ah, oo la rumaysan yahay in uu kaalin weyn ka qaatay barashada cabidda qaxwaha. Meelo dunida islaamka ka mid ahna qaxwaha waxaa looga yaqaan magaca ‘Shaadali’. Sidaan ognahay, Soomaalida oo shaaha ka badsata qaxwaha, shiikh Shaadali shaaha iyo qaxwaha labadaba way la xiriiriyaan. Weliba shaaha allebariga loo sameeyo ayay Shaadali ugu yeeraan.

Qaxwuhu waa walax barakaysan oo daahir ah, sidaa awgeed qaxwaha  iyo qashirkiisa waa in lagu daadiyo meel daahir ah oo najaaso ka fog tahay. Marka qaxwaha la cabbayana waa in laga cabbaa tiro kisi ah (=tiro is dheer sida 1,3,5,7). Waayo nebiga waxaa laga wariyaa xadiis uu ku sheegay in Eebbe keli yahay, tirada kisida ahna jecel yahay “إن الله وتر يحب الوتر فأوتروا يا أمة القرآن”. Waxaana wanaagsan in koobka koowaad ee qaxwaha laga cabbayaa uu ahaado madow aan caano iyo sonkor midna lagu taaban (=القهوة السادة).

Sidoo kale, qaxwadu waxay lahayd munaasabado si gaar ah loo cabbo. Munaasabadahaas waxaa ka mid ahaa marka loo dabbaaldegayo xuska dhalashada nebiga iyo habeenka jimcadu soo galayso oo shubidda qaxwaha iyo marinta digriga hal mar la is waafajiyo. Marka qaxwaha la soo dhigo waxaa la qaadaa wardi badan oo uu ka mid yahay in tiro go’an lagu celceliyo “لا إله إلا الله ملك الحق المبين” iyo “يا قوي”, waana in la akhriyo aayado quraan ah sida faataxada, qul-huwallaha, aayad kursida iyo quraan kale.

Waxyaabaha meekhaanka qaxwaha hoos u dhiga ee loo baahan yahay in la iska ilaaliyana waxaa ka mid ah in la isku siiyo fiijaan ama koob mutaxan oo aan seesar wadan. Marka fiijaanka qaxwaha laga fuudana waxaa caadada carabtii hore ay ahayd in la rogo oo afka fiijaanka hoos la mariyo, taana waxaa ugu wacnaa dhawr sababood oo ay ka mid yihiin in qofka qaxwaha shubaya la dareensiiyo in la kaaftoomay oo aan loo baahnayn in uu qaxwe dambe shubo iyo in dumarka finjaannada qaxwaha ka faaliya loo fududeeyo in ay arkaan raadka qaxwaha si ay nasiibka qofka u saadiyaan -(Afgaanidu genbinta weelka wax lagu cabbay waxay u qaataan in cidda samaysay ay gabar ka doonayso cidda martida loo yahay, ee cabitaanka bixisay). In koobka qaxwaha lagu cabbay laga daalacdo waxa mustaqbalka dhici doona iyo qeybiyaadkana waxaa loo sababeeyaa in bilowgii hore ee barashada qaxwaha loo arkay walax diin la xiriirta, wadaaddada suufiyaduna ay ahaayeen kuwii dadka ugu hor bartay cabidda qaxwaha. Soomaalida oo ka mid ah dadka bunka iyo qaxwaha diinta la xiriiriya, naynaasaha ay ragga u bixiyaan waxaa ka mid ah ‘Bundiid’. Naynaastaas oo sida la malayn karo muujinaysa in qofka loo bixiyey diintiisa la saluugsan yahay, maxaa yeelay haddii uu ehlu diin yahay bun ma uu diideen. Bunka diiddadiisa diin la’aanta lagu sheegayna wuxuu isugu jiraa kan la fiiqsado iyo bunsharuurka la cuno.

Sidoo kale, bilowgii hore carabtu qaxwaha waxay u arkayeen walax ragga u gaar ah oo haweenku aysan meelna ka soo gelin, cabiddeeda iyo diyaarinteeda toona. Meelo badan oo dunida ah oo Soomaaliya ay ku jirto, isla fikraddaas baa ka jirtey, oo qaxwaha iyo shaaha waxaa loo arkayey in ay yihiin walxo ragga u gaar ah oo xaawaleyda iyo carruurtu aysan shaqo ku lahayn. Sida la qiyaasayana sababta ugu weyn ee sidaa loo yeelay waxay ahayd sabab dhaqaale, oo qaxwaha iyo shaaha la heli karay ma ahayn mid ka badan martida iyo odayga reerka –dabcan afadu marka ay saygeeda u kariso way la kabbaysan jirtey.

Markii qarnigii 17-aad uu qaxwuhu gaaray dhulalka dadka Masiixigu ay degaan, durba qaxwaha waxaa la la xiriiriyey muslimiinta, waxaana loo bixiyey magaca “Khamrada Islaamka” (Islamic wine /الخمر الإسلامي), maxaa yeelay ummadaha Masiixiga ahi waxay iska dhaadhiciyeen in qaxwuhu uu Muslimiinta ugu jiro kaalinka khamrada, malahaas oo aan been wada ahayn.

Wadaaddada Masiixiguna aad bay u canbaareeyeen cabbiddiisa, waxayna u bixiyeen magaca ‘Miraha Maxamed/حبة محمد’, waxayna ku tilmaameen in uu yahay cabbitaan sheydaan (=Satan’s drink and devil’s brew) oo loo baahan yahay in dhakhso looga ciribtiro dunida masiixiga ah, waayo waa geed Muslimiintu ay doonayaan in ay Masiixiyiinta ku khawaysiiyaan, diintoodana ugaga beddelaan. Tusaale ahaan, dhacdooyinka la sheego waxaa ka mid ah in dabshidkii 1637kii uu wadaadkii ugu sarreeyey kaniisadda Ingiriiska ee Canterbury uu xubnaha baarlamaanka dalkiisa ka dhiidhiciyey in qaxwuhu yahay geed sheydaan oo Turkidu (=Muslimiintu) ay doonayaan in ay diinta Masiixiga ku dumiyaan. Sida la sheegayna baarlamaanku wuxuu soo saaray sharci qaxwaha lagu mamnuucay, isla markaana qofka diinta Masiixiga ka baxa ee diinta Islaamka qaataa uu ciqaab ku mudanayo. Dadka qaarkoodna waxay ku doodeen in arrinkaasi uu ka qaybqaatay gacalada Ingiriisku ay ku soo dhaweeyeen shaaha. Laakiin markii sabanku isbeddelay, oo ummadaha adduunku isbarteen Ingiriisku waxay bilaabeen cabidda qaxwaha, Muslimiintii u tagayna waxay qaateen dhaqanka ah in duhurka ka dib koob shaaha la cabbo. Marka arrinka dhankaas laga eegana Ingiriisku Ingiriis ma ah, Muslimiintuna muslimiin ma aha.

Dalka Jarmalkana, khudbo Frederick 2-aad uu dabshidkii 1777 dadkiisa u jeediyey wuxuu ku yiri: “Waa wax laga yaqyaqsado in la ogaado kororka tirada raciyadaydu ay qaxwaha ka isticmaalaan, iyo tirada lacagta ah ee arrinkaas darti waddanka dibedda uga baxda. Dadkaygu waa in ay biir cabbaan. Boqorka biir baa lagu soo koriyey, kuwa uu ka soo tafiirmayna sidaas bay ahaayeen /It is disgusting to notice the increase in the quantity of coffee used by my subjects, and the like amount of money that goes out of the country in consequence. My people must drink beer. His Majesty was brought up on beer, and so were his ancestors.”

Dhanka kale, sheekooyinka kaftan dhablaha ah ee ay wariyaan waxaa ka mid ah mid oranaysa: wadaaddo Masiixi ah oo Alle darti u caraysan baa maalin waxay u tageen wadaadkii xilligaas diinta Masiixiga ugu sarreeyey oo magaciisa la oran jirey ‘Pop Clement viii’, waxayna u sheegeen in uu dhulka soo galay geed dhulka Muslimiinta laga keenay oo sheydaanku mu’miniinta u macaaneeyey, haddii inta goori goor tahay aan wax laga qabanna aan Masiixi danbe dunida lagu arkayn. Wadaadkii wuxuu codsaday in geedka loo keeno, markii loo keenayna wuxuu bilaabay in uu cabbo si uu u tijaabiyo saamayntiisa. Sida la sheegayna markii uu shan koob ka laacay ayuu wuxuu yiri: “Maxay baa cabbitaanka sheydaanku sidaan ugu macaan yahay, waxay noqonaysaa arrin laga shallaayo haddii gaalada keligood loo daayo in ay geedkaan isticmaalaan. Sheydaanka waan dhakraynaa, geedkaanna diintaan soo gelinaynaa oo waxaan ka dhigaynaa cabitaan Kirishtaan oo dhab ah /Why, this Satan’s drink is so delicious that it would be pity to let the infidels have exclusive use of it. We shall fool Satan by baptizing it and making it a truly Christian beverage!”

Fikraddii wadaadku si buuxda bay u hirgashay, oo maanta qaxwaha waxaa lagu tiriyaa cabbitaanka wadaaddada Kirishtaanku ay ugu badsadaan, marka laga yimaado biyaha caadiga ah. Wadaaddada Kirishtankuna iyaga oo ka duulaya dareenka ah in aan la hubin in qofku uu Ciise jecel yahay, laakiin la hubo in dadka badankoodu ay qaxwaha jecel yihiin (=You may not love jesus, bul almost everyone loves coffee” ayay dadka ay rabaan in ay diinta ku shukaamiyaan waxay ku casumaan qaxwe. Si taa la mid ah, wadaaddada Kirishtaanku iyaga oo ka duulaya in dadka inta aan mu’miniinta ahayn aysan subaxda Axadda Kaniisadaha tagayn, laakiin ay qaxwe u baahan yihiin bay waxay bilaabeen in kaniisadaha qaarkood ay ka ag furaan makhaayado qaxwaha laga cabbo, si ay dadka uga ugaarsadaan, diintana u soo geliyaan.

Qaxwuhu qarnigii 18-aad buu Yurub ku faafay. Xilligaas Yurub waxay ku jirtey sabanka loogu yeeray “Sabankii maanfurka /the age of enlightenment or the age of reason”. Meel kastana waxaa ka socday doodo iyo afkaar isdhaafsi, rugaha qaxwaha laga cabbaana waxay noqdeen madal aqoonyahannada iyo indheergaradku ay ku kulmaan, qaxwahana waxaa loo aqoonsaday in ay tahay walax maanka godlisa.

Dhanka kale, raggii ugu horreeyey ee Yurub  iyo Waqooyiga Maraykanka qaxwaha geeyey waxay u badnaayeen Yahuud. Sidaa awgeedna, marar badan dadyowga reer Yurub waxay xiriirin jireen qaxwaha iyo Yahuudinimada. Tusaale ahaan, dad baa waxay u haystaan in erayga ‘Hebrow’ ee Yahuuda loo yaqaan uu ka soo jeedo labada eray ee ‘He-Brews’ oo la isku dhejiyey. Laakiin dooddaasi sax ma aha oo magacu waa ka fac weyn yahay barashada qaxwaha.

Xogta maqaalkaan ku xusan inteeda badan iyo weliba ka dheeraad, akhristaha danaynayaa wuxuu ka helayaa buugga hoos ku lifaaqan ee “Duufsashada magaca: Taariikhda Qaxwaha iyo luqadda xaaraamaynta /غواية الإسم: سيرة القهوة وخطاب التحريم” ee uu qoray qoraaga Sacuudiga ah ee Saciid al-Surayxi. Shakina iigama jiro in akhristayaasha intooda sidayda oo kale qaxwaha ugu uunsadaa  ay akhrinta buuggaan ku raaxaysan doonaan, inta ay akhrintiisa ku guda jiraanna ay carafta qaxwaha si joogto ah sanka u la raaci doonaan. Saxansaxo udgoon badan sanka kuula raacaa!!!

http://www.kutubpdfcafee.com/kutubcafe1/kutub1/alkottob-com-pdf-0RFH8080.pdf

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42@gmail.com