Quraanku saynis ma aha!

Ilaahay, Sarreeye, wuxu Qur’aanka inoogu sheegay in maalmuhu, samaan iyo xumaanba, ay ummadaha dunida ku dhex wareegaan. Sidaa daraadeed guusha adduunyo ama guuldarradeedu ma aha wax gaal iyo islaan ku kala qoqoban. Inkasta oo lagaba yaabo in ay maalmaha adagi qofka Muslinka ah imitixaan u yihiin. Maalmahaasi waa kuwo u dhaxeeya ama ka dhaxeeya Bari iyo Galbeed, Waqooyi iyo Koonfur. Waynu aragnay taariikhda ummado shalay ilbax ahaa oo maanta eber ah iyo kuwo shalay eber ahaa oo maanta quwad iyo ilbaxnimaba leh:
(وتلك الأيام نداولها بين الناس) Taasina wax lala yaabo ma aha oo waa abuurta Alle iyo sunnaha nolosha ee uu Alle xigmaddeeda la keli noqday. In ay sidaa ahaataana waa sunne aanay cid wax ka beddeli kartaa jirin:
( ولن تجد لسنة الله تحويلا ) Waxa haddaba la is weydiin karaa xilligii Nebigeenna (CSW) uu noolaa dunida yaa xaddaaradda maaddiga ah iyo ilbaxnimada aqoonta hormood u gu ahaa. Xadiiska soo socda ayaa laga dhadhansan karaa in shiinuhu ahaayeen hormoodka ilbaxnimada farsamada iyo fikirka ku dhisan ee xiiligaas. Waayo Nebigeennii waxa laga hayaa cilmiga doonta, xitaa haddii uu Shiinaha idinka galo: (اطلبوا العلم ولو بالصين).
Halkaa waxad ka qiyaasi kartaa in xilligaas, inkasta oo Shiinuhu dhul ahaan ka fogaa deegaankii Xijaas ee Nebigeennu ku noolaa, haddana uu ummaddiisa amray in ay aqoonta halkaas lagu hayo u doontaan oo ka faa’iideystaan.
Sidaa daraadeed Nebigu si cad buu u kala qeexay kala duwanaanshaha aqoonta sayniska ah ee fikirka, falsafadda iyo farsamada ku dhisan iyo dhinaca kale aqoonta diinta ee caqiidada qofka ku dhisan, ee qofka jannadiisa ku hanuuninaysa. Maya’e aqoonta adduunyada waxa uu yidhi idinka ayaa iiga aqoon badan. Waxa tusaale ah markii uu Nebigu arkay reer Madiina oo timirta isku tallaalaya (Breeding system-ka) wuxu yidhi may iska daayaan, deeto markii uu warka Nebigu gaadhay way joojiyeen. Haddana sannadkii xigay markii ay timirtu yaraatay ee Nebiga sababta ay u yaraatay loogu sheegay in ay hadalkiisii ahayd waa kii odhan jiray: (أنتم أعلم بأمر دنياكم) Weliba xilliga uu Nebigu sidaas lahaa waa xilli uu waxyigu jiray oo uu ku soo degeyey. Nebiguna ma odhan kitaabkeenna ayey ku qoran tahay.
Sidaa daraadeed waa in aynu fahanno in aqoonta diineed ee caqiidadu ay qofka ku xidho sidii uu aakhiro liibaan iyo janno u gaadhi lahaa, aqoonta ka soo hadhayna ay qofka adduunkiisa iyo adduun araggiisa ay ku kooban tahay. Taas macnaheedu ma aha in qofku aanu aqoontiisa adduunyo uga faa’idaysan karin tiisa aakhiro, waaba ka soo horjeedka. Dhab ahaanna maanta qalabka is gaadhsiinta iyo farsadamada casriga ah ee ay sameeyeen dad innaga caqiido duwani ayeynu haddana uga faa’idaysannaa sidii aynu aqoonta caqiidadeenna iskaga sixi lahayn dacallada dunida meel aynu joognaba.
Si kastaba ha ahaatee Ilaahay markii uu samafalka iyo jannada ka sheekeyey wuxu ka danbaysiiyey in loo tartamo taas: (وفى ذلك فليتنافس المتنافسون) Haddaba goorma ayey bilaabantay in aqoonyahanka diinta ee muslinku ay diinta iyo kitaabka iyo sayniska isku mulaaqaan oo isku dhex qasaan. Waa beri dhawayd. Dadkaasi way og yihiin in 400 oo sanno ay aqoonta sayniska ahi ay taallay dunida muslinka oo ay muslimiin badani aqoonta sayniska hormuud u ahaayeen. Sannadahaas oo wax badan ka danbeeyey geeridii Nebiga. Haddaba haddii ay sayniska iyo diintu isku mid ahaan lahaayeen soo lama odhan karo saynisku wuxu ugu fiicnaan lahaa xilligii Nebiga ee ay aqoonta diintu ugu heerka sarraysay, mar haddii Nebigii iyo saaxiibadiisii hirgeliyey ay noolaayeen?
Jawaabtu waa saynisku waa aqoon gaal iyo Muslim ka dhaxaysa oo dadyawga ummadaha dhex taalla, kuna rumawda ama ku beenawda tajribo bani’aadam, oo muslinkuna wax badan ku darsaday, immika iyo mustaqbalkana wax badan ku darsan karo. Aqoontaas oo qofba dhanka uu doono ugu faa’idaysan karo, (Shar iyo khayrba) halka diintuna ka tahay caqiido qofka ku hagta dariiqa toosan. Dariiqa jannada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code