Quusta qabyaaladda

Qofka Soomaalida ugu qabyaalad badani waxa uu jeclaan lahaa in uu arko soomaalida oo dhammaantood hal dowlad ah oo nabadaysan. marka laga reebo qayb ka mid ah qabiilka Soomaalilaan la baxay oo jeclaan lahaa xudduuddii Ingiriiska oo Soomaalida kale ka madaxbannaan in ay helaan. Aragtida qaybtaas reer Soomaalilaan waxaa ka bulsho badan Soomaalida kale, sidaas darteedna waxa aannu wax ku salaynaynaa dadka badan. Waxa ay Soomaalilaan ka mid yihiin dadka ay ku saabsan tahay in qabyaaladda laga quustay oo aan maanta laga sii eegi karin nuxur ku sii haray, taasina waxa ay ina garansiinaysaa in uu maqaalkani haraynayo dad Soomaali la isku yiraahdo, oo xudduudii ingiriiska waxaa ka macne weyn in qabyaaladda isku nooc loo wada haysto. Qabyaaladda sida ay Soomaalidu u haystaan waxaa la moodaa in uu hal qof ku riyooday, oo sida waxyiga ama quraanka qof gaar ah laga soo weriyey, ee u ma eka wax ay dad ka la duwani allifeen.

Waxa uu qof kastaa jeclaan lahaa in uu ku noolaado ama ay dadkiisu ku noolaadaan geyiga Soomaalida oo wada nabad ah oo isku dal ah oo laga faa’iidaysanayo khayraadka dusha iyo khayraad gudaha, isaguna uusan wax walwal ah ka qabin in ay dad dulmiyaan ama ay musuqmaasuqaan. Sidaas isaga oo qofka Soomaaliga ahi u fakaraya ayuu qabyaaladda u ciirsadaa oo waxa ay u tahay duggaal uu difaacdo. Haddii ay afar qabiil iyo bar Soomaalidu ahaan lahaayeen waayo iyo ayaamo hore ayaa qabyaaladda laga bixi lahaa ee Soomaalidu ma ay aha qabiilooyin la koobi karo. Qof kastaa 30 oday buu ka tirsadaa qabiilkiisa kore, soddonkaas marxaladoodna mid kasta oo ka mid ahi waa qabiilooyin. Sidaas darteed ma ay jiraan labo qof oo Soomaali ah oo isku qabiil ahi, waana ay jiraan maaddaama oday soddonkaas ka mid ahi uu midayn karo. Waxaa la oran karaa qofka Soomaaliga ahi qabiil ma uu laha maaddaama uu marba soddonkaas oday midkood ku sheego reerka uu yahay. Wixii aan sheegitaan badan u baahnayn waa aynu ka gudbaynaa, oo waxaa la wada og yahay in uu reer kastaa ku sifoobayo aayadda quraanka ah oo munaafiqiinta ku sheegtay in loo malayn karo in ay wax isku og yihiin ama ay midaysan yihiin se ay quluubtoodu ka la tagsan tahay. Hubaal ahaan qabiil wax isku og ama ku ballamay ma ay jiraan oo qubanahaas liita ayey qoloqoladu u qamaamaan.

Waxa aynu uga sii gudbaynaa in qofka Soomaaliga ahi uu haddii la doorto qof ay hilib ahaan ama hayb ahaan isu xigaan ay gasho rajo ama naallo ah in uu dalku dhibta ka baxayo oo loo gudbi doono marxalad ah in la midoobo oo ka la tagsanaanta liidata laga baxo, la barwaaqoobo oo aan waxba la musuqmaasuqin, lagana faa’iideeyo khayraadka ay dalka ku sheegeen shisheeye iyo sokeeye, waxna la barto si wax loo qaban karo. Waxa uu jeclaystaa in uu Rabbi maalintaas ay reerkiisu dabka qaadeen Soomaalida mideeyo. Waxaas oo rajo ah maxaa qofka Soomaaliga ah geliya in uu xilka qabtay qof uu dareemayo in ay xigto wadaagaan ee ma aha in uu qabyaalad xanaf leh ama in uu dad kale xumeeyo uga jeedo. Waxaa la oran karaa waa in uu qabiilooyinka kale ka baqayey oo haddii ay awoodda reerkoodu hanteen uu isaga qof ahaan walwalkaas uu baqayey ka yaraaday oo uu dhufays xun ka soo baxay, ka dibna uu u gudbey heer kale oo ah in uu dalka wax ka hagaajiyo. Waxaa laga yaabaa in mar hore dareenka qofka laga soo buuxiyey in ay dowladnimadu tahay garoon ay qabiilooyinku isku dhagraan oo ay xaaraan tahay in qof aan la qabiil ahayni uu dalka iyo dadka daacad u ahaan karo. Haddii qofka hoggaanka loo dhiibey oo ay isku haybta yihiin uu ku tunto danaha ummadda ama uusan horukac keenin waxa ay reerkiisa la tahay in uu wax weyn qabtay. Indho la’aantaasi waa wax ”Caadifad” lagu magacaabo oo aan caqliga ku lahayn rug loo raro oo rasmi ah. Dhinac kale dadka aan qofka awoodda sare lagu aamminey la reerka ahayni waxa ay u arkaan in uu madaxweynuhu yahay khaa’inuwaddan cadow ah oo musuqmaasuq, lugooyo, qabyaalad iyo dhibaatooyin daran u horseeday Soomaalida. Waxaas oo dhan waxa ay hoggaamiyaha u xanbaariyaan isaga oo aan weli tillaabsan.

Labadaas aragtiyood oo cidaha ka yimaadaa in ay sidaas yihiin ama ay sidaas noqon doonaan hoggaamiye kastaa waa uu og yahay oo waxaa laga yaabaa in uu laftiisu naf ahaan isu buriyo dhanka laga jecel yahay, waayo waxaa lagu maahmaahaa ”Dhurwaagu ninkii usha ha laga daayo yiraahda ayuu xaggiisa u durkaa”. Waxaa la aamminsan yahay in uu waraabuhu afafka dadka fahmo. Waxaa kale oo meesha ku jirta in madaxweynaha laftiisa ay dhaleen labo Soomaali ahi, oo ay adeerradiis iyo ehelkisiisu ku abtirsadaan reer soomaali ah, isaguna uusan cirka iyo hawada sare baarashuud kaga soo degin ee uu weligiis iyo waaqiis ka mid ahaa dadka aynu ka hadlayno. Waxaaba laga yaabaa in uu aamminsan yahay in qabiilkiisu uu keenay in uu hoggaamiye noqdo oo haddii uu reer kale ahaan lahaa aan la doorteen. Sida la og yahay hoggaamiye kasta bulshada iyo baabka xeerka ayaa haga, oo filashada uu ummadda iyo shuruucdooda ka qabo ayaa jiheeya, ee qof iska suubban oo aan waxba ka haybaysan ee naftiisu ay wanaag uun tahayi ma uu jiro. In uu hoggaamiyuhu aragti dheer yahay shardi ma ay aha ee waxaa shardi ah in sharciga iyo shucuurta dadkiisu ay hagaagsan yihiin. Hoggaamiye qabiil loo la ka la safan yahay oo aysan cid sharci saxan ku qaadi kartaa jirini waxa uu noqonayaa qof ay hungurigiisa iyo hankiisa qof ahaaneed hagaan. Haddii ay dad sugayaan in uu mar uun soo bixi doono qof Soomaalida ka saara walaahowga iyo jahawareerku waa sugitaan uu magaciis ba’ay. In ay qayb dad ah ama dal hoggaamiye yeeshaan ma aha in uu hoggaamiyuhu naar ka saaro oo janno geeyo. Dadku waa in ay xeerar shaqaynaya, bulsho daneheeda ku baraarugsan, warbaahin fiican iyo wixii la mid ah yeeshaan. Dadku haddii ay danahooda bulsho ahaan uga ilduufsan yihiin ama aysan shuruucdooda iyo warbaahintoodu suubbanayn nacas kasta oo hogfo leh baa in uu hoggaamiyo oo uu hoosho haweysanaya.

Shinnidu waxa ay ka mid tahay dunqaarada kuwa loogu jecel yahay, waayo sancadeeda ayaa wanaagsan. Waxa aad isweydiisaa hoggaamiyuhu hawsha uu u qabto iyo ummaddeedu waxa ay qabtaan. ”Ilaahow madaxweyne khayr qaba na sii!” inta aad Rabbi amar ku siinaysid inta sacabbo aad ku duufsatey kor u taagtid Eebbe kaa uu aqbali mayo, ee waxaa kaaga fiican in aad wacyigaaga iyo wacyiga dadkaaga u dhistid in ay fahmaan danaha soomaalida. Eebbe ducada keli ah oo uu aqbalaa waa wixii macquul ah oo ay dadku kasbadaan. Haddii aad waxbaratid oo aad dhab u dadaashid, oo aad gaartid heer aad shaqayn kartid ducadaadu maqbuul bay noqonaysaa xataa haddii aad gaal mulxid ah tahay, laakiin mu’min kasta oo aad tahay haddii aadan waxba ka la garanayn ducadaada Eebbe ma uu oggolaanayo. Eebbe ama Waaq la ma weydiisto wax aan caqligal ahayn, mana uu yeelo. Mad-habka Shaafici aroor kasta waxaa la sameeyaa ducada qunuudda, laga mana aqbalo Soomaalida oo dhammaantood Shaaficiya ah. Eebbe xooggiisa korontadu waxa uu la shaqeeyaa in ay dadku wax qabsadaan ee hadal iyo sacabbo kor loo taagey waxa ay la mid yihiin qof sigaar cabbaya oo qaac buufiyey. Eebbe in kasta oo aynaan arag ee uu maqal uun inagu soo gaarey in laga gardarraadaa waa miskiinnimo iyo dawdhaaf. Baryadiisa in lagu daalo iyada oo aan wax la qaban ma uu jecla sida aannu male’awaalayno. Waraaq aynu duufka isaga tirno ma aynu samayn karno oo si gefsan baynu wax u qiyaasnaa, taasina waxa ay keentay in qoriga ugu liita ama ugu farsamo xun/duugsan ay niman koofurta Soomaaliya joogaa sheegeen in ay dhulka oo dhan ku qabsan doonaan. Waa caaddifad la heer ah midda qabyaaladda, waayo geedba mirihiisa ayuu dhalaa.

Quustu waxa ay keentay in la sheego in uu Maxamed Siyaad Barre ahaa qof fiican. Oraahaha sidaas u dhigan waxaa badanaaba sheega bulshada Muqdhisho iyo aaggeeda ku dhaqan oo ay gobollada kale ku xantaan in ay dowladnimada ku guuldarraysteen. Maxamed Siyaad waxa ay dad qalaad oo aan Soomaalida u ka la eexanayni ka qoreen in uu ahaa askari keligitaliye ahaa oo arxan darraa oo xukun jeclaa, dadkiisana uga tegey dagaal qabiil iyo colaado dabo dheeraaday. Run ahaantii Maxamed Siyaad u ma aynu baahnin in aynu cayno iyo in aynu ammaanno. Waxa uu ahaa cid kasta oo aan isyeelyeelini waa ay og yihiin. Haddii aynu jaalle Siyaad taallo u dhisno wiil kasta oo soo kacaa waxa uu ku hammin doonaa in uu isaga oo kale noqdo si uu maammuus u helo. Marka uu isaga baarana waxaa u soo baxaya nin bulsho cabburiyey, ka dibna ay bulshadii qaraxday oo ay isqasheen.

Hore waxa aynu taallo weyn ugu dhisnay Eebbe ha u naxariisto ee Maxamed Cabdulle Xassan oo ahaa maansoyahan weyn iyo dhiigyocab weyn oo arrimihiisa ay qabiilooyinku weli ku muransan yihiin. Muran hor leh in afarta beelood iyo barka aannu ka dhex furno u la ma aannu jeedno, ee dantayadu waa in markii Maxamed Cabdulle la buunbuuniyey ay dhallinyaro badani kaga daydeen habkiisii maanso iyo qallafsanaantiisii dhiigyocabnimo. Saddex arrimood uun baannu hoggaamiyahaas ku xusuusan karnaa, waana in uu Soomaalida layn jirey, dhici jirey, oo uu caayi jirey. Ajnebi uu gumaaday ama uu dhacay aad bay u yaraayeen marka run laga sheego. Dadka qalaad oo uu laayey waa farokutiris.

Shacabka reer Muqdusho oo aad u jecel madaxweye Maxamed Siyaad waa in ay hor iyo horraan soo celiyaan taalladii Maxamed-kii hore oo ay fuqsadeen oo ka mid ahayd taariikhaha ay dumiyeen, ka dibna ay taallo kale u dhisaan Maxamed-kii danbe oo ay jamanayaan. Shaki baa ku jira in haddii uu Maxamed-kii hore heli lahaa hubkii uu Maxamed-kii danbe helay ay Soomaalida wax ka noolaan lahaayeen. Sidaas darteed Maxamed Siyaad waa uu ka gacan qaboobaa Maxamed Cabdulle. Waxaa jira eedaymo qabyaaladeed oo ku andacooda in qabiilka ay labada Maxamed ku abtirsadaan ay gumaadka iyo cabburinta jecel yihiin oo ay labada Maxamed hidde reer ka duulayeen, laakiin wax caddayn ah u ma aannu hayno dooddaas qabyaaladeed maaddaama labo walaalo ah uu midba dabeecad lahaan karo. Qabiil guud ahaan loo eedayn karo iyo mid guud ahaan loo ammaani karaa ma ay jiraan, waxaana Soomaalida lagu sheegaa dad aan fakar ahaan iyo dhaqan ahaan waxba ku ka la duwaneyn. Haddii ay wax ku ka la duwan yihiin mar hore ayey heshiin lahaayeen, waayo reer kasta waxaa lagu xushmayn lahaa afkiisa iyo dhaqanhoosaadkiisa, ka dibna waxyaalaha yaryar ee ay wadaagaan baa la soo koobi lahaa. Dad aan waxba ku ka la duwanayni marka ay islaayaan wax la xalliyo la ma fahmi karo. Dad qalaad waxa ay sheegaan in hoggaamiyeyaasha qabiilladu ay saaxiib yihiin oo marka la isu keeno ay isku bururaan oo ay isjecel yihiin. Waxaa kale oo la ma illaawaan ah in ay Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan sidii ay miyiga ahaayeen ay isugu hoydaan. Hoyashada waxaa laga wadaa in qof aan la garanayni inta uu reer u yimaado xoolo loo qalo. Tuulo qurbe ah adiga oo qariib ah haddii aad qof Soomaali ah aragtid gurigiisa ayuu ku geynayaa. Waxaa laga yaabaa in uu furaha guriga kuu dhiibo oo aroorta aad baxaysid aad boostada ugu tuurtid. Waa nicmo ama dhaqan soomaalida u gaar ah oo uu qof kastaa midka kale u arko naftiisa oo kale.

Haddii aynu dib ugu laabanno Soomaalilaan dadka wax garadka ahi ma ay aamminsana in dalka la ka la gooyo ee arrimaha Muqdisho in aysan dhaweyn bay odayaal qabiilkaas ahi mar uun saadaaliyeen oo ay ka waswaaseen. Saadaashaas malaha wax baa ka jira oo weli la ma hayo wax beeninaya oo run ah. Kolley iyagu meeshooda ayey sii joogayaan inta ay koofurtu macne muujinayaan. Xagga horumarka dalku guud ahaan wax weyn is ma uu dhaamo. Anigu Hargeysa, Berbera iyo Burco dhawaan baan maray, dadkana diif saboolnimo oo weyn baa ka muuqata. Malaha sida kuwa Muqdisho ay hantida qaranka u xalaalaysteen bay madaxda Soomaalilaan xoolaha dadweynaha u bannaysteen. Sida ay bulsho weynta Hargeysa faqiir u yihiin qof tegey uun baa garan kara. Nabadgelyada iyo caddaaladdu dadka magaalada jooga u ma ay dhexeeyaan, loo lasow qabyaaladeed oo aan loo baahnayn baa ku dheehan.

Ugu danbayntii in qabyaaladda laga baxo iyo in saboolnimada laga baxo mid soo horraynaya Eebbe, rasuulka iyo awliyada keli ah baa garan doona. Ciddii nebiga iyo awliyada aan rumayn sida kuwa aakaha in ay Ameerika ku qabsanayaan Afgooye ka sheegana waa in ay u qaataan in uu Eebbe gaar la yahay aqoonta saboonimada iyo ilbaxnimada. Markii talo la waayo in dadka ilkaha lagu xagxagto bulshada danaysani waa ay ka cararayaan.

Shaafici Xasan Maxamed

dhalaandhuux@hotmail.com

 

2 thoughts on “Quusta qabyaaladda

  • October 14, 2016 at 12:10 pm
    Permalink

    Marka koowaad, qoraa Shaafici: Hambalyo waana geesinimada qoraalka.
    Marka 2aad, in kasta oo ay hanti guud noqotay, haddana “Dugsi ma leh qabyaalad” waxaa iska leh oo yaqaan Cabdullaahi Suldaan Timacaddee in lagu xusana 2 arrimood bay keenaysaa. Kow, in xigashada iyo libinta cidda leh la xuso; 2, iyo in dhallinta halgamayaashoodii la baro
    Soomaalilaan waxa at keentay xasillooni hortii in lagu mahadiyo waana qofnimo in bulshadu isu soo dhawaatana waa keenaysaa. Anigu ma qabo reer Soomaalilaan in cid kale ka jeceshahay Soomaalinimada. Haddana ceeb uma arko in kooxi tiraahdo: Qaska halkaas ka jira bannaanka baan ka joogaynnaa inta ay gafkooda saxayaan. Dhanka kale, walaalkaa kaa dadaal badan talo baa la weyddiiyaa si aad ula tartanto, ee in aad col la noqoto dadaalkiisana aad inkirto ilama habboonaa. Haddana gaf maammul yimaado waxa bulshada fuulayaa marka at ka gilgilan weydo.
    Qayb kasta oo dadaalkaas xasilloonida ah keentay baa Xusiddaas iyo la-tashadaas mudan.
    Igu qosla haddii aad rabtaan, balse Soomaalidu ma aamminsana beelaysi. Bal horta weyddiintaan afcelin ha loo helo? Meel kasta ha joogeene, maammul sinnaan ku dhaqma oo Soomaaliyeed bulshadu weligeed ma aragtay? Haddii afcelintu ay “Haa” tahay, halkaas baan ku haray. Haddii kale, Hiddesidaheeda (DNA) kuma jiro beelaysinimo ee danaysi iyo isbahaysi nololeed baan oran lahaa.
    Siyaad Barre iyo Sayidkii sooyaalkooda in runta laga sheego bay mudan yihiin. Barre, sida aan u arko, kas buu dalka u burburiyey. Aniga keli ah baa mar kasta toosan meelna kama shaqayso.

    Hal arrin baa qoraagu indhaha ka tuuray. Hammiga Soomaalida in dib loogu laabto oo si geesinimo leh wax loo cabbiro reer hebel ku dhibsan doonana aan sheegidda runta looga gabban.

    Reply
  • November 4, 2016 at 2:29 pm
    Permalink

    qoraaga hal mid ayaa ka khaldan ereyga somalida ama somalinimo . marka hore soomaali ama soomaalida ma jiro wax mamul ah oo ka dhaxeeya ila 60kii ila maanta . waayo soomaalida geeska afrika ku kala nool waa dowlado kala jaad maamulo kala duwan . markaa soomaaliland kuwaas ayuunbay ka mid tahay . mida kale hadii uu qoraagu soomaalida uu u yaqaano soomaalida somalia waxa aanu fahmin micnaha balaadhan ee ay xanbaarsatahay soomaalinimo . wuxunabn odhan laha hadii aad u soo tafa-xaydadid ama aad usoo ruqaansado inaad qalin iyo waraaq isdul marayso waxa la hilaadsha xaqiiqda halkay gondaha dhigaday . wuxuunba maqaalkaga iga soo baxday maahmaahdi odhan jirtay .( walalkaa fayna kuma ogala fil-darana wuu kugu caaya ) qabyaalada aad ka hadashayna qoraalka aad qortay ayay dul hoganaysa cadalad iyo sinaan meel lagu sheego aakhiro ayuunab maqlay anigu aduunka hadalkiisaba daaaaaa.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code