Roobka Necbiyaa.

Maanta cirka iyo dhulku way is haystaan. Roobka weyn ee da’aya awgeed cadceeddii ayaa weyday meel ay kasoo dalooshato daruuraha garbaha is gashaday. Dhexdooda waxa ka dhalanaya hillaac nuurkiisu indhahayga ka yaabshay oo hoggaaminaya shanqadh iyo hanjabaad uu wato onkodka daba socdaa. Dabcan anigu roobka kama helo. Anigu roobka waan necbahay. Dadka badankoodu way jecel yihiin, faa’iidooyinkiisa awgii. Aniga khasaare ayuu igu hayaa, sidaa darteed waa daw in aan naco. Maalinta uu roob da’o waxay ka dhigan tahay masiibo. Aan kuu jilciyo. Dadka ayaan wax ka helaa, dadka ayaan wax weydiistaa, dadka ayaan gacanta hoos dhigtaa. Mararka qaarkood waan shaqaystaa oo daasad baalash ah ayaan la wareegaa. Si kasta oo ay da’daydu u yar tahay, haddana waan xoogsadaa markay suurtagalka tahay. Islaan aanu jaar nahay derbiga aan seexdo, waxay igu qiyaastay 12 jir. Kolley waa runteed. Maxaan ka ogahay?

Maalinta roob da’o dadku waxba ma bixiyaan, haddii aan shaqaysan lahaana cidi waxba ma baalashaysato marka roob da’ayo. Waxaasoo dhanba mid baa igaga daran, meeshaan seexan lahaa daad baa qulqulaaya. Horto roobabku kala xunxune, mid baa ugu daran. Waa midka habeenkii da’a. Islaantaa aan idiin sheegayaana magacay iigu sheegtay waa gudgude. Alla gaadmo badanaa oo jecelaa inuu kaa nixiyo. Inta jeer ee uu i toosiyay aniga oo si wacan u hurda tiro maleh. Imisaan habeenka qaybtiisa dambe taagni aan ku dhammaystay. Imisaan sidaan u sugaayay inuu qaado uu waaga igu simay. Anigoo xaalkaygu halkaa marayo ayay isoo ag maraan dadkii guryahooda soo seexday oo “Ilaahoow waa mahaddaa” ku dhawaaqayaa. Barwaaqo aan ii tirsanayn ayay ku xamdinaqayaan. Barwaaqo aan barwaaqo aniga ii ahayn ayay ku farxaan. Anna barwaaqo kalaan xamdigeeda badshaa. Badhaadhahaygu waa goorta roobka la waayo. Alla maxaan dhergaa, oo si wacan aan u seexdaa. Muddo markaan sidaa ku jiro ayuu wadaad kadeedani salaad aan macnaheeda fahmi waayey oo roob-doon la yidhaa kolba uu ku dhawaaqaa. Inaan roobka gaajo ka qaado ayaanu wadaadku fahmin. In roobku dhulkaan seexanayay iga dhooqeeyo ayaanu wadaadku fahmin. Toloow markuu Ilaahay baryayo anna ducada ma igu daraa? Mooyidiisa. Kolley sariir ballaadhan ayuu ku seexdaa, hilib iyo waxaan la garanayna wuu isla dhacaaye muxuu dhibkayga ka og yahay.

Laakiin maanta aad baan u faraxsanahay. Wallaahi farxaddayda inaanan cid kale u sheegin, oo haddaan u sheego way iga xadayaan waxaa aan helay. Markaa idinka ayuun baan idiin sheegayaa. Awal hore dhulkaan goglan jiray, cirkana waan huwan jiray, laakiin caawa way ka duwan tahay. Caawa tii dhaxan ahayd isma arkayno. Caawa waxaan huwanayaa go’ shaal ah oo cusub, bacdiisii isaga ku jira saaka oday i hor socday dhulka kaga dhacay.

Ismaaciil C. Ubax

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code