Ruusoo: Feylasuufkii Masarka Xaday

“Xorriyad khatar leh baan ka doorbidayaa nabad addoonnimo weheliso.” Jean-Jacque Rousseau.

 

Feylasuufkii Joon-Jaak Ruusoo (= Jean-Jacque Rousseau 1712-1778), oo lagu tiriyo in uu ka mid yahay aqoonyahannadii saddexdii qarni ee u danbeeyey dunida soo maray kuwooda ugu caansan, waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Waagii aan cidina i aqoon, waxaan u jeeli jirey in dunida oo dhan la iga barto. Taas baa ahayd damaca iyo riyada qura ee aan lahaa, in dunida oo dhan la iga yaqaan. Weligay marna kama aannan fekerin waxa aan qaban doono markaas ka dib. Hadda oo dunida la iga yaqaan, waxaan dareemayaa in arrinku uu fashil yahay. Aad baan uga yaxyaxaa, imminka waxaan jeclaystaa in aan ka dhuunto, maxaa yeelay meel walba waa igu soo shamuumaan, meel kasta oo aan aado waa igu soo xoomaan imana siiyaan daqiiqad qura oo aan naftayda kula keliyeysto. Xataa waa in aan dhuunto marka aan gurigayga joogo. Aqalkaan aniga oo jooga baan waxaan ku riyoon jirey in aan noqdo qof caan ah oo la yaqaan, hadda oo aan caan noqdayna waxaan la ilmeeyaa doqonnimadii i haysay. Cimrigaygii oo dhan waxaan ku dhumiyey sidii la igu baran lahaa, haddana waxaan ka dhuuntaa isla dadkii aan jeclaa in ay i bartaan.”

Maqaalka oo PDF ah halkan ka akhriso

Ruusoo Feylasuufkii Masarka Xaday