Salaadda iyo seetaynta bisadaha

Sida la sheegay, wadaad Jabbaan ahaa baa waa macbad ka tujin jirey, ardayna wax ku bari jirey. Wadaadku wuxuu lahaa bisad uu jeclaa, laakiin bisaddu khushuucda salaadda bay ka dhabqin jirtey. Sidaa awgeed, wuxuu amray in xilliga salaadda bisadda la xiro. Markii wadaadkii geeriyoodey waxaa kaalinkiisii buuxiyey ardaygii ugu fariidsanaa xertiisa, oo isaguna halkii ka sii waday fulinta amarkii macallinkiisa ee ahaa in waqtiga salaadda bisadda la xiro. Bisaddii markii ay dhimatayna waxaa la keenay bisad kale oo iyadana sidii oo kale loo dabri jirey.

Facyaashii danbe ee macbadka ku cibaadaysan jireyna waxay u qaateen in xiridda bisaddu ay salaadda ka mid tahay. Wadaaddadii macbadkaas ka aflaxay qaarkoodna waa danbe waxay buug ku qoreen fadliga iyo waxtarka ku jira seetaynta bisadaha ee waqtiyada salaadda. Wadaaddadaas qaarkoodna arrinka waa ku sii talaxtageen oo waxay qoreen in seetaynta bisaddu ay arkaanta salaadda ka mid tahay, oo salaaddu aysan ansaxayn haddii waqtiga salaadda aan bisadi macbadka ku xinayn. Dad badan oo buugtaas akhristayna waxay bilaabeen in macaabiddooda ay bisado ku dhex dabraan. Dhawr qarni ka dibna, caadadaasi waxay ku baahday dadkii deegaanka oo dhan, jeer laga waayey macbad iyo mawlac aan bisadi ku xirnayn.
Caadadaas weli macaabiddu waa ku dhaqmaan, mana jirto cid dood iyo su’aal ka keentay. Maxaa yeelay? Sida awoowayaal hore ay ka dardaarmeen: “Caado laga tagaa caro Alle bay leedahay!”

Waxay u badan tahay in sheekadaani ay tahay ban-ka-dhis aan dhab ahaan u dhicin, laakiin farriinta ay gudbinaysaa waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo aan sina loo dafiri karin. Wax badan oo ka mid arrimaha ummadaha kala duwani ay dhaqanka iyo diinta u haystaan, asalkoodii hore waxay ahaayeen hadal ama dhacdo ulajeeddo iyo duruufo gaar ah lahaa, oo aan dhaqan iyo diin toona ka tarjumayn, laakiin markii danbe si aayar-aayar ah dhaqamada iyo diimaha ummadaha kaga mid noqday, ka dib markii facyaal badani isu tabiyeen, asalkii hore iyo sidii xaal ahaana la hilmaamay. Dabcan arrinku wuxuu sahlanaa ka hor intii aan la baran telefishinnada iyo interneetka, oo dunidu aysan noqon tuulo yar oo si joogto ah u kala warqaadata.

Tusaale ahaan, diinta hinduusiyadda waxaa lagu tiriyaa in ay tahay diimaha waaweyn ee dunida ka jira tan ugu filka weyn, da’deedana waxaa lagu qiyaasaa 5000 oo dabshid . Hinduusiyadda iyo diimaha kale ee ka farcamay -sida Buudiyadda iyo Jaynisimku- waxay caan ku yihiin weynaynta lo’da, ilaa heer la yiraahdo Hinduustu lo’da bay caabudaan.
Taas oo jirta, haddana waxaa la rumaysan yahay in dhaqanka caabudidda lo’da iyo in la diido cunidda hilibkeedu ay yihiin dhaqamo waayo danbe samaysmay, oo bilmatal caadada diididda cunidda hilibka lo’du waxay bilaabatay waqti ugu badnaa 2300 oo sano laga joogo. Taas oo macnaheedu yahay, in dadkii ugu horreeyey ee diintaan hindisay aysan aqoon xaaraamaynta hilibka lo’da, balse sida la caddeeyey bulshada Hinduustu – culumo iyo caamaba- ay kumanyaal sano cunayeen hilibka lo’da.
Bilmatal, waxaa la rumaysan yahay in waqtigii la qoray buugga ‘Rig Veda’ – oo loo arko in uu yahay kan ugu filka weyn buugta muqaddaska ah ee Hinduusta- ay Hinduustu cuni jireen hilibka lo’da. Buuggaas iyo kuwii ka danbeeyeyna waxay qoraan in hilibka lo’du uu yahay kan ugu wanaagsan ee martida lagu sooro, waxayna oranayaan: “Marka ay martiyi timaaddo, waa in la qalaa dibi ama sac si loo cuno /a bull or cow should be killed to be eaten when a guest arrives.”
Dabcan, haddii Hindidu ahaan lahaayeen bulsho geel ama doofaar dhaqda, raggii buugtaas qoray waxay sheegi lahaayeen in martida geel ama doofaar lagu sooro. Waayo? Nebi kastaa afka iyo afkaarta tolkiis buu ku hadlaa (=وما أرسلنا من رسول إلا بلسان قومه).

Yeelkadeede, goor danbe oo hillaaddii laga joogo labo kun oo sano ayaa waxaa bilaabatay fikradda sheegaysa in lo’du tahay noole barakaysan oo ay waajib tahay in xumaan oo dhan –oo dilku ugu horreeyo- lagala ajoodo. Sida la sheegana faafidda fikraddaani waxay ku qotontaa sheeko-xariir sidaan soo socota loo tebiyo;

“Waa waayaha ka mid ah, waxaa dhacday macluul ba’an, Boqor Prithu na wuxuu qaatay qaansadiisii iyo fallaarihiisii wuxuuna cayrsaday dhulka si uu ugu khasbo in uu dadkiisa quudiyo. Dhulkii wuxuu yeeshay muuqaal sac, boqorkana wuxuu ka baryey in uu naftiisa badbaadiyo; wuxuuna boqorka u ballanqaaday in haddii uu badbaadiyo uu dadkiisa oo dhan caano ka dherjin doono.” Tan iyo waagaasna dadka iyo lo’da waxaa ka dhexeeya heshiiskaas muqadaska ah ee dhigaya in lo’du dadka caano badan siiso, dadkuna ay ka caagganaadaan dilidda iyo cunidda hilibka lo’da.
Aqoonyahanno badan oo Hindi ahi waxay qabaan in caadada xaaraamaynta hilibka lo’du ay bulshada Hindida aad ugu xoogaysatay 300 ee sano ee ugu danbeeyey, faafiddeedana ay kaalin weyn ka qaateen wadaaddada xagjirka ah ee ajanebi iyo muslim nacaybku ay madax mareen. Wadaaddadu lo’da waxay ka dhigaan sidii in ay tahay aqoonsi iyo diin astaan u ah Hindiya iyo Hinduusinimada labadaba.

Dhanka kale, waxaa jira waxyaabo badan oo Muslimiintu hadda diin u haystaan, laakiin aan diin shaqo ku lahayn ee ah dhaqammo iyo caadooyin waayo danbe la diimeeyey. Tusaale ahaan, muslimiinta badankoodu waxay rumaysan yihiin in diyada haweenku ay tahay kala bar diyada ragga, oo wiilku waa boqollow, halka gabadhu ay kontonley ka tahay. Buugta fiqiga Islaamka oo dhan sidaa baa ku qoran, wadaaddaduna sidaas bay fatwoodaan. Laakiin marka arrinka la baaro waxaa la ogaanayaa in xugunkaani uusan Alle iyo rasuul midna ka sugnaan, balse uu ku bilowday qaab aan waxba kaga duwanayn sheekada seetaynta bisadaha.
Bulshadii Carbeed ee geel dhaqata ahayd, ee nolosheedu ay ku tiirsanayd geela la kala qaado, waxay rumaysnayd in wiilku ka waxtar badan yahay gabadha, dhibka gaaraya reerka wiil laga dilaana uu ka culus yahay kan gaaraya reerka gabar laga dilo. Maxaa yeelay, wiilashu geela tolka ayay difaaci jireen, geela beelaha kalena waa soo dhici jireen, laakiin si taa ka duwan gabdhuhu geela tolka ma difaaci jirin, midka beelaha kalena sooma dhici jirin, balse iyaga qudhooda baa khatar ugu jiray in la dhaco.
Wadaaddadii carbeed ee duruufaha iyo garaadka dadkooda xog ogaalka u ahaana waxay fatwoodeen in diyada haweenku ay tahay kalabar tan ragga. Xeerkaan quraan iyo xaddiis midna laguma salayn, balse waxaa lagu saleeyey baahida iyo dhaqanka bulsho waa meel ku dhaqnayd.
Muddo markii la joogayna, dad aan la socon duruufaha xeerkaan keenay iyo sidii uu ku bilawday baa waxay akhristeen buugtii la qoray, waxayna u qaateen in arrinku uu yahay xukun xag Alle ka yimid oo haddii la khilaafo lagu danbaabayo. Dhaqankaasna waxaa la geeyey meel kasta oo Islaamku gaaray, muslimiinna ku nool yihiin.

Diinta iyo dadku waa isla falgalaan. Falgalkaasna waxaa ka dhasha saamayn isweydaar ah, oo diintu dadka ayay saamaysaa, dadkuna diinta ayuu saameeyaa. Diintu waxay isku daydaa in ay dadka dhulka ka qaaddo oo ay samada geyso, dadkuna dhankooda maadaama aysan samada gaari karin waxay isku dayaan in ay diinta dhulka u la soo degaan. Dabadeed, waxaa dhaca gorgortan iyo in meel dhexe la isugu yimaado, oo bulshada iyo diinta oo mid walbaa uu wax ka tanaasulay, baa meel dhexe isugu yimaada, dhulkana ku saaxiiba.
Bulshada nolosheedu si joogto ah bay isu beddeshaa, isbeddelka qaab nololeedka bulshada ku dhacaana wuxuu keenaa isbeddel ku yimaada fahanka aadamiga ee ku aaddan dhammaan laamaha nolosha marka diinta lagu daro. Haddii Saraatushti, Muuse, Buuda, Ciise, Maani iyo Maxamed ay maanta qubuurta ka soo baxaan, wax qumman kama ay fahmeen diimaha dadka haystaa ay iyaga ugu abtiriyaan. Maxaa yeelay, dunida kama jirto diin aan si buuxda isu dhalanrogin.

Run ahaantii, waxaa jira labo fikradood oo aad isugu murugsan, oo kala ah dhaqan (=culture/الثقافة) iyo diin. Diin iyo dhaqan ma labo walxaad oo kala duwan baa mase waa isku walax qura? Midda kale, dhaqanka iyo diinta kee baa kan kale dhala, ma diintaa dhaqanka dhasha mise dhaqanka ayaa diinta dhala?
Guud ahaan, waxaa jira dad diinta iyo dhaqanka u arka labo shey oo kala duwan, laakiin si joogto ah isu saameeya. Waxaa kaloo jira dad qaba in diintu tahay qayb dhaqanka ka mid ah, weliba in ay tahay qaybta ugu weyn dhaqanka ama ruuxda dhaqanka, waxa qura ee la tartami karaana ay yihiin ciyaaraha –siiba kubadda cagta oo maanta astaamo diineed lagu arkay.

Hadal iyo dhammaantii, sheekada bisadda wadaadku waxay nagu boorrinaysaa in aan si joogto ah dib-u-eegid ugu samayno waxa aan qabanno iyo waxa aan rumaysanahay, had iyo goorna aan isweydiinno: Maxaan u sheegnaa waxa aan sheegno? Maxaanse u samaynaa waxa aan samayno? Waxa aan mar walba samaynaa weli ma ku habboon yihiin in ay na gaarsiiyaan hadafkii markii hore laga lahaa? Dhaqammadii ummadihii hore iyo xataa dhaqamada ummadaha kale ee naga deegaanka iyo duruufaha geddisani ma ku habboon yihiin duruufahayaga, mase bisad iyo doolli baan meel isugu keenaynaa???