Salafiyada iyo Suufiyada qoloba sidee u aragtaa haweenka?

 

“Ka digtoonoow in aad dumarka been u sheegto, waxay leeyihiin awood weyn oo ay ku dareemaan runta iyo karti badan oo ay isaga dhigaan sidii in aysan waxba ogaan.” Shakespeare.

Ummadaha adduunka oo dhan baa yaqiin in la kala sarraysiiyo ragga iyo haweenka. Ummadaha oo dhammina halgan bay u galeen, welina ugu jiraan sidii loo tirtiri lahaa faquuqa ay labku kula kacaan dheddigga. Waayo? Waxaa si buuxda loogu qancay in aysan jirin bulsho horumar samayn karta iyada oo bulshada barkeed la takoorayo. Takooridda haweenkana waxaa keena dhaqamada iyo sida diinta loo fasiro.

Macnaha nusuusta diinta la siiyo baa kaalin weyn ka qaata takoorka iyo duudsiga dumarka loo geysto. Wadaaddada Islaamka, Salafiyo iyo Suufiyaba marka ay ka hadlayaan arrimaha haweenka waxay ka duulaan macnaha la siiyo nusuusta diinta ee quraanka kariimka iyo axaadiista nebigu ay ugu horreeyaan. Maadaama ay isku wax ka duulaanna, aalaaba mawqifkooda haweenka ku aaddani aad uma kala foga.

Sidaas oo ay tahay, haddana marka arrinka si hoose loogu kuurgalo waxaa la ogaanayaa in waxuun kala duwanaan ahi ay labada qolo u dhaxayso. Kala duwanaantaasina waa mid ka dhalanaysa dhanka qolo kastaa ay xoogga saarto. Salafiyadu waxay xooogga saaraan arrimaha caqiidada iyo fiqiga, waxayna ku mashquulaan ka hadalka xalaasha iyo xaaraanta, waxa bannaan iyo waxa aan bannaanayn. Si taa ka duwan, Suufiyadu waxay xoogga saaraan dhinacyada ruuxaaniyadda, akhlaaqda iyo quruxda (=إن الله جميل يحب الجمال). Ragga iyo haweenkuna kuma kala duwana dhanka ruuxaaniyadda.

Salafigu wuxuu ku dadaalaa ilaalinta macnaha muuqda ee diinta (=Adaahir), halka Suufigu uu ku dadaalo ilaalinta nuxurka iyo macnaha qarsoon ee diinta (=Albaadin). Salafigu nusuusta diinta waa fasiraa, halka Suufigu uu ku dhiirrado awilidda nusuusta diinta, oo uu eego macnaha fog ee aayadaha iyo axaadiista, isaga oo adeegsanaya luqadda astaamaha iyo ishaaraadka.

Sida dhabta ahna, aadamiga maanta joogaa baahida u diinta u qabaa waxay ku jirtaa dhanka ruuxaaniyadda. Sideedabana diimaha waxaa asal u ah ruuxaaniyadda.  Doodaha caqiidada ee diimuhu waxtar la taaban karo aadanaha uma laha. Waayo doodaha caqiidadu waxay ku saabsan yihiin ummuuro qeybiyaat maqan ah (=Alle, aakhiro, jin, malaa’ig, janno, naar, iqk) oo kan sharraxayaa uusan wax qumman ku dhaamin kuwa uu u sharraxayo (=ما المسؤول عنها بأعلم من السائل). Eric Younès Geoffroy oo ah aqoonyahan Faransiis ah oo islaamayna buug uu qoray wuxuu cinwaan uga dhigay: “Islaamku wuxuu noqonayaa ruuxaani ama ma uu jirayo”. Run ahaantiina, ruuxaaniyaddu waa jiri kartaa diin la’aan, laakiin ma jirto diin jiri karta ruuxaaniyad la’aan.

Wadaaddadu marka ay dadka wacdinayaan dumarka waa neceb yihiin, laakiin marka ay gogosha joogaan waa jecel yihiin. Nacaybkaas xooggiisuna wuxuu ka dhashay dhaqamo la diimeeyey. Wadaaddada islaamka ee diinta fasiray waxay rumaysteen sheekoxariiro ay Yahuuddu allifeen. Waxaana la ogyahay in bulshada Yahuuddu aysan waayadii hore dhanka aqoonta wax badan uga duwanayn bulshadii Carabta ee ay deriska iyo ilmo-adeertaba ahaayeen.

Sida ummadaha kale oo dhan, bulshadii Yahuudda ee aqoonteedu ay koobnayd mar walba oo ay arkaan ifafaale ay fahmi waayaan, waxay isku hawli jireen in ay helaan macne loo qaateen ah oo ifafaalahaas lagu fasiro. Tusaale ahaan, waxay arkeen in bishiiba mar uu dumarka dhiig ku dhaco iyo in ay uur qaadaan, haddana foosha ay ku dhibtoodaan. Waxay kaloo arkeen in abeesadu ay caloosha ku xammaarato iyo in ay afka ciidda kula jirto. Ifafaalayaashaan iyo kuwo kaleba Yahuuddu ma aysan aqoon macne cilmi ah oo ay ku fasiraan. Sidaa darteed, khayaalkoodu wuxuu siiyey in ay falkiyaan sheeko macnaynaysa ifafaalayaashaas hortooda ka muuqda. Waa danbe sheekadaan iyo kuwo kale oo badan waxaa adeegsaday wadaadda Islaamka, waxayna ka mid noqdeen diinta islaamka, waxaana loo bixiyey magaca ‘Israa’iiliyaat’ ama ‘Sheeko yahuudiyeed’. Laakiin magaca loo bixiyey tusin uu maayo in aan la rumayn, laguna dhaqmin.

 

Sheekooyinka faraha badan ee Muslimiintu ay Yahuudda ka dheegteen waxaa ka mid ah kuwa sheegaya in Eebbe uu nebi Aadan abuuray isaga oo Alle u eg, in Xaawo laga uumay feerta Aadan, in nebi Ibraahim cabsi uu ka qabay Fircoonkii Masar darteed uu afadiisii Saara ugu sheegay in ay tahay walaashiis, sheekoxariirro badan oo ku saabsan doontii nebi Nuux iyo qaar kale oo badan.

Taana waxaa ugu wacan, in bilowgii hore ee Islaamka -(ugu yaraan 15kii sano ee Islaamka ugu horreeyey)- oo dacwada iyo doodda nebiga xooggeedu ay ku wajahnaayeen beelaha Carabta, siiba qabiilka uu ka dhashay ee Qureesh, uu nebigu isku dayey in uu soo dhawaysto Yahuudda. Sidaa darteedna, islaamku wuxuu ammaanay Yahuudda oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ummad Alle doortay oo ahlu kitaab ah, nibiyada oo idilna ay iyaga ka soo baxeen, axbaar iyo culumo wax taqaanna ay ka dhasheen. Bilmatal, magaca nebi Maxamed (scw) quraanka waxaa lagu xusay afar jeer oo qura, halka magaca nebi Muuse (cs) quraanka looga xusay 136 jeer.

Inkasta oo waagii danbe ee nebigu uu ku noolaa magaalada Madiino ay colloobeen beelihii Yahuudda ee ku dhaqnaa magaaladaas sida; Banii Qeynuqaac, Banii Qureyda iyo Banii Nadiir. Arrinkaasina uu keenay in nebigu uu isku dayey in uu Yahuudda kala noqdo ammaantii uu horay u huwiyey, oo bilmatal halkii nebiyada oo dhammi ay Yahuud ka ahaayeen, quraanku wuxuu sheegay in nebi Ibraahim oo lagu neynaaso ‘aabbaha nebiyada’, uusan Yahuudi, Nasraani iyo Mushrik toona ahayn, balse uu ahaa Muslim xaniif ah oo toosan )=مَا كَانَ إِبْرَاهِيمُ يَهُودِيًّا وَلا نَصْرَانِيًّا وَلَكِنْ كَانَ حَنِيفًا مُسْلِمًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ).

Hayeeshee, arrimhaasi waxba kama aysan beddelin sawirkii Muslimiintu ay horay Yahuudda uga qaateen ee ahaa in ay leeyihiin culumo diimaha ku xeeldheer. Sidaa awgeed, Muslimiintu raggii Yahuudda ahaa ee soo islaamay waxay ka dhigteen culumo ay diimaha wax ka weydiiyaan. Tusaale ahaan, waxaa la sheegaa in raggii Yahuudda ee islaamay oo ay ka midka yihiin Wahab bin Munabah, Kacab al-Axbaar, Tamiim al-Daari iyo Cabdullaahi bin Salaam ay islaamka fasiri jireen iyaga oo ka duulaya aqoontii ay u lahaayeen kitaabka towreedka. Afkaarta raggaanna waxay saamayn ku yeelatay saxaabada ay ka midka yihiin Cabdullaahi bin Cabbaas, Abuu Hureyra, Abu Dardaa iyo Cabdullaahi bin Camar bin Caas. Raggaan saxaabada ahina waa kuwa sida weyn diinta Islaamka u fasiray.

Taariikhyahankii Cabdiraxmaan bin Khalduun (1332-1406) buuggiisa caanka ah ee “Muqaddimah”, wuxuu ku xusay sababta buugta tafaasiirta Islaamka ay ugu badan yihiin sheekooyinka Israa’iiliyaatka ah ee laga wariyo Yahuudda, wuxuuna yiri: “Sababta taa keentay waa in Carabtu aysan ahayn dad buug iyo aqoon leh, ayna ka qaalib noqdeen reer guuraanimada iyo akhris-dhigaal la’aantu, haddii ay damcaan in ay wax ka ogaadaan waxyaabaha nafta aadamigu ay damacdo in ay ogaatana, sida bilowgii abuurka iyo siraha jiritaanka, waxay wax weydiin jireen kuwii hortood buugta lahaa oo ay ka faa’iideysan jireen, waana Yahuuddii Towreedka lahayd iyo kuwa diintooda raacay ee Nasaarada ah.”

Iyada oo kooban, Muslimiintii carbeed ee diintu ay ku cusbayd, waxay is tuseen in ay wax ka kororsan karaan aqoontii iyo khibraddii diinta ee Yahuudda, taana way ku saxsanaayeen, laakiin facyaashii danbe ee Muslimiinta ayaa waxaa looga baahnaa in ay iska shaqshaqaan dhaxalka diineed ee soo gaaray. Ayaan darro, taasi ma dhicin, oo Muslimiintu in badan oo ka mid ah sheekoxariirihii Yahuudda ayay u qaateen waxyi  samada ka yimid. Tusaale ahaan, imaam Tabari oo ka mid ah culumada waaweyn ee quraanka fasiray, marka uu ka hadlayo qisada Aadan iyo Xaawo, wuxuu soo xiganayaa sheeko Muslimiintu ay ka maqleen nin la oran jirey ‘Wahab bin Munabah’ oo ahaa Yahuudi diinta islaamka qaatay. Tabari wuxuu yiri:

“Kolkii Eebbe uu Aadan iyo Xaawo jannada dejiyey, geedkana uu ka mamnuucay, geedku wuxuu lahaa laamo faalalay iyo miro ay malaa’igtu cunto si ay u waarto, waana isla miraha Eebbe uu Aadan iyo Xaawo u diiday in ay cunaan. Markii Ibliis uu damcay in uu duufsado Aadan iyo Xaawo, wuxuu galay uurka abeeso, waagaas abeesadu waxay lahayd afar addin oo u eg kuwa geela, oo ay ku laafyooto, waxay ahayd uunka Alle midda ugu qurxoon. Goortii abeesadu ay jannada gashay ayaa ibliis caloosheeda ka baxay, wuxuu qaatay mirihii geedkii Eebbe Aadan iyo Xaawo u diiday, wuxuu u yimid Xaawo, wuxuuna ku yiri: Eeg geedkaan, maxaa ka udgoon, maxaa ka macaan, maxaase ka qurxoon, Xaawo waa qaadatay, waana cuntay, dabadeedna waxay la aadday dhankii Aadan, waxayna ku tiri: fiiri geedkaan maxaa ka carfoon, maxaa ka macaan, maxaase ka qurxoon! …

Halkaas markii hadalku u marayey, ayaa Ibliis Aadan wuxuu u damac geliyey Xaawo, Aadanna wuxuu u yeeray Xaawo, Xaawana waxay ku tiri: maya jeer aad halkaan timaaddo, kolkii uu u tegayna waxay ku tiri: maya jeer aad geedkaan cunto, kolkii ay cuneenna cawradoodii ayaa u muuqatay (=فأكلا منها فبدت لهما سوءاتهما), Aaddana geedkii buu ku dhex dhuuntay, waxaana u dhawaaqay Rabbigi oo ku yiri: War Aadan ku mee? Wuxuu yiri: Rabbiyow halkaan baan joogaa, wuxuu yiri: miyaadan soo baxayn? Suu ye: Rabbiyow waa kaa xishoonayaa… Dabadeed, Eebbe Xaawo ayuu wuxuu ku yiri: Adiga ayaa dhagartay addoonkayga, uur kasta oo aad qaaddo waad ku dhibtoonaysaa, fool kastaana geeri bay qarka kuu saaraysaa. Abeesadiina wuxuu ku yiri: adiga ayaa ah midda malcuunku uu caloosheeda galay ilaa uu ka khatalay addoonkayga, nacalad baa kugu dhacday, addimahaagu uurkaaga bay ku aruurayaan, risqi aan carrada ahaynna arki aad maysid. Bani’aadamku col bay kuu yihiin, adiguna col baad u tahay, meeshii aad mid ku aragto boqonta baad ku dhegaysaa, iyaguna meeshii ay kugu arkaanna madaxa ayay ka bashaqinayaan…”

Quraanku sababta aadanaha jannada looga soo saaray, si gaar ah Xaawo uguma eedayn, haddana Muslimiintu meel ay joogaanba eedda arrinkaas Xaawo iyo gabdhaheeda ayay dusha ka saaraan, waxayna curiyeen sheekooyin badan oo eedaynta dumarka loo daliishado. Sheekooyinkaas mid ka mid ahi waxay leedahay:

Eebbe wuxuu yiri: Aadanow maxaa kugu bixiyey in aad geedka cunto?

Aadan: Eebbow dhanka Xaawo baa la iiga yimid.

Eebbe: Waxaa igu waajibay in bishii aan mar dhiig ka keeno, waxaa kaloo igu waajibay in aan doqon ka dhigo, aniga oo markii hore abuuray iyada oo garaad leh, waxaan kaloo ku dhibayaa foosha halkii ay dhib la’aanta ku ummuli jirtey. Tan iyo waagaasna dumarka waxaa lagu bartay in caqligooda iyo diintooduba ay yar yihiin (=ناقصات عقل ودين).

Waxaa kaloo la wariyey sheeko oranaysa: “Eebbe Aadan wuxuu abuuray isaga oo aan gar lahayn, Xaawana ma ixtiraami jirin, kamana cabsan jirin. Sidaa darteed, Aadan Eebbe ayuu u cawday, wuxuuna ku yiri: Eebbow Xaawo i ma ixtiraamto, igamana cabsato. Eebbe markuu maqlay ashtakada Aadan, wejiga ayuu timo uga yeelay, Xaawana markii ay aragtay wejiga Aadan ee dufta leh, baqdin iyo heybad bay dareentay, wixii saacaddaas ka danbeeyeyna Aadan eray uu dhibsado kuma aysan oran, tan iyo waagaasna Xaawaleydu garka ragga waa ka heebaystaan.”

Sheekooyinkaani waa kuwo ay allifeen wadaaddada Yahuudda iyo ummadihii hore ee aqoontoodu ay koobnayd, laakiin Muslimiinta, siiba wadaaddadu waxay u haystaan in ay ka mid yihiin diinta Islaamka, in badan oo ka mid ahina waa ku qanacsan yihiin.

Tusaale ahaan, wadaaddada Salafiyada iyo kuwa Suufiyadu waa isla oggol yihiin in Xaawo laga uumay feerta nebi Aadan, laakiin waxay isku khilaafsan yihiin hadafka iyo xikmadda ka danbaysa ee feerta Aadan looga abuuray.

Wadaaddada salafiga ahi in Xaawo feerta Aadan laga uumay waxay ku macneeyaan in uu yahay arrin muujinaya qallooc iyo hoosayn haweenku ay ragga ka hooseeyaan iyo in ulajeeddada loo abuuray ay tahay in ay ragga u adeegaan, kana danbeeyaan. Dooddoodana waxay u daliishadeen weero ay ka mid yihiin xadiiska nebiga carrabka loogu tiray ee sheegaya in haweenku xagga caqliga iyo xagga diinta labadaba ay naaqus ka yihiin.

Si taa ka duwan, wadaaddada suufiyada qaarkood arrinka waxay ku fasireen in meesha Xaawo laga abuuray ay tahay meesha wadnaha Aadan ugu dhow, wadnuhuna uu yahay xubinta gacalada iyo jacaylka, taasina ay marag u tahay sababta raggu ay dumarka u calmadaan iyo in haweenku ay yihiin halka gacalada iyo naxariistu ay ka beermaan. Suufiyadu waxay qabaan in feerta Xaawo laga uumay aysan daliil u ahayn qallooc iyo liidasho balse ay marag u tahay gacalo iyo wanaag.

Waxaa xusid mudan, in dunida oo dhan astaanta caddaaladda laga dhigo haweenay gacanta bidix miisaan ku haysata, gacanta midigna seef, indhuhuna u xiran yihiin (=Lady Justice). Sababta nin looga dhigi waayey ee haweenay loogu doortayna waxaa lagu fasiraa in qalbiga haweenku uu ka raxmad badan yahay qalbiga ragga.

Suufigii weynaa ee Ibnu Carabi (1165-1240 ) isaga oo ka faalloonaya xadiiska nebiga ee yiraahda: “Dunidiina saddex baa la iga jeclaysiiyey: dumarka, diibka (=cadarka ama udugga), ishayda qabowsigeedana waxaa laga dhigay tukashada /حبب إلي من دنياكم ثلاث: النساء والطيب وجعلت قرة عيني في الصلاة”, ayuu wuxuu isweydiiyey sababta nebigu (scw) uu dumarka u soo hormariyey, salaaddana u dib dhigay?

Ibnu Carabi weydiintaas wuxuu uga jawaabay in raggu ay haweenka u hiloobaan sababtuna ay tahay in haweenku ay yihiin qayb ragga ka mid ah, haweenkuna ay ragga u hiloobaan maxaa yeelay raggu waa asalka haweenka. Sidaa darteedna la yaab ma leh in nebigu uu jacaylka haweenka ugu horraysiiyo, waayo aalaba dadku naftooda waa jecel yihiin  (=فما وقعَ الحبّ إلاّ لمن تكوّن عنه، وقد كان حبّه لمن تكوّن منه وهو الحقّ).

Mar labaadkana wuxuu isweydiiyey: Ma waxay kula tahay in la jeclaysiiyey wax Rabbigiis ka fogaynaya?! Dabadeedna wuxuu isugu jawaabayaa: “Eebbaan ku dhaartaye maya! Balse waxa la jeclaysiiyey wax Rabbigiis u dhaweynaya /أترى حبب إليه ما يبعده عن ربه؟! لا والله! بل حبب إليه ما يقربه من ربه”.

Si kastaba ha ahaatee, culumada baara sheeko-xariiraha qaarkood waxay qabaan in sheekada feerta la sheego in Xaawo laga uumay ay asal ahaan ka soo jeeddo sheeko-xariir ay lahaayeen Soomaridu. Sheekoxariirta Soomariduna -iyada oo kooban- waxa ay oranaysaa sidatan:

Jasiiradda Dilmun waxay noqotay janno kaddib markii Ilaah Anki oo ah ilaaha roobku uu la midoobay Ilaahadda dhulka ee Ninhursag -oo sidoo kale loo yaqaan Ninmah iyo Damgalnuna. Hayeeshee waa danbe, Ninhursag waxay u carootay ninkeeda kadib markii uu idan la’aan cunay siddeed geed oo ay iyadu lahayd. Ninhursag waxay lacnadday saygeedii Anki oo ay ku tiri: “Jeer aad ka dhimato indhahayagu is arki maayaan.”

Maadaama Anki uu la xanuunsaday nacaladda ku dhacday darteed, uuna ahaa ilaaha roobka, ilaahyadii kale waxay dareemeen in roobkii uu yaraaday, abaar iyo gaajana ay ku soo fool leeyihiin, sababtuna ay tahay tabar yarida ku timid Anki. Sidaa awgeed, ilaahyadii kale Ninhursag waxay ka baryeen in ay iska cafiso saygeeda Anki, si ay taa uga dhaadhiciyaanna waxay la kaashadeen dawaco ay lahayd oo sirteeda oo dhan taqiin. Dabadeed Ninhursag waxay abuurtay siddeed ilaah oo dheddig oo mid kastaa ay ku qaybsan tahay daaweynta mid ka mid ah siddeedda cudur ee Anki uu ka qaaday siddeedda geed ee uu cunay.

Siddeeddaas cudur midkood wuxuu ahaa cudur kaga dhacay feerta xabadkiisa. Ilaahadda ku takhasustay daaweynta feeraha magaceeda waxaa la oran jirey “Ninti” -oo macnihiisu yahay ‘marwada noolaysa’- waxayna ku guulaystay daaweynta feertii ilaahii jirranaa ee Anki.

Sida culumada sheekoxariiraha qaarkood ay qabaan, wadaaddada Yahuuddu sheekadaan Soomarida bay ka qaateen sheekada lagu xusay buugga towreedka (= The Old Testament) ee tiraahda: “Eebbe Aadan wuxuu u keenay hurdo uu la suuxay, Eebbana wuxuu qaatay mid ka mid ah feerihiisa, booskeediina wuxuu ku buuxiyey hilib, Eebbana feertii uu Aadan kala baxay wuxuu ka abuuray haweenay uu Aadan siiyey, ..Wuu weheshaday, iyaduna waa ay weheshatay.” Haweenaydaasna waxaa loo bixiyey Xaawo (= culumadaani waxay rumaysan yihiin in magaca Xawaa ee Cibriga iyo Araamiga ahi uu la macne yahay kii Soomariga ahaa ee Ninti ee macnihiisu ahaa ‘noolayso’).

Diimaha Masiixiga iyo Islaamkuna waxay qaateen sheekadii lagu xusay buugga Towreedka. Laakiin sida muuqata sheekada labo jeer baa wax laga beddelay, oo Yahuuddu halkii Ilaahaddu feerta Anki ka dawaysay waxay ka dhigeen in Xaawo feerta Aadan laga uumay, Muslimiintuna feerta Xaawo laga uumay ee Yahuuddu ay sheegeen bay waxay ku tilmaameen in ay ahayd feer qalloocan (=الضلع الأعوج).

Dhanka kale, wadaaddada Salafigu waxay qabaan in haddii ruux haween ahi ay hor marto nin tukanaya ay salaaddu ka burayso, waxayna cuskadaan xadiis nebiga afka loogu tiray oo yiraahda: “Salaadda waxaa jebiya dumarka, dameerka iyo eyga /يقطع الصلاة: المرأة والحمار والكلب”. Si taa ku lid ah, wadaaddada Suufiyada ee uu ka midka yahay Ibnu Carabi waxay qabaan in ay bannaan tahay in haweenku ay ragga salaadda tujiyaan. Ibnu Carabi wuxuu yiri: “Dadka waxaa ka mid ah qaar banneeyey in guud ahaan dumarku ay tujin karaan ragga iyo haweenka, aniguna sidaas baan leeyahay, waxaana jira qaar gebi ahaanba diidey in ay imaam noqdaan iyo qaar banneeyey in haweenka oo qura ay tujiyaan /فمن الناس من أجاز إمامة المرأة على الإطلاق بالرجال و النساء وبه أقول ومنهم من منع إمامتها على الإطلاق و منهم من أجاز إمامتها بالنساء دون الرجال”.

Wadaaddada Salafiyadu waxay qabaan in haweenku ay yihiin cawro iyo fidno ragga baadiyeeya. Waxayna mideeyaan dumarka, dhagarta iyo sheydaanka (=إن كيدكن عظيم). Sidaa awgeedna, waxay ku taliyaan in la dedo, oo xijaab iyo indho-shareer loo xiro, isla jeerkaasna guryaha lagu hayo, bixidna aan loo oggolaan marka laga reebo labo goor oo kala ah; marka la guursado ee saygooda loo gelbinayo iyo marka ay dhintaan ee qabriga loo sido. Wadaadkii Ibnu Jawsina buuggiisa “Dhagarta Ibliiska /تلبيس إبليس” wuxuu ku xusay waano ibliis uu nebi Muuse ugu deeqay, oo uu ku yiri: “Weligaa ha la keliyoobin haweenay aan kuu bannaanayn, maxaa yeelay nin la ma keli noqdo haweenay aan u bannaanayn, haddii ay dhacdase waxaan noqdaa wadeygiis jeer aan haweenaydaas ku fidneeyo /لا تخلون بامرأة لا تحل لك قط فإنه ما خلى رجل بأمرأة لا تحل له إلا كنت صاحبه حتى أفتنه بها”. War daacadsanaa Ibliisku!

Si taa ka duwan, wadaaddada suufiyada kuwa ugu magaca dheer sida Ibnu Carabi iyo Jalaaludiin Ruumi, waxay si toos ah uga biyodiideen indhoshareerka iyo xijaabka haweenku xirtaan. Waxayna qabaan in ragga iyo haweenka labadaba astur laga rabo, laakiin uusan jirin xijaab iyo indhoshareer si gaar ah haweenka loo faray. Tusaale ahaan, Ibnu Carabi wuxuu ku dooday in cawrada ragga iyo tan haweenku ay isku mid tahay, wuxuuna daliishaday in Eebbe uusan kala farqin cawrada Aadan iyo tan Xaawo ee uu isku mid ka dhigay. Ibnu Carabi oo arrinkaan ka hadlayaana wuxuu yiri: (=أما مذهبنا فليست العورة في المرأة أيضا إلا السوءتين كما قال تعالى “وطفقا يخصفان عليهما من ورق الجنة”). Ibnu Carabi wuxuu intaa ku daray, in xijaabka dumarku uu leeyahay macne qarsoon, uusanna ahayn macnaha muuqda ee loo fahmo, wuxuuna yiri: “Haddii qarinta [dumarku] ay asal ahaan lahayd, kolka ay ixraamato la ma yiraahdeen wejiga ha qarin /لو كان الستر أصلالما قيل لها في الإحرام لا تستري وجهك”. Waxay kaloo ku doodeen in haddii sababta xijaabka keentay ay ahaan lahayd fidno iyo in haweenku ay cawro yihiin, aan gabdhaha addoonta ah loo diideen in ay xijaabtaan. Maxaa yeelay gabdhaha addoonta ahi dhanka dumarnimada kagama duwana kuwa xorta ah. Sida la og yahayna, Cumar bin Khadaab (RC) dumar addoon ah buu wuxuu ku garaacay in ay isu xijaabeen sida dumarka xorta ah oo kale.

Midda kale, Ruumi wuxuu ku dooday in Eebbe aragga iyo walxaha qurxoon labadaba uu u abuuray si ay isu arkaan, haddii aan la arkayn maxay tahay xikmadda ku jirta abuurkeeda? Eebbe walxaha ilwaadda leh wuxuu u uumay si loo arko, si la mid ah sida uu codadka macaan ugu abuuray in la maqlo, uduggana in sanka lala raaco. Suurogal ma tahay in Eebbe uu ubaxa, cadarka, muusigga uu u abuuray cid aan wax arag, waxna maqal, waxna urin? Suurogal ma tahay in haweenay quruxdeeda u qaadato duul aan wax arag? Ruumi gabay uu arrinkaan ku cabbiray wuxuu ku yiri:

«وكل ما صنع جميلا رائعا منمقا

فإنما صنع من أجل العين المبصرة

ومتى كانت الألحان بوزنها الخفيض والعالي

من أجل أذن صماء معدومة الحس؟

إن الله لم يجعل المسك طيب الأنفاس عبثا

إنه خلقه للإحساس السليم وليس للأخشم

أيتها المرأة المحجبة! هل نهضت قط يوما

واتخذت زينتك من أجل رجل أعمى؟»

 

Wadaaddada Suufiyadu waxay xusaan xadiis qudsi ay ku doodaan in Eebbe uu ku caddeeyey xikmadda ka danbaysa in uu jiritaanka iyo noolayaasha abuuro. Waa xadiis Eebbe uu ku yiri: “Waxaan ahaa kensi qarsoon, waxaana jeclaystay in la i ogaado, markaas baan abuurka u uumay si la ii barto /كنت كنزا مخفيا فأحببت أن أعرف فخلقت الخلق لكى أعرف “. Iyaga oo xadiiskaan ka duulayana waxa ay sheegaan in Eebbe uu muuqaallo badan leeyahay, muuqaalkii uu mar yeeshana uusan mar labaad yeelan. Muuqaallada uu Eebbe yeeshana waxaa ugu mudan muuqaalka dumarka. Sidaa darteed, Suufiyo uu Ibnu Carabi ka mid yahay, waxay qabaan in jacaylka dumarku uu asal u yahay jacaylka Eebbe, oo jacaylka quruxda dumarku waa ifafaale iyo aalad lagu gaaro garashada quruxda iyo jacaylka Eebbe (=فشهود الحق في النساء أعظم الشهود وأكمله، وأعظم الوصلة النكاح).

Ibnu Carabi wuxuu ku dooday in ragga iyo haweenka uu mid kastaa u hiloobo la midoobidda kan kale, xaaladda falka galmada lagu jiraana ay tahay marka ay sida dhabt ah u midoobaan, ee ay u noqdaan xaaladdii asalka ahayd ee ay midka qura isku ahaayeen. Sidaa awgeed, Ibnu Carabi galmada wuxuu u arkaa in ay tahay nooc cibaadada ka mid ah, weliba in ay tahay midda cibaadada oo dhan ugu sharafta badan, laguna gaaro martabada jiritaan dhamaystiran. Taa awgeedna, Ibnu Carabi wuxuu leeyahay: “Ruuxa ogaada meekhaanka dumarka iyo sirtoodu kama saahido jacaylkooda, laakiin kaamilnimada caarifka waxaa ka mid ah jacaylkooda, waayo jacaylkoodu wuxuu ka mid yahay dhaxalka nebiyada iyo jacaylka Eebbe /من عرف قدر النساء وسرهن لم يزهد في حبهن، بل من كمال العارف حبهن فإنه ميراث نبوي وحب إلهي”. Ibnu Carabi intaa wuxuu sii raaciyey, in galmadu ay tahay xiriirka jacaylka, ayna keento in dareenka shahwadu uu jirka oo dhan saaqo. Sidaa awgeedna, waajib looga dhigay in janaabada jirka oo dhan laga mayro. Run ahaantii, arrinka cibaadada noqonayaa ma aha falka galmada, balse waa gacalada loo qaado abuurka Alle, oo lammaanaha nolosha kula wadaagaa uu ugu horreeyo. Cibaadadu waxay ku jirtaa gacalada ee kuma jirto galmada.

Sida caadiga ah, suufiyadu dadka lab iyo dheddig uma qaybiyaan, balse waxay u qaybiyaan insaan dhammaystiran (=الإنسان الكامل) iyo insaan xoolo ah (=الإنسان الحيوان). Insaanka kaamilka ahina wuxuu noqon karaa lab iyo dheddig labadaba. Sidoo kalena, insaanka xoolaha ahi wuxuu noqon karaa lab iyo dheddig labadaba.

Ibnu Carabi -sida Muslimiin badan oo kale- xadiiska nebiga ee yiraahda: “Haweenku waa walaalaha laxmiga ah ee ragga /النساء شقائق الرجال”, ayuu wuxuu u daliishaday sinnaanta ragga iyo dumarka, wuxuuna yiri: “Eebbe ha kula jiree, waxaad ogaataa in maaddaama aadanuhu ay xaqiiqo ahaan ka kooban yihiin rag iyo dumar, aysan raggu waxba dheerayn dumarka marka arrinka laga eego dhanka bani’aadamnimada /اعلم أيدك الله أن الإنسانية لما كانت حقيقة جامعة للرجل والمرأة لم يكن للرجال على النساء درجة من حيث الإنسانية”.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in suufiyada oo dhammi aysan isku mowqif ka ahayn haweenka, oo ay jiraan suufiyo ka xagjirsan Salafiyada marka laga hadlayo arrimaha dumarka. Waxaa jira suufiyo iska xarrimay guurka dumarka iyo xataa kuwo ka caagganaa cunidda raashinka ay dumarku diyaariyaan. Imaam Abuu Xaamid al-Gasaali oo lagu naynaaso ‘Xujada Islaamka”, kana mid ah wadaaddada suufiyada kuwa ugu caansan, ragga wuxuu kula taliyey in dumarka ay la tashadaan, laakiin taladooda ay khilaafaan. Wuxuuna qabaa in sababta talada dumarka loo khilaafayaa ay tahay in caqli iyo diin aan midna loogu dhibcin. Waxayna la tahay in dumarku ay dhaqanka kala mid yihiin tobanka noole ee kala ah; doofaarka, daanyeerka, eyga, abeesada, baqasha, dabaqallooca, jiirka, shinbirta, dawacada iyo ariga. Tobankaas nooc ee haweenka ahna waxaa ugu roon midda dhaqanka ariga leh.

Suufigii Shamsi Atabriisi oo ahaa macallinkii Ruumi, isaguna wuxuu ku andacooday in dumarku ay yihiin shahwo cartamaysa, aysanna jirin akhlaaq iyo diin shahwadooda xakamayn kartaa. Ku Allahoode, wadaadkaan waxay ka wariyeen in uu yiri: “Haddii haweenay samada loo dheelmiyo, oo iyada oo samada joogta uu dhulka uga muuqdo xubinta raggu, inta soo haaddo bay ku habsanaysaa. Maxaa yeelay, dumarka ma leh diin taa ka weyn.”

Wadaaddadu haweenka waxay ku eedeeyaan shahwo badni, laakiin si taa ku lid ah nebiga waxay ku ammaanaan shahwo badni. Tusaale ahaan, Abuu Xaamid al-Gasaali wuxuu wariyey xadiis uu nebiga u tiiriyey, oo nebigu uu ku leeyahay: “Jibriil baan waxaan uga cawday tabar darridayda dhanka galmada ah, markaas buu Hariisada igula taliyey /شكوت إلي جبريل عليه السلام ضعفي في الوقاع فدلني على الهريسة”.

 

Isku soo duuboo, wadaaddada diimaha badankoodu -marka lagu daro kuwa Islaamku- dumarka waa liidaan, waxayna ku tilmaamaan in ay yihiin xarig uu shaydaanku ku ugaarsado (=حبائل الشيطان). Laakiin marka la isbarbardhigo Salafiyada iyo Suufiyada, waxaa la ogaanayaa in ilaa heer ay suufiyadu dumarka uga nugul yihiin salafiyada.