Shiikhow weli ma sidataa?!

Muddo rubcu qarni ka badan ayaan diidi jirey gacan qaadka haweenka aan gayaanka nahay. Muddadaas wax badan baan gacanta ka laabtay gabar salaan ii soo taagtay. Arrinkaas oo aniga iyo gabdhahaba qalbi jab ku ahaa. Waxaana filayaa in ruux kasta oo wuxuun garasho aadami lihi uu dareemi karo xanuunka ay dareemayso gabar salaan soo taagtay oo gacanta loogala noqday sidii in gacanteedu ay faddaraysan tahay.
Waqtiga aan ka hadlayo badankiisu waa siddeetanaadkii iyo sagaashanaadkii qarnigii tagay, oo weli haweenka Soomaaliyeed aysan la qabsan ama xataa aysanba maqal dhaqanka dhawaan soo galka ah ee dhigaya in aan ragga la gacan-qaadin. Gabar walbaa marka ay kaa soo hor baxdo si gacalo iyo laab xaarni ku jirto bay gacanta isaga soo hor marinaysaa, qaarkoodna waxayba damcayaan in ay dhabbanada kaa dhunkadaan, adiguna gacanta ayaad u diiddan tahay?! Waa mowqif wiilka iyo gabadha labadaba yaxyax iyo hiq ku rida, wixii danbe ee la sheegi lahaana nuxur tira, oo hadalku uu ka taagtaagmo.
Tusaale ahaan, gabadhii ina adeertaa, ama ina abtidaa ama aad deriska ahaydeen ee aad gacanta ka laabatay, iyaduna taa u qaadatay in aad salaan u quuri wayday, marka aad ku tiraahdo: aabbe ama hooyo ka warran? Jawaabta ay ku siinaysaa nuxur caynkee ah bay leedahay? In ay kuu jawaabto iska daaye, waxay uurka ka jeclaysanaysaa in dhulku kula go’, oo muuqaaga la waayo (dhallinyarada dagaalka sokeeye ka dib garaadsaday xisaabta ha ku darsadeen in xilligaan weli dhaqanka qaraabo guursigu uusan Soomaalida ku baahin, oo gabdhaha aad ehelada iyo qaraabada tihiin badiba waxay kuu arkayeen sidii in aad tahay walaalkood laxmi ah oo kale).

Muddadaas rubuc qarniga ka badan, waxaan si buuxda u rumaysnaa, una fulin jirey nusuusta diinta ee sheegta in gacan qaadka dumarku uu xaaraan yahay. Waxaana aad uga biqi jirey dhinbisha dabka ah ee marka sacabka lagaa saaro durba ku wada dhalaalinaysa. Haddana, waxaan dareemi jirey in wax khaldan yihiin, waxaana isweydiin jirey: maxay tahay sababta aan gabadhii faraxsanayd ee gacalada iyo qalbiga furan igu soo dhawaysay aan murugada iyo isciilkaambiga ugu riday?. Gabdhuhu iima salaamayn damac shukaansi oo ay iga doonayeen, balse waxay ku faraxsanaayeen arkidda walaal ay waqti is moogaayeen, soo ma aha in wanaag wanaag lagu gudo (=هل جزاء الإحسان إلا الإحسان).
Hayeeshee, goor danbe ayaan ku baraarugay in arrinku uusan ku koobnayd dhanka wadaaddadu wax naga tuseen oo keliya, balse tafaasiir iyo aragtiyo kale ay jiraan.

Docda kale, waa dhexdaas ahayd baan galab hotel Nairobi ku yaal makhaayaddiisa waxaan miis casariye ku wada cabnay rag qiyaastii tiradoodu toban gaaraysay. Raggaasi waxay ahaayeen labeenta bulshada, inta aan hadda ka xasuustana waxaa ka mid ahaa dhakhaatiir, ganacsato, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kale, badankooduna waxay ahaayeen rag diinta u dhuundaloola. Intii shaaha la fiiqsanayey ayaa sheekadii waxay dalaq na la tiri arrinka gacan qaadka haweenka. Raggii badankoodu waxay ka sheekeeyeen dhib iyo wejigabax ka qabsaday haween ay diideen in ay gacan qaadaan. Waxaana laga dhawaajiyey in dhaqankaasi yahay mid bulshada u keenay ciriiri aan loo baahnayn. Galabtaas iyo marar kaleba waxaan ku qancay in dareenku uusan ahayn mid aniga igu kooban, balse xaalku uu yahay: “Allahayow maxaa iga qabsaday waan qarsanaayey mooyee!”

Waa xagjirnimo in gacan-qaadka ragga iyo haweenka xaaraan lagu sheego, waayo xaaraamayntu waxay u baahan tahay in la helo daliil si la hubo oo qeexan u sheegaya xaaraannimada (=قطعي الثبوت قطعي الدلالة). Daliil noocaas oo kale ahna diinta Islaamka -quraan iyo xadiisba- laga heli maayo, oo axaadiista diidda gacan qaadka haweenku waxay isugu jiraan qaar aan xaaramayntu ku caddayn iyo qaar kale oo aan la hubin in ay nebiga ka sugnaadeen. Tusaale ahaan, xaddiiska sheegaya in nebigu uusan haween gacan qaadin (=إني لا أصافح النساء), culumada barkood waxay ku macneeyeen in uu yahay xukun nebiga ku gaar ah oo aan laga qaadan karin in uu si guud u reebayo is gacan qaadka ragga iyo dumarka. Waxaana jirta nusuus laga fahmi karo in nebigu uu dumar gacan qaaday. Sida la ogyahayna nebigu wuxuu barkaday dhabta Ummu Xaraam bint Malxaan al-Ansaariya oo ah haweenay aysan jirin wax qaraabonimo ah oo ay nebiga wadaagaan. Guud ahaan, diintu ma oran qof idin salaamay xumeeya, laakiin waxay tiri ciddii idin salaanta mid ka wanaagsan ku salaama oo Eebbe wuxuu yiri: “وإذا حييتم بتحية فحيوا بأحسن منها أو ردوها”.

Isgacan qaadka ragga iyo dumarka waxaa xukunta niyadda oo haddii niyaddu ay wanaagsan tahay waa xalaal aan waxba ku jabnayn, haddiise dan xun laga leeyahay waa meesheeda. Arrinkuna wuxuu soo hoosgalayaa xaddiiska nebiga ee yiraahda: “Waxa la qabanayo waxaa xukuma niyadda, ruux kastaana wuxuu helayaa wixii uu niyaystay /إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى” iyo xadiiska kale ee yiraahda: “Qalbigaaga la tasho, samuhu waa wixii naftaadu ku xasisho, qalbiguna ku dego, xumahuna waa wixii nafta dhiba, laabtana ka degi waaya, dadku siday doonaan wax ha kuugu sheegeene /استفت قلبك، البر ما اطمأنت إليه النفس، واطمأن إليه القلب، والإثم ما حاك في النفس، وتردد في الصدر، وإن أفتاك الناس وأفتوك”.
Dhigaallada Islaamka waxaa laga ogaanayaa in saxaabadii nebiga qaarkood oo Cumar bin Khaddaab (RC) uu ka mid yahay ay haween salaameen nebiga oo nool –Cumarna waxaa lagu tiriyaa saxaabada kuwoodii ummuuraha haweenka ku adkaa, oo sida la sheego isaga ayaa u sabab ahaa soo degidda aayadaha ka hadla xijaabka xaasaskii nebiga. Dhigaalladaas waxay kaloo xusayaan in saxaabadii nebiga iyo taabiciintii ka danbeeyey ay ahaayeen bulsho furfuran oo ragga iyo dumarku ay nolosha wadaageen, oo masjidka rasuulka ay ku wada tukan jireen iyaga oo meel qura mar keliya ku wada weeso qaadanaya, suuqyadana ka wada shaqaysta, jidadka iyo xaafadahana ku kulma sheeko iyo kaftanna ku wadaaga.
Bilmatal, waxaa la sheegay in Cumar bin Khadaab uu mar gurigiisa martiqaad ugu sameeyey nin farriin uga keenay mid ka mid ah raggii gobollada madaxda uga ahaa. Markii raashinkii la soo hordhigay Cumar wuxuu u dhawaaqay xaaskiisii Ummu Kaltuum bint Cali bin Abii Taalib isaga oo ku leh “Miyaadan na la cuntaynayn /الاتأكلين معنا”, Ummu Kaltuunna waxay ugu jawaabtay: “Haddaad doonayso in aan ragga u soo baxo, waxaad iigu arradtiri lahayd sida Subeyr afadiisa ugu arradtiray oo Talxe xaaskiisa ugu arradtiray /لو أردت أن أخرج إلى الرجال لكسوتني كما كسا الزبير امرأته وكما كسا طلحة امرأته”. Sababta Ummu Kaltuum ku diidayso in ay ragga u la cuntaysaa ma aha in ay aamminsan tahay in la fariisiga raggu uu xaaraan yahay, balse waxay u diidaysaa in aysan haysan dhar fiican oo dad la la hortago, taana ragga iyo haweenku waa ka siman yihiin, oo qof kastaa wuxuu jecel yahay in uu muuqaal qurxoon dadka la hortago.

Waxaa intaa dheer, in qofku marka uu akhriyo taariikhda bulshadii Carabta ee Islaamku u yimid uu ogaanayo in ay u badnaayeen bulsho xoolo dhaqato ah, oo caadi ahaan salaantoodu ay ku koobnayd erayo afka laga yiraahdo. Carabtii xilligii jaahiliyadda iyo sabankii nebiga Jasiiradda Carabta ku noolaa gacan qaadka salaantu dhif iyo naadir bay ku ahayd, oo qaabka salaantoodu aalaaba waxay ahayd in ay afka iska yiraahdaa “Subax wanaagsan ama fiid wanaagsan (=عم أو أنعم صباحا و عم أو أنعم مساء) iyo Ilaah ha ku salaamo ama ha idin salaamo (=حياك او حياك الله) iyo erayo kale oo la nuxur ah. Markii Islaamku yimidna qaabkii salaanta wax badan iskama beddelin, oo waxa keliya ee la hubo waa in adeegsiga erayga “Asalaamu Caleykum” uu faafaay. Waxaana jirta axaadiis sheegta in gacan qaadka salaantu uu yahay caado Carabtii Jasiiraddu ay ka barteen Furus iyo Yaman. Tusaale ahaan, saxaabada midkood waxaa laga wariyey in uu yiri: “Waxaan la kulmay rasuulkii Alle (scw) markaasuu I gacan qaaday, waxaan ku iri: Rasuulkii Allow waxaan u haystay in arrinkaani uu yahay dhaqanka Cajamta (=Beershiya ama Faaris), wuxuu yiri annaga ayaa gacan qaadka ka mudan iyaga, ma jiraan labo qof oo Muslimiin ah oo kulma oo isgacan qaada, haddii ay taasi dhacdo denbigoodu dhexdooda ayuu ku daataa /لقيت رسول الله صلى الله عليه وسلم فصافحنى، فقلت يا رسول الله كنت احسب أن هذا من زى العجم، فقال نحن أحق بالمصافحة منهم، ما من مسلمين التقيا فتصافحا إلا تساقطت ذنوبهما بينهم”.
Waxaana filayaa in Soomaalidii xoolo dhaqatada ahayd aysan sidaa ka fogayn, oo salaantoodu afka u badnayd, haddii wax soo raacaanna gacan qaad koobani uu weheliyey.

Ku Allahoode, waxay sheegeen in waa labo wadaad ay wada socdaaleen. Labadii wadaad intii ay socodka ku guda jireen bay waxay ku yimaadeen tog si xawlli ah biyo ku marayaan. Togga qarkiisa waxaa taagnayd gashaanti quruxleey ah oo xarrago la xashaashaysa. Gabadha waxaa isugu darsamay dabaasha oo aysan aqoon iyo iyada oo dhibsanaysay in dharka xariirta ah ay dhooqadu ka gaarto. Labadii xerow markay ogaadeen dhibka gabadha haysta, mid waa iska dhaqaaqay, laakiin midkii kale baa dhabarka u ritay oo togga dhankiisa kale geeyey. Intaa ka dib labadii wadaad safarkoodii bay sii wateen. Hase ahaatee, waxaa ka xirantay sheekadii la isku illowsiin lahaa daalka socodka, taana waxaa ugu wacnaa in labada xerow midkii gabadha qaaday ma ahane kii kale uu caro darteed hadalkii ku xirmay.
Markii dhawr saacadood la socday ayaa wadaadkii gabadha qaaday wuxuu dareemay in saaxiibkiis wax si ka yihiin, oo meel nabar uga taagan yahay, wuxuuna weydiiyey waxa ku soo kordhay ee farxaddii iyo sheekadii ka af qabtay?
Xerowgiina isaga oo caro la karaya ayuu wuxuu ku qayliyey: War ninyahow waad ogtahay in diintu ragga ka xarrintay taabashada dumarka ajanebiga ka ah ee sidee baad ku keentay in adiga oo wadaad ah aad dhabarka u ridato gabar qalanjo ah oo fidnada ka muuqata aan isha la siin karin? Maxaa kuu geeyey oo aad gabadha u xanbaarsatay? Iimaan la’aantu xaggee bay kaaga timid?!

Wadaadkii gabadha qaadayna wuxuu yiri: “Shiikhow anigu gabadhii saakay baan toggii uga soo tagay, ee adigu weli ma ku raran tahay?”
Labada wadaad mid gabadhu waxay ugu muuqatay qof bani’aadam ah oo caawin u baahan, halka kan kale ay ugu muuqatay fidno iyo shabaag sheydaan ku ugaaranayo.

Wadaadow gabdhuhu shukaansi doon ma aha ee ixtiraam iyo qaddarin bay kuu salaamayaan!!!