Sidee baan Wahaabi ku noqday?

Inkasta oo dhab ahaantii aanan xasuusanin waxa maskaxdeydii dhalinyaranimada dhex dabaalaneysay ku keenay in ay hal mar dhan aanay waligeed u janjeerin u jeesato, haddana waxaan si fiican u xasuustaa duruufihii baraarugaas ku heeraaraysnaa. Horta, inta aanan sheekada idiin galin, bal aan hordhac yar idinka siiyo qofka noloshiisu dabo ilaa dacal is foorarin doonto. Dhowr iyo toban jir hankiisa ugu weyni yahay inuu ficii ka dhex muuqdo, hablaha da’diisa ahna qeyb ku yeesho, noloshiisa dhammina ay ku koobantahay dheesha kubbada cagta, dhageysiga fanka iyo suuganta iyo daawashada filimada noocyadooda kala duwan. Diin iyo waxa la xiriirana ay ahaayeen waxa ugu dambeeya ee maskaxdiisa ku soo dhaca, waxaan xasuustaa in aniga iyo saaxiibbo badani markaan ka soo dhammaano ciyaarta aan soo garab mari jirnay masaajidyada iyadoo saladii maqrib lagu jiro ama markaa laga baxay, innagoo qosolkeenna iyo sheekada iska wadano. Run ahaantii, qiimo sidaa u badan salaaddu agteena kuma lahayn, oo waxay iska ahayd wax aan markaan rabnana tukanno, markaan rabnana iska dhaafno- sida dhallinyaradu u badnaan jireen- kaliya salaadda aan ku dadaali jiray inaanay saddex jeer oo isku xigta i dhaafin waxay eheed salaadda Jimcaha, taas oo salka ku haysey sheeko cabsi badan oo aan waligey maqli jiray oo eheed in qofkii ay saddex jeer oo isku xigta salaadda Jimco dhaafto ay isaga iyo janno kala dheeraadeen, naar dad iyo dhagax ay xaabo u yihiinna ay meel ku sugeyso.

Anigoo noloshaa yara qaboowga ah isaga jiro, baa magaaladii hal mar wareer gashay, subax subaxyada ka mid ah anigoo isku diyaarinaya aadista iskuul aan run ahaantii necbaa aadistiisa, baan waxaan ka war helnay in saakay magaaladii qasantahy, oo anan bannaanka la isku aamini kareyn, aniga intaa baa khabarka iigu muhiimsanayd maadaama aan ka nasan doono iskuulkii aan necbaa, balse dadku maalintaa wax kaloo aan aniga xiisa badan igu hayn bay daldalaayeen, oo aan gadaal ka fahmi doono, saameen weynna noloshayda ku yeelan doona.

Haddaan u soo laabto duruufihii ku hareersanaay isbadalkii ugu horeeyay, uguna saameenta badnaay ey noloshayda ku dhaca, waqti ahaan marka hore wuxuu ku beegnaay xiligii ay soo if-baxeen, sarana u soo kaceen Midowgii Maxkamadaha Islaanka ee sida fudud -oo lama filaanka dad badan ku noqotay- ay magaalada Muqdisho kula wareegeen. Inkastoo aanay wax saameen ah igu yeelan dhacdadaasi, haddana waxay hordhac u eheed dhacdo kaloo saameen balaaran ku yeelan doonto nolosheyda, taas oo ah soo galistii ciidamada Ethopia ay soo galeen Muqdisho, oo run ahaantii sabab u noqotay dagaal aad u ba’an oo ay dad badani ku baaba’een. Dagaalkii ka dhashay soo galistii Ethopia ay soo gashay magaalada Muqdisho, oo runtii ahaay dagaalkii ugu xumahaa ebid ee aan anigoo garaad yar leh la kowsadaa, wuxuu igu abuuray cabsi aad u balaaran, oo aan horay ii soo marin, cabsi ka dhalatay tirada dhimashada aan xisaabta lahayn ee aan goob-joog u noqday waqti yar gudeheed, dhaawaca aan xadka leheen, barakaca aan loo kala harin, iyo jahwareerka wajiyada dadka oo dhan ka muuqda. Waxaas oo dhammi waxay sabab u noqdeen inaan ku baraarugo in aan dhimashadu meel ii jirin, deedna waxay naftaydu bilawday inay isweydiiso su’aalo badan, oo runtii cabsi uun aan ka sii qaaday. Su’aalihii ugu horreeyay ee aan isweydiiyo waxaa ka mid ahaa; bal maanta haddii uu “Caz-raa’iil” ku helo ka warran? Maxaad Eebbihii ku abuurtay la hortagi? Maxa qiimo ah oo ay naftaadu Eebbe agtiisa ku leedahay? Su’aalahaa iyo kuwo kaloo badan, oo badankoodu isaga badnaayeen su’aalo xiriir la leh cabsida hal mar igu habsatay, waxay igu dhaliyeen inaan raadiyo wax micno iyo qiimo u yeeli kara nafteydii ila qiimaha beeshay, inta uusan “Caz-raa’iil” ii imaan. Haddaba, maxaad isleedahay inuu la kulmi karo inan yar oo dhowr iyo toban jir ah, oo ku nool Muqdisho, xilligaa aad wada garaneysaan, oo raadinaya “aragtiyo” noloshiisa micna iyo qiimo u yeela? Waxay ila tahay, in ay iska caddahay aragtida uu la kulmi doono inankaas yar ee noloshiisa qiimaha u raadinaya, oo si loo fahmaa aysan u baahneen caqli iyo aragti dheer.

Su’aalihii tirada badnaay ka dib, waxaa bilowday safarkii qiimo u raadinta nolosheydii ila qiimaha beeshay. Baraaruggii cabsida ka dhashay ka dib, nolosheydii oo dhammi wey isbaddashay, waxyaabo badan oo qiimo agteyda qiimo ku lahaan jirey way qiimo beeleen, halka waxyabo kale oo aan qiimo ila lahaan jirin ay qiimo ila yeesheen.

Waxaan bilaabay inaan xertii igu heeraaraysnayd aan tartiib tartiib uga dhex baxo, haasawaha hablahana ka gaabsado, fanka iyo sugaantiina xiriirka u jaro, hooyga Eebbane aan daris la noqdo, balse waxaas oo dhami saameen weyn maanka kuma yeelan, marka loo fiiriyo saameentii maaddadii diinta ee dugsi-geygii lagu dhigi jiray ay ku yeelatay.

Ka hor inta aanan jahwareenkan ama dheh haddaad rabtid baraarugaani igu dhicin, maaddada diintu, marka laga soo tago inaanay xiiso badan igu heen jirin, run ahaantii maba aanan fahmi jirin waxa ay ka hadleyso, balse jahwareerkii ka dib, waxayba noqotay waxa kaliyoo naftu u riyaaqdo, xoogaa dagganaansho ahna ay ka hesho.

Waxaan wali maskaxdeyda ka go’in, oo aan si fiican u xasuustaa wadaadkii diinta inuu nabaro u xilsaarnaay, oo runtii ahaay bini’aadan dagganaansho Eebbe u dhammeeyay, balse waxa loo xilsaaray inuu nabaro, isagune uu ka soo bartay odayaal carbeed oo aabbayaashood saxaraha Jasiiradda Carabta xoolaha ku raaci jireen, ayaa ahaay afkaar aad halis ugu ah nolosha aadanaha, oo sabab u noqotay dhimashada umad badanoo Soomaali ah, walina dabar-goyn ku heysa bulshadeena oo awalba faqri, gaajo, iyo aqoon-yari ay la hartay.

Waxay ila tahay sharaxaad badan uma baahna waxyaabihii uu wadaadka nabari jiray, mar hadaad ogaatay in ay ahaayeen afkaar laga soo guuriyay Jasiirada Carabta, balse waxaan rabaa inaan tilmaamo mowduuc yaroo aniga i taabatay, kaas oo ahaay cashar ilaa wagaan dugsiga hoose ahaay la igu soo shubi jiray, balse wuxuu yahay aanan famin ilaa laga soo gaaray xilligii aan jahwareerka galay, cashar ay ugu magac daraan “Toban-ka tiir ee buriya islaam-ka”.

Run ahaantii cashar kaas kadib markaan si fiican u fahmay, oo uu si qoto-dheer iiga daadagay, wuxuu qarka ii saaray halaag ay dhalinyaro badani ku hoobteen, basle nasiibku iga badbaadiyay.

Dugsigii casharkaa naloogu meerin jiray, waxaa xiligaas ka socday ol’ole dhalinyarada lagu dhiiri galinayo sidii ay cashar kaas dhowrka sadar ka kooban ay fal ugu baddali lahaayeen, iyaga oo ay hor kacayaan raggii dugsigaas madaxda ka ahaay.

Waxyaabihii ay sameen jireen waxaa ka mid ahaay in si joogto ah naloogu keeni jiray dugsiga horjoogayaaasha aragtida dhulka carbeed laga soo minguuriyay, si naloogu hubsado inuu casharkaas naga daadagay (malaha casharada diinta kaliya kuma filna ayay islaahaayeen! Moogi), bal waxaa marar badan dhici jirtay in inta nagala joojiyo cashirada, ka dibna sidii xoolaha ayadoo hareeraha naga jiraan barayaashii dugsiga noola kexeeyo meelaha ay isu-soobaxyada ku qabsan jireen horboodayaashii ururkii Midowga Maxkamada, kuna guubaabin jireen dhalinyarada in la joogo xiligii casharo badan “fal” loogu badali lahaay.

Ol’olohii wuxuu dhalay in arday badan oo dugsiga nala dhigan jirtay is abaabulaan, oo ay ku biiraan xarumo dhalinyarada lagu tababarijiray oo ay gacanta ku hayeen ragga aad wada garaneysaan, si loogu diyaar gareeyo ficil u baddalida casharadii inbadan lagu soo cabbeeynayay.

Rag badan oo aan maankeyga ka go’in kana go’i doonin buu ol’olahaas naga salfaday, oo aan hubo in haddii ay heli lahaayeen badal wanaagsan ay maanta nolosha ku raaxeysan la haay, noloshana wax ku kordhin lahaayeen.

Afkaarta waallida xanbaarsan ee saxaraha carabta laga keenay, ee dhalinyaradeena lagu shubay, walina lagu shubayo iyadoo looga dhigayo in ay tahay diin xag Eebbe ka timid, waa taas aan maanta wada aragno miraha kharaar ee ka dhashay, haddaan si dhab ah looga hortaginna miro kuwaan ka sii xanuun badan ayaa laga guran doonaa.

Cali Barre

mrbarre1987@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code