Sidee diinta loo jadiidin karaa?

Haddii mushkilo la xallinayo waxaa muhiim ah in 3 arrin la helo, kuwaas oo kala ah:

A: In la xaddido dhibka jira nooca uu yahay.

B: Baaxadda ama qaddarka dhibku inta uu le’eg yahay

C: Dawada ama xalka iyo awoodda suulin karta dhibka

Waxaan baarayey diinta muddo ka badan 10sano gabagabadiina waxaan ogaadey in mushkiladu ka timid arrimaha soo socda;

1: In axaadiista iyo aqwaasha culumada loo adeegsadey baabka xuquuqda iyo baabka ku saabsan waxa la xalaaleeyo ama la xarrimo sida axaadiista ku saabsan in qof aan wax dilin dhagax lagu dilo, qof maal xaday oo xubin dhan la jaro, dumarka oo laga xarrimo safarka, ragga oo laga xarrimo xirashada dahabka iyo xariirta iyo kuwo kale oo badan.

2: In loo adeegsadey axkaanta qaarkeed aayado aan quraanka ku oollin oo la yiri waa la nasakhay sida xugunka rajmiga oo keenay in qof aan wax dilin dhagax lagu dilo. Waxaa kale oo la yiri waxaa jira aayaado quraanka ku jira oo nasakhan sida aayadaha 180 iyo 240 ee suuradda al-baqara oo ah aayado cadaynaya dadka dhaxalka leh iyo shuruuda dhaxalka, taasoo keentay inay dhaxalka soo galaan dad aan qaraabada ka tirsanayn sida sawjka aan wax dhalin iyo in bannaanka loo tuuro dad qaraabo ah oo dhaxalka wax ku lahaa sida awowga hooyada dhalay iyo awlaada gabdhuhu dhaleen.

3: Aayada badan oo tafsiirkooda loogu camal falay si ka duwan sidii laga rabey, waxaana ka mida: A: aayadaha ku saabsan dumarka la mulkiyey oo laga wadey dumarka la qabo, laakiin loo qaatay in dumar adooma ahi ay jiraan, taasoo keentay in qayb dumarka ka mida la guursado idan la’aan  B: in aayadda ku saabsan dumarka aan caadada helin loo daliishadey in la guursan karo gabdhaha aan qaan gaaarin, ciddana waxaa qaada gabar wax dhali karta oo keliya, sidaa darteed mayna u fiirsan shuruudda ciddada. C: ayaadda ku saabsan in saariqa gacanta la jaro oo loo maleeyey in qofkii maal xada gacan la jarayo, maxaa yeelay saariq waxaa laga wadaa qofka si qarsoodi ah wax u sameeya sida in qofku yiraahdo waxaas ayaan isha ku xaday, sidaa darteed qofka gacanta la jarayo waa qofkii si hoose gacan u jaray, kii maal qaadana maal uun baa laga rabaa. 4: diinta oo loogu dhaqmay qaab dhaxal tooyo ah taasoo keentay 2arrin oo kala ah;  A: in cilmi baarista diintu istaagto wixii ka danbeeyey qarnigii 3aad ee hijriyada, sidaana ay ku qarsoonto axkaan badan oo quraanka laga fahmayey sida in dhiigga lagu shubo dadka jirran ay ka dhalanayso qaraabanimo la mida tan ka dhalata caanaha hooyada wax nuujisa. B: in loo maleeyey inaan dad hadda jooga wax cusub keeni karin, taasoo keentay in lala dagaalamo wixii fikrad ah ee cusub.

Haddaan xaddidno masaailka ugu waawayn ee dhibku ka jiro waa sifaadka ilaahay oo laga dhigay mas’alo caqiida ah oo dadku ku kala tegi karo iyo masaa’ilka la xiriira xuquuqda sida dhaxalka, arrimaha qoyska, siyaasadda, xijaabka, jihaadka iyo xeerarka ciqaabta. Sifaadku waa wax iska sahlan haddaan la isku adkayn maxaa yeelay in Alle leeyahay laba gacmood, weji, inuu wax arko, wax maqlo, wax balba og yahay , wax walbana awoodo waa arrin aan tafsiirba u baahnayn markii laga reebo qofkii isagu diinta isku adkaynaya. Masaa’ilka kale dhammaan waxay hoos yimaadaan baabka xuquuqda iyo baabka tafsiirka, waana laba baab oo ku cad quraanka, sidaa darteed cusboonsysiinta diintu waa arrin sahlan hadii si fiican loo fahmo labadaas baab. Halkaa waxaan ka garanay in dawada laga raadiyo quraanka ee aan laga raadin kutubaha fikriga ah ama kuwa firqooyinku leeyihiin markii laga reebo in la ogaado firqa kasta waxa ay aaminsan tahay.

Tallaabooyinka la rabo in loo maro xalka: 1: in baababka dhibku ka jiro laga allifo rasaa’il si hufan loo qoray, laguna daro maadooyinka lagu qaato iskuulada. 2: in lagu qoro afka Soomaaliga marka 1aad si dadku u fahmaan, maxaa yeelay isbeddelku wuxuu ka iman xagga dad waynaha, khaasatan dhalin yarada maadaama dadki ahlu cilmiga ahaa u bateen dad ka carara cilmiga, shubhana ku fura wixii cusub iyagoon hubsan. 3: in laga gudbo afkaarta mad-habnimada ku dhisan haday tahay firqo iyo haday tahay fiqiba, si loo helo jiil madax bannaan oo ka xorooba firqanimada.

Wa billahi tawfiiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code