SIDEE LOOGA ADKAAN KARAA FIKIRKA XAGJIRKA IYO ARGAGIXISADA?

HORUDHAC

Musiibo goorteey dhacdo qof walba oo damiir lihi wuxuu isku dayaa inuu ka qeyb qaato siduu dhibkaas wax uga qaban lahaa. Taasina waa ficilo asal ah oo ey ka siman yihiin dhammaan dadka basharka ah, Muslim iyo qaar aan Muslim aheynba. Waxaaba la dhihi karaa waa mid ku jrta DNA-da ama dhiigga banii’aadanka. Laakiin, waxaa lagu kala duwan yahay qaabka lagu xallinayo musiibaddaas. Tusaale; hadduu guri dab qabsado iyadoo la hurdayo amaba la soo jeedo, dadka gurigaas ku sugan xilligaas qofba si gooni ah oo ka duwan kan kale ayuu ula tacaalaa siduu dabkaas ku damin lahaa. Qofbaa biyo uu dabka ku damiyo raadsada, qofbaa ciid ku shuba, qof baa afuufa, qofbaa teleefoonka qabsada si uu ugu yeero dabdamiska, midbaa laga yaabaa inuusan arrimahaas midna sameyn oo la dayoobo (wareero) xaaladda aloosan oo aan waxba sameyn oo meel iska fadhiista. Dhamaanna mid walbaa sidiisa goonida ah oo ku xaddidan awoodiisa garasho, dareen iyo karti ayuu ku saxan yahay; waa haddii uusan isku arkeyn in kaligii uu saxan yahay –dadka kalana qaldan yihiin. Waxaan intaas uga gol leeyahay oo marag ma doonto ah inaan ku jirno xili adag oo dalkeena iyo dalalka muslmiintaba ey la basayaan afkaar xagjireed oo ka daran dabkaas oo loo tiirinayo diinteenna suuban. Taasina waxay keentay in dadkii muslimiinta ahaa dhiigooda iyo maalkoodaba la baneystay.Wiilasheena iyo gabdhaheenana maskaxdii laga dhaqay oo lagu soo jeediyay iney colaad u qaadaan lana dagaallamaan dadkooda. Maadaama ey dadka badidii qirsan yihiin in musiibo ina heysato, oo dadka inkirsan dhibkaas ey yihiin xoogaaga maskaxda laga dhaqay – haddaba dhibkaan waxaa looga bixi karaa innagoo soo saarna cudurka iyo meesha uu naga soo galay, deedna si wadajir ah u raadina dawada cudurkaas.

Waxaa iyana muhiim ah, inaan isla qeexno oo isla garanno cudurka na heystaa noocuu yahay. Haddaba waa maxay argagaxiso? Yaa ku sifoobay argagaxisanimo? Sidee looga hortagi karaa fikirka xagjirnimada intuusan isku beddelin ficil argagixiso? Waa maxay xalku?

Aragagixisadu waa rabshado dagaal oo lagu qaado dad shacab ah si loogu gaaro ujeeddooyin siyaasadeed. Haddii aan si kale u dhigo, argagaxisadu waxay inta badan bar-tilmaameysataa meelaha dayacan ee aan is difaaci karin, sida meelaha shacabku isugu yimaado ee suuqyada, hoteelada, meelaha cibaadada iwm–si ey dawladda ama maamulka meeshaas ka jira ugu maquuliyaan ujeedooyinkooda siyaasadeed.Waxaan qormadan gaaban aan isku dayi doonaa bal inaan xoogaa iftiimiyo sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo loona soo afjari karo dhibaatooyinka xagjirnimada iyo aragagixisadaba. Waxaan sidoo kale qormadaan ku xusayaa talo iyo tusaaleyn aan isleeyahay haddaan dhaqan gelinno waxay daawo u noqoneysaa jahwareerka fikireed ee ku habsaday dhalinteenna.

Maadaama eynu nahay dad Muslimiin ah, waxaa muhiim ah markeynu la kulanno xaalad walba inaan u laabano Quraanka iyo sunnaha. Haddaba Quraanku muxuu ka yiri argagixisada? Ilaaheey SWT wuxuu yiri: “qofkii naf dila, naf la’aan (yacnii xaqdarro ku ku dila) ama dhulka fasahaadiya wuxuu la mid yahay qof dadka oo dhan dilay; qofkii naf badbaadiyana wuxuu la mid yahay qof dadka oo dhan badbaadiyay” (Quraan, 5:32). Ilaaheey SWT wuxuu na barayaa oo noo qeexayaa waxa ey tahay argagaxisanimadu iyo sifaadka ey leeyihiin dadka argagixisada iyo ciqaabtooda. Haddaba haddeynu si dhow u tijaabinno sifaadka ilaahey ku sheegay argagaxisanimadu waxaa cad argagixisadu iney dadka oo dhan dhiigooda baneysteen gaal iyo Muslim, Somalí iyo ajnabi, saqiir iyo kabiir, rag iyo dumar. Xaqiiq ahaan waxay dhiigooda baneysteen qof walba oo aan la fikrad aheyn. Haddaba waxaan si wadjir ah u aqoonsanay innagoo tixraaceyna kana duuleenaa sifooyinka Eebbe inoogu caddeeyay aayadda kor ku xusan, oo ah in argagaxisanimadu ey tahay wax aan islaamka shaqo ku laheyn, xaqiiqdiina kasoo horjeeda fariimaha Quraanka. Sidaa daraadeed argagixisada ama dalkeena ha joogeen ama UK ha joogeen, ama meeshey rabaan ha joogeene waa inaan aaminnaa fikrad ahaan iyo diin ahaanba iney ka baxsan yihiin oo kasoo horjeedaan tacliimaadka islaamka.

SOOYAALKA ARGAGIXISADA ADDUUNKA

Inteynaan ka jawaabin oo eynaan falanqeyn jawaabta su’aasha kor ku xusan oo ah cinwaanka maqaalkeygaan, bal eynu si wadajir ah u milicsanno waxna ka barano sooyaalka argagxisada adduunka, innagoo isla qaadaa-dhigeyna sida fikirkaan uu ugu baahay dunida, iyo meesha uu salka ku hayo jiridda geedkiisa, iyo sida uu ku soo caga dhigtay dalkeena. Culumada taariikhda waxay sheegaan in inta ey taariikhda banii’aadanku jirtay fikirka argagixisada iyo xag-jirnimada ku dhex nooleed bulshooyinka dunidaan ku soo noolaa diinteey doonaan ha heesteen. Maadaama eynaan maqaalkaan yar ku soo koobi karin macluumaadka ku saabsan taariikhda argagixisada min alif ilaa ya, bal waxaan isku dayayaa inaan xoogeey ka taabto taariikhdooda. Haddeynu ka bilowno taariikhda casriga ah waxaynu u tageynaa dagaalladii argagixisada Saliibiyadda (crusades)  ee qarnigii 11aad ey kusoo qaadeen dhulka muslimiinta gaar ahaan magaalada Qudus, halkaas oo ey ku laayeen kumanaan kun oo Muslimiin ah, xataa Yuhuuddii Muslimiinta la degeneyd wey laayeen. Taariikh yahanadda Karen Armstrong ee u dhalatay dalkaas Mareykanka buuggeeda la yiraahdo (The crusaders and their impact on today’s world) waxay si khibrad leh u taxliilisay Saliibiyadda iyo saameynta ey ku leedahay dunida maanta. Inta na khuseesa haddaan kasoo qaadanno waxay ku sheegtay buuggeeda iyadoo soo xigatay mid ka mid ah hogaamiyeyaashii dagaalka Saliibiyadda oo lagu magacaabi jiray Raymond Aguiles waxay tiri: ‘ninkaan wuxuu indhahiisa ku arkay masaajidadii ku yaalley magaalada Qudus oo isku beddelay webiyo dhiig ah, wuxuu yiri markaan muslimiinta ku leynay oo qoorta kaga jareynay masaajiddada gudahooda dhiiggu wuxuu noo joogay jilbaheenna” Karen iyadoo sii wadata hadalkeeda waxay tiri, Saliibiyiintii waxay qirteen iney laba maalmood gudahood ku xasuuqeen 40,000 oo muslimiin ah (Armstrong, 2002).

XAGEE SALKA KU HAYAA FIKIRKA XAGJIRNIMADU?

Haddaba bal eynu si wada jir ah isugu dayno inaan ka jawaabno qeybta labaad ee su’aasha ee ah xagee salka ku hayaa fikirka xagjirnimadu? Waxaynu kor ku soo xusnay xagjirnimo iyo islam ineysan is qaadan karin oo is diidayaan. Haddaba haddeynu milicsano qaar ka mid ah fikradihii ka hana qaaday dunidan waxaan u tageynaa rag badan oo dunida xaga fikirka wax ka beddelay oo isugu jira saynisyahanno iyo feylasuufyo, qaar Muslimiin ah iyo qaar badan oo aanan aheyn. Shaqsiyaadka aadka u sii saameeyay xaga fikirka dunida casriga ah waxaa ugu horreeya saynisyahanka u dhashay dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo Charles Darwin iyo fikirkiisa loo yaqaan ‘Darwanism’ ama ‘Evolution’. Charles Darwin wuxuu dhamaadkii qarnigii 19aad qoray buug la magac baxay “Asalka noolaha/ The origin of species” (Darwin, 1859).

Darwin wuxuu buuggiisa ku soo bandhigay aragti loogu yeeray ‘Evolution’ oo uu ku sharraxay buuggiisa, waxaana uu Darwin u gogol xaaray aragti hadda dunida oo dhan ka hirgashay ooba noqotay qaacido saynis ah. Darwin waxaa uu yiri nolosha wey is hormarisaa oo wey is beddeshaa kaligeed iyadoon cidna abuurin ama beddelin. Isagoo aragtidiisa hormarinaya ayuu wuxuu qoray qaacidada sida weyn dunida uga hirgashay ee la yiraahdo ‘survival of the fittest’ ‘noloshu waa rafaad, kii xoog badan baa badbaadaya’, isagoo tusaale u soo qaatay in xayawaanada midba midkuu ka itaal roon yahay cuno, waana fikradda ey qaateen gumeystayaashii reer galbeedka ahaa markeey waddamada bariga ku soo duuleen. Halkaas oo ey si argagixiso leh u gumaadeen malaayiin ka mid ah dadkii dhulka ey tageen ku noolaa iyagoon u aaba yeelin rag iyo dumar, ama saqiir iyo kabiir, dhacayna wax alaale iyo wixii kheyraad ah oo ey qaadan kareen. Sababtoo ah waxay ka duulayeen fikirkii Darwinism ee ahaa ‘noloshu waa rafaad, kii xoog badan unbaana badbaadaya’ (Joll, 1990a). Sidoo kale, dagaaladii lagu hoobtay ee aan taariikhda bashariyada mid la mid ah lagu arag; sida dagaalkii 1-aad ee adduunka oo dad kor u dhaafaya 20 million ku naf waayeen, tiro intaas seddex jibaarkeed ahna ey ku dhaawacmeen ee sannadihii u dhexeysay 1914-1918kii, taariikh yahanka reer Ingiriis James Joll (Joll, 1990b) wuxuu buugiisa “Europe since 1870” ku sheegay in madaxda iyo hoggaamiyeyaashii dagaalka 1aad ee adduunka ey ka duulayeen fikraddii Darwinism ee aheyd ninkii xoog leh ayaa reerka u haraya, noloshuna waa rafaad. Tusaale, janankii hoggaaminayay ciidamada Austro-Hungary Chief of staff Franz Conrad Von Hoetzendorff wuxuu ku qoray buuggiisa xusuus qorka dagaalkii 1-aad ee dunida: “Qolo walba waxay u dagaallameysay ineysan casho u noqon qolada kale oo aan la cunin”. Jananku wuxuu caddaynayaa in dhamaan waddamadii ka qeyb galay dagaalkii 1-aad ee adduunka ey ka wada duulayeen fikirkii Darwin (Yahya, 2002).

Ku darso, dagaalkii 2-aad ee adduunka ee sababay dhimashada 55 milyan oo dad ah iyo tiro ka badan oo dhaawcantay oo lugaha ama gacmuhu go’een. Xiligaas Europe qolaba qoladeey ka xoog weyneed ayeey baabi’isay, tusaale ahaan Germany iyo hoggaamiyahoodii Adolf Hitler waxay si ba’an u gumaadeen Yuhuuddii ku nooleed qaaradda Europe waxay taariikhyahanadu qoreen in 6 sannadood oo qudha uu Hitler gumaaday 6 milyan oo Yuhuud ah (Green, 1978). Hitler oo loo sababeeyo bilaabista dagaalkii 2-aad ee adduunku wuxuu aad u aaminsanaa fikirka Darwin ee ninkii xoogleh ayaa xaajo u toostaa. Hitler buuggiisa “Halgankeygii /mein kemf” wuxuu ku xusay aragtidiisa xagjirnimada in dadka cad ee indhaha buluugga ah lihi ka nasabsan yihiin dadyowga kale, loona baahan yahay in rafaadka nolosha lala halgamo inta tabarta daranna birta laga aslo (Hitler, 1967). Gabagabadii dagaalkii 2-aad ee adduunka dawladdii Mareykanka waxay magaaloyinka Hiroshima iyo Nagasaki ku rideen nuclear, halkaas oo ey judhiiba ku naf waayeen dad ka badan 200,000 oo qofood, iyo malaayiin kale oo uu si xun u saameeyay caafimaadkooda iyo caafimaadka caruurtooda, ninkii madaxweynaha ka ahaa Mareykanka xiligaas Harry S Truman, wuxuu aaminsanaa aragtidii Darwinism ee aheyd ninkii xoog badan ayaa badbaadaya (Walker, 2005).

Gebi ahaan taariikhdaas kor ku xusan waxay salka ku heysaa aragtida aragagixisada ee ka dilaacday wadamada islaamka dhamaadkii qarnigii tagay, ee ah in xalku ku jiro qoriga caaraddiisa iyo ninkii xoog badan ayaa haraya. Argagixisada ku qaraabata magaca islaamka waxay iyagoo og ama ogeyn dabakhaan aragtida Darwin ee ah ninkii xoog leh ayaa badbaadaya iyo in dadku kala fadli badan yihiin dhalasho ahaan. Iyagoo gebi ahaan meesha ka saaraya tacliimaadkii Quran-ka ee ahaa in dadku siman yihiin ilaa cabsi Eebbe mooyee (Quran 49:13), iyo in kan daciifka loo dhimriyo, in waayeelka loo naxariisto, in dumarka loo axsaan falo, in maxaabiista aan la jir dilin, in xataa xayawanaadka loo naxariisto, in dadku ku dhaqmaan cadaalad, cadaalad in loo sameeyo dadka xataa hadduu qofku ka mid yahay cadowga. Ilaaheey SWT wuxuu Quraanka ku yiri: “kuwa Alle iyo rasuulkiisa rumeeyoow ahaada kuwa ku taagan cadaaladda oo marqaatiyaal ilaahey ah, cadaaladda fala xataa haddii aad ku oogeysaan naftiina ama labadiina waaalid, ama qaraaba, haddii ey hodan yihiin ama fuqaro Allah ayaa ka mudan in la raali galiyo” (Quran, 4:135). Haddaba wey adagtahay qof Muslim ah oo ku dhaqma Quraanka inuu qaato fikir xagjirnimo amaba uu noqdo argagixiso, sababtoo ah sidaan kor ku soo aragnay xagjirnimada iyo argagaxisanimada waa dhaqanka dadka aan Allah SWT rumeysneyn ee aamnisan waxwalba iney is hormariyaan oo uusan jirin cid abuurtay ama maamusha iyo noloshu iney tahay rafaad oo uu kii xoog badan oo kaliya uu badbaadayo. Si kale haddaan u dhigo; qofka xagjirnimada aaminsan ama argagixisada sameeya waa khilaafay wuxuu rasuulku SCW la yimid oo fariimo ah. Midda kale Quraanku wuu xaaraamtimeeyay in naf gardarro lagu gooyo, ama dhulka la fasahaadiyo (dadka la argagax geliyo).

 

WAA MAXAY XALKA?

Haddaba sidee looga hortagi karaa xagjirnimada laguna baabi’in karaa argagaxisada? Waxaa fiican si aan u daweeyno ama uga hortagno cudurkaan soo galootiga ku ah diinteena suubban iyo dalkeenaba, oo aan meelna ka soo gelin shareecadeena iyo dhaqankeena. Waxaa muhiim ah marka hore; inaan annaga inteena ilaahey ka caafiyay cudurka xagjirnimada ku dhaqanno oo dabakhno akhlaaqiyaadka Quraanka ee ah aaminaada Ilaahey iyo rusushiisa, iyo isku dhimrin, in loo naxariisto kuwa tabarta daran iyo kuwa da’da weyn, inaan dadka loo xoog sheegan, inaan loogu awood sheegan aqoon, maal, diin, qabiil iwm. Eebe SWT wuxuu Quraanka innagu baray wanaaga wuxuu yahay, oo Allah wuxuu yiri: ‘wanaaggu ma’aha inaad wajiyadiina u jeedisaan bariga iyo galbeedka (qorax u-dhac, iyo qorax kasoo-bax), ee wanaaggu waa qofkii Eabbe rumeeya iyo maalinta qiyaame, oo rumeeya malaa’igta iyo nabiyada, maalkana bixiya isagoo jecel –isagoo siinaya qaraabada, agoonta, masaakiinta, musaafirka, kuwa tuugsada, xoreeya addoomada salaadda ooga sakadana bixiya, kuwa oofiya balanta markey balan qaadaan kuwa ku sabra faqriga iyo cudurada, sabrana xilliga cadowga ey la dagaalamayaan (xilliga jihaadka) kuwaas ayaa run sheegay waana kuwa Allah ka baqa” (Quran, 2:177).

 

Sidaan wada ogsoonahay la dagaallanka argagaxisada iyo xagjirnimada waxaa ku fashilmay waddamo waa weyn oo dhaqaale iyo cudud military-ba malaayiin mar naga badan. Haddaan tusaale u soo qaato waddanka Mareykanka; laga soo bilaabo sanadkii 2001, miisaaniyadda la dagaalanka aragagixisada waxay aheyd $354 bilyan, sanadkii 2011kii miisaaniyadda waxay gaadhay $721 bilyan oo waxay kor u kacday 104%, 2015 miisaaniyadda la dagaalanka argagaxisad waxay gaadhay $1.11 trillion (Project, 2016).  Xagga khasaaraha nafta la dagaalanka argagixisada waxaa dawladda Mareykanka kaga dhintay kumanaan isugu jira askar iyo shacab. Marka waxaa halkaas ka cad in cudud military uusan xalka aheyn, maxaa yeelay aragagixisada waxay ku dagaalamayaan fikir, waana in xagga fikirka lagala dagaalamaa. Haddaba si looga hortago loona baabi’iyo fikirka xagjirnimada waa:

  • In dhamaan manaahijta waxbarashada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa heer jaamacadeed lagu daraa culuum la xiriirta in diinteena suuban eysan shaqo ku laheyn argagixisanimada.
  • In culumada masaajida tafsiirka iyo culuumta axaadiista ka aqrisaa loo furaa tababaro wacyigelin oo joogta ah, iyadoo la sameenayo baaritaano ku saabsan waxa ey diinteena ka qabto argagixisada iyo afkaartooda xagjirnimada ah.
  • Inaan wadaaddadeena, imaamada, macalimiinta dugsiyada quraanka iyo macallimiinta iskuulada la siiyaa tababaro ku saabsan cilmiga bulshada iyo cilmiga waaqica (social science).
  • In la furo xarumo dhaqan celin oo la geynayo dhalinyarada maskaxda laga dhaqay, halkaas oo lagu barayo macaanka diinteena islaamka iyo in diinteena ey kasoo horjeedo wax allaale iyo wixii argaggxiso ah ama xagjir ah.
  • Waa in da’ yarta la baraa dardaarankii nebigeena SCW ee ku aaddanaa khawaarijta.
  • Waa in sidoo kale la baraa da’ yarta oo xoog la saaraa in diinteena ey tahay diin jeceyl, naxariis, dhimrin iyo taakuleyn.
  • Waa in dhalinta la baraa bah wadaagta iyo asal ahaanta fikirka argagaxisada inuu yahay fikirka Darwin “survival of the fittest”.
  • Shaqo abuuris, waa in dhalinyarada laga kaafiyaa baahida ey uga mid noqonayaan argagixisada oo shaqooyin loo abuuraa.

GUNAANAD

Gabagabadii maqaalkan gaaban; waxaan ku talinayaa in dhalinteena la baro taariikhda diinteena ee saxda ah iyo sida ey dunida afarteeda jiho u gaadhay iyadoon seef la qaadan, laakiin macaamalo iyo akhlaaq wanaagsan ey aheyd hubkii muslimiintii naga horeysay. Waxaan isla soo aragnay taariikhda aragagaxisada iyo ineysan sal iyo baar toona ku laheyn diinteena suuban. Sidoo kale waxaan isla aragnay in fikirka argagaxisada uu bah wadaag la yahay oo uu 100% waafaqayo fikirkii Darwin iyo Hitler ee ahaa “survival of the fittest”  “kii xoog roon baa badbaadaya”. Waxaan kaloo isla qaadaa dhignay inaan xagjirnimada iyo argagaxisadaba la maquunin karin iyadoo uun la isticmaalayo awood military, laakiin loo baahan yahay in xagga fikirka iyo aqoonta lagula dagaalamo, oo dhalinyarada wax la baro.

 

TIXRAAC (BIBLIOGRAPHY)

  • Armstrong, K. (1988). Holy War. London: Macmillan.
  • Darwin, C. and Beer, G. (1996). The origin of species. Oxford: Oxford University Press.
  • Green, G. (1978). Holocaust. New York: Bantam Books.
  • Hitler, A. (1967). Mein Kamf. New Delhi: Sagar Publications.
  • Joll, J. (1990). Europe since 1870. London: Penguin.
  • Project, N. (2016). Military Spending in the United States. [online] National Priorities Project. Available at: https://www.nationalpriorities.org/campaigns/military-spending-united-states/ [Accessed 23 Mar. 2016].
  • Surah Alhujuraat (Quran, 49:13).
  • Surah Albaqarah (Quran, 2:177).
  • Surah Alma’idah (Quran, 5:32).
  • Surah Annisaa’a (Quran, 4:135).
  • Walker, S. (2005). Shockwave. New York, NY: HarperCollins.
  • Yahya, H. (2002). Islam denounces terrorism. Güneşli, Istanbul: Arastirma Pub.

 

W/Q: Abdi J Arab,arab28@hotmail.com follow me on twitter: https://twitter.com/CamelRider28, and on Facebook: fb.com/ajarab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code