Sirta iyo Saamaynta Sicirbararka.

Qarnigii 17aad, Imbaraadooriyaddii Isbaanishka ayaa u duntay sicirbarar. 1974kii na Madaxweynihii Maraykanka ee Gerald Ford, ayaa sicirbararka ku sifeeyey cadowga koowaad ee Maraykanka. Waa weedha ugu caansan dhaqaalaha, waana mid kamid ah weedhaha ay ku ololeeyaan madaxda u ordaysa kursiga madaxweyninimada. Laakiin xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi, waxa ay tahay, in kuwo badan siyaasadahoodu dhiirrigeliyaan sicirbararka. Sidaa darteed, waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta qaran kasta.

Inkasta oo sicirbararka Soomaalida aan lagu samayn cilmibaadhis dhammaystiran misana waxa aynu raadraac cilmiyaysan ku samayn doonnaa; sicirbararka Soomaalida, sirtiisa iyo saamayntiisa iyo halka uu sal dhigto, innaga oo ku shidaal qaadanaynna sicirbararka la isla yaqaanno.

 

Dhibta sicirbararku leeyahay, waxaa uu la bilaamaa qeexitaankiisa. Ma yara qeexitaankiisu, mana jiro mid la isku waafaqsan yahay. Sidaa darteed, waxa aynu iska qaadan doonnaa, mid waaqiciga ku salaysan: sicirbararka waxaa lagu qeexaa; “hab isdabajoog ah oo uu u kordhayo qiimuhu ama hab isdabajoog ah oo u qiima dhacayso lacagtu” (Laidler and Parkin, 1975, p. 741).

Sicirbararku waxa uu la kowsaday oo isku filyihiin lacagta, waana walaxda ugu weyn ee uu ku tiirsan yahay iyo halbeegga lagu garto. Sida uu ku doodo Dhaqaaleyahanka Professor Milton Friedman, oo sicirbararka ku tilmaamay “shaacsane lacageed”. Si kalena haddii aan u idhaahdo waa mid kamid ah xanuunada ku dhaca lacagta. Inta aynaan sicirbararka u gelin, waxaa qasab ah in aynu isla fahamno lacagta oo iyadu fure u ah fahamka iyo furfuridda sicirbararka iyo heerarkii ay soo martay; sooyaal ahaan, sifaadkeeda, shaqadeeda iyo shuruucdeeda.

Bilowgii nolosha Aadanaha, waxaa la billaamay ikhtiraacaad ka dhashay baahidii ka jirtay deegaanka ku xeeran, dabcanna, ganacsigu kama fogeyn xilligaas. Dadkii hore waxa ay lacag ahaan u isticmaali jireen badeecad, badeecad kale lagu beddelay kaas oo loo yaqaan (barter) ama iidoori. Nidaamkaas ku salaysan badeecadaha la is waydaarinayo, waxaa batay dhibtiisa. Tusaale ahaan, waxaa adkayd inaad hesho qof doonaya waxa aad hayso, ilsamarkaana haya waxa aad doonayso. Waxa kale oo uu nidaamkaasi ku xumaa sarifka oo ma qaybsami jirin, tusaale ahaan haddii aad suuqa keento lax oo aad doonayso kibriid. Waxaa qasab ah inaad is dhaafsataan labadaas shay oo aan isu dhigmin. Sidoo kalena, kayd ma geli kari jirin. Mar kale ayaa horumar laga sameeyey lacagta oo waxaa la hindisay, in shay go’an loo isticmaalo lacag ahaan, waxaana loo yaqaan (commodity money), tusaale ahaan, qabiilo la odhan jiray Aztecs oo degi jiray Latin Amerika ayaa lacag ka dhigtay geedka qumbaha, dad kale waxa ay ka dhigteen milixda, kuwo kale hargaha. Qoloba wixii deegaankeeda kula waynaa, ayay lagac ka dhigatay. Nidaamkanna dhibtiisa ayaa batay, oo ma lahayn awood qaybsamid “divisibility” sidoo kalena deegaan kama gudbi jirin oo ma lahayn awood gudbid “transferability”- labadan oo dhaqaaleyahanadu rumaysan yihiin in ay aasaas u yihiin ganacsiga. markaas ayay dadku lacag ahaan u isticmaaleen macdanaha kala duwan.

600, oo sanno ka hor dhalashadii Nebi Ciise, ayaa la rumaysan yahay in boqor ka talin jiray Boqortooyadii Lydia (Turki), oo lagu magacaabi jiray King Alyattes in uu sameeyey lacagtii ugu horraysay ee qadaadiic ama bir ka samaysnayd. Taas oo dhexda kaga sawirnaa libaax qaylinaya.

Wixii intaas ka danbeeyeyna, boqortooyooyin kale ayaa samaystay lacago ka samaysan macdanta qaaliga ah  ( dahab iyo qalin IWM), lacagtan waxaa lagu jaangooyey, culayskeeda, oo hadba inta uu culayskeedu yahay ayuu qiimaheeduna ahaa. Waxaa xusid mudan in lacagahan ka samaysan macdanta qaaliga ahi ay ka shaqayn jirtay meelo ka baxsan meesha laga lahaa, maadaama, macdanta qiimaheeda la isla yaqaano.

Qarnigii 13aad ayaa Boqorkii dalka Shiinaha xukumi jiray ee Ghengis Khan, wuxuu sameeyey lacagtii ugu horraysay ee waraaqo ah. Nidaamkaas maaliyadeed ee boqorkaasi dejiyey waxa ay ahayd, in qofku keensado xaddi macdan ah; dahab ama qalin, dabadeetona, qofka loogu beddelo waraaq ay ku qorantahay culayska dahabkii ama qalinkii. Haddii ay u baahdaan, dahabkoodii ama qalinkoodiina waa loo beddeli jiray.

1661kii, dalka Sweden ayaa laga sameeyey bangigii adduunka ugu horreeyey. Sababtii bangigaas keentayna waxaa lagu sheegaa, sababo amni iyo mooryaan ka dillaacday dhulkaas; kuwaas oo jidgooyo u geli jiray, dadka isaga gudbaya deegaanadaas ee sita lacagta macdanta ka samaysnayd. Bangigaasi adageegyada uu qaban jiray, waxaa kamid ahaa in uu dadka u hayo lacagtaas macdanta ka samaysan, sidoo kalena siiyo, waraaqo tilmaamaya xadiga macdan ee  bangiga kuu taal, taas oo ay dusha kaga qoran tahay culayska dahabkii ama qalinkii. Markii ay u baahdaan lacagtoodiina, ay warqadda la yimaadaan oo la siin jiray dahabkoodii ama qalinkoodii.

Si kastaba haahaatee, dadkii bangiga, lacagta macdanta ah dhigtay ee sitay warqadda sharciyaysan ee bangigu siiyey, ayaa bilaabay in ay warqadihii dhexdooda wax ku kala iibsadaan.

Abdiqani Axmed Cali

Alikaniahmed02@gmail.com

 

La soco qaybaha danbe

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*

code