Siyaaradii Suufiyada iyo Sooryadii Itixaadka

 

Siyaaradu waa eray Af-carabi ah oo ka dhigan booqasho laakiin markii danbe isticmaalkiisu isu beddelay “dhaqaale-abuur” ay wadaaddadii hore si xeeladaysan ugu xoogsan jireen.

A: Culimadii hore ” suufiyo” waxay ahaayeen niman diinta u go’ay, wax shaqo ahna aan gacanta gelin ama aan qaban. Waxay mar walba dadka ay buuniyada u yihiin ka dhaadhicin jireen, in culimadu tahay ma daalayaal diinta adeeggeeda u taagan habeen iyo maalinba, dedaalka diineed ee ay ku jiraanna aanu u saamaxayn inay tacab adduunyo taabaan una tafaxaytaan, sidaas darteed waxa dadku haysto mood iyo noolba ay tahay in laga saami-geliyo, waxna laga siiyo. Dadkuna diinta iyo dadkeeda aad bay ugu dhega-nuglaayeen uguna gacan furnaayeen, culimadana waa la dhaqaalayn jirey mar ba haddii codkooda macaan ee salliga nebiga “NNKH” ay ku qaadayaan laga maqlo daafaha iyo dacaladda ooshu degantahay markaas.

Inkastoo ay jireen dad badan oo fahansanaa in wadaadku yahay nin karmeed noloshiisa maaraynaya, diintuna u tahay gabbaad iyo gaashaan uu dadka ugu dhuunto, dadka inta ku dhiirata arrintaasi ee dhalleecaysaa waxaa laga sheegaa inay odhan jireen…

* Markii wan la qalo werdiyow

* Marka kale wayso xumow..

Iyagoo tilmaamaya in wadaadku farxo oo dikri ,dacwo, diin iyo qur’aan akhris bilaabo marka reerka uu habeenkaas la joogaa u’ loogo “ Neef u qalo”..isagoo naftiisa ugu sheekaynaya in habeeenkaas daal iyo dacasba ka hadheen, haddiise ay dhacdo in reerku ay gacan-bidixeeyaan, oo wadaadka aanay xoolo u qalin, aad bay arrintaas u dhibi jirtey culimada, sida ka muuqata labadaas tuducna qur’aan iyo dikritoona ma ay jalleeci jirin habeenkaas.

Waxa kale oo ay culimadu ugu gooddin jireen reerka qadiya habeenkaas inay la kulmi doonaan tacluus iyo taws aanay marna kasoo waaqsan doonin, naf iyo maalbana haydaaro iyo hoog dhaxal-siisa, waxaana loo arkayey Tuf-ku-khayrayaal aan baryadooda Eebbe marnaba soo celin duco iyo habaar kii aad kala kulantana la aqbalidoono.

B: Culimada hadda ” Itixaadka”: Dabcan culimada hadda joogaa ma wada aha Itixaad laakiin malaha Itixaadkaa ugu tun iyo tagoogo weyn marka haddaan iyaga tusaale usoo qaadanno, qoladani iyagu sidii Suufiyada si qaawan oo qaxayan dadka uguma sheegaan in dhaqaale loo ururiyo, ama la naas-nuujiyo meekhaanka iyo makaanka culimanimo ee ay hayaana lagu banbaaniyo, laakiin qaab dadban bay hawsha u wadaan, kana xeel iyo xirrib dheer tii wadaddadii hore, “waraabe aragti badan baa lagu nacaye” , inta badan waxay u doolaan degaanno shisheeye iyo meelo laga yaabo in xiiso iyo xallad dheeraad ah looga hayo imaatinkooda, waxa ujeeddada socdaalka lagu macneeyaa baahi diineed oo degaankaas ka aloosan, iyo safar dacwo,

Dadkana waxay kala hadlaaan in wax lala boxo oo hor Alle iyo habeen aakhiro wax loo hor marsado. Dadka aad baa loo qalbi-xoodaamiyaa, dareenka nolosha danbe iyo baahida aakhiro jirtana dubaaqoodaa lagu cubaa oo lagu cabbeeyaa, si ay si hab iyo hannaan deeqsinimo ku jirto ugu godol-qaadaan gaawayaasha culimadana loo gingimo

“buuxiyo” !, Waxa la asteeyaa lana agaasimaa kulan-wadareed iyo muxaadarooyin lagu qabto fagaarayaal waaweeyn, kulamadaas qaarkood waxa loo goostaa , warqado lagu galo iyo kaadhadh, la’aanteedna aan qofka loo oggolayn inuu iska soo galo.

.. Marka ugu danbaysana waxa lagu lingaxaa hadalkii soo taxnaa ” Culimada martida ah ee inala joogta hala sooryeeyo hana la amba-bixiyo, xaqweyn bay inagu leeyihiin, han iyo hami diineed bay xambaarsan yihiin, meelo fog fogna waa inooga yimaadeen iyagoo quudaraynaya inay diinteena iyo ubadkeenu inoo badbaadiyaan, culimada ticket-ga aan ka bixino.

Qoladan danbe laftoodu marka dadku gaagaxaan ama ay ku hungoobaan lacagihii faraha badnaa ee sida hawsha-yar looga urursan jirey, sida kuwii hore uun bay u gibil-madoobaadaan una kahdaan gacan adayga iyo bakhaylnimada soo korodhay. Intaas oo keliya maahee, waxay raaciyaan, catow, caraatan, calaacal, iyo mararka qaarkood caga-jugleyn iyo quudhsi ay dadka u geystaan.

* Markuu Doolar helo digriyow

* Marka kale Daaman xumow.

Marka la doonayo in qoladii hore lala mataaneeyo ama lagu sidko, malaha sidaas baa la dhihi karaa, iyadoo wankii iyo waysadii uun lagu bedelayo doollar iyo diyaarad lagu tamashleeyo, adduunka daafihiisana la isagaga goosho.

Marka la isku soo xooriyo, siyaaradu waa tii hore si hab-sami lehna waa u socotaa, lakin waxaa wax laga bedeley eraygii ahaa ” siyaaradii culimada” waxaana loo diga-rogtey mid kaloo ah ” sooryadii culimada”… waxaanse malaha meesha ku jirin oo deelqaaf iyo daanno lagu tilmaami karaa in ” sooryada culimadana” ay caarrantahay ( =fiicantahay) halka “siyaaradii culimadii horena” ay caayantahay”.

Adan Cige Cali

samakab05@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code