Soo Ifbaxa, Cimriga iyo Geerida Fikradaha

Waxaynu rumaysan nahay, Haddii aan muslim nahay, in wax walba oo Alle kasoo hara ay jiri karaan muddo kooban. Dhirirka muddadaas inta uu la egyahay waxaa jaan goynaya duruufo iyo xaalada gaar ah. Duruufahaas iyo xaaladahaasu waxay si wada jir ah uga yimaadaan dadka curiyay fikradaha, macaamiisha fikradaha, wadciga guud ee xilligaa jira- the larger context iyo sida ay fikraddu u waafaqsan tahay, ama uga soo horjeedo sharciyada daa’imka ah/joogtada ah- السنن الكونية. fikradaha iyo aydiyoolajiyadaha qaar way dhicisoobaan, qaar way saqiiraan, qaar baa xoogaa cimriya, qaarna kumannaan sano ayay socdaan. Fikir walba waxaa la curiyaa xilli, waxaana curiya dad xilligaa nool. Dadkaasu waxay wax ku dhisanayaan ilbaxnimada iyo aqoonta ay haystaan xilliga uu fikirkaa soo ifbaxayo. Haddii ay fikraddu tahay mid dabacsan, waafaqsanna sharciyada joogtada ah waxay u badan tahay in ay guuleysato. Ha yeeshee, guusha kadib, waxaa lagama maarmaan in si joogta ah loola daba taagnaado nadiifin iyo cusboonaysiin. Haddii aaney taa dhicin, aydiyoolajiyadaa waxaa u dambeeya qashin qubka.

Tusaale, Suufiyadu markii ay qatar dareemeen dhamaadkii qarnigii hore waxay qoteen dhufaysyo aan micno lehayn intii ay isbeddel dhab ah la imaan lahaayeen, kana guuri lahaayeen qubuuraha iyo xatraynta aan waxba tarayn. Waxay ku guuldareysteen in ay fahaamn guuxa iyo isbeddelka macaamisha, waxayna ka dhamaan waayeen in ay ku celceliyaan “bidco iyo gar dheer baa soo socota”. Dhab ahaantii, waxaa hor taalay fursad qaaliya oo ay dadkoodi kusii haysan kareen, laakin waxay waayeen nadiifintii iyo cusboonaysiintii joogtada ehayd. Qaladkii mid lamid ah waxaa haatan ku socda Salafiyada oo ayaguna dhufayso aan micna badnayn ka qodaya aag walba, kuna haaya bidco, munaafaqiin, iyo takfiir baa yimid. Waxaa habboon in la fahmo guuxa macaamisha, isbeddelka socda iyo wadciga guud ee markaa jira. Waa dhab in ay Salafiyada qaar waxyaaba badan kasoo qaan gaareen oo isbeddel muuqda uu jiro, balse waxay qabaan ad adeeg lafaha uga jira oo ka hor taagan in ay si dabacsan u baaraan qaladaadkooda, fahmaanna in aan bulshadu wada ehayn Salafiya.

Waxyaabaha ay kasoo qaan gaareen waxaa kamid ah, sawir waa xaaraan, dastuur waa gaalnimo, demoqoraadiyo waa diin gaalo, dowlad gaalo la saaxib ah waa riddo, haddii aan shareeco la dabaqayn waa xabbad… Waxaa jiray xilli ay xabad iyo dil ka xigeen waxyabaha ay hadda ka dabceen, barrina waxaa macquul ah in ay ka dabcaan waxyaaba ay hadda ku indha adag yihiin. Fahamka nuucaas ahi wuxuu hadda ka bilowday dalal uu Sucuudigu kamid yahay, kuwa Soomaalidana waxaan rejaynayaa in ay maskax furnaadaan. Waxa isbeddelaya mar walba waa fahamka, fasirka iyo dhuuxidda ujeedooyinka nusuusta diinta ee ma aha diinti lafteedi. Ugu dambeyntii, sharciyada nolosha ee joogtada ah waxaa kamid ah isbeddel. Fikir walba oo diida, ama aan helin naash-naash joogta ah wuxuu si toos ah uga baxayaa daaqadda. Waa xeer guud oo qabanaya ideyoolojiyad walba, mid diimeed iyo mid addunyaba. Maqaalka kan xiga waxaan ku eegi doonaa isbahaysatada ka dhanka ah Salafiyada, waxa ay doonayaan iyo in ay waafaqsan yihiin sharciyada joogtada ah ee koonka- السنن الالهية iyo in ay dhaga toobin ku haayaan.

W/Q: Mohamed Adaani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code