Tafsiirka diinta ma la dhammaystiray?

Haddii la maqlo mas’alo cusub oo diina waxaa dadka qaarkii yiraahdaan diinta waa la kamilay, taasoo laga fahmayo in loo maleeyey in cilmiga diintu ka duwan yahay culuunta kale, laakiin runtii quraanku wuxu ka kooban yahay waxa lagu barto culuunta kale sida qaanuun, taariikh, luqad, xisaab, farsamo iyo kuw kale, taasoo keenaysa in  wax cusub laga fahmi karo maalinba maalinta ka danbaysa sida culuunta kale.

Qiyaaska, axaadiista iyo hadallada culimaduna waxay soo hoos galaan quraanka, sidaa darteed cilmiga waxaa laga ogaadaa labo meel oo kala ah quraanka oo ah kalaamkii ilaahay iyo ashyaa’da aan aragno ama dareenno  oo ah khalqigii alle abuuray, waana labo qayb oo ku cad quraanka loona yaqaan aayaadka alle, sidaa daraadeed diintu waa qayb ka mida cilmiga.

In cilmi baarista diintu istaagtayna waxay calaamad u tahay inaan tafsiirka quraanka si dhab ah loo fahmin, maxaa yeelay markaan baaray dhawr baab oo diinta ka mida sida dhaxalka, xeerarka ciqaabta, arrimaha qoyska, siyaasadda ikk, waxaa ii soo baxay inaan diinta ku darnay wax badan oo aan ka mid ahayn, wax badanna ka dhiman yihiin.  Sidaa darteed, waxaan maqaalkan idin kula wadaagin dhawr tusaale oo aan idinka siiyo sababaha keena in tafsiirka la qaldo ama qayb ka mida laga tago, qaybaha kalena sida xadiiska, qiyaaska iyo ijmaacana waxaan idin kula wadaagi doonaa  maqaallo kale haddii alle idmo.
Maxaa keenay in tafsiirka la qaldo ama qaar ka mida laga tago?
Fahanka quraanku wuu ka fog yahay sida loo malaynayo, maxaa yeelay aayadaha qaar waxaa laga fahmi karaa labo macne oo midi sax yahay kan kalena qalad yahay. Sidaa darteed haddii dadku sahladaan tafsiirka aayadaha waxay mararka qaar ku camal falaan macnaha qaldan iyagoo moodaya inay quraanka ku camal faleen.

Matalan quraanka waxaa ku jira laba aayadood oo ku saabsan in ninka iyo  gabadha la furay iyada oo aan la taaban in mid walba nus la siiyo, laakiin labada aayadoodba waxaa loogu camal falay si ka duwan sidii laga rabey maxaa yeelay inta aan qofka nuska la siin waxaa shardiya in la ogaado sababta uu maalka ku mutaystay iyo sababta uu nus u qaatay oo uu u qaadan waayey wax nus ka badan ama ka yar. Sidaa darteed,  ninka nuska la siinayo waa midka wax dhalay ee ilmuhu ka dhinteen, maxaa yeelay waxa uu qaatay waa nasiibkii ilmihiisu lahaayeen,  wuxuuna nus qaataa marka uu wax la dhaxlayo qof isaga u dhigma sida walaal.

Gabadhuna waa midda ciddada ka baxday ee la furay iyada oo aan lagu noqon, waxayna wax ku qaadatay ciddada ay tirsatay, matalan gabadha laga dhintay waxay ka dhigan tahay gabar la furay oo aan lagu noqon, ciddadeeduna waa 4 bilood iyo 10beri oo ah muddo u dhiganta uurka nuskii sidaa darteedna waxay qaadataa inta gabadha uurka leh la siiyo nuskeed, gabadhii ciddadeedu tahay 3bilna waxay yeelan biilkii 3daas bil, sida alle yiri: “ waxay leeyihiin inta korkooda ah in la mida oo wanaaga /ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف” (Al-Baqara 228).

Sidaa darteed, xaasku ninkeeda kuma dhaxasho inay ciddo qaaday maxaa yeelay ciddada waxay ku heshaa biil, biilkuna waa wax ka baxsan dhaxalka, laakiin waxay ku dhaxashaa inay ninka wax u dhashay sidaa darteed midda la siinayo rubaca ama tumunka waa midda ninka u dhashay carruur aan noolayn maxaa yeelay waxay qaadan nasiibkii carruurteedu lahayd.

Sidoo kale gabadha la mehersado waxay yeelan inta bil ee ay ninkeeda sugayso, sidaa darteed haddii gabadha lagu meheriyo 1000$ waa in la caddeeyo in kunkaasi yahay hadiyad iyo inuu yahay masruuf, maxaa yeelay haddii uu hadiyad yahay kunkaba way yeelan, biilkeediina waa loo qiimayn, laakiin haddii kunku ahaa masruufkeeda waa in la caddeeyo inta bil ee loo qiimeeyey, matalan hadii kunku ahaa 10bil biilkood waxay yeelan 300$ haddii la furo 3bil ka dib.

Waxaa kale oo jira in aayadaha qaar laga qaadan karo labo xugun ama wax ka badan, haddii ayna dadku u fiirsanna waxaa dhacda inay labadii xugun mid ka mida la qaato midna laga tago, matalan tafaasiirta iyo kutubaha fuqahada midna laguma xusin in ninka wax dhalay qaraabada ka tirsan yahay, iyadoo ay jirto aayada badan  oo caddaynaya inuu qaraabada  soo gelayo, sida aayadda soo socota:

“Waxaad ku tiraahdaa haday waalidiintiina, awlaadiina, walaalihina iyo xaasaskiinu yihiin … kuwa laga jecel yahay Alle iyo rasuulkiisa / قُلْ إن كَانَ آبَاؤُكُمْ وأَبْنَاؤُكُمْ وإخْوَانُكُمْ وأَزْوَاجُكُمْ … أحب اليكم من الله ورسوله” (Al-Tawba 24).

Aayadan waxaan ka fahmaynaa labo arrin oo kala ah:

1) In la adeeco Alle iyo rasuulkiisa

2) Sida qaraabadu isugu xigto oo ah sida ku xusan qoraalka hoose:

Xaas – ubad – Qof – waalid – walaal

Haddaan aayaddan u fiirsanno waxaa qofka ku xiga waalidiinta iyo awlaada, walaaluhuna waxay ku xigaan waalidka, xaasaskuna ubadka, sidaa darteed xaasaska aayadan ku xusan waa kuwa ubadka dhalay, taasoo laga qaadanayo in labada isqaba qaraabo noqdaan haddii ay wax isu dhalaan. Sidaa darteed waxaa 2sawj ku sifooba 2dii qof ee walad ka dhexeeyo ama sugaya inay awlaad yeeshaan.

Waalidka iyo ilmuhu waxay ka dhigan yihiin qaraabada darajada 1aad, walaalka iyo xaaskuna qaraabada darajada 2aad, qofka darajada 2aad ahna wuxuu wax dhaxli karaa marki qofka ka sokeeyey uuna noolayn. Sidaa darteed walaalku wuxuu wax dhaxlaa markii 2da waalid mid ka mid ahi uuna noolayn ama ay labaduba dhinteen.

Sidoo kale 2da sawj waxay is dhaxlaan markii walad ama wax ka badan ka dhintaan, maxaa yeelay 2da sawj maaha 2qof oo isku xiga ee waa 2qof oo loo dhexeeyo, sidaa darteed haday dhimato gabadh aan ilmo lahayn waxay noqon laba mid uun:

A) Inay tahay gabar ilmaheedii oo dhan ay dhinteen:

Gabadhii ilmuhu ka dhinteen waxaa dhaxla ninkii awlaadaas dhalay iyo qaraabadeeda. Sidaa darteed sawjka nuska qaatay waa mid ay ka dhinteen 2 ilmood, maxaa yeelay sawjku wuxuu u dhigmaa walaalka haddii walaalku lahaa 2waalid, hadii labadii walad mid nool yahayna wuxuu sawjku qaadan rubac, hadii labaduba nool yihiinna sawjku wax ma dhaxlayo maxaa yeelay waxa uu sawjku qaadanayey wuxuu ahaa nasiibkii ilmaha.

B) Inay tahay gabar aan weligeed wax dhalin:

Haddii uuna qofku weligii wax dhalin waxaa loo yaqaan “kalaalo” waxaana dhaxla qaraabadiisa oo keliya, sidaa darteed gabadha aan wax dhalin waxaa dhaxlaya qaraabadeeda oo keliya xataa haddii ay nin leedahay.

Waxaan labadan mas’alo ee aan ka soo hadalnay kala baxaynaa dhawr arrin oo muhiim ah oo kala ah:

1) In wax kasta oo ay culimadu fasirtay aysan shardi ahayn inuu sax ahay.

2) Inaan tafsiirka quraanku dhamays tirnayn, loona baahan yahay in la dhamays tiro ama wax lagu daro.

3) In mas’alo culimadu isku waafaqday noqon karto mas’alo qalad ah, taasoo laga qaadanayo inaan ijmaacu ka mid ahayn adillada la daliishan karo.

4) In la iska hubsado wax kasta oo laga qaadanayo tafaasiirta iyo kutubaha ay fuqahadu qoreen, si aan loo gudbin wixii qalad ah ee iyaga ka dhacay, loona ogaado meesha qaladku ka yimid.

5) In wax cusub lagu soo kordhin karo tafsiirka quraanka iyadoon wax laga bedelin macnihii aayadahu lahaayeen.

Qore: Abddalla M. Aw Hasan

Anwar535@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code