Tamashle aan ku marno xeebaha Soomaalida.

 

Tamashle aan ku marno xeebaha Soomaalida.

Waa hammi iyo hawlgal dusha laga dhisay balse hubaal ah in dhallin u istaagi doonto kana dhabayn doonto maalin. Qormadu waa dhowr qaybood. Magaalooyinka iyo tuulooyinka xeebaha Soomaalida teedsan ee aad arki doontaan bannaanka lagama dhisin ee waa jiraan waxaana abdaynaynaa in akhristeyaashu ku soo kordhin doonaan kuwo kale. Amaba ay faahfaahin kale ku soo dari doonaan sooyaallada meelaha qoraalku taaban doono.

Qaybta 1aad

 

in ay dejiyaan gacanqabsiga ku-sodcaalka xeebaha Soomaalida. Midkoodna hor uma arkin hal tuulo oo xeebahaas ku taal. Haddana, dhammaantood, Soomaaliya waa ku maqal ee midna kuma dhalan. Guubaabo lagu dhaliyey iyo xin ay ka qaadeen kuwa facooda ah oo Yurub soo wareega haddana faaniya bay la xafiiltamayeen. Arrin kale baa wehelisay. Tuulo kasta oo Yurub ka mid sida lagu tago iyo sooyaalkeeda kale hor baa loo qoray. Haddaba, arrin loo baahan yahay iyaguna ay kow ka yihiin suurogalna ah in ay fuliyaan bay gacmaha isku saarteen. Horumarka koonku xin iyo dadaal qof ama koox dhabarka u ridatay in uu ku xiran yahay bay la socdeen. Marka, bal aan aragno sida ay uga dhabeeyaan iyo raadraaca ay u sameeyaan facyaalka soo socda.

Doojiye waxa uu ku dhashay magaalada Toronto ee dalka Kanada. Waa horraantii 1989, Isbitaalka Noorfaas ee magaalada Toronto. Sida caadada ka ah dunida, lix jirkiisii waxaa lagu daray iskuul uu raca koowaad ka bilaabay.

Toban jirkiisii buu galab iskuulkii ka yimid isaga oo xoogaa daallan. Aalaaba, marka uu guriga soo galo hooyadiis buu hab siin jirey. Maalmaha nasashada, marka uu guriga joogo waxa uu jeclaan jirey in uu daawado barnaamij la yiraahdo “Maxaad ka taqaan Yurub”. Mararna waalidkiis buu la soo tamashleyn jirey. Waxa ay uga sheekayn jireen dal aad u qurux badan oo hodon ah oo iyagu ay ku dhasheen, ku soo barbaareen isla markaasna ay jecel yihiin maalin in ay arkaan isaga oo wada xasilloon. Waa dal xeeb ku leh Badda Cas iyo ta Hindiyaba. Waa geeska Afrikada Bari. Waxaa loo yaqaan Soomaaliya.

Yeelkadeed iyo qofba iyo hammigiise, galabtaas, Doojiye makii uu gurigoodii soo galay boorsadii iskuulka kursiga fadhiga buu bataq isaga siiyey. Hooyo oo habta kaddib maalintiisa iyo iskuulka wax ka weyddiin jirtey buu mac iyo haba isugu daray. Balse, waxa uu indhaha ku dhuftay ilmo ka tifqaysa. Mar kale buu isku maray buug horteeda yiilna kor u qaaday. Magacii buugga waa kiciyey waase markii koowaad oo uu arko. Iyada oo wax u qushuucsan haa, balse, maalintaas ka hor ma arkin hooyadiis oo ooyeysa. Kolkaas buu yiri, “Hooyo maxaad la ilmeynaysaa?’ Iyada oo aan u afcelin bay madaxa u salaaxday daymo hooyonimona siiyey. Haddana, “Hooyo, buuggaan aad arkaysid baan akhrinayaa ilmadaanna iga keenay,” bay tartiib u tiri iyada oo ilmadii gacanta iska marinaysa.

“Sabab hooyo?”

“Dhallin garaad sare leh, aqoon leh, han iyo himilo sare wadata baa qoraagu abuurayaa.”

“Dad maa dad abuuri kara Hooyo!”

Muunadwacan xoogaa bay qushuucday. Hadalkii baa ku margaday. Erayadii ay wiilkeeda waxii ka oohiyey ugu jilcin lahayd baa ku adkaaday. Doojiye baan ku wanaagsanayn qoridda iyo akhrinta afka Soomaaliga iskuulkana lagama bari jirin Juquraafiga Afrika. Haddana, cunuggii qodqodkii waa ka deyn waayey hooyadi. Kolkaas bay tiri, “Hooyo, dhallinta uu qoraagu ka hadlayo waa kuwa Soomaalida u kici doono. Waa kuwo ka kori doono qabiil, quursi iyo qaraabokiil. Eebbe ha noo qaado saadaasha qoraaga.”

Toban jirkii dambarkeeda laga anqariyey xuddunteedana laga jaray, waa Doojiye e’, isaga oo weli ka hamminayey ilmadii hooyo ka tifqaysay buu yiri, “Hooyo, qoraaga adigu ma taqaan?”

“Maya hooyo, waase waa mid dhallinta uu ka sheekaynayo adduunka ku firirsan yihiin ee Eebbe dareenkooda wanaagsan ha isu soo jeedsho.”

Doojiye ma garan karin hankii iyo himiladii ay hooyadi ka aragtay sheekada, haddana mar kasta oo ay kasho yar hesho, hooyo waa soo qaadi jirtey buuggaas. Doojiye waxaa ku batay hadalhayntii buugga. Si uu buugga u akhriyo, waalidkiis buu ka codsaday in ay gacan ku siiyaan qoraalka iyo akhrinta afka Soomaaliga. Dugsiga sare markii uu ka baxay, 18 jirkiisii, qormooyin tayo sare leh buu ku samaynayey afka Soomaaliga. Ilmo kale oo u masayray baa iyana bilaabay in ay jaal kula noqdaan dhaqankaas. Doojiye intii uusan Soomaaliya cagaha dhigin waxa uu gaaray heer uu isku fasiro afka Faransiiska oo afka labaad ka ah dalka Kanada, Ingiriiska iyo Soomaaliga.

Inankii waxaa ku dhashay dareen cusub. Dhallintii buuggu ka hadlayey in uu ka mid noqdo baa tartiib ugu duxday. Waalidkiis buu ka codsaday in santuukh gaar ah oo kale loo furo. Haraaga yaryar ee lacagta ah oo markii wax la soo gataba soo hara baa lagu ridi jirey. Waxa uu haddana bilaabay in mareegaha dhallinta Soomaalidu ku xiriirto uu ka baafiyo dhallin faciisa ah oo la riyoota. Waxa uu samaystay Waraysiye (Questionnaire) uu ku baaro dhallinta uu rabo. Hadba koox baa ku soo biiri jirtey midbana mar ka hari jirey.

Ugu dambayntii, Doojiye waxa ay jaantii isla heleen tiro buuran oo hankii iyo himiladii uu ka shaxayey leh. Hase yeeshee, badankood meeshii uu ka hamminayey uma jeedin. Waxa ay ku taamayeen in ay tamashle ku kala baxshaan Yurub iyo Waqooyi Ameerika marka ay waxbarashada sare ka aflaxaan.

2012, Doojiye waxa uu ku aflaxay Kheyraadka Badda. Waxa uu go’aansaday in uu mashruucii buugga ka dhabeeyo. Hantidii uu hawshaas ku socodsiin lahaa waa u soo dhawaatay. Waxaa taladaas ku raacay, labo wiil iyo labo gabdhood oo ay muddo arrinta isla soo gorfeynayeen. Waa 2014. Dhallintu waxa ay u dhexeeyeen 25 ilaa 27 dabshid. Dhammaantood waxa ay ka aflaxeen jaamacado waxayna u kala leexsanaayeen sidatan. Doojiye oo ku aflaxay aqoonta kheyraadka badda (Marine resources), waxa uu ku dhashay kana soo jeeday magaalada Toronto ee Kanada. Soohan oo ku aflaxday sooyaalka aadanaha weliba dhinaca dhaqdhaqaaqa bulshooyinka waxa ay ku dhalatay magaalada Ottawa ee Kanada, in kasta oo ay ku barbaartay magaalada Edmonton ee Kanada.  Soolaal oo sii raacay aqoonta jaangoynta iyo dhisidda jidadka waxa uu ku dhashay, ku barbaaray kana soo jeeday magaalada Miniyaaboolis (Miniyaapolis) ee dalka Maraykanka. Baahila oo ku dheeraatay aqoonta xeerarka guud ee dunida waxa ay ku dhalatay kana soo jeedday magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska. Daldoon oo isna ku aflaxay aqoonta Isgaarsiinta, gaar ahaan barnaamijyada koombuyuutarradu ku shaqeeyaan waxa uu ku dhashay kana soo jeeday magaalada Sydney ee dalka Uustaraaliya.

Kulankii ugu dambeeyey oo toos la isu hor fariistay waxaa lagu qaatay magaalada London. Qorshaha sidii loo fulin lahaa iyo goortii la fulin lahaaba waa la gabogabeeyey. Maadaama muddo waxbarasho lagu soo jirey, inta aan suuqa shaqaalaha lagu biirin in tamashlaha iyo baaritaanka la fuliyo baa hoosta laga xarriiqay. Halkii laga bilaabi lahaa baa la isla tilmaansaday. Xeerarkii abaabulka baa la isla dejiyey.

Haddana, qof walba xil gaar ah baa loo magacaabay. Baahila oo London ka soo jeedday waxaa loo xilsaaray xiriirka kooxda iyo dunida kale, halka Doojiye isna loo doortay madaxa kooxda. Markii la isla wada eegay qorsheyaashii dhallinta midba gaar ugu degsanaa, Lixaad iyo Toddobaad in barnaamijka lagu soo gabogabeeyo baa meel la isla dhigay.

Magaalada DiiJabuuti baa lagu ballamay. Waa 2014. Waa Juun waana badda Cas.  Waxaa halkaas loogu tegey doon qalabaysan oo halkaas ku sugaysay. Waxa ay Sodcaalkii ka bilaabeen Dijabuuti ee dalka Jabuuti. Haddaba, Dijabuuti waa tumah?

DiJabuuti waa magaalomadaxda dalka Jabuuti. Badda waxa ay ka sarraysa 14 dhudhun (46 fiit). Jabuuti waxa ay taal isgoyska Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Ugu yaraan, dadka reer Jabuuti boqolkiiba lixdan baa Soomaali ah, haddana afka koowaad oo qoraal ahaan hawlaha dalka lagu kala socodsiiyo waa Faransiis. Xeebaha dabaasha, raaxaysiga iyo dalxiiska loo tago waxaa ugu caansan Guuracambaada. Masaajidka ugu weyn oo halkii mar 1000 qof ku tukan karto waxaa la yiraahdaa Xamuudi. Waxaa la dhisay 1906. Jabuuti waxa ay madaxbannaanideeda ka qaadatay dalka faransiiska 1977.

Waxaa la gaaray goortii DiJabuuti laga shiraacan lahaa. Qorshuhu waa in la raaco xeebta badda Cas ee inta Soomaalidu degto ku teedsan. Geeddiga la rabey in la ebyo waxa uu ka bilaabanayaa: magaalada DiJabuuti ee dalka Jabuuti waxaana qorshaysan in lagu gabogabeeyo Tuulada Kaambooni (Raas Kaambooni) ee Soomaaliya, soohdinta dalka Keenya. Ugu yaraan waa 1,600 oo maylka badda ah (Nautical miles) oo ka badan 2,960 Kiilomitir in tuulo/magaalo kasta oo xeebtaas taal in cagaha la dhigo baa dhallintu degsandeen. Dhinaca Soomaaliya baa loo dhaqaaqay waxaana in yar lagu hakaday, Tuulada Caasha Cabdow oo Jabuuti ka tirsan waxaana looga sii gudbay Lowyaccaddo ee Soomaaliya. Haddii dhulka lagu socon lahaa, Dijabuuti iyo Lowyacaddo waa 30 Kiilomitir, dhanka biyaha aad uma sugna oo buuraley badda ah baa jira. Google-ku kuma tusayo tuulooyinka iyo magaalooyinka aan deked la yaqaan lahayn. Hase yeeshee, 30 -4o maylka badda ah kama badna.

Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay): caliganay54@hotmail.com

 

2aad waxa ay ka bilaaban doonta Magaalada Seylac oo leh sooyaal aad iyo aad u fac weyn, balse kooxdu aysan ku baaran doonin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code