Tufta iyo quraan ku daaweynta! Dadka aaminsan tufka sharciga ah (الرقية الشرعية)

Waxaa jira dad sheegta in ay aqoon u leeyihiin tufta, siiba tufta loo bixiyey tufta sharciga ah (الرقية الشرعية),waxaana jira dad aad u fara badan oo daawo u raadsada dad xurumo u furtay tufta iyo wixii la halmaala. Haddaba tufta maxaa ka sax ah maxaanse ahayn? Sidoo kale maxay yihiin cudurrada quraanka lagu daweeyaa?
Ilaahay quraanka waxa uu ku sheegay macnaha tuf (رقية), oo aayad quraan ah ayaa waxay leedahay: “ Marka ay dhuunta soo gaadho ee la yidhaahdo waar yaa ku tufa/  كلا إذا بلغت التراقي ، و قيل من راق (. Aayaddu waxa ay sifeynaysaa dhimashada qof gaal ah, gaar ahaan kuwii nabiga diiddanaa sida gadaal ku cad ( فلا صدق و لا صلى و لكن كذب و تولى ), yeelkeed e waxa ay caddeynaysaa in tufku aanay ahayn wax nabigu la yimid ee ay tahay dhaqan carbeed oo dawo ahaan la isugu baanan jiray cid kastena wax ay rumeysan tahay iyo dhaqankeeda ayaa ay tufkeeda ku dhisi jirtay, waxa kale oo sii caddeynaya in nabigu NNKH dadka ka eegi jiray waxa ay isku akhriyaan si uu uga saxo waxii caqiido xumo ah ama iimaanka ku qaldan ee ay ku daraan, waxaanu u sheegay qaarkood oo tufka weydiiyay ” ninkii walaalkii wax tari karaa ha taro isaga oo aan u cayimin” , mid kale waxa uu u sheegay in tufku aanu balaayo ahayn haddii aanu shirki wadan; waxa ay caddeynaysaa in tufku ahaa dawo dhaqameed carabtu taqaannay nabiguna ku dadaalay in uu ka reebo waxyaaboha diin ahaan qaldan una daayo waxii aan caqiido ahaan qaldanayn ama wax ha tarto ama yaanay tarin e sida aan gadaal ka sheegi doonno, waxa iyana la hayaa in nabiga NNKH laftiisu cid ku tufay isna isku tufay.

 

Tufku ma diin baa ?!

Weydiintan waxa ay hoos tagaysaa weydiinta ah: wax kasta oo nabigu NNKH fali jiray ama sheegi jiray ma nabinimo ayay ku dhisan tahay mise basharnimadiisa iyo garashadii waagaa jirtay?!

Nabigu haddii aanu ahayn injineer , dhakhtar , dhaqaaleyahan , beeryahan , xeeladyahan ciidan iwm waxa uu sameeyo ee arrimahan adduunyo la xidhiidhaa ma nabinimadiisaa mise waa basharnimodiisa ?!

Nabigu NNKH waxa uu arkay reer Madiina oo timirta tallaala ka dibna waxa uu ku yidhi: haddaad iska daysaan ayaa ay ku roonaan lahayd, ka dibna waa ay ba’day markii ay sidii uu yidhi faleen! markii loo sheegay waxa uu ugu jawaabay in ay isaga sidaa la ahayd oo uu bashar u yahay iyaguna uga aqoon badan yihiin arrimaha beertooda (adduunyo) , si fudud nabigu culuumta adduunyo waxa uu kala mid ahaa dadka oo khibradda iyo dadaalkeeda ayaa loogu kala aqoon badan yahay oo nabiga laftiisa ayaa looga aqoon badnaan karaa sida beertaa ama xeeladdii ciidan ee Beder ama godkii uu Salmaan keenay dagaalkii Khandaq; intaaba nabigu waxa uu isticmaali jiray aqoontii deegaanka taallay waqtigiisii ee ma ahayn waxyi ama nabinimo, waxaana la mid ah caafimaadka oo waxa uu isticmaalay uun aqoontii xiligaa taallay deegaanka oo uu ka reebay waxa ka hor imanaya waxyiga sida shirkiga se waxtarnimoda tufku waxa ay xidhan tahay sida ay isu sugto marka horumar laga gaadho caafimaadka oo sharciyad ama sugnaansho ku heli mayso in nabigu NNKH sameeyay ama faray waayo kama uu keenin waxyi ee waxa uu ka keenay deegaankii uu ku noolaa; waxa ay la mid tahay aragtidiisii beerta ee khaladka noqotay markii la tijaabiyay oo tufkuna waxa uu burayaa haddii garashada dadku gaadho in aanu waxba tarin, nabiga ayaa farayna u shafeeco qaadi mayso sida ay aragtidiisaa beerta ugu shafeeci wayday in uu nabigu yidhi; sababta oo ah nabinimo ma aha arrintani ee waa basharnimo .

Waxa jirta in tufka lagu daweyn jiray berigaa wax kasta xataa haddii jinac ku qaniino, nabigana NNKH laga soo raray in uu faray in la iskaga tufo hangarallaha, xummadda iyo qudhaanjada runtiina waa dhaqankii dhakhtarnimo ee xiligaa jiray oo nabiguna bashar ahaan ugu dhaqmi jiray. Runtii nabinimaduna shaqo kuma leh aqoonta adduunyo oo nabigu dadka ayuu ula mid yahay, waxii uu ku dheer yahayna waa dadaalkiisa iyo kartidiisa ee ma aha nabinimodiisa, waxa la halmaala wax kasta oo caafimaadka la xidhiidhay berigaa sida kaadida geela iyo caanihiisa ama duqsigii la yidhi cabbitaanka dhex galiya iyo wax kasta oo la xidhiida xirfadda iyo aqoonta adduunyo oo ah raqba waa ku raggeed ama waqti kasta dadkiisa ayaa u aqoon badan sida u yidhi nabigu NNKH (أنتم أعلم بأمور دنياكم ) ! Sida aanay maanta seeftii uu nabigu ku dagaal galay ciidankiisana ku hubeyn jiray uga shaqeynayn dhanka ciidanka ayaanay tufka iyo kaadida geelu uga shaqeynayn dhanka caafimaadka!
Nabiga oo la raacaana waa in aqoonta casrigaaga la adeegsado sidii uu aqoonta casrigiisa u adeegsan jiray kolba heerka la joogo.

 

Dadka yidhaahda quraanka ayaa cudurrada dawo ka ah ilaahay waxa uu sheegay labo aayadood :

(و ننزل من القرآن ما هو شفاء و رحمة للمؤمنين و لا يزيد الظالمين إلا خسارا .
Waxaanu ku soo dajinaynaa quraanka wax caafimaad iyo naxariis u ah mu’miniinta daalimiintana u taro uun khasaare )

Weydiintu waxa weeye cudurku waa wax dadka u siman gaal iyo muslim iyo munaafaqba e markaa quraanku ma dawo dadka qaar uun daweysaa qaarna balaayo u kordhisaa?! Haddii cudurka uu daweynayo waa isku mid cudurka dadka ku dhacaa diinta ay doonaan ha haystaan e markaa waxii cudurka dawo ka ah waa in uu cid kasta daweeyaa, haddii kale cudurka dawo uma aha, waayo cudurku waxa uu ku xidhan yahay jidhka maaddiga ah ee qofka waxbana kama galin aaminaaddiisa iyo dhaqankiisa .
Sow akhlaaqda iyo iimaanka ma aha waxa ay tahay in ay mu’miniintu iyo daalimiintu ku kala duwanaadaan oo cudurrada ku dhaca akhlaaqda iyo iimaankuna ma aha waxa uu qur’aanku ka daaweynayo dadka rumeysan (mu’miniin) halka kuwa diiddana khasaare ku dhacayaan ?!

 

Aayadda labaad oo ka sii cad:
( يا أيها الناس قد جاءتكم موعظمة من ربكم و شفاء لما في الصدور و هدى و رحمة للمؤمنيين .
Dadyohow waxa idiin ka timid rabbigiin waano iyo caafimaadka waxa laabta ku jira , hanuun iyo naxariisna u ah mu’miniita!)

Weydiintu waxa weeye:

Maxaa laabta ku jira oo caafimaad, waano iyo hanuun u baahan ?!
Marka la raaco adeegsiga diiniga ah sow waxa laabta ku jiraa ma aha qalbiga oo ah meesha iimaanka iyo hanuunka ama kufriga iyo nifaaqa?!
Dawada u goonida ah waxa laabta ku jira waxtarkeeduna u goonida yahay mu’miniinta miyay noqon kartaa wax aan ahayn iimaanka ama akhlaaqda mid khuseysa ?!

Sidoo kale quraanka waxa ku cad in waxa dawoda ah ee ku jiraa aanay wada ahayn quraanka oo dhan ee ay yihiin wax ka mid ah (و ننزل من القرآن ما هو شفاء) markaa yaa sheegi kara kuwa ay yihiin oo quraanka kale ka soo sooci kara ?! Sow ma caddeynayso in ay tahay dawada loo jeedaa mid khuseya iimaanka iyo akhlaaqda oo aan soo sooci karno qaybaha quraanka ka mid ah ee qofka kala hadlaya iimaanka iyo akhlaaqda ?!
Sow ma ogid in quraanku u yaqaano nifaaqa iyo gaalnimoda cudur (في قلوبهم مرض فزادهم الله مرضا ) oo waxa uu quraanku daweynayaana yahay cudurrada iimaanka iyo akhlaaqda ?!

Haddii aad rumeysan tahay in qur’aanku dawo u yahay uun akhlaaq xumada iyo iimaan la’aanta waa aan iskaga daweyn karnaa innaga oo farrimihiisa dhuuxayna kuna dhaqmayna se haddii aad rumeysan tahay in uu cudurrada jidhka daweeyo ma sheeegi kartaa kuwa ay yihiin cudurradaasi ?! Cudur oo dhan haddii ay tahay ma lagu daweeyaa Duumada , qaaxada , shubanka , qoorgooyeha , hargabka , dhaawaca ma lagu dhayaa oo laf jabtay ma lagu kabaa intaaba iyada oo aan dhakhtar iyo dawo kale loo doonan ?! Haddii ay tahay in dhakhtarka la aado mar kasta waayo?! Quraanku kaligii waxba ma taro miyaa! Oo siduu dawo ku yahay haddii aanu kaligii wax daaweynayn?!

Quraanku waa dawo, waxaanu dawo ka yahay beenta, labowajiileynta, duudsiga, takoorka, musuqa, arxan darrada, walafka, khiyaaamada, warxumo tashiilka, isku dirka dadka iyo qabyaaladeynta, ballan ka baxa iyo dhaardusleynta siyaasiyiinta ee ay doorashadu ku habsaanto hantidana ku boobaan iyo mida bulshada dhexdeedaba … iwm. Haddaba quraanka kariimka ah ee aan haysanno maxuu waqtiga xaadirka ah nooga taraa cudurradan?! Cid dawo uga raadisa se ma haysaan ?!
Runtii waxan ayuu dawo ka yahay ee waxyaabaha hadda dadka badankoodu ku daaweeyaan waxba kama galin habo yaraato e, iyaga ayuuba dawo ka yahay khuraafooyinka iyo beentan loo yaqaano hadda “quraan ku daweyn” ee masaakiinta lagu dhaco oo ma oggola khuraafada iyo jahliga!

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code