TUKASHO IYO TUMASHO (. Qaybta saddexaad)

TUKASHO IYO TUMASHO

Sheeko taxane ah. Qaybta saddexaad

Waddanka Iswiidhan shaqooyinku waxa ay u ka la baxaan kuwo xirfad ku xiran oo qofkii codsanaya lagu xiro in uu aqoon ama waxbarasho u leeyahay waxa uu codsanayo iyo qaar aan qofkii raajicinaya xirfad aqooneed looga baahnayn, oo uu qof kastaa dalban karo. Xafiiska shaqada boggiisa internetka maalin kasta waxaa lagu soo bandhigaa shaqooyin ka la jaad ah oo isugu jira kuwo aqoon ku xiran iyo kuwa aysan shuruudo ku xirnayn.

Shiikh Kabriid Daaxuur xilligii uu shaqodoonka ahaa waxa uu aad u geli jirey bogga shaqooyinka qaybtiisa aan xirfadaha aqooneed laga rabin. In dhul la nadiifiyo, in dhir la jaro, in makhaayad laga shaqeeyo iyo in wargeysyada dadka macmiishooda ah loo qaybiyo oo guryohooda loogu geeyaa waxa ay ka mid ahaayeen shaqooyinka aysan shuruuduhu ku xirneyn. Waxaa shiikha ka yaabin jirey in shaqooyinka lagu sheego in aan waxba la isku xujayneyn ay sida badan ku hoos qornaan jireen in qofka codsanaya laga rabo in uu leysin uu baabuurta ku wado hayso iyo in uu hore uga soo shaqqeeyey hawlo kuwan la mid ah. Waxa uu la yaabi jirey in shaqooyin lagu xayeesiiyo ama lagu bandhigo in aysan shuruudo ku xirnayn ay shuruudahaasi ku xirnaayeen.

Wax badan buu goobo shaqo lanbarkooda garaaci jirey ama uu internetka ku la xiriiri jirey. Wax badan buu magaalada marmaray isaga oo shuqul ku raadjooga, ha yeesho ee cid shaqo ku casunta ma uu heli jirin. Labo kun iyo afar markii ay taariikhda miilaaddigu ahayd buu dalka yimid, waxa uuna bilaabay in uu afka waddanka barto oo waxa uu galay dugsi dadka waaweyn luqadda lagu baro.

Afar luqadood buu ku hadli karey markii uu Iswiidhan yimid, waxa ayna ka la ahaayeen af soomaali, ingiriis, carabi iyo sawaaxili. Carabida iyo soomaaliga aad buu ugu fiicnaa, ingiriiska iyo sawaaxiligana in fiican buu ka garanayey. Dugsiga dadka waaweyn intii uu ku jirey waxaa luqadda u fududeeyey in uu afaf hore garanayey iyo in uu afafka uu yaqiin qaamuusyada lagu fasiray wada fahmayey, oo uu ereyada degdeg macnohooda u heli karey. Waxa uu aamminsanaa in afbarashada ay ugu lamahuraansan tahay in kalmado badan la barto, oo qofku inta erey oo uu yaqaani ay tahay awooddiisa luqadeed. Naxwaha waa uu ku fiicnaa, laakiin culays ma uu saari jirin ee waxa uu awooddiisa isugu geyn jirey sidii uu ereyo badan u baran lahaa.

Xilligaas uu dugsiga afka ku jirey meelna kharash iyo lacagi ka ma ay soo geli jirin, oo waxa uu la noolaa haweeney xaaskiisa ahayd oo shaqayn jirtey. Waa Ijaabo Cartan oo ay muddo wada joogeen. Inta uu rugta waxbarashada joogo keli ah wax ma uu baran jirin ee guriga ayuu akhris ku samayn jirey.

Ijaabo Cartan in kasta oo ay wax badan dalka joogtey haddana afka aad ugu ma ay fiicnayn, isla markaas ereyada ay garanaysey in ay qof ka dhaadhicisaa waa ay ku adkayd, oo shiikhu kalmadna ma uu weydiin jirin ee ereygii uu garan waayo qaamuuska ayuu ka eegi jirey. Ijaabo ma ay lahayn sooyaal waxbarasho oo fiican ama asaas aqooneed, oo waxa ay ahayd sida ay dumarka soomaalidu u badnaayeen.

Shiikhu markii waxbarashada gundhigga ama jirridda ama asaaska ah oo dadka qalaad ee qaangaarka ah loo qorsheeyey uu ka faroxashay af wacan buu garanayey, oo wargeysyada waa uu fahmayey, waxa uuna sii watay barashadii luqadda ilaa uu sanadkii labo kun iyo siddeed qaatay shahaado u dhiganta kuwa waxbarashada sare ama heerka jaamacadda lagu dhigto. Intii uu afkaas heerka dugsiga sare ah ku jirey waxa uu ku barbar wadey koorsooyin dadka qaangaarka ah loo asteeyey oo ay xisaabi ka mid ahayd. Waxa kale oo uusan ka nasan in uu shaqo raadiyo.

Markii intixaannadii waxbarashada uu ku baramoosay wixii ka danbeeyey waxa uu baadigoob joogto ah u galay shaqo ama shuqul uu ku noolaado. Waxa uu gartay in shaqooyin badan la codsado in ay ka horrayso in aqoonsiga wadenimada ama darawalnimada la haysto. Waxa kale oo uu dareemayey leysinka baabuurta in la haystaa in ay iskeed isaga fiican tahay. Sidaas ayaa keentay in uu xoog badan oo degdeg ah ku jaheeyey in uu baaruurta barto. Intii uu koorsooyinka waxbarashada dadka waaweyn ku jirey marna ma uu dhicin, laakiin toddobaadyadii koobnaa ee uu leysinka kasbanayey mar buu dhacay.

Intixaanka baabuurtu waa labo uu mid akhris yahay oo jidadka iyo calaamadaha buugaag laga akhriyo, midna uu farsamo gacmood yahay oo wadidda iyo xakamaynta gawaarida la barto. Midkii akhriska ahaa degdeg buu shiikhu ugu baasay, laakiin waditaankii buu markii kowaad ku dhacay. Naagtii intixaanaysey oo garab fadhidey baa waxa ay marisay Korsvagen oo ah meel ay isdhex yaacaan tareemo, basas, gawaarida yaryar, baabuurta waaweyn, baaskiillo iyo dad badani. Calaamad laamiga ku taal oo muujinaysey in haddii ay dad jidka goynayaan ay baabuurtu istaagaan buu Kabriid maray goor ay waddada hareerteeda habar gudbi lahayd taagneyd. Markii darawalnimada gefkaas cad uu ka galay baa loo sheegay in uu dhacay, oo uu raadkiisa dib u raaci dooney. In uu hal mar dhacayi dhaawac weyn ku ma ay ahayn, oo isla toddobaaddadiiba waxa uu helay kaar aqoonsi oo uu sawirkiisu ku yiil oo caddaynayey in uu baabuurta yaryar wadi karo.

In uu leysin kasbadayi u ma ay dedejin in uu shaqo helo, oo waxa uu muddo dheer ku jirey dadaal weyn oo aysan waxba ka soo naaso caddaaneyn.

Marmar buu ku fakarey in uusan dalku shaqo lahayn oo uu waxbarasho sare iska galo, laakiin ma uu haysan shahaado caddaynaysa in uu afka ingiriiska garanayo, isla markaas xisaabta jaamacadda uu rabey loo shardinayey ma uu wada haysan.

Jaamacadaha dalkaas waxyaalaha lagu galaa waxa ay ahaayeen labo, oo mid waxaa lagu magacaabi jirey shardiga guud, midna waxaa la oran jirey shardiga gaarka ah. Shardiga guud waa in uu qof kastaa haysto ugu yaraan shahaado dugsi sare oo dalkii ay doonto ah iyo in uu ardaygu haysto af iswiidhish iyo af ingiriis ah heerka dugsiga sare.

Kabriid waxa uu haystey shahaado jaamacadeed iyo mid dugsi sare. Waxa kale oo uu haystey af iswiidhis dugsi sare ah. Ma uu haysan shahaado af ingiriis heerka dugsiga sare ah, mana uu hubin in shahaadadiisii dugsiga sare ee Kenya loogu qiimayn karo in uu afka ingiriiska heer jaamacad lagu galo ka joogo.

Shuruudda gaarka ah ee jaamacadaha dalku waa in qofku qaybta uu jaamacadda ka doonayo waxyaalo u gaar ah loo shardiyo. Haddii uu qof rabo in uu dhakhtar noqdo waxaa loo shardiyayey xisaabta ugu badan ee heerka dugsiga sare, kimistariga ugu badan ee heerka dugsiga sare, bayolojiga ugu badan ee heerka dugsiga sare iyo fiisigiska ugu badan ee heerka dugsiga sare. Haddii uu qof rabo in uu cilmiga dhaqaalaha barto waxaa shuruud looga dhigayey in uu haysto xisaab heer dhexe ah oo ka yar midda ugu badan ee dugsiga sare.

Shiikh Kabriid shaqo la’aantu marmar bay ku kallifaysey in uu ku fakaro in uu waxbarashadii dadka waaweyn ka soo dhammaystirto waxyaalaha kulliyad cilmiga bulshada ah lagu geli karo sida ingiriis dugsi sare iyo xoogaa uu xisaabtiisa kobciyo, haddana waxa uu dareemayey in uusan waxbarasho danbe niyad iyo naallo u hayn. Waxa uu ogaa in ay waxbarashada sare u baahan tahay go’aan adag iyo niyad bir ah. Raadintii shaqadu agtiisa waa ay macne beeshay.

Mar buu labo kun iyo sagaalkii saddex bilood waxa uu ka shaqeeyey hawl sagxad isbitaal la nadiifiyey, oo uu qofkii ka shaqayn jirey fasax gaaban galay. Masjidka ayuu xilliyadaas uu shaqobeelku dhacay ku xirnaa oo dad buu kutubo galabtii iyo fiidkii u marin jirey. In uu xafiiska shaqada boggiisa internetka mar kasta galo muddo ka dib waa uu yareeyey, waxa uuna ka door biday in shirkadaha iyo warshadaha uu maalinta gelinkeeda hore ku warwareego. Shirkado kasta iyo warshado walbaa waxa ay ballanqaadayeen in ay soo waci doonaan, laakiin cidina ma ay soo waci jirin. Bilo iyo bilo ayuu aroor kasta ku jarmaadayey meel kasta oo ay rajo la gashay in uu camal ka heli karo.

Markii saddexda bilood uu shaqeeyey bay dad waxa ay ku la taliyeen in uu barto basaska iyo tagaasida oo uu intixaan u galo sidii uu leysimadooda u qaadan lahaa. Taladaas waa uu yeelay, waxa uuna bilaabay in uu dib baabuur barashadeed ugu laabto. Waa uu khasbanaa ee ma uu jeclayn shaqo darawalnimo ah.

Isaga oo galab masjidka jooga ayuu telefoonkiisa guurguureha ahi soo dhacay. Waxa uu qabtay isaga oo aan eegin lambarka soo wacayey, waxaana ka soo baxay cod nin oo shiikha salaamay. Waa Yaxye Dheregsane oo degdeg ugu sheegay in shirkadda uu u shaqeeyaa ay dad badan bishan qaadanayso, oo ay munaasib tahay in uu dhaqso u yimaado xafiiskooda. Waxa uu intaas raaciyey in uu maamuleyaasha u sheegi doono in uu Kabriid yahay nin hawlkar ah, isla markaasna afka iyo dhaqanka iswiidhishka si fiican u la haysta. Yaxye Dheregsane waxa uu intaas ku daray in ay shirkadda Volvo dadka ay qaadato la mariyo intixaan ama tijaabo lagu baarayo aqoontooda iyo qofnimadooda, iyo in shiikha looga baahan yahay in uu keeno wax kasta oo shahaado ah oo uu haysto.

Wadaadku waxa uu haystey caddaymo waxbarasho oo dalal ka la duwan uu ka qaatay. Kabriid Daaxuur waxaa ka soo hartay mahadcelin la moodey in uu shaqo helay, waxa uuna u qaadan waayey in uu warshad asturan ka shaqayn dooney. Waxa ay rajadiisu ahayd in uu dhulka mayro ama uu masaxo iyo in uu makhaayad baas dhex istaago.

Waxa ay noqotay sidii uu Yaxye sheegayey, oo wadaadka waxaa laga qaaday caddaymo dhawr ah, waxaana loo ballamiyey intixaan isla maalmahaas ahaa. Labo kun iyo toban bishii tobnaad tobaneeyeheedii bay ahayd markii shiikh Kabriid Daaxuur loogu bishaareeyey in uu shaqo ka helay warshadda gaadiidka ee Volvo oo ah shirkad caan ah oo dunida oo dhan laga yaqaan.

Daaxuur Naalleeye waxa uu ku aasan yahay Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka Mudug. Sagaashanaadka bilowgoodii baa waxaa lagu diley dagaallo sokeeye oo aan la garaneyn sabab loo dagaallamayey iyo wax dagaalka laga dheefayey. Markii la diley isagu dagaal ku ma uu jirin oo waxa uu ahaa lixdameeye jir, aan in uu qori qaato maslaxad u arkeyn.

Dadka ay isaga iyo Canbaro Guutaale wada dhaleen waa toban. Toddobada ugu waaweyni waxa ay ku dhasheen miyi hoos taga magaalada Gaalkacyo. Kun iyo sagaal boqol iyo toddobaatankii waxa uu ahaa reer miyi xoolaha la dhaqdo hodan ku ahaa, oo saddexda meesi ee geela, lo’da iyo ariga xeryo waaweyn oo waageeran u waaqeeshay. Toddobaatanaadka dhammaadkoodii buu waxa uu gaarey go’aan uu yar yahay qof reer miyi ah oo laga filan karaa. Wixii uu adduun hayey oo ka soo jeedey dhaqasho iyo dhaxal buu waxa uu bilaabay in uu lacag u beddelo. Geela keli ah baa labo boqol kor u dhaafayey, lo’da iyo ariguna waxa ay ahaayeen buul quraanyo iyo bad guuraysa. Sanaddo ayey ku qaadatay in uu xoolaha oo dhan lacag caddaan ah u rogo, waxa uuna Gaalkacyo ka dhistay guri weyn oo deeqa reerka ballaaran ee uu ka soo salkiciyey noloshii ay la haysteen. Waxa uu ku taamayey in uu meherado ganacsi sameeyo, guul buuna Eebbe ka raaciyey oo waxa uu u muuqday nin ka hanti ama lacag badan dadkii hore magaalada uga ganacsan jirey. Makhaayad weyn buu dhistay, waxa uuna sameeyey dukaanno camiran. Weligiis ma uu yeelan oori ama afo aan ahayn Canbaro Guutaale, miyi iyo magaalo intii uu mushaaxayeyna marna madaxiisa ma ay soo marin in uu murwo kale meheriyo.

Kabriid Daaxuur waxa uu ku dhashay degmada Gaalkacyo kun iyo sagaal boqol iyo toddobaatan iyo siddeed. Ujeeddooyinka uu aabbihiis Daaxuur Naalleeye miyiga uga soo salkacay waxaa ugu lafdhabarsanayd in toddoba carruur ah oo markii uu miyiga ka soo guurey u joogey ay helaan dugsiyo ay waxbarasho diineed iyo mid duniyeed uga soo baxaan.

Kabriid iyo qofka ka weyn iyo midka ka yari ma ay dhalan markii magaalada loo soo wareegey. Shiikhu markii uu garaadsadey waxa uu joogey Gaalkacyo oo ay walaahihiisa ka waaweyni dugsiyo ka la duwan kaga jireen, waxa uuna isaga oo aan dhab u caqliyaysan bilaabay malcamad ama dugsi qur’aan. Qoysku waxa ay miyiga ahaan jireen maalqabeen ay mulkiyaddiisu maangal ka weyn tahay, waxaa se ka sii darnayd in magaalada lafteeda ay hantiileyaasha heerka sare ah ka mid noqdeen.

Kabriid oo aan weli toban jirsan oo qur’aanka sii dhammaynaya, dugsiga hoosena dhigta ayaa walaalihii ugu waaweynaa qaarkood hawlo ganacsi ugu kicitimeen afrikada bari, siiba dalka Keenya oo ay hanti ku yeesheen. In ay dalka hantidooda ka la baxaan waxaa keentay saadaasha aayaha dalka laga qabey oo foolxumayd. Kun iyo sagaal boqol iyo kow iyo sagaashankii Gaalkacyo waxbarasho ka ma ay jirin, waxa ayna ahayd goob dagaal. Daaxuur Naalleeye iyo Canbaro Guutaale weligood wax isku ma ay qaban oo talo kasta si fudud bay isugu raaci jireen. Waxa ay isku waafaqeen in carruurta Kenya la geeyo oo ay Canbaro marka hore u la qaxdo dhanka Itoobiya maaddaama aan Soomaaliya la dhex mari kareyn, oo ay gobol kasta colaadi ka holcaysey. Daaxuur waxa uu rabey in uusan Gaalkacyo iyo hantidiisa guurtada ama maguurtada ah ka qaxin.

Hawl adag bay Canbaro Guutaale ka martay in ay dalka Itoobiya dad badan la dhex martay oo ay Kenya uga sii gudubtey. Isgaarsiini ma ay jirin, waxaana wiilashii bariga Afrika ka ganacsanayey ugu wardanbaysey intii aysan dagaalladu dalka aad ugu baahin. Waxa ay maatadaasi ku khasbanaadeen in ay xero qaxooti oo Kenya ah galaan. Waxaa ugu da’ yarayd Tarraxo Daaxuur oo kow iyo toban jirtey. Tarraxo waxa ay aad ugu xanuunsatay xeradii ay qaxootiga badani isku neefsanayeen. Qaxootiga badankoodu xerada ma ay dhaafi jirin oo askarta Kenya qofkii aan sharci dalka ka haysan waa ay baadi jireen. Canbaro Guutaale markii ay yarteedu aad u jirratey bay magaaladii ugu dhaweyd bas u la raacday, waxa ayna kaamka qaxootiga ka kaxaysatay qof ingiriiska xoogaa ka garanayey. Nasiib wanaag isla maalintiiba Tarraxo dawo ayaa loo qoray, maalmo ka dibna waa ay ciyaaraysey oo xoog iyo firfircooni baa soo galay.

La ma helin cid sheegta wiilashii ganacsatada ahaa ee ilmo Daaxuur, oo hooyadood waxa ay ku khasbanaatay in laanta af soomaaliga ee warbaahinta BBC ay ka baafiso. Xerada qaxootiga waxaa ku dhex yiil telefoon dadka meesha ku xeraysan qaraabadoodu ay ka soo waci jireen. Waraaqdii ay Canbaro BBC u dirtay markii ay toddobaad sii maqnayd bay waxaa ay iyada oo dadkii ay dhashay dhex liqdaaran maqashay ”War Canbaro Guutaale yaa garanaya?”. Waxaa looga yeeray telefoonkii xerada. Iyada iyo dhasheediiba waxa ay u qamaameen dhankii telefoonka. Cabbaar bay sugeen inta uu qofkii soo wacay ku soo celinayey. Dad badan baa laga soo waci jirey oo lanbarku mashquul buu badanaaba ahaa, waxaa se cabbaar ka dib hooyadiis la hadlayey curadkii Canbaro iyo Daaxuur oo Nayroobi joogey. Waxa uu Gardarro Daaxuur hooyadiis u sheegay in uu barri ku soo fool leeyahay.

Nin saaxiibkiis ah buu bas yar isla habeenkii ka soo amaahday, waxa uuna aroor hore u jarmaaday jahadii ay Canbaro ka jirtey. Afrika qofkii lacag haystaa waxba ka ma uu baqo oo Gardarro wax walaac ah ma uu qabin. Goor galab ah buu kaamkii qaxootiga waxa uu ka soo saaray dhawr qof oo diifaysan, waxa uuna hoteel magaaladii ugu dhaweyd ahaa ka kireeyey dhawr qol. Makhaayadda hoos ku tiil waxaa lahaa isla dadka hoteelka lahaa. Gogol fiican, guri fiican iyo gesiin fiican Gaalkacyo ayaa guruubkan ugu gadaalaysey.

Kabriid Daaxuur waxa isku mar ku kulmay in geeridii aabbihiis loo soo sheegay oo ay hooyo Canbaro iyo dad kale ooyeen iyo in la geeyey dugsi ay duruustu ku baxaan af ingiriis oo uusan wax badan ka fahmeyn.

Gardarro in uu reerka uu curadka u ahaa Islii guri weyn uga kireeyey keli ah ku ma uu ekaan ee waxa uu isku deyey in uu dadka ka yaryar geeyo iskoolka ugu tayo fiican. Waxa uu guriga keenay macallin da’yarta degdeg damiirkooda uga daadejiya afka duruusta. Waa luqadda ingiriiska oo uu muhiim u arkey. Bilo kooban ka dib waxa ay Kabriid iyo Tarraxo fahmayeen macallimiin ku hadlayey afka ingiriiska keli ah, taasina waa yoolkii uu la rabey walaalkood Gardarro.

Kun iyo sagaal boqol iyo sagaashan iyo siddeed waxaa Kabriid lagu la taliyey in uu jaamacad ka galo isla dalka Kenya, laakiin waa uu diidey. Gardarro ayaa waxa uu ka bixin lahaa jaamacad qaali ah, waxa uuna walaalkiis la rabey in haddii uusan jaamacad Kenya ah rabin uu koofur Afrika wax ku barto. Kenya iyo koofur Afrika labadaba waxaa wax ku baranayey Kabriid walaalihiis ka waaweyn. Machad carabi ah oo habeenkii la dhigto ayuu Kabriid labo sano dhiganayey, waxaana dareenkiisa iyo dubaaqiisa taabtay qiiro iyo qalbikac uu diinta u qaaday. Waxa uu la saaxiibay dhallinyaro ay qaar machadka isla dhigan jireen oo ku xiray duruusta masaajidda ka socotey.

Waxa uu shahaadadiisii dugsiga sare u turjumey af carabi, waxa uuna koobbigeeda u diray dalal carbeed oo diinta lagu barto. Waxaa dhaqso ugu soo jawaabtey jaamacadda islaamka ee Madiina ee dalka Sucuudiga, oo waxa ay ka soo codsadeen in uu soo diro shahaadada dugsiga sare iyo midda machadka oo asal ah ee aan koobbiyo ama sawirro ahayn.

Jaamacadaha sucuudiga ee diinta lagu bartaa muddooyinkii danbe aad u ma ay qaataan arday dalalka islaamka ka soo jeeda, ee waxa ay qaataan arday waddanno kale ka timid. Malaha waxa ay uga jeedaan in diinta lagu fidiyo dhulalka ka baxsan caalamka islaamka. Kabriid waxaa u qoran in uu u dhashay Kenya, oo loo arko in aysan dalalka islaamka ka mid ahayn. Shahaadooyinkii waxa uu ku diray DHL, waxa uuna isu arkey in uu nasiib badan yahay haddii uu helo jaamacadda diinta ee Madiina.

Dhawr toddobaad ka dib waxaa u timid waraaq ku saabsanayd in uu helay jaamacaddii Sucuudi carabiya. Sanadii labo kun iyo labo markii ay dhammaatay buu Kabriid isaga oo shiikh ah Nayroobi dib ugu soo laabtay. Waxa uu yimid isaga oo sida uu u fakarayey iyo sida uu u lebbisnaa qof carab ah la moodey.

Intii uu Sucuudiga jirey waxaa loo sheegay in uu Tarraxo guursadey nin ka yimid dalka Iswiidhan, oo ay Yurub u dhooftay iyada oo aan jaamacad gelin. Dhawr jeer buu wacay oo waxa ay u sheegtay in ay noqonayso hooyo carruur korisa.

Shiikhu Kenya waxa uu ka bilaabay hab diineed oo waafaqsan qaabka Wahaabiya oo ah in diinta loo qaato in ay nolosha oo dhan ku saabsan tahay, ee aan loo malayn in ay diintu tahay wax yar oo nolosha ballaaran ka mid ah. Ma diinta ayaa ah in yar oo nolosha ka mid ah ma se nolosha ayaa ah in yar oo diinta ka mid ah? Waa weydiimo wacan. Sidee bay dhawr qoraal ama hal qoraal nolosha oo dhammi ugu gudo jiri kartaa? Qoraallada jira oo malyuumaadka ah noloshu ku ma dhamma oo weli waxaa loo sii baahan yahay kutubo kale.

Waxaa qaabka wahaabiyada ka mid ah in ay dad badani masjid iska buuxiyaan oo loo jeediyo hadal dheer oo loo arko in dadka la hanuuninayo. Wadaaddadii hore waxa ay dadka hanuunin jireen munaasibadaha iidda iyo allebariyada, waxaana shiikhii caalim ah kutubta ka raacan jirey dad kooban oo wadaaddo ah ama xertiisa ah. Xilli aan iid ahayn ama uusan jirin kulan allebari ama siyaaro in dad badan meel lagu xereeyo oo makarafoon lagu hanuuniyaa waa dhaqan wahaabiyo, oo Afrika ku cusub.

Ijaabo Cartan sababta ay Nayroobi u timid la ma ogeyn oo waxaa laga yaabaa in ay qaraabadeeda soo booqatay. Waxa ay Gothenburg wada degganaayeen Tarraxo Daaxuur, laakiin isma ay garaneyn. Kabriid iyo Ijaabo midkoodna carruur ma lahayn. Isagu Sucuudiga waxa uu ku guursadey labo dumar ah oo ay mid kasta dhaqso u ka la tageen, Nayroobi markii uu ku soo laabtayna gabar yar buu lix bilood qabey, waxna u ma ay dhalin. Ijaabo iyo Kabriid waxaa la moodey ama loo malayn karey in ay ballan hore lahaayeen, waayo markii ay labo jeer is arkeen araggii saddexaad nikaaxooda ayuu ahaa. Waxaa ka sii daran in labo toddobaad ka dib ay Ijaabo uur qaadday oo ay la matagaysey.

Kabriid waxa uu dareemayey in ay Ijaabo isku mad-hab ahaayeen oo ay wahaabiyad ahayd, laakiin waxa uusan jeclaysan in ay keligeed safar dheer soo gashay iyada oo uusan maxram ama nin eheladeeda ahi la socon. U ma uu sheegin in uu dhalliishaas u hayey, waayo in ay wax isku qabtaan buusan dooneyn. Ijaabo iyo Kabriid waxa ay iska qaadeen sawirro caddaynaya in ay isguursadeen oo safaaradda Nayroobi ee Iswiidhan la tusi dooney, waxa ayna samaysteen waraaq meher oo shaabbadaysan.

Iyada oo xaraar ama wallac ah oo jirran bay diyaaraddii Gothenburg dib ugu laabatay. Kabriid laftiisu muddo sanad ka yar buu ka danbeeyey oo waxa uu gegida duullimaadka ee Landvetten ee Gothenburg ka soo degey labo kun iyo afar xilli dhalashadii Ciise-Masiix laga joogey.

***

Markii uu meesha soo galay waxaa wajigiisa ku aaddanaa miis dheer oo qof jooggiis in yar ka gaaban. Dukaannada, makhaayadaha iyo baararka meesha macaamiisha looga adeego waxaa ku wareegsan ama ku meegaaran ama ku gudban miis noocaas ah oo dhulka iyo derbiyada ku rakiban oo dadka wax iibinayaa ay shishadiisa istaagaan. Miiskaas dheer oo wareegsan waxaa dhankiisa soke tubnaa dad ku farfadhiyey kuraas joog dheer oo qofkii ku fadhiya cagahiisu aysan dhulka gaari karin ee ay laalaadaan. Kuraastaas dheerdheer oo xagga shaqaalaha u sii jeeddey qaarkood ma uu lahayn dhabar lagu dhacadiidsado, oo madaxooda lagu fariistaa ganbar buu ahaa. Dadka kuraastaas dheerdheer ku fadhiyey waxaa ag taagtaagnaa kuwo istaagga wax ku cabbayey oo cod dheer ku sheekaysanayey.

In uu codka dadku dheeraado waxaa keenay in iridda baarka laga soo galo dhankeeda midig uu taagnaa nin muusig tumayey oo heesayey oo qayladiisa darteed aan dhab wax loo maqli kareyn. Waxa uu ahaa nin indhayar ah oo uu baarku soo kiraystey, si uu dadka ugu madaddaaliyo ama ugu maaweeliyo.

Iridda dhankeeda midig waxaa safnaa dhawr mashin oo lagu khammaaro, oo ay dad khammaarayey ku sii jeedeen. Waxa uu ahaa baar weyn oo makhaayadna ah oo meelo laalaab ah leh, oo aan loo jeedin dadka meelaha leexsan fadhiyey. Meel bannaan oo aan ka fogeyn kaalinka wax laga dalbado waxaa qoobkaciyaar ku samaynayey dad afar ama shan ahaa oo muusigga la tumayey la haystey.

Dalabkiisii markii uu dhammaystay buu waxa uu u dhaqaaqay baarka gudihiisa dhinac ka mid ah. Waxa uu midigta ku sitey galaas quraarad ah oo afka xoor ama xunbo ku leh. Inta galaaska xunbada ka hoosaysa waxaa ku jirey cabbitaan midabkiisa dahab la moodey.

Markii uu meesha leexsan tegey buu arkay afarta soomaalida ahaa oo ay afar indhoodba afar indhood ka soo hor jeedeen. Qalloocane waa naynaas malaha ka raacday in ay dhaqankiisa iyo hadalkiisu dad badan la sirgaxnaayeen ama ay la gurracnaayeen. In uu dad la fariisto waxa uu ka jeclaa in uu gooni joogo oo uu keligiis wax cabbo, keligiisna wax cuno. Afarta soomaalida ah oo isku miiska fadhiyey waxaa ku dhowaa miis kale oo booska ama kursiga ka bannaanaa la moodey in Qalloocane loo sii diyaariyey. Dadkii miiska uu kursigu ka bannaanaa fadhiyey oo sheeko ku mashquulsanaa buu weydiiyey in uu la fariisan karey, waxa ayna kaga farxiyeen in uu soo dhawaado.

Waxa uu wajigiisa ka muujinayey in uu faraxsanaa, oo qosol aan laabta jirin buu dhoollocaddaynayey. Waxa uu waayadii danbe isbaray in uu qosol iska raadiyo marka uu meelaha lagu caweeyo joogo. Afarta soomaalida ah iyo isagu sida ay isugu dhawaayeen waxaa la moodey in ay isku miis fadhiyeen, waayo miisaska waxaa u dhexaysey in yar oo uu qof mari karey.

Mudane Seeraar Duubigeel iyo murwo Sucdi Good ma ay arkeyn in uu Qalloocane dhabarkooda soo fariistay, laakiin shiikh Kabriid Daaxuur iyo Yaxye Dheregsane oo dhanka shishe ka soo jeedey baa arkayey. Qalloocane ayaa hadal halaasi ah furay

― Shiikh Kabriid gacmo furan ku soo dhawow! Hadday tuban tahay, waa tolley oo, loo ma ka la tago. Wax la qariyiyo, qooriyo ilkaba, qaawiyaa timid. Ma tukade iyo, taarig wadatoy, toobad xumadaan, Tiirey kugu nacay. Meel xinjiri taal, oo rag ku xarbiyey, Xayaad ololay. Qoorayaalley, qoor ay joogtaba, qooro go’an iyo, qaar rag baa yaal, oo lafaa quban. Wiil majocas helay, oo maraaciyey, oo mar furay xalay, miileheedii, maalintii ceel, soo maddayn waa. Nin magaalada, maraanmaray oo, hadba miis tegey, marti moogee, mulkigaa ma leh. Ragga shaalka leh, shaal xariirka leh, sharmuutada iyo, shaaha moogee, Shaaxin yaa baray? Muxuu sabar weyn, wiil sac nuugiyo, sawir ka og yahay? Toorrey qalabliyo, qaar nin aan sidan, amaan qori dheer, jeeniqaarnayn, walle Qaawoy, kaa ma qayb galo. Xarbi nin an gelin, oo xabbado ridin, soo xerayn waa. Haddaan araxdiyo, haddaan oofaha, iin ku leeyahay, ii ma oydee, waygu oloshaa. Hadduu Sool iyo, Sanaag roob maro, sideedii bay, sargafyayn oo, meel silloon iyo, seeriga cidlo ah, Soohan yulublayn.

Sucdi Good waxyaalaha uu Qalloocane daldalay in ay af soomaali yihiin waa ay dareemaysey, laakiin ujeeddada laga lahaa ma ay garaneyn. Waxa ay u bogtey sida dhiirranaanta ah oo uu hadalka u daldalay, waxa ayna male’awaashey in uu hadalkaasi ahaa gabay adag oo in la fasiro u baahnaa. Soo dhaweynta shiikha keli ah bay ujeeddo ahaan fahanyey, ma se ay garaneyn sababta uu Qalloocane u soo dhaweeyey Kabriid keli ah. Intii uu Qalloocane heesayey mar ama labo jeer bay dib u soo eegtay. Ereyo badan oo ay fahmaysey baa waxa uu daldalay ku jirey, waxaana ka mid ahaa magaalo, sharmuuto, shaah, miis iyo xabbado la ridey.

Sucdi wajigeeda iyo timeheeda dheeri isku midab ma ahayn oo timuhu dhuxul bay ku ekaayeen, wajigu se waa uu casaa. Waxa kale oo timaha ka midab duwanaa shaarkeeda oo guduud fudud ahaa. Timeheedu garbaha waa ay dhaafsiisnaayeen oo dhabarka intiisa sare waa ay modoobayd, kursigeeda hoostiisana waxaa looga jeedey in kabo kor u dheer oo kubabka qariyey ay gashanayd. Waxa ay ahaayeen kabo madmadow oo ay iyaga iyo goonnada madoobi ku kulmayeen lowyaha hoostooda. Sankeeda iyo indheheedu waxa ay ahaayeen soomaali dhalad ah oo qofkii arkaa uu toos u dareemayey in ay soomaali ahayd.

Qareen Seeraar Duubigeel waxa uu dib u jalleecay dhabarkiisa. Waxa uu xirnaa dharkii uu maanta xafiiska kaga shaqaynayey oo suud isku joog madow ah iyo garabaati ama tay diillimo gudguduudan leh buu sitey. Isaga iyo gabadhu isku si bay u cago madoobaayeen oo kabahoodu isku midab bay ahaayeen, laakiin shaatigiisu cagaar fudud buu ahaa. Waxa uu yiri isaga dib eegayey oo qaarkiisa sare ama hanqalkiisa gadaal u babcay

― Ma sida xoolihii baad hees nagu waraabinaysaa? Haddii aad geela sidaas u jeceshahay maxaad uga soo tagtay? Taasi nolol ma ay ahayn ee Ilaahii kaa keenay u xamdinaq! Waxa kale oo aad u mahadnaqdaa dadkii degganaanshaha iyo shaqada ku siiyey! Luqadda geeljiraha oo aad ku hadashay dhammaanteed waa aflagaadho, faataadhug, falaxgooddan, dhiigyacabnimo, rafaad iyo dhibaatooyin. Qofkii ay sawirrada noocaas ahi maskaxdiisa ku jiraan weligiis ma uu raaxaysanayo, oo inta uu ifka joogo waa uu cadaabnaanayaa.

Yaxye Dheregsane iyo shiikh Kabriid waxa ay ka midaysnaayeen in ay aammusnaayeen, laakiin waxa ay ku ka la duwanaayeen in uu Yaxye qoslayey. Wax uu ku qoslayey cidina ma ay ogaan karin, waxa uuna madaxa ku sitey koofiyad madow oo food dheer oo ay wajigeeda ku qornayd far uusan Qalloocane akhriyi karin maaddama uu ka fogaa. Dharka uu xirnaa waxa uu u wada caddaa sidii uu ahaa weli karaamaysan, kabo aan daboollayn oo yeelmo leh buuna sitey. Kabaha laftooda midabkoodu caddaanxigeen buu ahaa, hadbana koofiyadda madow buu dhaqdhaqaajinayey oo marmar buu iska bixinayey oo uu miiska saarayey.

Shiikh Kabriid walwal yar baa kaga furmay in uu Qalloocane magaciisa iyo muuqiisa garanayey. Kabriid marmar buu wajiga Qalloocane ku arkay meel ay soomaalidu isugu iman jireen, oo mararka uu shiikhu arkay waxa uu aad u ciyaarayey dabaka’eri. Sabtiyo iyo axado in ay ahaayeen wakhtiyadii uu arkay buu shiikhu u malaynayey. Markii ay dadka turubka la dheelayaa salaad u kacaan waxa uu ku harayey qolka turubka oo inta la tukanayo halkaas ayuu ku sugayey kuwa la ciyaari jirey. Magaciisa shiikhu ma uu garaneyn. Waxa uu Kabriid niyadda iska yiri ”Magaciis ba’ maxaa magacayga baray? Meel kasta oo aan ku madaxqarsanayo mid dowdar ah baa soo gala. Waxaa laga yaabaa in inta uu koobkaas qurquriyo uu cagaha wax ka dayo oo uu dadka la dhex qaado in uu igu arkay meel lagu jumcaysanayey”.

Qalloocane waxa uu u jawaabey Seeraar Duubigeel, waxa uuna yiri

― Sawirradaas iyo kuwo ka daran baa naga guuxaya, cid naga raaxaysi badanina ma ay jirto. Haddii ay nolol adduun cid ku raaxaysataa jirto waa annaga. Afar iyo labaatanka saacadood waa aannu faraxsan nahay, oo janno adduun baannu dabaalanaynaa. Sida aan maqlay in abukaate la noqdaa waa walwal iyo karkabad, oo waa maalin maxkamad la taagan yahay iyo maalin waraaqo baas la qorayo. Denbiyo iyo xabsiyo ayaa maskaxda qareennada ka buuxa.

Qalloocane intii uu hadlayey waxaa laga dareemayey in uu kaftanka ku raaxaysanayey oo uu sheekada u macaansanayey, waxa uuna jeebka midig ee jiiniskiisa ka soo saaray baakad sigaar ah oo xoogaa isku buusbuusan jeebka oo ciriir ahaa dartiis. Waxa uu baakad ay dusheeda ”Marlboro” ku qornayd ka soo saaray xabbad sigaar ah oo uu fardhexada iyo murugsatada midig dhexdooda ku qabsaday. Baakadda dusheeda waxaa kale oo ku qornaa ”Sigaarka waa lagu dhintaa” oo af iswiidhish ah. Shaatiga casuusta leh badhamada ama guluusyada kore oo dhammi waa ay u furnaayeen, garanna ma uu xirnayn oo shafkiisa qaar baa bannaanaa. Galaaskii uu wax ku cabbayey waa uu ka la barnaa. Markii uu kacay waxaa ka daba kacay shiikh Kabriid oo ay dadka la fadhiyey u qaateen in uu qolka shaydaanka u kacay. Goortii uu Qalloocane iridda ka sii baxayey waxa uu jeebka shaatiga ka soo saaray dabkii uu sigaarka ku shidi lahaa, waxa uuna isla markiiba daaray sigaarkii.

Isaga oo sigaarka markii ugu horraysey jiidayey buu arkay shiikh Kabriid oo dhuunta kaga jira. Inta uu xoogaa qoslay buu qaacii uu buufinayey shiikha ka duwey. Labadooda Qalloocane ayaa dheeraa oo dhuubnaa. Shiikh Kabriid baa cod gaaban ku yiri

― Halkee baynu isku aragnay?

Shiikhu ma uu qoslayn oo sidaas darteed buu Qalloocane u joojiyey dhoollocaddayntii, waxa uuna ku jawaabey

― Meelo ka la duwan baynu isku aragnay. Mar ay soonqaad ahayd oo aan inta dharka daahirsaday aan masjidka weyn galay baad dadka hanuuninaysey oo aad xaddiisyo iyo carabi ku akhriyeysey. Meelaha ay soomaalidu isugu yimaaddaanna imaan baad ahayd, dadkana waa aad hanuuninaysey.

Shiikh Kabriid waxa uu niyadda iska yiri ”Waa jaahil murakab ah, in uu fudfudud yahay baana la moodaa”, waxa uuna yiri

― Dhegayso! Meeshan isku ma aynu arag ee la soco!

Qalloocane xoogaa buu shiikh Kabriid dib uga durkay, waxa uuna yiri

― Shiikh geeljire weyn baan ahay oo dadka arrimohooda ka ma aan faalloodo. Meel aynu isku barannay ama isku aragnay cidna la aan soo qaadi mayo. Ha walwalin shiikh! Ragga oo dhan baan jeclayn in laga hadlo caweysyadooda. Cid aad wax u dhintay ma ay jirto, Ilaahay lafttisuna waa subxaanuqaaddir oo makhaayad aynu galnay iyo naago aynu marada ka feydney ku ma uu mashquulsana. Ilaahay waxyaalo muhiim ah buu ka fakaraa.

Shiikh Kabriid waxa uu maqli jirey dad sheega in ay reer magaal yihiin oo ay sidaas darteed wax fahmi karaan, ee hore u ma uu maqal qof in uu geeljire yahay sabab uga dhiganaya in uu wax garanayo. Waxa kale uu shiikhu la yaabay in uu Qalloocane dumar ka hadlay, waxa uuna yiri

― Adigu magacaa?

Qalloocane waxa uu ogaa in magaca uu ku caanbaxay uu naynaas ahaa, waxa uuna ku jawaabey

― Cilmi.

Shiikha wajigiisa waxaa ka muuqatay in uu rabo in la sii sheekaysto, oo garkiisa ayuu inta xoogaa jiidey waxa uu yiri

― Carrabkaaga iyo codkaaga waxaa ku jirtey in uusan Ilaahay naago aynu wax ku darsannay inaku ciqaabayn ee ma wax naago ah baad lanbarradooda haysaa ama aad meel ku og tahay?

Qalloocane farxaddii baa u soo laabatay oo waxa uu dareemay in uu wadaadku wax xuuraamayey oo uu baadigoob dhinacyo badan ku jirey. Waxa uu yiri

― Dumarka badankoodii idinka ayaa inta aad dhar culus saarteen mawlacyada ku xeraystay. Sidaas darteed waxa aan hayaa in yar oo idinka fallaagowdey iyo kuwo sida sakiintii labo af leh oo ay lugi xaggiina ugu jirto, lugta kalena ay xaggayaga tahay. War iyo dhammaantiis ninna macne la’aan meel u ma uu fadhiyo.

Shiikh Kabriid niyadda ayaa u degtey oo waxaa loo carrabbaabay in uu Cilmi baabab dumar cusub furi karey. Waxa uu yiri

― Markii meeshan la xiro ma magaalada ayaad sii xulaysaa?

Qalloocane waxa uu ku jawaabey

― Waxa uu qorshahaygu ahaa in aan magaalada ka baarbaarto cid aannu ilaa aroortii wada faraxno. Haddii aysan meeli ii dabcin waxa aan rabey in aan keligay gurigayga ku xafladeeyo oo aan muusig waaga ugu caddeeyo.

Shiikh Kabriid weligiis gurigiisa cabbitaan ma uu geyn, oo duruufihiisa ayaan ku la qurxoonaan jirin, waxa uuna yiri

― War badan baa isku keen seeggan oo waxaa dhici karta in aynu israacno. Guriga wax cabbitaan ahi ma kuu yaalliin?

Qalloocane waxa uu dareemi karey in uu shiikha laftiisu hayey dumar badan oo masjidka ku xirnaa lambarradood. Gacno isdhaafa in ay galladi ku jirto oo nin kasta la eegi karey waxa uu hayey ayuu garanayey, waana uu ogaa in aan meesha ay taagnaayeen lanbarro badan lagu ka la qoran kareyn. Inta uu sigaarkii shidnaa oo ka la baran tuuray buu yiri

― Gurigayga maandooriye iyo madaddaalo laga ma waayo.

Kabdiid Daaxuur waa markii ugu horraysey oo uu qoslay cabbaarradaas. Gacanta ayuu salaan u soo taagey, waxa uuna iyaga oo ay labadooda midig oo ay isku gacanqaadeen ruxmayaan yiri

― Wallaahi raggii la arki jirey baad tahay.