TUKASHO IYO TUMASHO(Qaybta afaraad)

Waxa ay baarka gudihiisa ku laabteen iyaga oo labaduba faraxsanaa. Shiikh Kabriid calaacashii uu Qalloocane ku gacanqaaday ee midig waxaa ku haray urkii sigaarkii uu Qalloocane midigta ku cabbey. Markii ay kuraastooda ku laabteen waxa ay u ekaayeen dad wada socdey, la mana ogeyn in ay hore isu arki jireen iyo in kale. Shiikhu waxa uu jeclaa in uu qof kasta gooni saaxiib u la noqdo iyada oo aysan dad kale ku dhex walaaqnayn.

Qalloocane baarkan ka hor waxa uu soo maray meelo kale oo agaggaarka ah. Keligiis buu sida badan magaalada marmari jirey oo in ay dad israacaan u ma uu badnaan jirin. Soomaalida uu meesha ugu yimid badankooda in door ah bay meelaha lagu caweeyo ama lagu dhafro isku arkeen. Shiikh Kabriid keli ah buusan magaalada ku arki jirin. Markii ay isaga iyo Kabriid fariisteen oo uu midba mar galaaskiisa cantuugey buu Qalloocane waxa uu yiri

― Xalay waxa aan ku riyooday tix jacayl ah.

Sucdi Good baa inta ay qososhay dib u soo jalleecday, waana markii ugu horraysey oo uu hadlay Yaxye Dheregsane oo yiri

― War bal wax naga maqashii!

Dadka wax laga dalbanayey waxa ay marmarayeen baarka gudihiisa iyaga oo qof kastaa waxa uu rabo fadhiga ugu keenayey. Kabriid mooyi ee dadka kale fiid hore ayey cabbitaanka bilaabeen oo waa ay diirranaayeen. Dhammaankood biir bay cabbayeen, laakiin shiikha ayaa marmar ku dhex wadey wiski uu koob yar ka fuuqsanayey. Waxa uu wadaadku khamriga adag u fuuqfuuqsanayey in uu rabey in uu marqaankiisu la sinmo midka dadka kale. Waxa uu isaga oo koob yar wax kulul ka fuuqsaday yiri

― Qofka mu’minka ah riyadiisu waa xaq ee gabayga noo mari!

Yaxye farxad badan baa ka muuqatey, Sucdina timeheeda oo wajiga ku rogmayey bay gacanteeda midig dib ugu celineysey. Qalloocane waxa uu isaga oo dhiirran oo aan libiqsanayn yiri

― Anoo shalayto faashaday xalana, soo xiddigo fiirshey

Jeer aan fag soo iri bas oo, gabar la soo fuulay
Jeer aan faduul u ma qoslee, foolasha caddeeyey
Jeer ay iyana faraxday oo, fiiro igu eegtay
Jeer fanaxda ay muujisoo, ay dibnaha feeddey
Jeer aan fadhiga labadayadu, ka la fogaan weyney
Jeer aan in ay fool san tahay, faanin ku la boodey
Jeer hadalku uu noo furmoo, la isla falanqeeyey
Feysbuugga jeer aan heliyo, fownka labadiiba
Jeer aannu sheekada furfuran, fiidad ku caweyney
Jeer faras la mooddii wadnaha, laga fallaareeyey
Jeer oo jacayl aan fataho, boqol farriimood ah
Ballan fiican jeer aan u dhigay, galab faraydey ah
Jeer aan makhaayado fadilan, foorno ku casuumey
Jeer aan qolkaygii furnoo, foodda soo geliney
Jeer aanan fule noqonin oo, faraha saarsaaray
Jeer ay cabbaar faagatoo, farow ismoodmooddey
Jeer aanan weligay ka fuqin, waa fariidnimo’e
Fursaddayda jeer aanan lumin, dan iyo faa’iido
Jeer aan furfuray oo dharkii, meelo badan feydey
Jeer aan faruuryaha arkoo, la isku fiicnaaday
Fooxeedu jeer uu kacoo, dhidid fax soo daatay
Faarumaysi jeer ay gashoo, jeeni fidin weydey
Jeer ay macsiyi waa fidmee, foorar ku ajiibtey
Jeer aan fargadey oo fargadey, tan iyo fiidkiiba
Iyo jeer………

Seeraar Duubigeel gadaal buu u soo jalleecay ninkii gabyayey oo xaggiisa u soo jeedey, waxa uuna yiri

― Waryaa halkaas ku jooji! Naftaada inta ka xishootid, dadkana xurmaysid waxaas oo kale mar danbe bulshada ha la dhex iman!

Kabriid iyo Yaxye Dheregsane isku mar bay la soo boodeen

― Waa gabay fiican.

Seeraar Duubigeel waxa uu suxullada iyo dhudhumada ka qaaday miiska, waxa uuna dib ugu dhacadiidsadey kursigii isaga oo leh

― Waa filim galmo ah waxa uu tixda ku sheegayaa.

Sucdi Good baa inta surkeedii gadaal u jinbacday oo Qalloocane eegtay waxa ay iyada oo qoslaysa tiri

― Waa lagu fahmey.

Qalloocane waxa uu gabar shaqaalaha baarka ka mid ah ka dalbaday in ay cabbitaaan ku keento, waxa uuna Seeraar ugu jawaabey

― Xuquuqdaada ayey tixdu ka hadlaysaa. Waa jacayl aad kaga nasan kartid shaqadaada ah in sharciyo adag la akhriyo iyo in doodo qallafsan la qoro ama maxkamad hadallo marinhabaabin ah laga jeediyo. Noloshaada ku ma aad jiri kartid in aad waxyaalo adag maskaxdaada ku kalliftid.

Seeraar waa uu ku qoslay hadalka Qalloocane, waxa uuna ku jawaabey

― Dadka waxaa ugu edeb daran saddex dufanle. Waa dufanlaha habeedda geela ku dhex jira, dufanlaha baabuurta iyo dufanlaha makhaayadaha. Saddexdaba waa aad soo martay.

Qalloocane waxa uu kun sagaal boqol iyo siddeetan ku dhashay miyiga degmada Wardheer ee ismaamulka soomaalida Itoobiya. Yaraantiisii waxa uu ku dhex ababay xoolodhaqato ay wiilasha yaryari geela la koraan. Isaga oo aan toban gaarin buu geela la mari jirey masaafooyin dheerdheer. Waxa ay ahayd nolol in biyo la helaa ay adkayd, oo ay dadku angagnaayeen. Geelu jiilaalka soddon buu biyaha ka qadaa oo waxaa soddonkaas maalmood iyo soddonkaas habeen la la maraa dhul aad u ka la fog. Muddadaas geeljiruhu waxa ay biyaha uga qadaan sida geela oo afkooda iyo oogadooda midna biyo la ma mariyo. Xilliga doogga ah geelu biyo u ma uu baahdo oo geeljiruhu maalmaha roobku da’o keli ah bay biyo arkaan. Roobka meel ay geeljiruhu ka galaan ma ay dhistaan oo mirtu waxa ay ku da’daa iyaga oo hurda gole habaas badan, oo dhibicda kor kaga imanaysa iyo daadka midna meel ma daydo.

Qalloocane kun sagaal boqol sagaashan iyo toddoba ayuu shaqo ka helay geyrash baabuurta lagu cilladbixiyo oo ku yiil magaalada Jigjiga. Waxa ay ahayd shaqo middii geela aan ka dhib yarayn, laakiin ay waxbarasho ku jirtey oo qofka ka shaqeeya ay maalin kasta wax u kordhayeen. Dad ay xigto ahaayeen baa lahaa xerada baabuurta, waxa uuna shaqadaas wadey ilaa sanadkii labada kun.

Markaas dad kale oo qaraabadiisa ahaa baa u fududeeyey in uu Yurub soo aado, waxa uuna yimid dalka Danmark. Xilli gaaban ka dib waxa uu u gudbey Iswiidhan oo uu xero qaxooti galay. Intii uu xerada qaxootiga ku jirey waxa uu isku deyey in uu afka barto, laakiin afku ma uu fududayn oo siiba qof aan weligiis iskuul dhigan u ma uu sahlaneyn.

Labo kun iyo labo ayuu ka baxay kaamkii qaxootiga oo waxa uu degey degmada Uddevalla, waxa uuna tabartiis iyo taagtiis ku dadaaley in uu afka barto. Markii uu afka in wanaagsan dhib ku bartay buu makhaayad shaqo ka helay degmadii uu joogey. Shaqadaasi ma ay shiddo yarayn oo hawlo badan oo isugu jirey cunto samayn, nadaafad iyo hawlo kale ayaa si karkabad ah loo qabanayey.

Markii uu afar sano meeshaas ka shaqaynayey buu waxa uu isla shaqadaas ka dalbaday Gothenburg. Dad uu garanayey oo soomaali ahaa baa u fududeeyey in uu shaqo noocaas ah helo iyo in uu degmada yar ka guuro oo uu magaalada weyn dego. Magaalada weyni siyaalo badan bay Qalloocane ugu habboonayd. Waxa uu helay macaarif soomaali iyo shisheeyaba leh oo xilliga firaaqada uu wakhti la qaato. Dadku magaalada weyn isgaran mayaan oo meelo badan oo la warwareego ayey leedahay. Arrimahaas iyo kuwo kale waxa ay keeneen in uu Qalloocane ku faraxsanaado in ugu danbayn uu caasimadda labaad hawl iyo hoy ka helay.

Shiikh Kabriid waxa uu degdeg u cancantuugayaa biir qabow, waxa uuna marba koob yar ka fuuqsanayaa wiski kulul. Waxa uu yiri

― Ikhwatii fil caqiiddah naga daaya kaftanka badan waa sayi’aade! Waxaa jira hadal fudayd kaaga soo baxa oo Ilaahay agtiisa buur ka culus. Sheeko aynu wax ka faa’iidayno i noo fura!

Sucdi Good waxa ay ka fakaraysaa beri hore oo iyada oo Xamar joogtey ay dad ku yiraahdeen ”Laangaabad baa tahay”. Waxa ay ka fakaraysey in ay dadkaasi dad xun ahaayeen oo ay ka raysatay murankii ku saabsanaa in uu qabiilkeedu yaraa. Intii ay fakaraysey bay galaaskeedii biirka ahaa gacan ku dhufatay. Miiskii afarta qof u dhexeeyey buu cabbitaankii ku rogmadey, qaar baana inta miiska geesihiisa ka daatay saddexdii ragga ahaa lowyaha iyo bawdyaha kaga qubtay. Iyada wax badani ku ma ay daadan maaddaama galaaska afkiisu uu shishe u jeedey, ee ragga ka soo hor jeedey buu khamri badani ku daatay. Waxa ay Sucdi tiri

― Iga raalli ahaada boqolkiiba boqol! Khamrigii baa maskaxdayda aad u taabtay oo lalleemo ii yeelay.

Shiikh Kabriid iyo Yaxye Dheregsane waa ay kaceen oo Yaxye ayaa u yeeray dadkii shaqaalaha ahaa si ay miiska u qallajiyaan. Waxaa timid gabar gacanta bidix ku sidatey baaldi, midigtana ku wadatey maro wax lagu tirtiro. Qof kastaa galaaskiisii buu miiska ka qaaday oo gacanta ku qabsaday. Shiikh Kabriid noloshiisa waa markii ugu horraysey oo uu khamri jirkiisa ku daatay, waxa uuna niyadda iska yiri ”Waa iska dumar oo awood u ma ay laha in ay u adkaysato cabbitaanka”, afkana waxa uu ka yiri

― Mabruuk!

Qalloocane ayaa yiri

― Gabaygii jacaylka ahaa oo aan ku riyooday bay gabadhu u bogtey markaas ayey is-illowdey oo galaaskii horteeda yiil dhinac u tuurtay. Dadku in ay khasaaraan waa ay u baahan yihiin oo in aad qoydeen iyo in aad kaakacdeen waad u baahnaydeen. Xataa qofku in dhawrkii sanoba uu mar dhaawacmo waa uu u baahan yahay.

Garyaqaan Seeraar Duubigeel fadhigii buu ku laabtay iyada oo aan hawshii miiska weli la dhammayn, wax weyna u ma uu arkeyn waxa dhacay. Gabadhii miiska tirtireysey maro ayey dareeraha miiska dul ceegaaga saaraysey, ka dibna marka ay maradu qoyaanka nuugto ayey baaldiga ku majuujinaysey. Seeraar iyo Sucdi bay waxa ay ka codsatay in ay xoogaa dib u durkaan iyaga iyo kuraastoodu, ma se ay yeelin ee waa ay istaageen. Seeraar baa waxa uu Qalloocane ugu jawaabey

― Gabadhu ma ay fahmin wixii aad daldashay, waana ay u fiican in aysan fahmin. Waa aannu ka xun nahay in aannu maqallay oo fahaney filimkaagii galmada ahaa. Gabaygu waa muusigga reerguuraaga oo waxaa ka hela xoolodhatada. Dadka magaalooyinka joogaa muusig iyo filimo ayey xaaleeyaan.

Qalloocane waxa uu kor u eegayey afarta qof oo taagtaagnaa, waxa uuna yiri

— Oo ma waxa aad leedahay magaalooyinka murti looga ma baahna? Dad aan xigmad u baahnayni ma ay jiraan. Teeda kale tixda waxa aad ku sheegtay in ay filim ahayd, waxa aadna ku hadashay in magaalooyinka filimo looga baahan yahay, haddana waxa aad ku dheeraatay in aan loo baahnayn. Doodahaagu haddii ay sidaas isu buriyaan sidee baad maxkamadaha uga dooddaa? Anigu haddii ay maxkamad wax iga galaan kuu yeeran mayo, waayo wax baad isku walaaqdaa. Dadka meesha fadhiya adiga ayaa ugu da’ weyn, ragga gedahaaga ahna waxaa laga malaystaa in ay murtida qaddariyaan.

Gabadhii miiska tirtiraysey waxa ay afartii qof ku tiri ”Soo dhawaada!” iyada oo ka waddey in ay fariistaan. Waxaa galaas biir ah dalbatay Sucdi oo uu khamrigii ka daatay. Afartii qof waxa ay fariisteen iyaga oo aan hadlayn. Markii salmuggi loo fariistay buu Yaxye Dheregsane waxa uu yiri

― Garyaqaan Seeraar gabar soomaali ah buu nin caddaan ahi gaari mariyey. Ninkii booliska ayaa meeshii ugu yimid oo ma uu baxsan. Immisa bilood bay qaadanaysaa in ninkaas maxkamad la saaro si uu qaan ama dhibbaan u bixiyo?

Garyaqaanku waxa uu ka fakarayey in aan Qalloocane laga badin karin muranka baararka. Isla markaas isaga oo fakarayey buu maqlay su’aasha Yaxye, waxa uuna ugu jawaabey

― Ninka gaariga wadey qaan iyo dhibbaan lagu ma laha.

Yaxye wuu qoslay hadalkii oo aan garyaqaanka afkiisa ka soo dhammaan, waxa uuna la soo boodey

― Ma nin qof dhan jiiray oo dhaawacyo waaweyn u geystey baan qaan bixinayn?

Qareenku waxa uu mar kasta u ekaa nin deggan oo marmar kaftamayey, waxa uuna Yaxye ugu jawaabey

― Hadalka aniga oo kuu soo wada ayaad iga boobtay. Gaarigu caymiska uu ku jiro ama uu ka tirsan yahay baa dhibbaanka laga rabaa. Shirkadda caymiskiisa ayaa bixinaysa wixii dhib ah oo uu gaarigu geystey. Waxaa fiican in dacwadda ay shirkadda la dacwineyso ay gabadhu la kaashato sharciyaqaan ama abukaate.

Qalloocane ayaa qoslay oo waxa uu weli wadey foorjadii Seeraar, waxa uuna yiri

― Ma waxa aad rabtaa in ay shaqo halkaas kaaga soo baxdo ama mid saaxiibbadaa ka mid ah loo yeero. Naagtu sida ay wax u qabto dhakhtarrada ayaa caddayn kara. Wax sharci ah loo ma baahna.

Seeraar waxa uu dib u soo eegay Qalloocane waxa uuna yiri isaga oo indhaha ku gubayey

― War heedhe, adigu marka la kaftamayo iyo marka arrin dhab ah laga hadlayo ma waadan ka la aqoon? Dacaayaddu wakhti bay leedahay.

Qalloocane waxa uu dareemayaa in uu sigaar u baahday, mana ay fogeyn markii uu kii ugu danbeeyey shitay. Sigaarka aad buu u cabbi jirey, waxa uuna sida badan iibsan jirey isteeg, waayo baakadda dhaqso ayuu u dhammayn jirey, oo guriga iyo gaarigaba sigaar badan baa mar kasta u yiil. Waxa uu yiri

― In kasta oo aad miskiin tahay waxaa hubaal ah in aad naga badisid dacwadaha, waxa aad se ku khaldan tahay in aad u malaysay in aan khaftamayey marka aan ka hadlay in aan loo baahnayn garyaqaaan lacag badan raba.

Yaxye ayaa u baraarugey sidii qof hurdo ka kacay, oo waxa uu yiri

― Waa run oo garyaqaanku lacag badan buu u baahan yahay, qoftanina lacag ma ay haysato.

Seeraar waxa uu eegay wajiga Yaxye oo u dhalaalayey sida weli soo daahiray, waxa uuna yiri

― Kharashka abukaataha waxaa bixinaysa shirkadda caymiska. Sababta ay gabadhu ugu baahan tahay qof sharciyaqaan ahi waa in ay rabto cid arrinta isku dubbaridda oo caddaymaha dhakhaatiirta iyo sidii ay wax u dhaceen isku hagaajisa, waxaana hawlahaas qabta qareennada.

Qalloocane waa qofka qur ah oo golahaas sigaarka cabbi jirey, oo afarta qof oo kale ma ay cabbayn. Kabriid Daaxuur iyo Yaxye Dheregsane weligoodba ma cabbin tubaako shidan, laakiin Seeraar iyo Sucdi marmar bay cabbi jireen kolka ay khamri cabbayaan, mana uu qaban jirin sigaarku, waayo khamriga iyo sigaarka marmar dhif ah bay isku cabbayeen. Labaduba waxa ay u joojiyeen in ay arkeen in uu cudurro badan keeno, urkiisuna uu aad u xun yahay. Waxa hor deysey Sucdi oo aan sannadkaasba shidin. Seeraar sanadkaas marmar uu aad u sakhraasanaa buu xabbad xabbad shidan jirey.

Qalloocane sidaas darteed buu waxa uu u ekaa nin takooran, waxa uuna mar kale u kacay bannaanka maaddaama aan la oggolayn in meel gudo ah tubaako lagu shido. Qalloocane markii uu albaabkii hore furay buu arkay labo gaari oo boolis iyo askar dhawr ah oo dad debedda joogey la taagtaagnaa. Dadkii gudaha ku jirey oo meesha wax laga dalbado dhoobnaa bay qaar is’afdhaafeen, ka dibna inta ay bannaanka isu la baxeen bay islaayeen. Qaar buu sankooda dhiig ka socdey oo uu dharkoodu dhiig lahaa. Qaar bay bushumuhu dillaacsanaayeen. Qaar baa wasakhaysnaa oo dhulka lagu legdey. Fiidkii buu roob yari da’ay oo dhulka meelo ayaa wasakh ahaa. Qalloocane waa markii ugu horraysey oo intii uu dalka joogey uu arkay dad caddaan ah oo islaayey. Waxa uu aamminsanaa in aysan dadkani aqoon gacankahadal iyo dagaal, laakiin sidii uu u fakarayey wax ka duwan buu cawadaas indhihiisa ku arkay. Waxa uu degdeg u jiidjiidey sigaarkii si uu gudaha dhaqso ugu laabto oo aysan boolisku wax u weydiin.

Sigaarkii oo ka la baran buu waxa uu ku damiyey meel loogu talogalay in sigaarka lagu damiyo. Waa uu iska tuuri lahaa sigaarka haddii uu keligiis ahaan lahaa, ee booliska iyo dadku in ay la yaabaan buu ka baqay. Dhaqso ayuu albaabkii uu dhowaan ka soo baxay ugu laabtay. Waxa uuna hadalkii ugu horreeyey oo afkiisa ka soo baxay ahaa

― Oo illaa iswiidhish dhegoole marmar bay islaayaan! Bannaanka boolis baa dhooban oo waxaa diriray dadkii baarka ku jirey qaarkood.

Waxaa u jawaabey Seeraar oo ay mar kasta isu jawaabayeen, waxa uuna yiri

― Ma dad aan marmar diririn baa jira? Isma ay laayaan qofka aamminsani ma in aysan dad ama noole ahayn buu u haystaa?

Sucdi Good codkeeda waa laga dareemayey in ay aalkolo badan cabtey, ma se ay daallana oo wajigeeda iyo indheheedu waa caadi. Waxa ay tiri

― Wax la la yaabo waa ay tahay in ay dagaaleen, waayo weligay intii aan dalka joogey labo qof oo iyaga ah oo la ka la hayo ma aan arag, wax gacan ka hadlayeyna ma aan arag.

Qalloocane waxa uu eegay shiikh Kabriid oo cabbaarkii danbe aammusnaa, waxa uuna ku yiri

― Shiikh, ma ay bannaan tahay in labo gaal oo isdilaya la ka la qabto?

Kabriid Daaxuur galaaskii hortiisa yiil buu cantuugey isaga oo la moodey in uu u sahay qaadanayey jawaabta, waxa uuna yiri

― Haddii aysan muxaaribiin ahayn waa arrin jaa’is ah. Haddii se ay muxaaribiin yihiin waa la isu deynayaa. Midkood haddii uu muxaarib yahay waa masalo ikhtilaaf beynal culumaa ah.

Qalloocane wadaadkii buu ku dhaygagay, waayo hadalka shiikha waxba ka ma uu fahmin, waxa uuna isaga oo yaabbanaa yiri

― Ma aan fahmin hadalkaaga! Waxa aan se u maleeyey in aad u jeeddid in mar la isu deynayo, marna la ka la qabanayo.

Shiikh Kabriid mar kasta oo uu in uu hadlo rabo waxa uu hadalka ka hor marinayey in uu biirka cantuugo, waxa uuna ku jawaabey

― Waa masalo camiiq ah oo aysan caamadu hore ka fahmi karin. Haddii labada gaal uu dagaal muslimiinta ka la dhexeeyo waa la isu deynayaa, laakiin haddii uusan dagaal muslimiinta ka ka la dhexayn waa la ka la qabanayaa. Haddii uu midkood muslimiinta dagaal ka la dhexeeyo culumadu waa ay isku khilaafeen.

Qalloocane waxa uu dareemayey in uu shiikhu xoogaa jilciyey arrintii, waxa uuna keenay su’aal kale

― Waa kuwee culumada iskhilaafay? Ma Ashabaab iyo Ehelu sunnaa?

Qalloocane weligiis qur’aan ma uu dhigan, masaajiddana u ma uu badnaan jirin. Inta uu ku tukado waxa uu si bowsi ah u bartay mar uu Jigjiga joogey, laakiin nasiib wanaag maba uu tukado oo xagga cibaadada weli u ma uu jeesan. Shiikh Kabriid waa uu dareensanaa xaaladda Qalloocane, waxa uuna shiikhu yiri

― Waxaas aad sheegaysid culumo loo ma ictibaariyo ee waxa aan ka hadlayaa waa a’immadii islaamka oo muctamidiinta ahaa.

Qalloocane oo aan ereyada shiikha fahmin baa waxaa hadalkii qaatay Seeraar Duubigeel oo yiri

― Anigu wixii aan samaynayo diinba u ma aan eego ee sida ay ila tahay baan sameeyaa. Labo qof oo diriraya haddii aan garanayo waan ka la qabtaa, haddii aanan garanayna waa aan ka dhuuntaa si aan hadhow markhaanti la iigu qabsan.

Shiikh Kabriid la ma uu yaabin hadalka garyaqaanka, maxaa yeelay marar hore ayey ka wada hadleen mowqifka uu Seeraar diimaha ka taagnaa. Isaga oo shiikhu ogaa in uusan qareenku aragtiyihiisa diin ku salayn buusan ka aammusin, oo waxa uu yiri

― Akhii diintu waa muhim jiddan. Qofka muslimka ahi waa in uu diinta ka dhigto waxa qalbigiisa iyo maskaxdiisa haga.

Garyaqaan Seeraar Duubigeel waxa uu ku dhashay degmada Dhuusamareeb kun sagaal boqol lixdan iyo shan. Waxbarashadiisii dugsiga sare waxa ay ahayd iskuul carbeed oo Xamar ku yiil oo uu ka baxay kun sagaal boqol siddeetan iyo shan. Yaraantiisii waxa uu ku fiicnaa carabiga iyo diinta. Kun sagaal boqol siddeetan iyo siddeed buu waxa uu Soomaaliya uga baxay dhanka Kenya, oo uu uga sii gudbey jamhuuriyadda Tansaaniya. Waxa uu halkaas joogey teer iyo kun sagaal boqol iyo sagaashankii, waxa uuna sanadkaas dhammaadkiisii u kicitimay dhanka Iswiidhan oo uu magangelyo weydiistey. Bilo gudohood bay hey’adda socdaalku ugu jawaabeen in uu degganaansho ka helay dalkii uu magangalay.

Afka dalka ayuu barashadiisa u qalabqaatay, waxa uuna ka baxay koorsooyinka ugu horreeya ee dadka soogalootiga ah loogu talogalay. Ka dib waxa uu galay waxbarashada dadka waaweyn waxa uuna dhigtay taariikh, cilmiga bulshada, iswiidhish iyo ingiriis.

Dhawr sano ka dib waxa uu bilaabay kulliyadda sharciyada ee Jaamacadda Gothenborg, waxa uuna waxbarashadaas wadey shan sano oo xiriir ah. Akhriskaaas dheer oo daalka badnaa ka dib waxa uu bilaabay saddex sano oo baraatig ama ficil ah, ka dibna waxa uu ku xijiyey wax akhris kale oo aan dheerayn. Intaas ka dib waxa uu codsi u diray shabakadda garyaqaannada oo in lagu biiraa ay ka dhigan tahay in qareen la yahay. Codsigiisii maqbuul buu noqday, waxa ayna taariikhdu ahayd labo kun iyo afar markii uu shabakadda garyaqaannada ku biiray. Waxa uu Seeraar wadaadka ugu jawaabey

― Wax walba haddii dhanka diinta laga eego sidee loo shaqaynayaa?

Kabriid ma uu dhibsan jirin hadalka saaxiibkiis ee waxa uu isku deyi jirey in ay isqanciyaan. Waxa uu yiri

― Akhii diintu in la shaqaysto ka ma ay soo horjeeddo. Iska daa in ay ka soo hor jeeddo ee waa ay ammaantay ama waajib bayba ka dhigtay. Cumar bin Khidaab niman masjidka ku xerooday oo in ay xammaashaan diidey buu masjidka ka jafay, waxa uuna u arkey in aysan bannaanayn in uu qofku cibaado shaqada uga tago.

Seeraar waxa uu u arkey in wadaadku uu qiso Cumar ku saabsan u haystey qaddiyad weyn oo diineed, taasina ay muujinaysey wadaadka aqoon darrida haysatey. Waxa uu yiri

― Qof maalintii shan jeer wajiga, gacnaha iyo lugaha dhaqanaya oo raadinaya meel daahir ah oo uu ku tukado miyaa shaqo diyaar u ah? Ummadaha shaqada ku horemaray qofku shaqada ayuu caabudaa, ilbiriqsina cidlo lagu ma lumiyo. Midda kale hawlaha dunida maanta ka socda xalaal iyo xaaraan loo ma eegi karo, oo in shaqada la canshuuraa waa khasab. Canshuur la’aan sidee baa dal loo maamuli karaa, sidee se wax u ka la soconayaan? Bangiyada iyo hay’aduhu haddii aysan dulsaar ama ribo ku dhaqmin sidee wax loo ka la faa’iidayaa?

Kabriid dadkan saaxiibbadiis ah doodohooda waa uu jeclaa, oo wax kasta oo ay sheegaan waa uu dhegaysan jirey, waxa uuna ku jawaabey

― Akhii salaaduhu wakhti badan ma ay lumiyaan oo kuwa ugu dheer xilliga la tukadaa shan daqiiqo ma uu dhamma, weesaduna wakhti dheer ma ay qaadato. Ummadaha shaqada caabudaa aakhiro ma ay rumaysna oo innaga tusaale i noo ma ay noqon karaan. Dadka xalaasha iyo xaaraanta ka fakaraa waa ay nool yihiin, cid ka nolol fiicanina ma ay jirto. Canshuurta islaamku waa sakada oo magaca uun bay canshuurta kale ku ka la duwan yihiin. Dulsaarka bangiyada oo dhammi ku ma ay dhaqmaan oo waxaa jira bangiyo aan ribo lahayn oo shaqaysta. In qof miskiin ah dulsaar la saaraa faa’iido ma aha ee waa booli.

Seeraar sida uu diinta u arkey wadaadku waa uu la socdey, waxa uuna qareenku iska tuuran jirey hadallo uu shiikhu gaalnimo u arkey. Waxa uu ku jawaabey

― Qof muslim ah oo diinta ku dheggani sidiisaba wax buu dumiyaa ee wax ma uu dhiso. Waxa meel kasta ciyaalka qaraxyada u dhiibaa waa dad Ilaahay u shaqeeya. Waddamada dhulalka muslimiinta bari ka xiga iyo kuwa galbeed ka xiga labaduba waa ay ka horemarsan yihiin caalamka islaamka. Sababtu wax kale ma aha ee waa diinta ay ku dheggan yihiin oo aan u oggolayn in ay fakaraan ama ay shaqeeyaan.

Kabriid waxa uu marmar ka baqayey in uu dhulku la go’o oo ay caro Ilaahay ka timaaddo waxa uu Seeraar ku hadlayey. Garyaqaanka, wadaadka iyo Sucdi waxa ay ahaayeen saddex qof oo isku kalsoon oo isu calool furan. Yaxye laftiisa shiikha xumaani ma ay dhex ool, laakiin Yaxye nin sheeko iyo dood badan ma uu ahayn. Waxa uu Kabriid yiri

― Dalalka caalamka islaamka bari iyo galbeed ka xigaa dhammaantood ma ay horemarsana, isla markaas dalalka islaamka oo dhammi ma ay dibdhacsana. Waxaa jira aragtiyo ay muslimiinta qaarkood qabaan oo aan hagaagsanayn sida qaraxyada aad sheegaysid.

Wadaadka waxaa ka muuqatay in uu kululaaday oo uu xoogaa dhididey, la mana ka la caddayn karin in hadalka dartiis uu la dhididey iyo in wixii kululaa oo uu degdegta u cabbey ay dhidid ka keeneen. Seeraar oo ay shucuurtiisu caadi ahayd baa yiri

― Muslimiintu waa ay isku raacsan yihiin in dadka aan muslimiinta ahayn la gumaado oo diintooda ayey ku qoran tahay, laakiin waxa ay ku ka la duwan yihiin yaa gaalo ah? Goorma ayaa gaalada la laynayaa? Sidee loo laynayaa? Waa arrimo farsamo waxa la isku diiddan yahay ee asal ahaan dhammaantood qalbiga ayey dhiigyocab ka wada yihiin. Adigan ila doodayaa dadkaas masaakiinta ah oo baarka kugu la caweynaya waa aad layn lahayd haddii aad fursad heli lahayd.

Shiikhu xoogaa buu qoslay si aan loogu malayn nin xanaaqsan, waxaa se weligiba iska dhoollocaddaynayey Yaxye oo garabkiisa midig fadhiyey. Waxa uu shiikhu yiri

― Anigu ma aan aamminsani in dad shacab ah la laayo, mana aan aamminsani in ay muslimiinta oo dhammi sugayaan fursad ay gaalo ku laayaan….

Wadaadkii oo aan weli hadalkii dhammaysan buu Seeraar ka boobay oo waxa uu yiri

― Horta shareecada islaamka imisa dil ama dirdil baa ku jirta? Qofkii guur soo maray oo sinaysta silic in loo dilo! Qofkii aan tukan in la dilo! Qofkii diinta ka baxa in la dilo! Qofkii gaal ah in la dilo! Qofkii burcad ah in la dilo! Qofkii qof diley in la dilo! Qofkii wax xada in addimada si foolxun looga jaro! Qofkii aan guursan oo sinaysta in boqol jeedal lagu dhufto meel facshar ah! Qofkii khamri cabba in afartan jeedal lagu dhufto! Waxyaalahaas iyo waxyaalo la mid ah baa diinta ka buuxa, dadkuna intaas la laynayo ayey ka kooban yihiin oo waa dhif iyo naadir qof aan arrimahaas mid ka mid ah samayni. Maxaa diinta islaamka ku badiyey dilka iyo jirdilka? Ciqaabaha noocan ah markii la soo rogey ciqaab xabsi ma ay jirin, xabsiguna waa ciqaabta ugu habboon oo dadka la mariyo casrigan. Midda kale qofkii sinaysta ama diinta ka baxaa yuu wax u dhimay? Qofkii aan tukani yuu wax u dhimay? Qofkii khamri cabbaa yuu wax u dhimay?

Kabriid hadalka badan oo saaxiibkiis buu la yaabay, waxa uuna u arkaa nin fogaadey. Marar hore oo ay diinta ka doodeen isla sidaas ayuu Seeraar buuro dheerdheer u koray. Shiikhu waxa uu yiri

― Horta akhii hadalka ka bax ha iska saarnaan sidii gaari aad keligaa wadatide!

Seeraar wixii uu cabbayey waxa uu ku illaawey hadalkii badnaa, waxaana dhanka wax laga dalbanayey ka yimid nin sheegay in dalabdkii ugu danbeeyey la gaarey oo dalabkaas ka dib meesha la xiri doono. Seeraar galaaskiisu waa uu buuxey oo in uu wax dalbado ma uu rabin. Sadexdii qof oo la fadhiyey iyo Qalloocane waxyaalo ka la duwan bay dalbadeen. Waxa hadalkii sii watay Kabriid oo yiri

― Horta Seeraarow waxa aad ogaataa maamul aan ciqaab lahayni in uusan jirin, jirina karin. Waxyaalaha ay shareecadu la gaarka tahay waxa ay la mid yihiin waxyaalaha ay maanta yuhuudda iyo caddaanku la gaarka yihiin oo ah in la samaysto xabsiyo aan dadka la geynayo maxkamad la saarin oo laga buuxiyo dad shacab ah oo argagixiso loo bixiyey. Inta aad ku mashquulsan tahay in tuug gacan laga gooyo maad aragtid in xabsiyada Maraykan iyo Ingiriis maxaabbiista lagu kufsado, oo siiba ragga lagu fuulo?

Garyaqaan Seeraar waxa uu dib u bilaabay in uu galaaskii hortiisa yiil cancantuugo, waxa uuna yiri

― Shiikh hadalka inta hartay adiga ayaa iska leh ee ka bogo!

Waxaa hadalkii soo galay Qalloocane oo yiri

― Haddii uu shiikhu kaa adkaaday isu dhiib masjidka ha u geeyee! Anigu sidiinna carabi ma aan garanayo oo doodaha caynkan ah waa aan iska aammusaa.

Sucdi oo marqaansan baa iyaduna gebagabadii ereyo tuuratay, oo waxa ay tiri

― Labadoodu habeen kasta waxaas camaley ka hadlaan.

Muusiggii meesha laga tumayey markii la joojiyey baa aad loo dareemay bulaankii dadka, waxaana in uu tagsi waco bilaabay Seeraar oo jeebka ka la soo baxay guurguure gal baroon ah ku galaysan. Qalloocane iyo shiikh Kabriid waxa ay niyeysnaayeen in ay israacaan oo ay magaalada intaas yar ku macasalaameeyaan. Seeraar baa waxa uu yiri

― Aniga iyo Sucdi magaalada furan baannu sii gelaynaa ee yaa na raacaya?

Waxaa degdeg u jawaabey Yaxye Dheregsane oo yiri

― Aniga.

Qalloocane ayaa waxa uu qareenka ku afjigey

― Wixii awal ku la socdey ha ku raaceen! Odayaal aad makhaayad ku kulanyeen baad in ay ku raacaan ka sugaysaa.

Waxaa hadlay shiikha oo run ahaantii jeclaan lahaa in uu magaalada dadka u raaco, laakiin ay uga faa’iido badnayd in uu Qalloocane raaco oo uu dumar ka la sheekaysto. Waxa uu yiri

― Waa aad og tihiin in aanan idinka hareen ee aan daallanahay hawshii maanta ka dib.

Waxaa shiikha gacanqaad u soo taagey saaxiibkiis Seeraar oo yiri

― Samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo. Waa aan fahmi karaa culayska tacsida idin gashay.

Sucdi iyo Yaxye ayaa isku mar gacanqaad shiikha u soo taagey oo u tacsiyeeyey. Waxa jirey xilli uusan shiikhu dumarka ajaanibta ah gacanqaadi jirin, laakiin shalay iyo maanta waa labo maalmood oo isu eg haddana ka la duwan. Si fiican bay shiikh Kabriid iyo Sucdi isu gacanqaadeen. Qalloocane meeshiisii buu fadhiyey, mana uu garaneyn qofka dhintay oo laga tacsiyeeyey. Waxa uu go’aansaday in uusan weydiin ee uu shiikha hadhow weydiiyo. Waxa uu Qalloocane yiri

― Shiikh Kabriid guurguurihii baan guriga ku soo illaawey ee kaaga ma ka wacan karaa tagsi?

Shiikh Kabriid in uu kaco ayuu u hinqaday, waxaa se sidii qof uu jilbis qaniiney u soo boodey Qalloocane oo yiri

― Aniga ayaa fudud ee ii dhiib!

Nin shaqaalihii baarka ah baa inta uu soo dul istaagey waxa uu yiri

― Ma tagsi baad sugayseen?

Saddexdoodii magaalada u socdey isku mar bay kaakaceen, waxaana mid kasta galaaskii uu ka tegey ku jirey xoogaa biir ah. Qalloocane ayaa talo ahaan shiikha u soo jeediyey in ay bannaanka ku sugaan tagsiga, laakiin shiikha ayaa jeclaa in ay gudaha ku sugaan si ay dadkii baxay u libdhaan. Waxa uu Qalloocane shiikha oo meeshiisii fadhiyey u soo taagey guurguure labo qalbac oo madow ku dhex jira oo uu goor dhaweyd ka amaahday.

Shaafici Maxamed Xasan