TUKASHO IYO TUMASHO(Qaybtii labaad)

Waxa uu Kabriid orod kaga degtey jaranjarta dabaqa labaad iyo fookha kowaad ee guriga walaashiis. Sida wadaaddada kale badankooda ma uu cuslayn oo in uu ordaa aad bay ugu fududayd, da’diisuna u ma ay dhaweyn xad uu gaabiyo. Markii uu ganjeelka hore ka baxay waxaa uu la mid ahaa qof xabsi uu ku raagey laga sii daayey, dibna ma uu soo eegin ee waa uu ismaqiiqay. Xaafadda Gamlestaden buu degganaa, waxa uuna la dheeraynayey in uu wakhtigu yaraa oo uu haystey xilli ku filnaa in uu dharka iska beddelo oo uu tareen u raaco qaybo kale oo magaalada ka mid ahaa.

Meesha tareenka Kortedala laga raaco jaranjar baa ka sarraysey. Sallaankaas laftiisa orod buu kaga degey, oo waxa uu dhaqso u gooyey waddada tareenka, waxa uuna istaagey dhanka midig oo ay maraan tareennada magaalada hoose u socdey oo xaafaddiisa Gamlestaden sii marayey. Dad badani boosteejada ama maxaddada ma ay taagneyn oo labo qof baa sugayey tareennada dhanka kale u socdey, dhanka uu shiikhu taagnaa se hal qof baa kuraasta tareenka lagu sugo ku fadhidey. Kuwa dhanka Bergsjon tareenka aada sugayey waxa ay ahaayeen labo nin oo u ekaa dadka bariga dhexe iyo Beershiya ka soo jeeda, laakiin ruuxa kursiga dhanka uu shiikhu taagnaa ku fadhiyey waxa ay ahayd naag bolonde ahayd oo timo cawlan.

Waxa keli ah oo la maqlayey waa sheekada labada nin oo timaha madmadoobaa oo dhanka kale taagtaagnaa, kuwaas oo af baas ku hadlayey iyo foorida shinbiraha. Kabriid sida uusan shinbiraha u afgaraneyn buusan nimankana u fahmeyn. Luqadda ay ku hadlayeen in ay kurdiyi ku hadlaan, in ay af beershiyaan ahayd iyo in ay wax kale ku hadlayeen la ma ka la ogeyn. Waxa keli ah oo la hubey waa in aysan carabi ku hadleyn.

Waxaa labadii nin aammusiyey in ay galeen tareen ay fooddiisa ama wajigiisa ku qornaayeen lambarka toddobo iyo Bergsjon. Qof haddii uu degdegsan yahay waxa uu dareemaa in ay wax kastaa gaabinayaan. Gaadiid haddii uu sugayo waxa ay la noqotaa in uu soo daahay, haddii uu gaadiid saaran yahayna waxa ay u la ekaataa in uu gaabinayo.

Kabriid waxa uu galay qol dhalo ah oo loo dhisay in inta tareennada la sugayo laga jirsado barafka iyo roobka. Qolka muskiisa waxaa surnaa ama ku dhegganaa jadwallo laga fiiriyo xilliyada ay tareennadu meesha maraan. Markii uu jadwalladii in uu eego u holladay buu maqlay in uu tareen soo guuxayo. Inta uu qolkii maxaddada ka baxay buu dhankii uu tareenku ka soo sharqamayey eegay, waxaana tareenka ku qornaa lanbarka lix iyo meesha uu u socdey ama uu socodkiisu ku dhammaanayey magaceeda, taas oo uusan shiikhu akhriyin.

Iridaha tareenka laga gelayey midda ugu horraysey oo la siman shirka tareenka laga wado ayuu jaranjar yar oo bir ah labo ama saddex jeer kor u tillaabsaday, ka dibna tareenka gudihiisa ayuu dib u qaaday si uu u helo kursi bannaan oo uu fariisto. Tareenka dad badan oo ka la jinsiyado ah baa ka buuxey, badankooduna waxa ay eegeen sida uu Kabriid u lebbisnaa.

Af soomaali buu maqlay, markaas ayuu madaxa kor u qaaday, waxaana isku mar ”Shiikh Kabriid” ku dhawaaqay dad madmadow oo ay qaar taagtaagnaayeen. Kuwii taagtaagnaa buu la istaagey meel bannaan oo tareenka dhexdiisa loogu talo galay in dadka gaariga carruurta wataa ay dhigtaan. Dadka qaar buu waji garanayey, qaarna ma uu aqoon. Waxaa u caddaatay in ay dadka soomaalida ahi rabaan in ay makhribka ku tukadaan masjidka Bellevue oo aan fogeyn.

Dadkaasi markii ay degayeen waxa uu garan waayey marmarsiinyo uu kaga hari karey. Marmarsiinyo keeni karey in uu dadkii uu shiikha u ahaa oo jamaaco u socda tareenka la gudbo. Maskaxdiisu aad bay isu gedgeddidey intii uu tareenku ka soo gaarayey Bellevue, waxa uuna go’aansaday in uu dadkaas u raaco masjidka isaga oo cagojiid iyo caalwaa ahaa. Soomaalida masjidka u socotey rag keli ah ma ay ahayn ee waxaa tareenkii ka degey dhawr dumar ah oo daahyo waaweyn hullaaban.

Intii ay sii lugaynayeen maxaddada ama boosteejada Bellevue iyo masjidka dhexdooda dumarka ayaa danbeeyey, waxa ayna ahaayeen labo cutub oo isdaba jooga oo uu cutubka hore badnaa.

Bellevue waa meel ay jidad ka la duwani dhinacyo badan uga baxaan oo marmarka qaarkood waxaa la dareemaa in ay baabuur badani dhan kasta isu dhaafayaan, laakiin caawadaas waxa ay ahayd fiid danbe oo jumce ahaa oo gaadiid badani ma uu mareyn jidadka. Jumcaha iyo sabtida fiidkii dad badan baa makhaayadaha iyo baararka dhooban oo cid xilligaas baabuur badan la yaacdaa ma ay jirto. Jumcaha barri baa sabti ah oo fasax la yahay, sabtidana axad baa ku sii xigta oo aan la shaqayn, waxna la baran. Qofku isaga oo baarar galay oo marqaansan in uu gaari wadaa u ma ay bannaana, taasina waxa ay keentaa in uu qofkii maankiisa doorinayaa gaarigiisa meel dhigo oo uu basaska iyo tareennada raaco ama uu tagsi kiraysto.

Qaar raggii shiikha la socdey ka mid aha baa gacanqaaday oo ugu duceeyey in geeridii hooyadi samir iyo iimaan uu Eebbe ka siiyo, iyadana uu naxariistii janno ka waraabiyo. Aad baa saanta loo boobayey oo waa la taabacayey, waayo makhribkii baa taagnaa, waxa ayna masjidkii galeen iyada oo la addimayey.

Masjidku aad buu u weynaa oo qofka dhinac joogaa midka dhanka kale jooga dirqi buu ku arki karey, waxaana sagxadda gees ilaa gees ku fidsanayd gogol uu midabkeedu guduud u badnaa oo intii uu qof ku tukadaaba ay calaamad qof la egi ku tiil. Dhawr boqol oo qof baa caawadaas joogey, waxaana markii uu shiikh Kabriid soo galay salaan ku la yaacay dad badan. Salaantu waa isku mid marka la salaamo nin shiikh ah iyo marka la salaamo qof caadi ah, laakiin dabeecadaha dadka waxaa ka mid ah in qofka qaddarkiisa salaanta lagu dhereriyo. Haddii uu qof caamay ahi dadka masjidka ku jira salaamo waxaa laga yaabaa in aan salaantiisa hal qof ka jawaabin oo wax aan la maqal oo kale ay noqoto, laakiin haddii uu shiikh weyni dadkaas salaamo masjidka ayaa gariira hugunka ay salaanta shiikha kaga jawaabaan.

Sidaas awgeed ayaa shiikh Kabriid salaanta loogu la yaacay, waxa uuna rag isla taagey meel mixraamka u dhow. Ififaalaha waxaa ka muuqatey in uu isagu makhribkaas iimaan ka noqon dooney. Waxa uu weli qabey weesadii uu jumcaha ku tukadey saacado badan oo badan ka hor.

Addinka iyo aqimka xilli dheeri u ma uu dhexayn oo waxaa la isku lifaaqay aqimkii iyo in la wada istaagey oo la saftay.

― Si fiican u safta!

Oo af carabi ah buu Kabriid Daaxuur yiri, waxa uuna ku xijiyey in uu salaaddii xirtay. Qorshihiisii uu magaalada ku baashaali lahaa in uu ka daahay baa awal maskaxdiisa cuslaysay oo uu la walbahaarayey, waxaase markii uu rukuucay soo kordhay culays kale oo yaab iyo dhabannohays la noqday.

Waxaa jeebka khamiiska ee kore ka soo dhacay fure ku dhacay meesha uu ku sujuudi dooney iyo meesha uu lowyada dhigi dooney dhexdooda. Shiikhu casarkii waxa uu gaarigiisii dhigay barxad Kortedala ku tiil, oo u dhaweyd guriga Tarraxo Daaxuur. Haddii uu gaariga gurigiisa ku aadi lahaa isma ay arkeen dadkii masjidka u soo afduubay. Haddii uu gaarigiisa kaxaysan lahaa tareen ma uu sugeen ee toos iyo dhaqso ayuu Gamlestaden u tegi lahaa.

Ragcaddii hore intii uu rukuucsanaa ama uu sujuudsanaa waxa uu sabab u raadinayey in uu gaarigii soo illaawey. Mar buu isku qanciyey in ay sababtu ahayd in uu marka uu shaqada u socdo ama ka socdo keli ah baabuurka kaxaysan jirey, marka uu meelo kale u aadayana uu gaadiidka dadka u dhexeeya raaci jirey. Taas macnaheedu waa in uu la qabsaday in uu marmar badan tareennada raaco, mana ahayn taasi sabab macquul ahayd oo keeni kartey in uu gaarigiisa cidlo uga soo tegey. Mar buu waxa uu niyadda ka nacaladay Suleekha Waraabe oo maskaxdiisa buuq yar ku furtay markii guriga Tarraxo uu ka soo baxayey.

Ragcaddii labaad waxa uu ka fakarayey in uu maskaxdiisa oo dhan ku xiray sidii uu u aadi lahaa meelo ay ku caweynayeen saaxiibbadiis qaali ahaa, taasina ay horseedday in uu is illaawey oo uu iska socday isaga oo aan gaarigii wadan. Waxa uu dareemayey in cawadaas uu magaaleeyo in uu ka daahay oo ay xilli danbe ahayd. Waxa kale oo uu ogaa in gaarigii in la ganaaxey ay u badnayd. Mowjado ayaa maskaxdiisa hirar buuro la moodo rogrogayey.

Ragcaddii saddexaad markii uu sii dhammaynayey waxa uu ka fakarayey in naagaha meelaha fogfog jooga oo internetka ama falkiska lagu la haasaawaa aysan faa’iido lahayn, oo ay wakhtilumis tahay. Waxa uu ku fakarey in marka uu jamaacada tujiyo uu tareenka dib u raaco si uu gaarigii u soo kaxeeyo. Waxa kale oo uu go’aamiyey in uu waco qareen Seeraar Duubigeel ama Sucdi Good, waayo labadooda iyo Yaxye Dheregsane fiid kasta oo jumce ama sabti ah waa ay wada caweyn jireen. Waxa uu isyiri ”Haddii ay wax badan baararka fadhiyeen oo ay cirka marayaan qof saacaddan ka dib baashaal bilaabay la ma uu sheekaysan karo, balwadduna sideedaba waxa ay ku fiican tahay in ay dadku isla socdaan oo heerarka marqaanka ay wada maraan, ee haddii ay labo caalam ka la joogaan isla ma jaanqaadi karaan”.

Waxa uu ka shakiyey in uu salaadda sax u tujiey iyo in uu wax gafey. Ma uu hubo in ataxiyaadkii dhexe uu sameeyey. U ma ay saxna inta ragcadood ee uu tujiyey. Haddii uu wax weyn khaldo dadku waxa ay oran lahaayeen ”Subxaanallah” si ay u xusuusiyaan in uu wax khalday, mana ay subxaanallaysan. Sidaas awgeed waxa uu go’aansaday in uusan sujuuddusahwi samayn ee uu iska salaamanaqsado.

Furihii gaariga ayuu inta dhulka ka qaaday waxa uu gashaday jeebka bidix ee khamiiska. Dadka xaggooda ayuu inta u soo jeestey buu waxa uu sugayey inta ay dhammaysanayeen wardiga salaadda ka danbeeya oo ay salaad sunne ah ku mashquulayeen. Waxa uu isku la hadlay ”Haddii aad sidii qof uu halaq qaniiney booddid oo aad baxdid iyaga oo ku soo wada eegaya waa ay ku la yaabayaan. Marka ay kaakacaan oo ay sunneha isu taagtaagaan ka dhuumo”.

Dad weynnihii qof kacay ma uu jirin oo sidoodii bay safafkii ugu fadhiyeen, waxa uuna shiikhu go’aansaday in uu sunneha u bilaabo. Inta uu istaagey buu meeshii uu ku tukadey xoogaa ka durkay, ka dibna salaad buu xirtay. Dadkii oo dhammi waxa ay ku ka la firdhadeen masjidka gudihiisii ballaarnaa oo badankoodii meelo ka la fogfog bay ku sunnaysteen.

Shiikhu xoogaa buu kadeednaa oo karkabadaysnaa. Sunneha waxa uu ugu dhaqsaday sida nin dhaan wada oo ratigii dhaanka ahaa inta uu geed hortiisa ah hoggaanka ugu xiray salaad galay, ka dibna uu awrkii inta arruntay isku deyey in uu dhinac isu tuuro oo uu galgasho, oo haddii aan laga gaarin halis loogu jiro in uu haamaha ka la gooyo. Markii uu shiikhu masjidka iriddiisa ka baxay oo uu kabaha baroonka ah illanayey waxaa salaamay niman aan weli makhribkii tukan. Waxa ay yiraahdeen

― Salaamun calaykum shiikh Kabriid.

― Wa caleykumu salaam.

― Makhribkii ma laga baxay?

― Haa, hadda ayaannu ka baxnay. Wa lillaahil xamdu wal manna.

― Oo jamaacadii way na dhaaftay miyaa? Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

― Idinka ayaaba jamaaco ah, oo cid u ma aydnaan baahnidin, ajarkii aad salaadda soo tiigsateenna waa aad helaysaan. La ma shallaayo oo qoomamadu waa camalu shaydaan. La ma degdego oo qarbaqarbada iyo surcadu Ibliis bay ka ahaadeen.

― Ilaahay ha na cafiyo. Waa aannu dadaaleyney ee waannaan haleelin.

― Salaamun caleykum, gaari baa meel dayacan oo xaafad fog ah iga yaal oo aan ku degdegayaaye.

― Wa caleykumu salaam shiikh.

Kabriid Daaxuur iyo afartii nin ee masjidka sii gelayey waxa ay intaas isdhaafsadeen daqiiqaddii uu shiikhu kabaha gashanayey, iyaguna ay kabaha iska bixinayeen oo ay kabaha kabarka saarayeen. Markii uu dhaqaaqay buu isaga oo xagga tareenka u dheeraynaya waxa uu jeebka midig ee khamiiska ka soo saaray guurguurehii galka madow ku galaysnaa oo waxa uu eegay saacadda. Waxa ay sheegaysey kow iyo tobankii fiidnimo oo labaatan dhimman. Waxa uu isaga oo aan telefoonkii xeraysan wacay saaxiibkiis Seeraar Duubigeel oo ay sheekadoodu ku bilaabatay

― Halaw!

― Waa aan ku salaamay mudane abukaate.

― Waa lagaa qaaday salaanta shiikh. Maxaa caawa kugu dhacay waa aannu ku sugaynaye?

― Tacsi baa maanta na gashay oo gelinkii danbe oo dhan ilaa fiidkii mashquul baan ahaa.

― Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Yaa geeriyoodey?

― Duqdii hooyaday ahayd baa shalay go’day, oo aannu maanta aasnay.

― Oo maxaad xalay ii soo waci weydey si aan duugta uga qaybgalo?

― Waxa aan ogaa in aad maanta shaqaynaysey, dadka janaasada iyo aaska yimidna aad bay u badnaayeen oo cidna la ma tebayn.

― Maalintii aanan maxkamad joogin shaqadaydu way madaxbannaan tahay oo meeshii aan rabo ayaan aadi karaa. Maanta maxkamad ma aan jirin ee xafiiska ayaan iska joogey.

― Adiga iyo Sucdi Good keli ah miyaad tihiin mase ina Dheregsanena wuu idin la joogaa?

― Waa la dhan yahay oo isaga ayaaba naga soo horreeyey.

― Ma mar hore ayaad isu timaaddeen ma se dhawaan?

― Tobankii oo wax dhimman baannu isu nimid.

― Halkee baad joogtaan?

― Hadda waxa aannu joognaa Aveny meel dabaq sare ah. Adigu waa aad daallan tahay oo murugaysan tahay baan u malaynayaa oo caawa ma aad iman kartid.

― Waa aan imanayaa, laakiin waxa aan ka walaacsanahay sida aad og tahay Aveny ma aan jecli, ee meelaha luuqyada ah baan ku madaxqarsadaa.

― Taas waan ogahay oo haddii aad iman kartid waxa aannu tagsi u qaadanaynaa meeleheennii Jarntorget.

― Waa aan soo socdaa, laakiin hadda ma aha ee waa ugu yaraan saacad ka dib.

― Waxa aad noo imanaysaa annaga oo cabbaar Jarntorget joogney, waayo hadda ayaannu iska sii baxaynaa, tagsiguna shan daqiiqo uun buu na sii wadayaa.

― Anigu tagsi soo qaadan mayo ee gaariga ayaan inta xaafaddii geeyo waxa aan soo raacayaa tareenka.

― War dhammaaday weeye. Sucdi oo geerida aynu ka hadalnay maqlaysey baa in ay ku la hadasho rabta.

― Ii dhiib!

― Halaw shiikh, waan ku salaamay.

― Waa aan kaa qaaday. Iska warran?

― Aad baan u ladnahay, laakiin geerida aad ka hadlayseen baan ka yara naxay. Yaa dhintay?

― Duqdii hooyaday ahayd baa shalay nafbaxday oo aannu galabta soo aasnay.

― Miskiinta Alle ha u naxariisto. Waa tii aad habeen dhawaa iiga warrantay xaaladdeeda caafimaad.

― Waa la wada dhimanayaa oo qof kasta mustaqbalkiisu waa geeri. Aad bay u jirraneyd oo muddadii danbe oo dhan xagga isbitaallada ayey u badnayd.

― Ostra ma la geyn jirey?

― Haa, waaba meeshii ay sida badan jiifsan jirtey.

― Alla walaalow Ostra marmar baan ka shaqeeyaa qaybta dhimirka ama maskaxda oo haddii aan ogaan lahaa waa aan idin soo raadin lahaa.

― Oo sow xafiiska arrimaha bulshada ka ma aad shaqaysid?

― Haa, halkaas ayaan u badnahay, laakiin marmar baan dadka maskaxa ka jirran sidii ay u soo kaban lahaayeen ka la taliyaa. Waxbarashadayda meelo ka la duwan baa lagaga shaqayn karaa. Bulshadu sida ay u wada shaqayso ama ay u ka la shaqayso ayaan bartay. Goobaha waxbarashada xataa waxa aan ka noqon karaa lataliye. Xafiisyada dowladda kuwo badan oo ka la duwan baan ka shaqayn karaa. Waa aqoon aan hal xirfad ahayn.

― Waa aqoon fiican haddii uusan qofka bartaa shaqo waayeyn, oo uu fursado badan leeyahay.

― Aad baan ugu faraxsanahay wixii aan jaamacadda ku bartay. Waxa kale oo wanaag ii ahayd in waxa aan baranayey ay ii fududaayeen oo aanan ku dhibtoon jirin. Kolley mar dhow baynu Jarntorget isugu imanaynaa ee yaanan hadal kugu daalin. Is arag dhow oo xiiso leh.

― Waa yahay abbaayo.

― Jaw abboowe.

Kabriid markii uu Volvo-dii caddayd dul istaagey waxa uu ku rayrayey in aan la ganaaxin, oo naacaw farxadeed baa dushiisa iyo dubkiisa martay, sanbabbadana neef sun ah oo kulul baa ka soo butaacdey oo dabaysha raacday. Markii uu gaariga meesha dhigay waxaa laga joogaa shan saac, muddadaasna waxa keli ah oo uu qabtay waa in uu Suleekha Waraabe xoogaa la murmay iyo in uu tukadey makhrib uusan ku talo jirin, oo masjidka isaga oo cagojiid ah loo taxaabay. Shantaas saac waxa ugu wanaagsan oo uu qabtay waa in uu saaxiibbadiis wacay oo uu la hadlay Seeraar Duubigeel iyo Sucdi Good, oo uusan midkoodna hore u ogeyn in ay Canbaro Guutaale dhimatay. Seeraar codkiisa iyo sida uu u hadlay waxaa laga dareemayey in uusan waxba cabbin, laakiin Sucdi waa ay daarnayd oo waa tii ku dheeraatay tacliinteeda iyo waxyaalaha ay ka shaqayn karto.

”Socionom” waxaa loo malayn karaa in ay tahay qayb waxbarasho sare oo Iskandanefiya keli ah ka jirta. Waxaa la bartaa dhibaatooyinka bulshadu sida ay ku yimaadaan iyo sida looga bixi karo. Waxaa kale oo la bartaa wada shaqaynta bulshada iyo isbeddellada la samayn karo, sharciyada iyo sida qof ama bulsho loo horemarin karo. Qofka aqoontaas ka soo baxaa waxa uu xoghaye ka noqon karaa xafiisyada arrimaha bulshada. Waxa uu gacanhaye ka noqon karaa arrimo dhaqaale sida deeqaha. Goobaha caafimaadka ayuu lataliye ka noqon karaa. Inahaas iyo ino lagu daray bay Sucdi Good shahaadada master ku qaadatay. Tan iyo markii ay aqoontaas ka soo baxday maalin ma ay shaqo la’aan. Waxa ay markii dhawaa Kabriid u sheegtay in ay markii ay wax baranaysey jeclayd waxyaalaha ay baranaysey, markii ay tacliinta dhammaysatayna ay ku faraxsanayd shaqooyinkeeda.

Kabriid aqoontiisa diineed markii uu baranayey waa uu ku khasbanaa in uu jeclaado, waayo diinta barashadeedu waa cibaado lagu khasban yahay. Waxa uu ka soo baxay kulliyadda xaddiiska ee jaamacadda islaamka ee Madiina. Afar sano iyo bilo ayey ku qaadatay in uu qaato shahaadada kowaad ee bajallaar, shaqo uu mushaar ku kasbadana weli waxbarashadiisa ku ma uu helin. Xagga shaqada iyo mushaarka haddii aqoontiisa laga eego waxa ay noqon kartey waxa ay soomaalidu yiraahdaan ”Xoog doofaar lagu eryey”!

Degdeg buu shiikh Kabriid gaarigiisii caddaa ugu saanigareeyey meeshii uu dhigan jirey. Muddo yar buu soo jeexay inta u dhexaysa Kortedala iyo Gamlestaden, oo waddooyinka waxa uu ku marayey xawli ka sarreeyey intii loogu talogalay in lagu socdo. Askartu in aysan arag isaga oo sidaas baabuurka u sheellaraynayey waxa ay ahayd hoodo iyo nasiib ka weyn qadankii iyo ayaankii uu ganaaxii caawadaas kaga badbaadey.

Gurigiisa markii uu galjeelka hore oo iska furnaa ka soo galay dhinacna ma uu eegeyn ee xawli buu jaranjartii dabaqa kowaad ku koray. Waa dabaqa uu degganaa, oo albaab uu magaciisu ku qornaa buu hor istaagey. Waxa uu xusuustay in furihii gurigu uu ku jirey boorsada yar ee uu jeebka gashan jirey. Shandaddaas yari waxa ay ku jirtey surweelka khamiiska ka hooseeya jeebkiisa danbe. Waxa uu ahaa surweel madow oo canqawyada meel ka korraysa u joogey. Waxa surweelka loo gaabiyey in uu jiro xaddiis lagu canaantay ragga uu dharkoodu canqawyada ka hooseeyo. Xaddiiskaas ama canaantaas dadku ku ma ay wada dhaqmaan ee kooxo yaryar baa fuliya.

Kabriid waxa uu go’aansaday in uu khamiiska iska siibo. Markii uu siibey waxa uu xirnaa oo oogadiisa ku soo haray garan cad iyo Surweel gaaban. Boorsadii yarayd buu waxa uu ka soo saaray jeebka danbe ee surweelka gaaban. Jinyeer yar buu furay, waxaana ku jirey qaddaadiic iyo fure ah nooca la koobiyeyn karo. Markii uu furaha boorsada ka soo saaray iyo markii uu albaabka furay waxba u ma ay dhexayn, waxa uuna iridda ka soo galay isaga oo khamiiskii gacan ku sitey, gacanta kalena ku haystey boorso yar oo midabkeedu baroon ahaa iyo furihii. Kabihii buu iska siibey, laakiin sharabaaddadii ama sigisyadii iska ma uu saarin.

Jikadu dhankiisa bidix bay xigtey ku mana uu leexan. Fadhigu wajigiisa ayuu toos ugu aaddanaa oo xaggiisa ayuu u dhaqaaqay, laakiin intii uusan gaarin kuraasta saalootada oo midabka baroonka ah lahayd waxaa midigta kaga aaddanaa qolkii hurdada oo ka yar qolka fadhiga. Qolkaas yar oo uu albaabkiisu furnaa buu ku weecday, oo degdeg u galay.

Qolka waxaa geeska bidix taalley sariir nafar ah oo aan goglanayn ee inta lagu seexday laga tegey. Meel albaabka u dhow waxaa taagnaa katabbaan uu dhar badani ku hilnaa oo uu Kabriid khamiiskii dushiisa ku tuuray. Waxaa shiikha qolka u yiil surweelo aan la mid ahayn midka gaaban ee kubka dhexdiisa joogey. Waa surweello dheerdheer oo ciribta u jooga oo uusan qaadan inta uu wadaadka yahay, oo uu masjidka joogo ama uu xigtada iyo ehelada la joogo. Waxa uu surweelladaas xirtaa marka uu magaaleynayo oo uu wadaadnimada ka nasanayo.

Boorsadii jeebka waxa uu ku tuuray sariirta dusheeda. Sariirta madaxeeda ay barkintu taalley waxa uu ku dhammaadaa derbiga muska ahaa oo uu qolku ku dhammaanayey. Dhanka cagaha ahaa waxaa derbiga ku rakibnaa armaajo caddayd oo dheerayd oo albaab lahayd, taas oo guriga ka mid ahayd. Albaabkeeda markii uu furay waxaa ka shisheeyey khaanado dhawr ahaa, oo ay dhar iyo alaabo ku jirjireen. Khaanad buu shaati feeraysan ka soo saaray, khaanad kalena surweel jiinis ahaa oo cusbaa buu ka soo bixiyey.

Markii uu surweelkii iyo shaatigii degdeg u xirtay buu boorsadii yarayd sariirta dusheeda ka soo qaaday, oo wax uu geliyey surweelka uu xirtay jeebkiisa. Sariirta marka jeego loogu jiifo dhanka bidix waxaa taalley armaajo gaaban oo saddex khaanadood lahayd, waxaana dusheeda saarnaa muraayad weyn oo dhanka albaabka u soo jeeddey.

Shiikhu muraayaddii buu hor istaagey, waxaana ka soo baxay isagii oo aan u ekayn wadaad ee ah nin dhallinyar oo xarragoonaya. Waxa uu isdareensiiyey in uu ku jirey cimrigiisa meeshii ugu wanaagsanayd. Armaajada ay muraayaddu dul saarnayd waxaa kale oo muraayadda sokadeeda qotontey dhalo barafuun ahayd oo ay dheeggeeda ku qornayd far waaweyn oo ah ”MEN”. Qarshadii buu inta calaacashiisa ku buufiyey buu sacabkii uu ku buufiyey sanka saaray, ka dibna oogadiisa meelo ka mid ah buu ku buufbuufiyey.

Qolkii hurdada waxa uu ka baxay isaga oo damiyey nal uu markii uu soo galay daaray, waxa uuna dhaqso u galay jikada. Waxa uu ahaa kushiin ay dhex yaalleen afar kursi iyo miis lagu cunteeyo oo alwaaxyo ahaa. Khaanadaha alaabta cuntada lagu guro hoostooda waxaa derbiga ku dhegganaa meel miis oo kale ahayd oo uu dhererkeedu ku jaango’naa mashinka dabka, waxaana saarnaa rooti weyn oo isaga oo jarjaran la soo iibiyey. Qaboojiye cad buu waxa uu Kabriid ka soo saaray subag rootiga la marsado iyo macaan isagana rootiga la mariyo. Khaanado hoose ayuu ka la soo baxay mindi rootiga wax lagu mariyo iyo saxan. Dhawr fullaac oo rootigii jarjarnaa ah buu subkay oo saxanka saarsaaray, waxa uuna furay qaboojiyihii oo uu ku celiyey alaabtii uu awal ka soo saaray. Intii uusan qaboojiyaha xirin buu waxa uu ka soo saaray cabbitaan weelka uu ku jiraa uu baakad ahaa, galaan dheerna khaanad kore ayuu ka la soo baxay. Kalaxii oo uu cabbitaan jaalle ah ka buuxiyey iyo saxankii uu rootigu saarnaa buu waxa uu la soo aadey qolkii fadhiga.

Miiska saalootadu waxa uu ahaa dhalo lugaha ay ku taagnayd ay biro ahaayeen, waxa uuna dul saaray aargalaankii cabbitaanka ahaa iyo saxankii. Daah cad baa daaqadda ku xirnaa, derbiyada oo dhammina waxa ay u cadcaddaayeen sida daaha.

Kabriid ma uu jeclayn in gurigiisa gidaarrada waxyaalo la sursuro ama ubaxyo daaqadaha iyo geesaha la safo. Qolkiisa fadhiga wax midab lahaa waxaa ka muuqdey kuraasta baroonka ahayd oo uu ku cashaynayey iyo shaarkiisa diillimaha baluugga ah lahaa.

la soco qaybta 3 aad