Tuugga gacan ma la jari karaa?

Maxaa u daliila inay aayaddu leedahay labo macne?

Macnaha erayga (qadci =قطع) oo laga wado goyn: waxaan u fahanney in laga wado in ilaa lafta jarayo maxaa yeelay waxaynu moodayney in eraygu hal macne oo keliya uu leeyahay, laaakin haddii aan u fiirsanno aayadda 31-aad ee suuradda Yuusuf waxaa ku cad in goyntu noqon karto “sarid”, sida in qof yiraahdo waxaa i sartay sakiin, maxa yeelay aayaddu waxay oranaysaa “way jareen dumarkii gacmahooda”, sidoo kale aayadda 38-aad ee suuradda al-Maa’ida wuxuu Alle yiri “gooya gacmahooda”, hadaan 2da aayadood u fiirsannana way ka siman yihiin macnaha gooynta, haddii marka aayadda suuradda Yuusuf loola jeedo in dumarku midiyaha isku sareen, aayadda tuugada ku saabsanna macnahaa way qaadan kartaa iyada oo aan meesha laga saarayn macnaha 2aad ee keenaya in ilaa lafta la jari karo, taasoo ka dhigan inay aayadda ka dhalanayaan 2macne meeshii aan moodayney inay hal mance leedahay.

Haddii ay aayaddu yeelato laba mance oo aan kala xoog badnaynna waxay culimadu u yaqaaniin “mujmal” oo laga wado macne duuduuban oo aan caddayn, xaaladaasi markay timaaddana waxay culimadu ku kala saaraan 2da macne daliil 3aad, waana qodob aan ku waafaqsanahay culumada. Si aan labadaa macne u kala saarana waxaan u noqday quraanka, waxayna aayadihii xuquuqda la xiriirey isku waafaqeen inaan qofka la ciqaabi karin wuxuu geystey wax ka badan, taasoo laga qaadanayo arrimaha soo socda oo kala ah:

  1. ) Inaan dadka wax xada isku xukun ahayn ee qof walba waxa uu geysto wax le’eg oo keliya lagu yeelanayo.
  2. ) In qofkii soo celiya maalka uu qaaday inaan wax kale loo raacanayn maxaa yeelay waxay keenaysaa in la ciqaabo wuxuu geeystey wax ka badan.
  3. ) Inaan ciqaab xagga jismiga ah lagu samaynayn haddii uu gudi karo wixii uu qaaday maxaa yeelay qofka waxaa laga rabaa wixii uu qaaday wax la nooca, hadii uuna hayn ayey iman kartaa in wax kale lagu qiimeeyo. Sidaa darteed waxaa ii soo baxday in macnaha saxda ah uu yahay saridda ee uuna ahayn midka xubinta oo dhan la jarayo.

Maxaa u daliila in qofka la cafin karo?

Haddaan u fiirsanno adillada xiriirka la leh baabka xuqquuqda waxaan kala baxaynaa labo arrin oo kala ah:

1) Inaan qofka la ciqaabi Karin wax ka badan wixii uu geestey.

2) In la cafin karo, labadaa arrinna waxaa u daliila aayadda soo socota:

(وإن عاقبتم فعاقبوا بمثل ما عوقبتم به، ولئِن صبرتم لهو خير للصابرين …)

(Haddi aad ciqaabtaan ciqaaba inta la idin ciqaabay in le’eg, inaadse sabirtaan ayaa u khayr badan kuwa sabra), (126 al-Naxli)

Markii ciqaab la yiraahdo waa macna guud sidaa darteed waxaa soo hoos gelaya ciqaab oo dhan sida dil, dhac, tuugo iwm. Sidaa darteed dhammaantood dadka gala waa la cafin karaa, maxaa yeelay gofka denbiga laga galay ayaa iska leh go’aanka ah in wixiisi wax u dhigma loo gudo ama inuu wax ka tanaasulo ama inuu dhammaan cafiyo. Sidaa darteed, haddii qofka laga cafin karo denbi wayn sida dil wixii ka yarna wayba ka sii dhow dahay in la cafin karo.

Sidoo kale, haddii la yiri qofka yaan loo geysan wax ka badan wixii uu geystey waxaa ka dhalanaya inuu jiro halbeeg lagu cabbiro wax kasta oo la isku leeyahay ama la kala gudanayo, sidaa darteed 2da shay ee isku nooca ah waxaa shardiya inay is le’eg yihiin xagga miisaanka, labada shay ee kala duwanna waxaa shardiya inay isu dhigmaan xagga qiimaha. Sidaa darteed, naf waxaa u dhiganta naf, gacanna gacan, maalna maal.

Tartiibta loo gudo xuquuqda:

Qofkii dila waqtiga uu xajinayo xayawaan ka mida duur joogta waxaa la amray inuu bixiyo neef xoolo ah oo le’eg wixii uu diley, ama inuu quudiyo dad masaakiina ama inuu soomo soon u dhigma wixii laga rabey sida ku cad aayadda 95-aad ee suuradda al-Maa’ida, haddaan aayadan u fiirsanno waxaa ugu horraysa inuu bixiyo wax la nooc ah wixii uu geeystey isla markaana le’eg xagga miisaanka, waxaana ku xiga inuu bixiyo wax u dhigma xagga qiimaha, waxaana u danbaysa inuu soomo, soonkuna waa nooc ka mida ciqaabta, taasoo aan ka qaadanayno in maalka laga hormariyo ciqaabta.

Sidoo kale, aayadda 92-aad ee suuradda al-Nisaa waxaan ka fahmaynaa in qofku bixiyo diyada, hadduuna haynna inuu soomo, soonkuna waa nooc ka mida ciqaabta jismiga, taasoo aan ka qaadanayno in maalka laga hormariyo ciqaabta, maxaa yeelay waxaa shardiya in qofku gudo waxa lagu leeyahay wax u eg haddii uu heli karo ama wax u dhigma. Sidaa darteed, in qofka wax xaday laga dalbado inuu maalka soo celiyo ayaa ka horraysa in loo ciqaabo wixi uu xaday, haddii uuna qofku hayn wax uu ku bixiyana in la yiraahdo shaqee muddo u dhiganta wixii uu qaaday ama in loo qabto inuu in muddo ah ku bixiyo.

Sidoo kale in la yiri dadka qaar ha soomeen, qaarna gacanta ha la saro waxaa laga qaadanayaa in ciqaabtu kala duwanaan karto, sida waxa la bixiyaba u kala duwan yihiin. Sidaa darteeed gacan goynta waa lagu bedeli karaa ciqaab kale sida xarig, shaqo, iwm, si looga fogaado khatar ka timaada meesha la jaray sida dhiig bax oo kale. Laakiin waxaa shardiya in caddaaladda la ilaaliyo, taasoo ka dhigan in muddada la xiray loo qiimeeyo mushahar si looga gooyo wixii lagu lahaa, iyadoo la wanaajinayo mucaamalada lagula dhaqmayo iyo noloshiisa labadaba.

Dhibka ka dhalan kara in qofka xubin dhan la jaro:

Gacantu waxay ku jirtaa xubnaha ugu muhiimsan ee qofku leeyahay, maxaa yeelay sida qaalibka ah qofku laba gacan ayuu wax ku qabtaa. Sidaa darteed, qofkii gacan la jaro waxay saamayn ku yeelan naftiisa iyo qoyskiisa labadaba, waayo wuxuu noqon qof aan shaqaysan karin in loo adeego mooyee. Sidoo kale bulshadii ay ku bataan dadka naafada ahi waxay noqon bulsho wax soo saarkeedu hooseeyo. Sidaa darteed, waa inaan ogaanno in gacantu tahay wax ka qaalisan maalka adduunka yaalla oo dhan maxaa yeelay wixii aan dadku awoodin isla markaana ah wax baahi loo qabo wuu ka qaalisan yahay waxa la heli karo, sidaa darteed waa inaan iska ilaalinaa inaan ku fududaanno in xubin dhan loo jaro shay adduunyo ah oo yar oo la heli karo, maxaa yeelay xubin xubin uun baa loo jari karaa.

Doorka maxkamadaha ee xugunka:

Haddii qof wax la yeelo ama la dhaco ama wax laga xado isaga ayaa xaq u leh inuu kala doorto in wixiisii loo gudo ama inuu wax ka tanaasulo. Sidaa darteed, doorka maxkamaduhu waxaa weeye inay dhexdhexaad ka ahaadaan xugunka, maxaa yeelay maxkamaddu waxay u xilsaaran tahay inay wixii labada qoys ku heshiiyaan ay fuliso, waayo qofka danbiilaha ahi wuxuu xaq u leeyahay in la cafin karo, qofka wax la yeelayna wuxuu xaq u leeyahay inuu wixiisii helo. Haddi marka maxkamaddu qofka ku xukunto xarig ama ganaax ama labadaba iyadoo wixii ganaaxa lagu shubayo khasnadda dawladda, waxay keenaysaa in labadii qof ee wax is yeelay mid waliba waayo wixii uu xaq u lahaa, maxaa yeelay waxaaa dhacda marar badan in maxkamaduhu ay qof iskaga xukumaan dil ama xarig iyadoo dadka wax la yeelay ay baahi u qabaan inay maal qaataan, sidaa darteed sida caddaaladda ahi waxay tahay in go’aanka loo celiyo qofka xaqqa leh oo ah qofka wax ka maqan yihiin.

Axaadiista ku soo aroortay xugunka tuugada:

Adilladii quraanka ahayd ee cadayneysey inaan qofka la ciqaabi karin wax ka badan wixii uu geystey waxay ahayd adillo quraana oo tafsiir u ah aayaada ku soo aroortay xugunka tuugga, sidoo kale waxaa jira axaadiis ku saabsan baabkan kuwaas oo laga qaadanayo tafsiir ka duwan kan aayadaha sida xadiiska soo socda:

عن عائسة أنها سمعت النبي صلي اله عليه وسلم يقول : ( لا تقطع يد السارق الا في ربع دينار فصاعدا)، صحيح المسلم في كتاب الحددود

(Looma gooyo gacanta tuugga waxaan ka ahayn diinaar rubucii iyo wixii ka badan) waxaa weriyey muslim, kitaabka ama baabka xuduuda).

Diinaarku wuxuu ahaa lacag bira oo dahab ka samaysan oo le’eg ama ku dhow lacagaha birta ah ee hadda la isticmaalo.

Xadiiskani wuxuu leeyahay dhawr cillo oo kala ah:

1) Dhammaan inta xaddiis ee ku soo araortay in qofka gacanta loo goyn karo wax le’eg diinaar rubuciis waxaa werisey caa’isha oo keliya inta aan ka arkay, xadiisyada hal saxaabi weriyaanna waxay culimadu u yaqaaniin aaxaad, taasoo ay ku muujinayaan inuu ka daraja hooseeyo xagga ku dhaqanka axaadiista mutawaatirka ah (dad badani weriyeen).

2) Xaddiisku wuxuu khilaafay aayaddii ka hadlaysey xugunka tuugga, maxaa yeelay aayaddu waxay xustay inaan xubinta oo dhan la jarayn, xadiiskana waxaa laga fahmayaa in ilaa lafta la goynayo.

3) Waxaa xadiiska laga fahmayaa in tuug oo dhan isku xugun yahay, inaan tuuggu cafis lahayn, in xubinta oo dhan loo goynayo wax yar oo maal ah, taasoo khilaafsan aayadihii laga fahmayey inaan qofka loo geysan karin wixii uu geeystey wax ka badan, in dadka wax kala duwan xada xugunkoodu kala duwan yahay iyo in qofka la cafin karo.

Waxaa kale oo jira axaadiis xusaysa dad la sheegay in gacanta la jaray waqtigii nebiga (csws) sida xadiiska caa’isha werisey ee tilmaamaya in gabar reer Makhzuumi ah gacan la jaray iyo xadiiska Cabdillaahi ibnu Cumar ee sheegaya in qof loo jaray gaashaan qiimihiisu yahay saddex dirham, kuwaas oo ah axaadiis ku xusan Bukhaari iyo Muslim, iyaguna waa axaadiis khilaafaya:

1) Aayadda ku saabsan xugunka tuugada

2) Aaayadaha laga fahmayo in naf loo jaro naf uun, xubinna xubin sida aayadda 45-aad ee suuradda al-Maa’ida.

3) Aayadaha laga fahmayo in mulkiyadda loo celiyo cidda iska leh, sida in haddii qof la dilo go’aanka loo celiyo eheladiisa , sida aan ka fahmayo aayadda 33-aad ee suuradda al-Israa. Sidoo kale haddii qof maal laga xado ama laga dhaco waxaa go’aanka loo celin ciddii maalka lahayd.

Waxaa xusid mudan, in macnaha axaadiista laga qaadanayo uu waafaqsan yahay labadii macne ee aayadda laga fahmayey mid ka mida, sidaa darteed hadii macnaha aayaddu iska bedeley sidii aan moodayney, axaadiistu waxay ka hor iman aayadda. Sidaa darteed, waxay noqonayaan daciif (wax aan lagu dhaqmi karin) maxaa yeelay marka 1aad quraanku wuu ka sarreeyaa axaadiista, marka 2aadna adillada quraanku way ka badan tahay axaadiista, marka 3aadna sida aayadaha laga fahmayo ayaa caddaaladda waafaqsan.

Sidoo kale, wixii aqwaal culimo ah ee axaadiista waafaqsan iyaguna daciif ayey noqonayaan hadday ijmaac yihiin iyo haday ka hooseeyaanba maxaa yeelay axaadiista ayay la xugun noqoayaan ama ka hoosaynayaan.

Gunaaad:

Aayadaha quraanka ah macnahoodu sida aan u malaynayno wuu ka fogyahay maxaa yeelay aayad walba tafsiirkeedu wuxuu ku xiran yahay aayada kale. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah inaan hubsiimada ku dedaalno markaan quraanka wax ka qaadanayno. Midda 2aad qofkii xugun qaadaya waa inuu yahay qof aqoon buuxda u leh waxa uu xukumayo, maxaa yeelay meelaha inta badan culimada ka hoos baxa waa meelaha ay sahladaan ama ay u tala saartaan culumo iyaga ka horreysey.

Maqaalkaan midka xiga waxaan jeclahay inuu noqdo -haddi Alle idmo- tafsiirka adilladda xijaabka, waxaana dhici karta in wax iska beddelaan sida aan hadda u fahansan nahay, sidaa darteed walaalaha ka ganacsada dharka xijaabka ha la ogaysiiyo si ay

ganacsigooda wax kale ugu bedeshaan khaasatan dharka madaxa loo isticmaalo.

Sh. Cabdalla M Aw Xasan.

anwar535@hotmail.com

3 thoughts on “Tuugga gacan ma la jari karaa?

  • October 19, 2016 at 10:09 am
    Permalink

    bismilaah waxaan aad ula yaabanahay inuu qof diin ku abtirsanayaahi waxyabaha qaar soo qoro taasoo ay xitaa masixiyintu ka xishoodaan ama ku dhiiran karin waxanse filayaa iney tahay laan cusub oo fatikanku u furtay dadka af somaliga ku hadla ama shiicadii ayaan dhaweyd la qoray iyo kan heesaha suuqgeynaya midkood waxaase taas kaaga fudud inaad cadceeda gacanta sarto inaad maanta tiraahdo anigaa og wax uu rabbi iloobay ama nabigii ka tegay dadkana uga naxariis badan allihii abuuray.
    waxaana aad uga xumahay in aadan aad isaga fiirin fariinta laguu soo dhiibay iyo suuqa aad ka iibineyso toona rag adiga si kasta kaaga horeeyay ayaan kor dhig hoos dhig u bedeli waayay anigoo dareen san inaad soo baraarugtay uun waqtig ayaase kuu macalin ah inshaa alaah.

    Reply
  • October 25, 2016 at 1:14 pm
    Permalink

    walalaha halkaan wax ku qora waxay ku margadeen axaadiista nabiga waana dareensanahay in ay u janjeedhaan dhinaca cilmaaniyadda ee diintoodii ka xuubsiibtay, runtii xaqa waad dhinacmarteen , waar ilaahay u toobadkeena oo iska daaya waxyaabaha aad dadka caamada u xalaalaynasaan , waxaad tiraahdeen diintiina waad ka bixi kartaan , wax waad xadi kartaan ,heesuhu waa banaan yihiin, wa barrina waxaan arki doonaa idinkooleh zinadu dhib maleh, war diintii maxaad ka soo reebteen haddaad xeerarkii ciqaabka iyo shuruucdiiba aad kutumateen, lama yaabayo barri kamaalin haddaad tiraahdaan salaada sidaas looma tukado oo aayadda quraanka sidaaskale baa fahankeeda laga qaadan,oo aad uga jeedaan in la tukado galab iyo subax oo kaliya

    Reply
    • November 1, 2016 at 2:20 am
      Permalink

      Wax aad sii ogtahay ayaad kasii hordhacaysaa. Salaadda inta la tukado qur’aanka ayaa nalookugu sheegay mana ahan sida hadda loo tukado oo Shanta waqti ah.

      Ma garanayo waxa aad dadka xaqa oga sii tallaalayso si aysan u rumeyn.

      Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code