Ukhtii naftu ku nacday naskiina ku fur:

Ukhtii naftu ku nacday naskiina ku fur: waallidii xalay aan kala kulmay waydiintii wadaadka!

Nin baa wadaad wuxuu weydiiyey su’aal sidatan ahayd:

Shiikhow waxaan ahaa macallin qaata mushaar dhan 100$, anoo nolosha la wareersan ayaan waxaan guursaday gabar, aabbeheed iyo hooyadeed wax dhaqaale ah ima aysan waydiisan. Aniga iyo xaaskaygu si wadajir ah ayaan waxaannu u bilownay xammaali , waxaa nasoo wajahay xaalad adag, xaaskaygu waxay muujisay xilkasnimo dheeraad ah, waxayna dhabarka u ridatay barbaarinta dhallaanka, aniguna dhuuniga  la cuno iyo dharka  dhallaanka ayaan soo dhicin jiray. Sannado badan ka dib, dunidii way noo dhoollacadaysay, noloshii aan ku dhibbanayna way is dhalan rogtay, oo waxaan galnay nolol baraare leh.  Xaaskaygii aan soo wada halgami jirnay way xoog beeshay, aniguna xaas cusub ayaan xayndaabtay, xoolihii aan soo wada xammaalnayna anaa xaabsaday, xariggeedi iyo meherkeedina waan siiyey. Haddaba shiikhow ma xumaan baan sameeyey???

Shiikhii wuxuu yiri : Haddii  xaalku yahay sida aad sheegtay, xaaraan maadan gelin, xilkii ku saarnaana waad gudatay ( wuxuu ula jeedaa maherkii la sheegay in gabadha la siiy)

Aragtida shiikhu waxay ka duulaysaa labo arrimood oo kala ah:

A: In xaqa gabadhu ku leedahay saygeeda marka ay ka la tagaan uu yahay meher keliya, meherkaasna ay ku mutaysatay baashaalkii uu ku baashaalay xubinteeda taranka المهر مقابل الِإستمتاع . Arrintaasi waxay u muuqataa in gabdhuhu ay noqdeen badeeco lagu badashay lacag.

B: Arrinta kale ee fatwada wadaadku cuskantahay waxay tahay in furniinku yahay xaq uu leeyahay ninku, dumarkuna ay la mid yihiin duunyo la foofsaday, waana meesha wadaaddadu ka dhahaan إنما الطلاق لمن أخذ بالساق  . Laakin dhanka kale marka laga dhowro dhacdadaan miyeysan u muuqan arrin caddaaladda ka durugsan, sababtoo ah dumarkii waxaad mooddaa in laga dhigay dhar la soo gatay deedna la’isticmaalay, markii ay duugoobeenna la daadshay .

Ku tagrifalka ninku ku tagrifalo furniinka waxaa ka dhashay dhibaatooyin aad u badan. Tirakoob laga sameeyey dalka Sacuudiga sanadkii 2015, waxaa lagu ogaadey in dalkaas saacaddii ay burburaan 8 qoys.

Sababaha  loo tiiriyo furniinka faraha badan waxaa kow ka ah siinta ninka kaliya  la siiyey mulkiyadda furniinka, taasoo keentay ku talaxtag  iyo tacaddi farabadan.  Haddaba haddii  guurku yahay  heshiis dhex maray lab iyo dhedig ku heshiiyey inay unkaan qoys ay wadaleeyihiin  maxaa diidaya in kalatagguna noqdo qorshe ay u wada dhanyihiin .

Dhaqanka furniinku waa dhaqan fac wayn oo Carabtu caado u leedahay. Dhammaanteen waxaan xusuusannaa in islaamku markii uu Carabta soo gaaray, ragga Carbeed ay agtooda caadi ka ahayd in ay guursadaan hadba intii ay u galmoon karaan oo dumar ah. Hasayeeshee diinta islaamku waxay isku dayday inay xakamayso xaaladdaas, waxaana la jideeyey afar xaas wixii ka badan inay xaaraan yihiin. Rag xeeladi kama dhaamatee, furniinkii ayaa wuxuu noqday waddo lagu xeeladaysto , oo xaasaska lagu badsado.

Markaan taariikhda dib u milicsanno, waxaan arkaynaa in furriinka haweenku uu ahaa aafo saamaysay carabta dhammaantood. Bal ila eeg haldoorkii Carbeed oo la caddeeyey in badankoodu- haddiiba aan la oran dhammaantood- ay guursadeen xaasas fara badan. Bilmatal, Khulafaa’uu Raashidiintii Cumar bin Khadaab, Cusmaan bin Cafaan iyo Cali bin Abii Daalib (RC) saddexdaba waxaa la sheegay in mid waliba sagaal xaas guursaday. Halkaas waxaa si cad kaaga muuqata sida dhaqankii hore ee Carabtu uu u saameeyey shareecada islaamka. Baraaruggii diineed ee dabayaaqadii siddeetanaadkii soo gaaray Soomaliya wuxuu watay qayb ka mid ah dhaqan carbeed uu  furniinku ugu horreeyey waana meesha ay salka ku hayso weedha oranaysa “Ukhtii naftiina ku nacday naskiina ku fur!

Umaddaha xalka u helay xiriirka ka dhaxeeya  labka iyo dhaddiga waxaa ka mid ah dowladaha reer Galbeedka ayagoo joojiyey  in furniinku yahay wax uu leeyahay ninku, mana ka dhacdo waddamadaas in ninku suu rabo  ka yeelo reerkiisa marka rabitaanku ka dhamaado. Arrinta furitaanka waxaa  go’aankeedu yaallaa maxkamadaha, marka saygu uu damco inuu xaaskiisa sii daayo, waa inuu maxkamadda tagaa, deedna sheegaa duruufaha ku kallifaya furintaanka, intaas kadib maxkamaddu waxay u saartaa guddi ka soo baaraandega cabashada sayga ,waxaa kaloo loo yeeraa xaaska ninka, si loo ogaado dhibaatada keentay dalbashada furniinka ee ka timid dhanka ninka, intaas kadib waxaa la isku dayaa in la dhexgalo xaal mastuurna wax lagu dhammeeyo. Furniinku wuxuu yimaadaa  marka xaaladdu xumaato, go’aanka kalataggana waxaa leh maxkamadda .Arrintaas waxay keentay in aan cidna ku degdegin furniin aan laga fiirsan.

Waxaa dhici karta dadka qooqa la ildaran ee raba in gabadhay arkaanba ay ka dulbaxaan, deedna markay dantooda bogtaan ay dhahaan baayo naftiina ku nacday naskiina ku fur,  inay arrintaan ah in maxkamaddu go’aamiso kalaguurka sayga iyo afada is qaba, ay u arkaan arrin baalmarsan shareecada islaamka. Haseyeeshee, si dhab ah marka loogu dhabbagalo diinta islaamka waxaad ogaanaysaa in arrintani ay ku qotonto nuxurka shareecada islaamka ee ah ilaalinta danta guud  iyo ka hortagidda burburka qoyska.

Akhristow axkaamta Shareecada waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: Cibaado iyo Mucaamalo, waxa ugu muhiimsan ee lagu kala saaraana waa in Cibaadadu aysan ahayn axkaam lafahmi karo xikmadda loo jideeyey, ee ay tahay in loo qaato Alle caabud oo keliya. Tusaale ahaan, ma garan karno sababta salaadda Maqrib saddex ragcadood looga dhigay, Duhurka,Casarka iyo Cishahana afar ragcadood loo gadhigay. Sidoo kale ma garan karno sababta qofku markuu gadaal-ka- neefsado  uusan u dhaqin meeshii uu ka neefsaday, ee loo amray inuu dhaqo xubno kale sida Wajiga, Gacamaha iyo Lugaha.

Haddaba, si leeda-fuulka iyo gacan bidixaynta looga ilaaliyo sharaceeda Islaamka,  Alle axkaamta marka uu soo dajiyey wuxuu  ku xiray xikmad iyo macne laga leeyahay ee kuma uusan  xirin muuqal iyo magac,  waana meesha culimadu ka dhahaan xukunku waxa uu raaacaa cillada iyo xikmada loo jideeyey “ alxukmu yaduuru maca cillatihi wujuudan wacadaman/ الحكم يدرو مع علته وجودا وعدما.”

Sidoo kale, axkaamta waxaa loo kala saaraa labo qaybood oo kale ah:

Kow :Axkaam jirtay Islaamka ka hor dabadeedna Islaamku uu sideedii hore ku socodsiiyey ama uu wax yar ka badalay الأحكام الإمضائية . Axkaamta noocan ah waxaa u badan mucaamalaadka sida guurka, beeca iyo magta .

Labo: Axkaam ugub ah oo aan horay loo aqoon sida salaadda iyo sakada. Axkaamta noocan ah waxay u badan tahay cibaaddada.

Farqiga u dhexeeya labadan qaybood ee axkaamta ahí waxuu yahay in midda hore ay ku jaan go’antahay qaabkii shareecadu u jideysay. Midda kalena ay tahay axkaam la rabo inay la jaanqaaddo curifaga iyo duruufta dhaqan-dhaqaale ee markaas jirta.  Haddaba shuruucda guurka iyo furriinku waxay qayb ka yihiin axkaamta la rabo in la waafajiyo casriga cusub iyo xuquuqu insaanka, si loo yareeyo tumashada  diimaysan iyo tacadiyada ka dhasha .

Axkaamta noocan ah waxaa maamulkeeda iyo wax-ka-badakeeda leh dowladda markaas jirta, ayadoo ka anbaqaadaysa danta dadkeeda iyo duruufaha ku xeeran, sababtoo ah danta guud ayaa halbeeg u ah sharci walba oo wax lagu maamulo المصلحة العامة هي الأساس في مشروعية القانون  .

Sida la wada ogsoonyahay Khaliifkii 2-aad ee Muslimiinta Cumar binu Khaddaab (RC) ayaa joojiyey sharci lagu dhaqmi jiray xilligii Rasuulka (SCW) iyo sannadihii Abuu-Bakar (RC) uu xukunka hayey. Sharcigaas oo ahaa qaabka wax loo furo, iyada oo Cumar sharci badalkaan u cuskaday danta guud iyo ilaalinta qoyska.

Haddaba, maxaa u diiday maxkamadaha  waddankeena in ay joojiyaan furniinka afka waxlaga furo Sharcina laga dhigo in guurka iyo furniinka labadaba la dowladeeyo, si loo xakameeyo in lagu tacadiyo haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in  dabayaaqadii sannadkii 2015 waddanka Masar ay ka dhacday dood maan-gal ah oo ku saabsanayd furniinka afka looga dhawaaqo الطلاق الشفوى  . Labo shiikh oo ka mid culimada Azhar oo kala ah Sacdu Diin Al-Hilaali iyo shiikha kale ee lagu magacaabo Khaalid Al-Jundi  ayaa ku dooday  in furniinka afku uusan  sharci ahayn, gabadhuna aysna ku furmi karin meel aan maxkamad ahayn .

Sacdu Diin Al-Hilaali isagu mowduucan wuxuu ka qoray buug la magac baxay “Fiqiga Masaarida ee burinta furriinka afka ee kuwa isku guursaday si rasmi ah/ فقه المصريين في إبطال الطلاق الشفوي للمتزوجين بالوثائق الرسمية

Shiikhu buuggan wuxuu ku sheegay in furniinkaasi uusan sharciga waafaqsanayn, uusanna dhacayn. Dhanka kale shiikh Khaalid Al-Jundi   isagu waxa uu leeyahay see baa gabadha mustaqbaleedku ugu xirnaan karaa weedh la iska yiri   كيف تكون المرأة مرهونة في كلمة .

Maqaalkaan gaaban ujeeddadiisu ma aha in uu sheego ama tibaaxo in furniinka noocaan ahí uu yahay xalaal ama xaaraan, balse ujeeddadu waa in la isku baraarujiyo in furriinka noocaan ahí uu yahay dulmi iyo duudsi lagula kacayo haweenka.

Gunaanadkii iyo gebogabadii, waxaa habboon in aan is xasuusinno xadiiska nebiga (SCW) laga wariyo ee yiraahda: “ Shuruudda kan u mudan in aad oofisaan waa midka aad ku bannaysateen xubnaha taranka ee dumarka/ “أحق ما أوفيتم من الشروط أن توفوا ما استحللتم به الفروج. Shardigaan xadiisku xusay aalaaba waxaa lagu macneeyaan meherka, waxaase igala habboon in lagu macneeyo dhammaan xuquuqda ka dhalata guurka, oo uu ugu horreeyo nolol-wadaag joogto ah. Maxaa yeelay, haweenaydu ninka uma guursato meherka darti, balse waxay u guursataa si ay ula qaybsato nolosheeda oo dhan, macaan iyo kharaar labada.

Sida roon Allaha na waafajiyo.

Burhaan Ahmed Mohamed

feerofitig@gmail.com

8 thoughts on “Ukhtii naftu ku nacday naskiina ku fur:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

code